HAA SHAREECADA WAA ISKU DHIQI KARNAA.
Qaybtii 3aad
Bismilaah.
Asalaamu calaykum.
Waxaan hore uga soo hadalnay labo maqaal oo kala ahaa.
1-Haa shareecada waa isku dhiqi karnaa iyo beesha caalamka ee diidan.
Waxaan maqaalkaas ku soo yara iftiiminay awoodooda iyo xeendaabyada ku
hareeraysan.
Waxaan kaloo soo iftiiminay meeshii ay marayeen iyo hoobadkooda hada.
2-Haa shareecada waa isku dhiqi karnaa iyo qalcahadahay degan yihiin.
Waxaan kaga soo hadalnay dhufaysyada ay degan yihiin umadahana ka
farageliyaan.
Hadaba wuxuu toos ugu xidhan yahay maqaalkani labadii ka horeeyey
Waxaana la yidhaahdaa.
3-Haa shareecada waa isku dhiqi karnaa iyo waxay ilaalinayaan.
Waxaan isla eegi doona hadii ALLAH idmo maxay qalcadaha iyo dhufaysyada
u galeen ooy ilaalinayaan inaysan dhicin iskana bedelin siday hada
tahay, inay iyaga uga badiso mooyee.
Aduunyada nin joogoow maxaa aragti kuu laaban baa layidhaahdaaye
hardanka aduunka ka jiraa maalinba meel buu soo marayey, sunanta RABI
(CAZA WAJALLAH) ee uu aduunka u sameeyey waa is rogrog ee maaaha sugnaan
ay meel ku sugnaato, oo cida saraynta lihi ku sugnaato kan dhiniciisa
dhulka la dhigayna ku sugnaado Xaaladaas, isagoo ALLAH (SWC)ka waramaya
wuxuu ina leeyahay = (taasi waa maalmaha aduunka oo guusha iyo jabkaan
dadka dhexdooda u gedgedinaa) yacni maalinba ninbaa leh cid iyadu joogto
ulihi majirto.
Dhufaysyadaas iyo qalcadahaas ay ku jiraan waxaay ka waardiyeynayaan
guulo ay soo hooyeen inaysan dhicisoobin oo gundhig u ah haymanadooda,
laakiin waxaa muuqda in ay marba midi gacantooda ka sii baxayso.
Waxaan guda galaynaa hadaba guulahaas iyo waxa ay waardiyeeynayaan.
1-Waxaa gacantooda ku jiray gumaysiga dhulalbadan oo muslimiin iyo kuwo
aan muslimiin ahayn.
2- madaxda iyo dawladaha caalamka intiisa badan oon ka madax banaanayn.
3-waxay meeriyeen mabaadii,da iyo dastuurada umadahaas lagu dhaqo.
4-waxay dul degeen oo cadaadis saareen cidii kula loolomi karta.
1-Xiligii gumaysiga iyo dhul boobka.
Waa xili taariikhdiisa laga wada dheregsanyahay.
Wadamadii la gumaysanayey waxaa halgankii ay gumaysiga dhulka isaga
tuurayeey ugu qaybsameen labo nooc.
A-Kuwo seef iyo silaax xaqoodii ku raadsaday oo ay safka hore kaga jirto
SOOMAALIYA.
B-Kuwo halgan qaboow ku jiray sida siyaasad,madax gilgil iyo
mudaharaadyo iwm.
Maxaa la odhan karaa bay doonayeen?.
Wax yaaabaha ay doonayeen waa badnaan karaa oo insaan caqligiisa waxa ku
jira ma wada garan kartid laakiin waxaa laga yara akhristay inay ka mida
ahayd.
Tartankii ka dhexeeyey iyaga, kala dega goobaha istiraatiijiga kaasoo
soo gabagaboobey dagaalkii labaad ee yurub ee iyaga dhexmaray.
Raadinta kharyraadka iyo alaabada caydhiin ee ay warshadahooda u
baahnaayeen.
Dhul balaadhsi iyo inay awoodooda balaadhiyaan iskuna dayaan inay
shucuubtaas dhulkaas dihin degan loola wadaagi lahaa oo dhulkaas
mustaqbalka fog dad loogu beeri lahaa.
Awoodii kale ee jirtay ee laga haybaysanayey oo meesha ka sii baxaysay
waa khilaafadii ilaa ay u bixiyeen ninkii jiranaa loogana haybaysanayey
in lagu duulo dunida muslimka ah, taasoo u sahashay inay ku soo
degdegaan qabsashada shucuubtaa huruday iyo boobkooda sidii nin xabsi ku
jira oo laga siidaayey oo kale.
Inay fidiyaan thiqaafadooda, diintooda, iyo afkooda helaana bahwadaag
siyaabo kala duwan looga faa,iidaysto.
Kuli kumay wada khasaarin oo wax kamida waa gaadheen laakiin siday
rabeena umay wada noqon.
Maxaa u soo baxay?
Waxay doonayeen in badan oo ka mida oo u hirgeli waayey sida dhul
balaadhsi iyo inay dad ku beeraan dhulalkii ay haysteen taasoo socon
wayday marka laga reebo wadamo faro ku tirisa.
Waxay ka bixi waayeey dagaal faa,iidada ka soo galaysaa yartahay xooga
ku lumayaana badan yahay.
Waxaa si xasiloon looga faa,iidaysan waayey alaabadii caydhiin ee ay u
baahnaayeen.
Waxay arkeen isbalaadhintaa in rag iyo dhaqaale inuu ku baxo mooyee
inaan guul laga gaadheeyn hadii shucuubtii ay qabsadeen diidan yihiin.
Waxaa u soo baxday hadii ay xataa qasab ugu beeraan dhal inay ahaanaayaa
aqaliyaad(laangaab), hadaan shucuubtu aqbalina ay ku qasbanaanayaan inay
dadkooda dib u soo daabulaan.
Waxay is tuseen inayan guul ka gaadheeyn, quluubtii shucuubta cuqda ka
qaaday, kuna rogmayso hadaysan sidan xaal yahay wax kabedelin
shucuubtana dhulalkooda uga kicin.
Waxaa is gaadhgaadhay oo iska dab qaatay halgankii iyo taageeradii niyad
ee ka dhexeeyey shucuubta la gumaysto.
Waxaa nacayb wayn loo qaaday gumaystihii oo ubadnaa reer galbeed iyo
cadaan.
Waxay soo bandhigeen dawlado kamid ahi in lagaadhay waqtigiin la xorayn
lahaa wadamada la gumaysto.
Waxay raadiyeen xal aan iyagana wax yeeleeyn umaddan waxay raadinayaana
ku helayaan.(sidee xeego loo xagtaa ilakana ku nabad galaan).
Waxay raadiyeen in la soo celiyo thiqdii, mudadaasoo loo bixiyey waqtiga
xornimo gaadhsiinta, iyaguna markaa waxbaraan oo tababasiiyaan cidii
bedeli lahayd.
Waxay arkeen badiil uga fiican ugana kharash yar oo ah in wadamadii ay
gumaysanayeey u dhiibaan, cidii la shaqayn jirtay iyo cid aan aqoon
waxay iyagu bareen mooyee wax kale, si juhdi iyo dhib la,aan dheef
fiican loo helo.
Waxaa si guud looga hurday caalamka intiisa badan, gaadhayna baraarug,
iyagana waxa xiligii la hurday ka dhigay kuwo soo jeeda dhibka maanta
aduunka inta kale toosiyey oo iyaga markaa ka hor hayey.
Waxaa ka dhashay halkaa umadaan madaxdeedu xor ahayn makii dhulkoodu
xoroobey dabadeed lana wada mashxaraday gacmahana la is qabsaday.
Hadaba damacii jiray, haday iminka awood u helaan maslaxana u arkaan
iskuna waa faqaan wax diidaya inay soo noqon karto ma jiraan, waloow la
odhan karo masahlana.
2-Madaxda iyo dawladahu inaysan ka xoroobin.
Waxaa la odhan karaa xornimadii dawladaha aduunku qaateen ka dib, awood
dagaal iyo muquunin ay beesha caalamku halkaas ku gaadheen oo aduunkoo
dhan ku saydareeyey lama xusuusto, lakiin waxaa la xusuustaa aduunkoo ku
kalsoonaaday qoortana dhiibtay dawci(si iyaga ka timid) uguna xidhmay
beesha caalamka laakiin waa insaanoo si khalada ayey kalsoonidii u
isticmaaleen iyagoo dhamaan umadihii isugu rogtay qaab gumaysi oo kale
ah oon cid ka hoosbaxi kartaa aysan jirin, qoortii ay iyagu dhiibateena
sidii looqabtay la sii dayn waa.
Hadaba inaan cid xor ka ahi utalin wuxuu noqday arin timid markii
dhulalkii la xoreeyey dabadeed, hayeeshee wuxuu soo maray heerar oo
halmar lama wada gacan gelin.
Waxaan odhan karnaa caqliga oo xoroobaa kama dhaco dhulka oo xorooba
haduusanba ka mudnayn mudnaanta koobaad.
Umadda caqli xor ah siddataa, sidaan manta u wada jeedno dhib kuma aha
inay dhul baraf badan oo dheef yar gaadhsiin karto inay ku noolaato ilaa
lagaadhsiiyey in guri kulul laga soo tooso, gaadhi kululna lagu socdo,
shaqo kululna laga shaqeeyo, shucuubta aduunkuna doomo, iyo diyaaraado u
soo raacaan ilaa barafkii la isugu wada tegay, marka adiga qabooga
roobka qudha ilmahaagu la dhimanayaan, eedeeda cidii umaddan tidhi
anagaa u caqli ahayn, oo u madax ahayn ee soo martay ayaa iska leh inay
heerkan soo gaadho.
Caqligu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha tafdiilka jinsiga ah (koryeelidaa
aadmaha) ALLAH inagu siiyey hadaynu nahay banii aadamka. Bal ka warama
hadii caqligaas aan noocyo badan oo khalaa`iqda ka mida kaga soocanahay
mid kula faci sidii uu doono ka yeelo marna wax ku shubto marna wax ka
shubo.
Bal ka warama hadii cidii caqligaa lahayd caqligeedii intay meel iska
dhigtay caqli cid kale ku shaqayso, waxaan u malaynayaa kaasi (ama waa
JAAHIL wayn, amaba waa inay iyagu macalin u noqdeen oo uunan hayn cilmi
ka duwan kay u dhigeen, amaba waa MUNAAFAQNIMO uu kuwaas la caqli yahay
inalana midabad yahay) dabadeed uu cudurdaar u raadinayo sababtuu u
raacay, caqligiisana uga shaqaysiin waayey.
Bilowgii xoriyada xoogaa cudurdaar waa yara jiray oo shucuubteenu jahli
daran ayaa hayey.
Maantase cida caqligeeda aan ka faa,iidaysan, weliba tidhaah hogaanbaan
ku noqonayaa sidaa, hogaan micnihiisu waa ninkii umadan caqligiisa ku
hogaaminayey`e, markaa waa sidii darawal oo kale.
Bal ka warama hadii umaddii ay gaadhi bas ah iska soo buuxiso oo
darawalkeedu mid kale yidhaah isoo ag fadhiiso indhahaan isku
qabanayaaye adiga indhahaagaan doonayaa inaan umaddan ku kexeeyee, ii
sheeg meeshaan ka leexanayo iyo meeshaan istaagayo,iyo meeshaan
tartiibinayo, dabadeed isna wuu wadaa isagoo indhihii isku haya ka ag
fadhiyaanaa wuxuuleeyahay hada xoog u kaxee, fariinka qabo, yara leexi,
mayamayamayayaaya xoog ha u leexin dee yara leexi baan ku idhi, umadaasi
shil iyo dhaawac iyo geeri ma ka badbaadaysaa? Mudo intee le,eg ayey
hadaba ka badbaadsanaan kartaa?
Markii umaddii ”caamada ahayd oon ku jiro” ee xaga dambe fadhiday,
markay buuq iyo sawaxan isku dartay khatarta ay ku jiraan li ajligeed,
ragii safka hore fadhiyey “waa wasiiradii iwm” yidhaahdee shacaboow is
dejiya ninkani khibrad nus qarni ku dhow ayuu wadista noocan oo kale u
leeyahay, ninka agfadhiyaana wax kaleba kuma soo takhasusin inay
darawaladu indhaha isku qabtaan isna hago keliya ayuu ku soo takhasusay.
Waa nin caana.
3-Mabaadii`da iyo dastuuraday dejiyeen inaan la bedelin.
Waa dagaalada ugu culus mabda,u noocuu doonaba ha noqdee waayo mabda,a
reer galbeedka ee dimuqraadiyada ahi waa mabda,a keliya ee aduunka la
rabo in la tuso fiyoobidiisa iyo wax tarkiisa, markaa inta mabda,a kale
oo innaba dhadhamaya oo la barbar dhigo yaalo, waxaa muuqanaya wuxuu ku
fiican yahay iyo wuxuu ku xunyahayba, waayo wax loo barbar dhigo ayaa
lahayaa, si taas meesha looga saaro waa tii dagaalka qaboob lagu qaaday
mabda,ii shuuciyada, hadaba ka takhaluskiisu kuma ekaan dadaalkii.
Waxaa soo baxay mabda,a ka horeeyey kan dimuqradiga iyo shuuciyada,
aduunkana sanawaad iyo quruun lagu soo dhaqayey isla markaana aan dhiman
ee nool lana dhiman dhimashada maamulkiisa ee quluubta umada muslimka ah
ugu jira.
Waxay umaddani ka faa,iidayso hadii dastuukeeda hesho.
1-hogaansan ay u hogaansamayaan mabda`a ay garanayaan.
2-in laga leexiyey dawgii iyo in kale ooy kala garanayaa.
3-difaaca mabda`a inay shucuubtu u arkaa arin muqadas ah, waa arin aad
muhiim u ah. Ee maaha inay u arkaan ragbaa keensaday, raga kale ee
diidana mid kalay noo keenayaan, annana marba kii noo taliya mabda`a uu
wataan aqblaynaa, markaa maalina dimoqraadiyad, maalina shuuciyad,
maalin 60kii iwm ku jirno iyo jaahwareer.
4-khilaafka iyo is qabqabsadka qayb wayn waxaa lug ku leh mabda`a umaddu
qaadato, haday garanayaan markaa waxaa yaraanaya is qabqabsigiisa.
5-waxaa ugu dhismaya niyada in waxay ku taamayeen heleen.
6-wuxuu keenayaa in horumarka loo jeesto, lagan jeesto ku mashquulka
kala doorashada mabaadi` kale.
7-waxaa aad isu dhimaya hardankii ku salaysnaa mabda`a jeebka lagala soo
baxay oo cid u hiilinaya, intuu kaasi iman lahaa ka hortag, taasoo
keeneysa midba inuu mid ka hortago laguna mashquulo akhbaar iyo xaal
meeluu marayo.
8-wuxuu mabda`u abuuraa xulafo siduu u abuuro cadow sida reer galbeedka,
waxaad heleysaa xulufo mid muuqata ama mid qarsoon oo ku garab istaaga.
Hadaad hadaba mabda`aaga ka cararto cabsi daraadeed, dee xulufo heli
maysid cadawgiina sidii buu u jiraa oo meesha kama bixin kana bixi
maayo.
Waxa quluubta qayb ka guuxi kara, iyo in loo cadeeyo oo aad u fiican.
Mawduucan kuma jirto qaabka hadii shareecadda laqaato, inay
shareecadeenu qabto qaabka is bedbedelka maamulka iyo inay qabto qudha
in cida ku fadhiisata aan laga kicineeyne uu caqligooda qudhihi
shaqaynayo xili ay umada usoo bixi karto cuquul yaryar, fiyoow,
firfircoon, cilmi diin iyo dunyoba wata, sabankooda xaal meeshuu marayo
la socda marka la odhan karo kii hore u hayey sabankiisii buu aad ula
socday guushana ALLAH(SWC) ku gaadhsiiyey.
Taas culimada iyo raga aqoonta u leh ayaan ka sugaynaa inay noo
cadeeyaan, waxay arintaas oo la cadeeyo furaysaa xaglo laaban oo isleh
meel umaddan uga furnaan maayo hadaad shareecada ayidaan oo cuquushu
dhowr shiikh ayey ku soo koobmaysaa.
Waxa ku xambaaraya la dirirkiisa.
waxa ku kicinaya amaba ku xambaaraya la dagaalanka shareecadu waa labo
arimood.
1-Ilaalinta haymanadooda.
Tan waxaa kala wadaagnaa cid muslim ah iyo cid kale xataa haduu doono
kiristaan ha ahaado, dagaalkani waa sugayaa lagana ogolaan mayo mabda,a
ka duwan ama kaltanka soo geli kara kan ay leeyihiin kuna dhaqmaan
(dimoqraadiga).
2- Nacaybka diinta islaamka.
Waxaa ku jirta nacaybka diinta islaamka in badan oo madaxda beesha
caalamka ka mida, laakiin (leysuu sawaa`aa) kama wada sina, tani waxay
si khaasa u haysataa dadka muslimka ah waayo waxay isku darsadeen iyagoo
diin ahaan loo diidan yahay iyo iyagoo haymanadooda laga waardiyeeynayo.
Maxay haymanadooda iyo maslaxadooda u arkaan inuu khatar ku yahay hadaba
si aan isaga ilaalino?
A-Wax walba oo masaalixdooda ka hor yimaada wuxuu ku yahay khatar, cid
kale jeebkiisba ha ku jirtee, maslaxadaasi waa toodii.
B-Xoroowga aduunku ka xoroobo caqli ahaan iyo mabda`ba wuxuu ku yahay
khatar.
Soow laga dhadhansan maayo markaa inay umaddaha caalamku noolaadaan ayaa
khatar nagu ah.
Soow laga fahmi maayo mabda`a dimuqraadiga mabda`a qol madoow si jujuub
ah in la isugu dhiibo mooyee mid aan caqli xor ahi qaadanayn maadaama
xoriyada cuquusha lala dagaalamayo.
Hadaba sadex doorasho ayaa hor yaala iyaga oo ku saabsan shareecada.
1- In ay diidaan. 2- In la ogolaado. 3- inay iyagu inagu dhaqaan.
1- in ay diidaan.
Waxaa soconaya dabkii iyo gumacii oon dani ugu jirin cida aqalka dhalada
kasameeysan ee quruxda badan ku jirta, marka loo barbar dhigo umada
dhulkana goglata cirkana huwata.
Umada dhimashada iyo dhalashadu isku si u saamaynayso oo faraq wayni
udhexeeyn ma hor istaagi karto shucuuub ilaalinaysa tirade yare ee ku
soo korodha, hadaysan helin cid ay isticmaasho.
Hoobadkii dhaqaale oo sii soconaya iyo iyagoo aad isu balaadhiyey aadba
is leedahay meel aysan faragelin ku hayn caalamkan waa yar yahay.
Siday waagii dhul boobka isu balaadhiyeen ayey iminka ilaalinta inaan
madaxda wadamadaase ka xoroobin iyo inaan mabda` aysan raali ka ahayn u
imaan isugu balaadhiyeen.
Taasi waxay ku kaliftay heer ay umadaha caalamka cida u hogaansan inay
dhaqaale, taageero ciidan iyo mid warbaahin la daba taagnaadaan mooyeey
aysan wax qaban karayn marka loo eego shucuubta iyo guuxa gudaha.
Sumcadii, cabsidii iyo haybadii laga haybaysanayey oo ahayd dheeman iyo
lacag ay wax ku gataan oo in lagu diido ku dhow oo uu lacag faalso ah
noqdo.
Shucuubta godoodsan oo ku socda inay caqligooda xoreeyaan siday
dhulkooda u xoreeyeen taasoo ay ka dhalanayso caqli xor ihi wuxuu
doortaa wixii dani ugu jirto.
Awoodo waa wayn ooy il gaara isku eegayaan ooy ka mashquulayaan, iyana
fursad ay meel ku higsadaan u tahay.
Shucuub kacday oo isku duuban, hadii dhexdooda ciladi ka imaan inaan
gumac lagu loodin karayn oo la ogaaday.
Xeeladihii iyo tabcooyinkii gudaha iyo kala jabinta umadaha oo la
bartray iyo balan qaadyadii oo laga aamin baxay.
2-In la ogolaado.
Cabsida jirtaa waxay tahay ogolaashaha mabda`a shareecada qayb loo
ogolaado, weliba shardi ku xidhan yahay, waxaa laga baqayaa inuu furo
albaab ah in la isku daydo, gaadhana meel wax laga qaban kari waayo.
3-Ina iyaga ama ragoodu ku dhaqaan.
Waa xeellad ay hada is leeyihiin arin aan idinkana idin dhibayn
shucuubtuna ku qancayso wuu noqon karaa. Badiil (Aaboow waxaan adna wax
ku yeeleyn anna wax ii taraya ii dheh).
In beesha caalamka iyo rageedu noqdaan kuwa umadaha muslimka ku dhaqa
shareecadooda.
Kani wuxuu dib ugu noqonayaa arintii aan ka soo hadalnay in uusan
caqliga umadda hogaamiyaa iyaga xor ka ahayn mar hadii darawalkii la ag
fadhiyo isna weli indhaha isku hayo, buugii gaadhigu ku soconayey uun la
bedelo.
Kani waa mid ka dhigi kara diinta islaamka iyo shareecada mid gabtay
wixii ALLAH u soo dejiyey caqiimna ah(ma dhalays).
Mid ku mashquusha xaaladaha yaryar ee warbaahintu ciladaha ka raadiyaan
ee ay isleeyihiin caalamka ayuu (sadan can sabiili ALLAH) u noqonayaa ay
diinta islaamka kaga cararaan.
Wuxuu noqonayaa midaan u qumayn wixii ay umaddu uga baahnayd ooy ka
sugaysay.
Wuxuu maamulkaasi kala mid noqonayaa la dagaalanka diinta iyo dadkiisa
dhabta ah sida wadamo kale oon shareecada lagu dhaqin, xabsiyadana uga
buuxaan looguna cadaabo, taasoo beesha caalamka u sahlaysa in hawl culus
laga qaaday.
Tani waxay keenaysaa in shacabka muslimku u arko in shareecada oo la
isku dhaqo waxba ka duwanayn mabaadi,da kale xaga cadaalada, horumarka,
iimaaniyaadka, reebida xumaanta iyo farida wanaaga iwm.
Wuxuu shucuubtii gadooday dib ugu soo celin karaa, inay mar labaad
doortaa mabda`ii ay hore isaga diideen iyo inaysan shareecadii ka
dheefin waxaan ka ahayn caadaadis iyo diktatooriyad diin la huwiyey,
dimuqraadiyaduna uga xornimo fiicantahay.
Waxaa shucuubta jaahilka ah iyo munaafiqiintu ku hadaaqi doonaan, in
shareecadu aysan ku haboonayn maantadan la joogo.
Waxay helayaa culimo damac aduun ku jiro oo dawlada dhinacay u jeesato
uga dhigaya qibladii xaqa ahayd, iyagaasaana laga soo reebayaa loona
bixinayaa MUFTIGA SOOMAALIYA.
Waa mid amsilo loo hayo in dal kamida wadamada islaamka loo ogolaaday
shareecada kaa soo ka qayb qaata ilaalinta haymanadooda iyo
masaalixdooda, marka laga reebo afraad macaahid ama jaamacdo ka soobaxa,
kaasna waxay kala mid yihiin dawlado kale oo dastuuraday dejiyeeyn lagu
dhaqo iyagaba ragaas waa lagu arkay.
In loo heleyo fatwo iyo tashwiish ku salaysan diin, cida ku kacda
madaxdaa ku hoos jirta haymanadooda iwm.
4-waxay dul degeen oo cadaadis saareen cidii kula loolomi karta.
Tani waxay khusaysaa wadamada ka baxay gacantooda.
Waxaa jira is balaadhin iyo dul degid la duldegay, wadamo tegay lana
tartami kara dhinac walba bah wadaagtan laakiin la go`doomiyey iyadoo la
duldegan yahay, lana soo dumay dawladaha deriska la ah, dawladahan
xidhiidhka lala leeyahay waa ka duwan yahay kuwan in lagu guuro mooyeey
aan dan kale laga lahay.
Gebo gabadii waxay ku mintidayaan guulahooda.
1-inaan dhul xor ihi jiri. Haduu jiro markaa.
2-inaan cid xor ka ahi u talin. Haduu dhaco markaa.
3-inaan mabda`a xor ka ah lagu maamulin.
Sidaa ay u kala horeeyaan ayaa macquul ila ah waayo? hadaan mabda`a xor
ah raadino inagoon cuquul xor ihi inay qabato ku darin, waxay degi
karaan in ay u dhiibaan cidaan xor ka ahayn sida embagaati, kuna
yidhaahdaan ku dhawaaq inaad ku dhaqayso umadaada shareecada intii
dagaal lagu jiri lahaa ama awood ka madax banana u soo bixi lahayd
umaddan, waa hadii la arko inaan la ina loodinayn, la inalana kala jebin
karin.
Hadii markaa aan ku guulaysano caqli xor ah sidaan dhulkeena u
xoraynayno way raacaysaa in mabda`a xor ah oo shucuubtu rabto lagu
dhaqo.
Hadaba diyaar ma u nahay shareecadii inay beesha caalamku tidhaah anaga
iyo raga aan u talino ayaa idinku dhaqayee nagu adeeca?
:::HAA
SHAREECADA WAA ISKU DHIQI KARNAA Q.2aad
Waxaa qoray adoon
ALLAH.
C/RAXMAAN ibnu CABDALLAH.
WABILLAHI TAWFIIQ.