SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bandhig carwo cunto karin ah oo lagu qabtay Johannesburg, taas oo lacago deeq ah loogu aruurinayo mashruuc indho fiiqid ah oo Soomaaliya laga fulinayo.

Boqolaal Soomaali ah ayaa duhurnimadii maanta ku xoomey hoolka shirarka ee daarta Amal , halkaas oo lagu qabtay bandhig carweed cunto karin ah, taas oo lacago deeq loogu aruurinayay mashruuc indho fiiqid ah oo Soomaaliya ay ka fulinayso Hey’ada samofalka ee Kafaalo, carwada ayaa noqoneysa tii ugu horeysa nooceeda oo kala ah oo dalkani ka dhacda.


Axmed Dheere

Waxay aheyd carwo ganacsi ah, laakiin ujeedka wuxuu ahaa mid ka xeedheer ganacsi,wuxuu ahaa gargaar, waa ganacsi lacagta kasoo baxda indhaha loogu fiiqi rabo boqolaal Soomaali ah oo aragooda beeley oo ku nool dalkeenii hooyo, boqolaal Soomaali ah oo manta carwadani kasoo qeybgashay, masaafada ay Soomaaliya ka fogyihii (7,000km) kameeysan hor istaagin in eey taageeraan ganacsigani qeeyriga, sida uu leeyahay Sh. Axmed Dheere oo ah xoghayaha guud ee Mus’asasada Al-bayaan, dadka kasoo qeybgalay 5 jeer ayay ka badnaayeen dadkii markii hore la filanayay, illaa heer cuntadii carwada loogu talo galay ay dadkii magaalada gaari weeysey, oo dad raxanraxan u socda ay ka noqdeen hoolka iyagoo aanan waxbo afka saarin.wuxuuna intaasi ku daray in ujeedka deeq aruurinta ee looga dan lahaa, eyba ka xeerdheereyd waxa meesha ka dhashay oo ahaa isu imaatin midnimo baddan laga dhaxlay.


Waxaa lagu soo bandhigey cunnooyin tayadoodu heer sareeyso, oo eey ku faroyaraysteen haweenka Soomaaliyeed, hawada oo dhan waxaa saaqay carafta cuntada, illaa heer aaga oo dhan laga carfin karayay raashiinka noociisa oo kale aanan dhawaanahanba indhaha saarin, waxaan oran karaa qofkii kilo mitir ka durugsan goobta xittaa waxaa soo jiidanayay carafta hawada saaqdey, markii aan dul istaagay tiro miisas ah oo cunooyinka ay ku safanyihiin, haween xijaabana ay xagga dambe ka taaganyihiin, waxaan kala haleeli waayay qaab aan u kala doorto cuntada, wax aan cunno ayaan garan waayay, illaa markii dambe aan si sahlan u dhahay anigoo dhoolo cadaynaya“qado ayaan rabaa”. Dabcan dareenkaasi waxaa ila wadaaga boqolaalkii raga soomaaliyeed ah ee meesha tagay, qaarkood oo aan waraystay waxay si shoor ah iigu sheegeen “saaxiib dhab ahaantii dumarka Soomaaliyeed iyo cuntada ay kariyaan ma jirto qiimo gooya oo aan ku badalan karno, dadkeena xaasaska aan lahayn hiyi kac iyo dareen wadankeenii ah ayaa na galay, runtiina waa markii ugu horeysey intii aan dalkani joogay oo aan cunno cuntadani oo kale, oo sedan sharafta u leh”.

hoolka lagu qabtay carwada

Marka aan hoolka soo gasho waxaad galaysaa saf dheer, waxaad qaadanaysaa boonooyin ay ku qoronyihiin qiimoyaal go’an oo ku jaan go’an hadba cuntada aad dooneysid, kadib saf kale ayaad galaysaa, oo aad dhiibanaysaa boonada, kadibna cuntada ayaa lagu siinayaa, cuntadu waxay ka koobneyd, hilbo, bariis baasarac ah, baasto noocyo leh, muufo iyo maraqeeda,suugo rasiin ah oo geedogeedo loo dhamayay, shidni, qudrad, iyo cabitaan, cuntada waxaa dul saarnaa sabiib iyo waxyaalo kale oo carfa, waxyaalaha kale ee bandhiga lagu soo bandhigey waxaa ka mid ahaa alaabo ay caruurta ku cayaaraan,waxaa goobta qabsaday toboneeyo caruur ah oo farxad wajiyadoodu haraysay, kutubo diini ah, iyo barfuumaad, dhamaan waxyaalahani ayaa si halhaleel ah ay dadka u iibsanayeen, muddo saacad iyo bar gudahood ah oo boqolaal qof oo meel kaliya wax ku wada cunaya kadib, waxaa go’ay cuntadii, walina waxaa goobta kusoo xoomayay toboneeyo qof oo safaf dhaadheer ku jirray, maamulka bandhiga ayaa qirtey in eey jirtey qorshe xumo, iyo qiimeyn darro, taasoo ay ku micneeyeen in eey aheyd markii ugu horeeysey oo ay qabtaan barnaamij noocan oo kala ah.



Inta wax la cunayay, waxaa darbiga ka socday bandhig filim laga soo duubay mashruuca agoonta iyo indho fiiqida ee Kafaalo, taasoo soo jiidanaysay dareenka dadka.
 


Amal Shopping centre


Banhdiga waxaa suurogaliyey kadib markii albaabada loo xirey maqaayadihii magaalada ee laga cunteyn jirey, kuwaas oo mulkiilayaashooda ay ku taboruceen in eey ganacsiyadooda u xiraan bandhia dartiis. Waxaa ka mid ah maqaayadaha la xirey, Maqaayada Ceynu Shamsi, Kismaayo, Jaamac Bashiir, iyo tan Rasmi.

Aragtida dadka.

Waxaan goobta aragtidooda ku weeydiinay dad kala duwan oo kasoo qeyb galay carwada. Sidani ayayna u kala hadleen.

Maxamuud Timo Jillic “waa heersare, waxaanan u arkaa barnaamij dhaqan gal ah, oo aan waligeey horey u arag, waxanaan rajaynaa in la joogteeyo”
Nabadoon C/Laahi Faahiye “aad iyo aad , iyo waliba aad ayaan ugu faraxsanahay, mana jirto wax aan u dhigo, iyo kalmado aan ku qasaaso, waxaan qirayaa in eey jirtey xoogaa farsamo xumo yar ah, laakiin maadaamaa ay aheyd markii ugu horeysey ee aan qabano arrintani oo kale, waxbaddan ayaan ka baranay”
Shiine Yussuf “waa guul, waxaan oran lahaa dumarka talada iyo agaasinka howlaha oo dhan halagu wareejiyo, waayo haddiiba dumarkeena sidaan wax u maamuli karaan, ma jirto wax loo dhigo”. “waxa manta meeshani ka dhacay wuxuu ahaa wax ka heersarayee shirkii Carte oo kale sida soomaalidu midnomo u muujisey”.

Maxamed Diiriye “waa mashruuc najaxay, waana markii ugu horeysey oo aan arko mashruuc markii koowaad ah oo sidaan u najaxa, waxaan soo jeedin lahaa in la sameeyo gudi anshax dhowris ah oo labisan dhar gaar ah , marka la fulinayo mashroocyada noocaan ah, waxaan qirayaa in cuntada maanta halkaan aan ku cunay ay ka macaanayd tan maqaayadaha, dumarka Soomaaliyeedna waa mahadsanyihiin”.

Markii uu bandhiga gabogaboobay ayaa waxaa hoolka kusoo haray haweenka oo kaliya, kadibna waxaa qadka taleefoonka soo galay Sheeikh Maxamed Idiris oo qudbad gaaban u jeediyey haweenka.

Sh. Axmed Maxamuud Cabdi (Axmed Dheere) oo waraysi gaar ah aan la yeeshey ayaa ii sheegey in bandhigani uu ahaa mid guul lama filaan ah laga gaaray, dadkuna ay kaga soo qeybgaleen tiro aanan la fileynin, wuxuu intaasi ku daray in mustaqbalka ay filayaan carwooyin noocan oo kala ah, mar aan weeydiiyey cidda lacagta kasoo baxda mas’uulka ka ah ayuu ii sheegey in hey’ada Kafaalo ay tahay midda lacagta lagu wareejin doono, iyagana ay kormeer ka heyn doonaan, Sheekha oo ah xoghayaha guud ee ururka Al-bayaan oo maamula masaajidada, madaariista iyo dacwada diiniga ah ee Soomaalida dalkani, muusan sheegin cadadka lacagta la gurey, wuxuuna balan qaaday in uu saxaafada usoo gudbin doono, marka xisaab xir la sameeyo.



Indhuhu waa xubnaha ugu muhiimsan ee jirka bini’aadamka, ifka joog oo illeyska aduunkana ha arkin waa mucjiso,iyo masiibo rabaani ah, waxaa kaliya oo muhiimada araga dareemi kara ninka araga beeley, darajada xag rabi uu ka heleyao qofka walaalkii oo muslim ah aragiisa usoo celiya waa mid aanan qayaas iyo qiimeyn lahayn .

Waraysigii Sheikh Axmed Maxamuud Cabdi: Dhegeyso ama mp3

Cabdinaasir Axmed. Sh. Bashiir (saxansoxo), Email: Southafrica@somalitalk.com,
Saxansoxo1@hotmail.com.

Somalitalk.com, Johannesburg , South Africa.

Shir Jaraaid oo Axadii  magaalada Nairobi uu ku qabtay Professor Dalxa

Faafin: SomaliTalk.com |  July 14, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS