SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Horta  Somalia saaxiib maleedahay qaybtii 3aad.

Siyaasada arimaha dibadu waa  wadnaha wadanka waa barta laga hago in wadanka xuduudihiisu aanay cadaw gacanta ugalin haduusan wadanku taagwayne ahayn waa meesha laga ogaado dadka kunool aduunka ninka cadawga kuu ah iyo kan rafiiqa kuu ah waa halbeega lagu ogaado waxma tarayaasha  aduunka sidaas daraadeed Somalia oo ahayd wadan dhulkiisa inta badan maqanyahay ahna wadan faqri ah oo taageero aduunka uga baahan waxaa muhiim ahayd in siyaasada arimaha dibada ay noqoto meel  laisugu keeno dadka Somalia ugu aqoonta badan ugu aftahansan ugu wadanisan ugu dabeecad wanaagsan aad ukala yaqaanna shuruucda caalamiga ah aad uyaqaana  habdhaqanka qaramada midoobay aad uyaqaanna luqada diblomaasiyada hadii intaas laheli lahaa madheceen waxyaalahaan aan soo wado.

Sanadkii 1975kii  Somalia waxay inkirtay saldhigii Ruushku kulaha berbera ayadoo loola jeedo in reer gabeedka taageero looga helo maxamed siyaad ayaa yiri mandaqada geeska afrika waa dhexdhexaad kamaxbanaan quwadaha waaweyn  wuxuuna berbera ku marti qaaday wariyayaal reer galbeed ah iyo gudi xaqiiqo raadin ah oo kasocda senate-ka mareykanka markay berbera yimaadeen oo ay tageen saldhigii Ruushka waxay isku dayeen inay sawirro kaqataan laakiin saraakiishii Ruushka ayaa diiday. Marka uu maxamed siyaad saas yeelayo waxaa wadanka Somalia jooga in kabadan 10,000 oo ciidan iyo khubaro millateri oo Ruush ah.

Talaabadaas waxay aad ucaro galisay dawladii Ruushka waxay maxamed siyaad ku tilmaameen labo wajile raba inuu bari iyo galbeed darandoorri uliso. Khiyaamooyinka kale  oo ay wadeen wadamo carbeed iyo mareykanku sida wanaagsanna ay umaaran waayeen saraashiikii wasaarada arimaha dibada iyo madaxdii Somalia waxaa kamid ahaa

 madaxweynihii masar anwar al saadaat ayaa kugoodiyay inuu Somalia Ruushka kasaari doono wuxuuna yiri way noo fududahay taasi waayo markii horeba annagaa soo galinay qaarada afrika. Anwar al sadaat oo Ruushka taageero kawaayay markii uu ladagaalamayay yahuuda markaasna mareykanka iskala saaxiibay iyo boqor fahad oo waligiisba ahaa maqaarsaar ameerikaan ayaa waxay sameeyeen qorshe khatar ahaa oo Somalia lagu halaagay.

 Nin lagu magacaabi jiray Kavin Cahill oo ahaa dhakhtarkii madaxweynihii hore ee UAE dhalashadiisuna mareykan ahaa ayaa waraaq loosoo dhiibay ay ku qornayd farriin been ah wuxuu ukeenay maxamed siyaad waxaa ku qornaa in mareykanku hub ka iibinayo Somalia qiimaha hubkaas waxaa bixinaya dawlada sacuudiga . sidaas  daraadeed danjirihii Somalia u fadhiyay Washington cabdullaahi axmed cadow ayaa codsi hub ugudbiyay mareykanka  laakiin waxba kama helin.

 Waxaas oo dhan marka ay dhacayaan wadanku wax uu kujiray xaalad adag ciidamada Somalia waxay joogaan gudaha itoobiya waxaa socda dagaallo kharaar oo jabhadii xoreynta Somali galbeed oo kaashanaysa millateriga Somalia ay kawadaan gudaha itoobiya, itoobiyana waxay wadaa qaylo dhaan ah in Somalia rabto inay qabsato itoobiya indhaha caalamka oo dhan waxay kujeedaan Somalia.

Sikastaba ahaatee dawladii midawga soofiyeetku markay qiimaysay habdhaqanka saaraakiisha Somalia iyo sida ay rabaan in midba waji kula dhaqmaan carab iyo mreykan oo meel ah iyo midawga soofiyeetka oo ay rabaan inay mid mar lisaan markay eegtay  wiilka dhagaha fudud ee itoobiya maamula iyo sida uu ugu dhaga fududyahay amarada moosko waxay goaansatay inay dib u eegto xiriirka Somalia hadii ay wax kabadali waayaan habdhaqankooda qalafsan.

Horaa loo yiri:

Tuhmaa lagu  ridaa niman haday kala tegaayaane,

Tubta toosan waa laga duwaa tuurintii jabiye..

Hadii sababtu dhici maanka waa layska suulshaaye,

Solimaysid  taladii eebbe seeg ku leeyahaye..

Maxamed siyaad oo aaminay beentii  carabta dibna aan ufiirin taariikhda reer falastin iyo waxay carab u tartay ayaa taariikhdu markay ahayd 13/11/1977kii kudhawaaqay inla tirtiray heshiiskii {soviet Somali treaty} iyo waliba wadanka cuba xiriirkiisii wuxuu kaloo amray khubaradii soofiyeetku iyo safaaradii cuba-ba ay wadanka isaga baxaan saacado gudohood.

Xaqiiqdii goaankaas wuxuu ahaa mid qayru masuulnimo ah wuxuu ahaa jab weyn oo Somalia kudhacay xag millateri iyo xag dhaqaalaba wuxuu ahaa mid haadaan dheer ku riday qarankii Somalia wuxuu ahaa goaan uusan qaateen nin ruug caddaa siyaasadeed ah wuxuu ahaa goaan uusan qaateen nin wadankiisa dagaal kufuranyahay wuxuu ahaa goaan uusan qaateen nin hogaamiye u ah wadan sida Somalia oo kale ah wuxuu ahaa goaan uusan qaateen nin xasuusta gabaygii sayidka ee ahaa

Nimankii cigaalada xumaa ciidan ma hayaane

 inkastoy cid kuu soo diraan waa cidloo kale’e

maandhow calaacalka iga daa carabi waa naage..

goaankii maxamed siyaad ee qar iska tuurnimada ahaa wuxuu sharaf dil iyo karaamo ridid ku ahaa wadan ah mid laga haybaysto aduunkaan wuxuu dac kujiidis ku ahaa wadan taag weyne ah oo madaxdiisu utababaranyihiin kaligii talisnimada iyo sida looga aarsado kuwa taagta daran ee awaamiirtiisa  kahoryimaada sharaftiisana wax u dhima.

Sidoo kale goaankaasi wuxuu bishaaro iyo bil khayr u ahaa kaligii taliye mengistu xayle mariam waxyarkadib goaankaas  si uu uraali galiyo moosko wuxuu maalintaas toogtay ku-xigeenkiisi  Atnafu abate oo lagu tuhmay inuu ujanjeero dhinaca Washington wuxuuna dalbaday 15000 ee ciidamada iyo khubarada Ruushka ah  ee Somalia laga eryay in  wadankiidu gacmo furan kusoo dhawaynayo waana laga aqbalay oo meel dheer iyo safar dheer midna magalin ee addis ababa iyo dakada casmara bay u taxaaxuleen.

:::Horta Somalia saaxiib maleedahay-Q.2aad

WQ  Cali muxamed diini (cali dhuux) Perth Australia.

Email calidhuux20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 9, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS