SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Horta Somalia saaxiib maleedahay.

WQ  cali muxamed diini (cali-dhuux) Perth Australia.
Email  calidhuux20@hotmail.com

Waxaan maqaalkan inaan qoro ugoaansaday markaan arkay sida wadamada aduunku ay midkasta oo kamid ah uleeyahay saaxiib kale oo u hiilliya maalintii dhibaato kudhacdo markay brwaaqo yihiinna ay wax wada qabsadaan  gaar ahaan qaarada afrika wadama kuyaallaa waxay kutiirsanyihiin taageerada saaxiibadooda reer yurub gaar ahaan kuwii gumaystay tusaale ahaan wadanka ay soomaaliya dariska yihiin Kenya waa saaxiib weyn oo ingiriiska iyo maraykanku kuleeyihiin bariga afrika waxayna sanad walba siiyaan taageero dhaqaale oo farabadan wax si wayn uga caawiyaan arrimaha amaanka iyo sirdoonka waxaana saldhigyo milletary ku leh wadan ingiriisa, markii ay uu dhacay murankii dorshada Kenya ee sanadkii tagay waxaa la ogaa sidii loogu  dadaalay inaan dagaal sokeeye kadhicin wadankaas  sidoo kale wadanka Ethiopia waa saaxiib fog oo reer galbeedku kuleeyihiin afrika waxaaba la orankaraa waa wadanka kaliya ee saaxiibka dhabta ah ku leh yurub intaas iyo kale oo aanan soo koobi Karin oo saaxiibtinimo ayay leeyihiin wadamada dariska la ah Somalia.

 Bal hadana aan eegno Somalia, waqtigii Somalia xoriyada qaadatay waxaa jiray laba quwadood oo aduunka ugu waa weynaa kuwaas oo kala ahaa dawladii midawgii soofiyeetka oo looyaqaabay USSR iyo dawladaha reer galbeedka oo mareykanku hogaan uyahay  waa NATO IYO WARSO

  waxaa kaloo jiray dawladaha carabta oo Somalia dhaqan iyo diinba ay wadaagaan sidaas daraadeed waxaa qasab ku ahayd madaxdii soomaaliya ee waagaas inay aduunka saaxiib kuyeeshaan maxaa yeelay Somalia waxay ahayd wadanka faqri ah oo xorriyada hada qaatay oo hadana dhulkiisi maqanyahay una baahan gacan qabasho si uu dhulka uga koco,

 ayadoo taas laga duulayo ayuu raisul wasaarihii Somalia ee xiligaas  mudane cabdirashiid cali Sharma arke horraantii 1960kii wuxuu booqasho kutagay magaaloyinka Rome iyo Washington wuxuuna kacodsaday kaalmo miletari iyo mid siyaasadeed taas waa diideen waxayna yiraadeen Somalia uuma baahna miletari ee waxay ubaahantahay 5000 oo boolis ah waxayna ogolaadeen 10 milyan qaaraan ahaan loo uruuriyo.

 mudane cabdi rashiid asagoo taas kacarooday ayuu 23/05/1961 booqasho u tagay magaalada Moosko ee xarunta Ruushka wuxuuna codsaday in Somalia lataageero waana laga aqbalay oo 02/06/19961kii waxaa qalinka lagu duugay heshiiskii {Somali-soviet treaty} kaas oo ahaa mid balaaran oo dhinacyo badan taabanya sida mashruucii Russian projects waxaase ugu muhiim sanaa in Ruushku sare uqaado tayada, tirada, tababrka, hubka ciindanka xooga dalka soomaaliyeed.

markii inqilaabka talada kula wareegeen miletarigu  1969kii waxay siyaasada  arimaha dibada kuwadeen tubtii uu cabdirashiid ujeheeyay waxaana sii laba lixaadsaday xiriirkii Ruushka iyo Somalia waxaa dalka laga eryay jaajuusiintii ameerikaanka  waxaana Ruushku xoojiyay maalin galintii Somalia sida ballarintii dekada iyo garoonka kismaayo, warshada hilibka kismaayo, isbitaalka warshiikh, isbitaalka waajid, mashruucii faanoole, madbacadda xamar, warshada kaluunka laasqoray iyo mashruucyo kale oo farabadan  xiriirkaas kadhexeeyay labada wadan waxaa sii xoojiyay wadamada masar iyo suudaan oo dalalkooda kacayriyay khubaradii millatari ee Ruushka.

Inta aysan masar iyo suudan cayrin khubaradii soofiyeetka waxaa Somalia booqasho kuyimid marshal Grechko wasiirkii gashaandhiga ee Ruushka si carabta loogu muujiyo in Ruushku saaxiibo kale kuleeyahay badda cas, badda casna aysan ahayn haro-carbeed oo kaliya.

 10/07/1972 waxaa moosko lagu martiqaaday  wasiirkii gaashaan dhigga Somalia maxamed cali samatar  wadahadaladii uu layeeshay madaxdii Ruusha waxaa kasoo baxay in Ruushku  Somalia siiyo hub tiro badan oo ay kamid ahaayeen taangiyo, diyaarado dagaal iyo sawaariikhda saam-3 iyo taageero kale oo farabadan.

Bishii luuliyo 1974kii waxaa Somalia booqasho kuyimid madaxweynihii soofiyeetka S.N.PODGORNY waxayna madaxdii Somalia kala saxiixdeen heshiis saaxiibtinimo {friendship & CO-operation Treaty} Ruushkuna wuxuu Somalia ugu deeqay hub qiimihiisu gaarayo 300 oo milyan oo doolar. Xiriirka wanaagsan ee u dhexeeyay  Somalia iyo midawgii soofiyeeti iyo taageerada Somalia ay kaheshay soofiteetka ayaa Somalia waxay noqotay wadan sharaf iyo meeqaam ku leh caalamka.

Qaybta labaad ayaan ku eege doonaa meesha uu kudambeeyay saaxiibtinimadii Ruushka iyo Somalia iyo waxa baabi’iyay iyo cidda mas uulka ka ahayd.

HORTA SOMALIA SAAXIIB MALEEDAHAY QAYBTII 2AAD.

Sida aan soo sheegnay  xiriirka Somalia ee dibada waxa ugu waynaa uguna muhiimsanaa kan ay la lahayd midawgii soofiyeetka maamulayasha Somaliyana waxay wadanka ujeheeyaan dhinaca hanti wadaaga  ah ayagoo dhabarka ujeediyay reer galbeedka.

 xiriirku waxa uu sidaas kusocdaba ayaa sanadkii  1974kii waxaa wadanka itoobiya taladisa lawareegay ciidamada millatariga waxayna halkaas kusoo afjareen boqortooyadii xayle salaase ee soo jirtay nus qaringa,

 markii milatarigu lawareegeen talada waxaa kadhex aloosmay muran kusaasan  halka loo jahaynayo wadanka labada dhinac ee NATO iyo WARSO  waxaana dhex maray gacan kahadal sababay in ladilo jenaral Aman andom oo markii xayle salaase lariday loo doortay madaxa sare ee dergue-ga ahaana taliyihii ciidamada Ethiopia xiligii dagaalkii Somalia ee 1964kii

 dagaalo farabadan kadib waxa markii dambe guushu raacday dhinicii warso ee hogaanka u ahaa mengistu xayle mariam oo talada itoobiya si rasmi uu lawareegay 1977kii guushii  mengistu waxay  guul kale u ahayd soofiyeetka maxaa yeelay itoobiya waxaa saldhigyo kulahaa mareykanka mengistu mareykanka waa uu kasoo horjeeday.

1977kii bishii may mengistu wuxuu albaabada ulaabay saldhigii ameerikaanku kulahaa casmara wuxuu kaloo cayriyay 300 oo saraakiil ameerican ah taas oo guul u aheyd soofiyeetka maadaama uu berbera oo uu awalhore saldhig kulahaa ku darsaday casmara sidaas daraadeed waxaa dawlada soofiyeetka qasab kunoqotay in dhexdhexaadiso Somalia iyo itoobiya si ay u badbaadsato saldhigyadeeda waxaana loo xilsaaray dhexdhexaadintaas fidel castro madaxweynihii cuba,

castro ayaa 13/03/1977 muqdisho yimid wuxuuna sheegay inuu nabadayn wado waana laga aqbalay, maalintii xigtayna addis ababa ayuu tagay kadibna 16/03/1977 wuxuu cadan kushiriyay  siyad barre, xayle maryam iyo cali rubeeci oo markaas ahaa hogaamiyaha yamantii koofureed wuxuuna miiska soo dhigay in sadexda dal ay kumidoobaan dawlad federal ah oo hanti wadaag ah maxamed siyaad wuu aqbalay  laakiin wuxuu shardi uuga dhigay in Eretria iyo soomali galbeed madax banaani lasiiyo Kadina ay kaqayb galaan hanti wadaaga taasna waxaa diiday mengistu sidaas ayuuna kuburburay shirkii.

 3/5/1977kii waxaa magaalada moosko booqasho kutagay mengistu xayle maryam waxaana loogu deeqay hub qiimihiisu kor udhaafayay $385 million, Somalia waa ay kacarootay arintaas waxay soofiyeetka kuwar galisay in aysan udulqaadan doonin hubantabaynta itoobiya.

Sanadkii 1976kii maxamed siyad barre wuxuu booqashoyin kutagay dalal carbeed waxayna kusalaysnayd kaalmo doon.

Bishii maaj 1976kii sacuudiga ayaa Somalia ugu yaboohay mucaawino farabadan hadii soofiyeetka la gacayriyo Somalia

 06/04/1977 amiir sacuud al faysal ayaa booqasho kuyimid muqdisho  wuxuuna ballan qaaday 350 million hadii soofiyeetka lacayriyo.  14/02/1974kii Somalia waxay kubiirtay jaamacada carabta. Arimahaas oo dhan waxay mugdi galiyeen xiriirkii soofiyeetka iyo Somalia waxaana jirtay khiyaamo kale oo lagu wax yeeleeyay xiriirka labada dal laakiin qaybaha dabme ee maqaalkaan ayaan kusoo qaadan doona .

WQ  cali muxamed diini (cali-dhuux) Perth Australia.

Email  calidhuux20@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008 |Updated: July 5, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS