SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

HAA SHAREECADA WAA ISKU DHIQI KARNAA.
2aad

BISMILAAH.
Asalaamu calaykum.

Maqaalkani wuxuu ku xidhan yahay maqaalkii ka horeeyey ee lagu magaabayey.
HAA SHAREECADA WAA ISKU DHIQI KARNAA.

Maantana waa qaybtii xigtay ee aan kaga hadlayno.

2-QALCADAHA AY DEGAN YIHIIN BEESHA CAALAMKA ee diidan shacreecada.

Waxaan soo yara iftiiminay awoodooda iyo xeendaabyada ku hareeraysan.
Waxaan kaloo soo iftiiminay meeshii ay marayeen iyo hoobadkooda hada.

Waxaa markaa quluubta dawladaha iyo shucuubtaba qayb weli ka guuxaya, qaybo ka mida thiqadii ama cabsidii laga qabay, iyana weli maalayaan.

qalcadahooda ay degan yihiin waxa ka mida.
1- Faragelinta arimaha gudaha, hadii daldalool lagaa helo.
2- ka faa,iidaysiga khilaafaadka deriska.
3- hadii la waayo cida soo raacda ee u hirgalin karta hadafkooda.
4-Qm qaramada midoobay iyo urur gobaleedyada.

1-ARIMAHA GUDAHA AY UMADI LEEDAHAY.
Waxaa la odhan karaa waa qalcadaha ugu muhiimsan ee aysan fakan umad lala helay hadaysan garan oo u fiirsan oo xalin tabcadan saaran.

Waxaa dhaba inay dadaal iyo dhafar ugu jiraan fidinta iyo ilaalinta haymanadooda.

Hadaba barashada mujtamacaadku waxay noqotay lagama maarmaan dadaal xoogle lagu bixiyey, si qalcadan dhufays looga dhigto waxaana lagu gaadhay labo arimood degideeda.

1-Is dhex gal.
Waxaa aduunku noqday qaryo aan kala durugsanay oo meel wada degan, is dhexgal aad la isugu bartayna waa dhacay, cidi haday doonto ha hurudo oo yeysan baran cida la taal laakiin cidi way soo jeeday (Ninkii seexdaa siciis dibi dhalay), safaaradahan, haya,dahan ama siyaabo kale oo la isu dhexgalay ilaa la is barto shucuubta caalamku, kuwani waxay keeneen in dhinaca manfaca loo adeegsan karo ama dhinaca xun.

2-Daraasad.
Dhinaca aqoonta macaahida, jaamacaha iyo in lagu takhasuso mujtamac, wuxuu ka mid yahay waxa sahlay in si fudud la isu barto xataa qofkaaasi yuusan dalkaas cag soo dhigin laakiin aqoon ilaa xad ah wuu ka heli karaa.

Waxaaa jira machadyo iyo kuliyadu lagu barto mujtamacaadka wixii quseeya, barashadaasi waxaa kaaga soo dhexbaxaya helida kala duwanaashahooda meel uun, sidoo kale waxaa manta lagu bartaa macaahidaas, daraasaadka khilaafaadka aduunka ka taagan iyo xalkiisa, taasoo aad loogu takhasusay sidii ladoonana loo manaafacaadsado, isu soo dhoweeyn ama kala fogayn.

Khilaafka mujtamac, abuuristiisa iyo ka faa,iidaysigiisa.

Khilaafku wuxuu ka dhasho waxaa kamida kala duwanaashaha aragtiya ibnu aadamka.
In aragtidu kala duwanaato oo la isku Khilaafo, waa shay dabiiciya, oo nolosha horumarkeeda inta badan wuu ku lug leeyahay khilaafaadku, hadaynaan ku kala aragti duwanaan sida hal shaadh loo tolo, aduunka waxaa ooli lahaa hal nooc oo shaadh ah laakiin kala duwanaasha aragtideena iyo cuquusheena ayaa sidan quruxda badan ee wax wax la midihi jirin, guryo, gawaadhi, iwm ka dhasheen.

Xataa khilaafku wuxuu ka dhex dilaacaa qof shakhsi ah keligiis dhexdiisa, miyeydaan arag in arin ay naftaadu dhowr fikradood kaag soo baxo oo mid aad qaadato waydo, oo hardan iyo labac labac leeyn iyo jahawareer kugu dhaco ilaa uu NABIGEENU ina yidhi haday arintaasi kugu dhacdo, dad kale la tasho dabadeed istikhaarayso, ALLAHNA ku tawakal oo mecneheedu yahay khilaaf bay naftii la ildarantahay ay arinta kala saari waydo go,aana ka gaadhi waydo.

Markaa khilaafku wuxuu ka dhexdilaacaa nafta gudeheeda, reerka dhisan dhexdiisa iyo mujtamacaba, bal ka waran hadii khilaafaadka yaryar ee nafta ka dhexdilaacay wax la mid ihi ay umadi u burburaan soo jahli iyo cilmi yari maaha?.
Markaa wuxuu u baahan yahay khilaafkan ka dhashay kala aragti duwanaashaha, dhiniica macaana inaad ka faa,iidaysatid ood muudsatid, dhiniciisa qadhaadhna inaad iska tuftid.

Mujtamaceenu wuxuu u qaybsamay.

Nooc la il daran khilaafaadkaas, markaa si duuduuba u idhaahdo oo ah nooca weliba ugu fudud ee la xaliyo, kaasaa kala geeyey. Qaybna ka dhigay fadhiid hawlgab ka ah u qumida diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuu sugayaana ilaa xal uu ku qanco ka imaanayo.

Nooc khilaafaadkaasi ka dhigay ul uu cadawgu haysto oo isla mujtamaceena lagu garaaco.

Nooca la ila daran, qalbigooduna aad ula wayn yahay beesha caalamka.

Waxaan dhaba in ALLAH (SWC) ku manaystay awood ilaa xad ah iyo hanti buuran
Waxna way ku dhibi karaan inta ALLAH doono, waxna way ku tari karaan haba gacan adkaadaane.
waxay markaa umado badan la il daran yihiin weli raadkii, waa xaalkoodu meeshuu marayey beesha caalamka, waxaase jira qaybo badan oo ka soo boskoonaya.

Waxaan odhan karnaa waxaa ALLAH siiyey sifaad ka mida kii uu inoo sheegay inuu DIJAALUL ACWAR siiyey oo ah inuu dhibna gaysan karo dheefna muuqdana leeyahay.
Waxay markaa kaa taageeri karaan dhinaca Awooda, dhaqaalaaha, iyo warbaahin gude iyo dibadba leh, sidaas oo kale ayey shucuubtu ugu qaybsameen arinta beesha caalamka laba nooc.

QAYBTA 1aad.
Waa qayb weli damac kaga jiro gaadhida dhaldhalaankaas, iyo inay ina gaadhsiinayaan hadaan iyaga arin isla meel dhigno oo aan is afgarano, waxna inoo xantoobinayaan, horumar degdeg ah iyo nabad iyo barwaaqo iyo badhaadhana fooda inagu soo hayso. Inta inaga xigaa arimahaas oo dhan waa is afgaradkooda.
Dhaldhalaalka aduunkaasi meel walba ka raadintiisu, waxa umaddaha halaaguu ka mid yahay oo ragii ALLAH uu udooray RASUULKIISA ayuu yidhi (mid aduun doona ayaa idinka mida iyo mid aakhiro doona) dagaalkii uxud. Inana aduunku waa inooga sii saamayn badan yahay akhyaartaas.

QAYBTA 2aad.
Waaa qayb ka fazacay (baqdin wayn) awooda ay leeyihiin, diidida iyo ka hor imaanshahoodana ay ku xigto, istaagidii qiyaame oon cidi inaga hadhay, markaa waxay arkaan in la iska jeediyo waxay rabaana wax laga ogolaado bal si shartoodu noo dhaafto.

QAYBTA 3aad.
Waa qayb warkoodu gaaban yahay, qaybahaasey ku dhex Milan yihiin waa MUNAAFIQIINTA oo iyaga la mabda,a ah inalana midab ah.

2-DAWLADAHA DERISKA ISLA AH EE KHILAAF DHEXYAALO.

Waxaa dhaba in caalamka khilaafaadka ka jiraa qayb wayn ay ku lug lahaayeen gumaysitii waa dhulkeena haystay iyo aduunka meelo badan oo ka mida, iyagoo umadihii isku jarjary, kala jarjaray, dhulalkoodii is dhex geliyey, si khilaaf diin, cirqi, dhul, iwm oo ah khilaafaadka waaweeyn, usii taagnaado, la isuguna laayo markay ka baxaan dabadeed, khilaafkii weli dhawaqiisii iyo gumaciisii waa sii sanqadhayaa.

Waxaad maqashaan dawladaasi wadamada deriskay khatar ku tahay, waa qalcad ay degan yihiin markay mid doonayaan inay dulmiyaan iyagoo hiil u muujinaya dawladii kale si tan hada taagan loogu gaaadho, berina waa suurtagal marka dantoodu fulo inay dhinaca kale u wareegaan hiilna la garab istaagayaan si ay tii hore danta ay ka leeyihiin uga gaadhaan, sidaasaa xisaabta isle,egta ahi ku soconaysaa, jajabaana galoo ma dhamaanayso.

3-DAWLADAHA DERISKA AH(khilaaf weeynina dhex oolin).

Waxay u qaybsamaan qalcadahani laba nooc.

A-DAWLADO MASAALIX KALA DHAXAYSO .

Noocani waa noocyada ay daqdin ama cadaadiska ku saaraan dawlada kale, amaba haday dawladaasi u dhego nugushahay dagaal loo geliyo iyadoo maslaxadu u soo hoyanayso cidii gelisay kuwa la geliyeyna balan qaadyo iyo taageero iyo inay magdhaw wixii ka soo gaadhay laga siiyo, waa hadii mashruucu naajix noqdo, hadii kale bal adba, maxaa dhici kara hadii uu fashil ku dhamaado?.

B-DAWLADO AMNI MUQAABIL MASLAXO AH.

1-Waa dawladaha yar yar ama cadaw leh ka awood badan kana baqaya oo loo damaanad qaado inuusan waxba yeelayn, dawladaasina waxay u istaagaysaa maslaxada dawladahaas amnigooda tawaliyey(dusha u ritay).
2-dawlado mucaarad ku kacsan yahay amaba ay madaxdu ka cabsi qabaan inay beesha caalamku abuuraan awood kursiga la wareegta amaba gilgila, dawladahaasina waxay ku biiraan dawladaha AMNI MUQAALBIL MASLAXA.

Labadaniba waa qalcado ay ka soo galaan shucuubta iyo madaxda hogaansami wayda, hadii la waayo labada hore(1, 2).

4-QM (qaramada midoobay) iyo Urur goboleedyada.

waa midka, daminta dabka iyo bansiinka la dhex ordaya khilaafaadka, inta faragelintu ay marayso kuwa hore hadayse soo gudubto, waxay soo galaysa safka hore iyo weerarka,
waxaana loo isticmaalayaa in lagu daqdiyo, cunaqabateeyo, qaraaro adagna laga soo saaro iwm.

Maqaalka danbe waxaan kaga hadli doonaa bi,idmi ALLAH.
WAXAY QALCADAHAN KA WAARDIYEYNAYAAN AY FUULEEN.

QAYBTII 1aad KA AKHRI HALKAN..

Waa qoray adoon ALLAH
C/raxmaan ibnu Cabdallah
buloxubey@hotmail.com
WABILLAHI TAWFIIQ.

 Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS