Magaalada Baydhabo oo markii ugu horeysey lagu qaadey dagaal.
Abuu Mansuur oo dilkii Madaxii UNDP iska fogeeyey.
Dagaal aad u qaraar ayaa xaley (July 8, 2008) waxaa uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka
mBay ka dib markii ay halkaas soo weerareen Ciidamo ka tirsan Urur Diimeedka
Dhalinyarada Al- Shabaab waxaana dagaalkaas uu ahaa kii ugu horeeyey ee ka dhaca
Magaalada Baydhabo oo Xarun u ah Baarlamaanka Dowladda Federaalka .
Dagaalkan oo dhacay Xaley Saqdii dhexe ayaa meelaha uu ka dhacay dagaalka waxay
ahaayeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo oo la sheegay in ay degan
yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah waxaa kaloo weerar lagu qaadey Xarunta Madaxtooyada
ee uu fariisan Jirey Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waxaana la sheegay in sidoo
kale la weerararey Goobo ay deganaayeen Ciidamo ka tirsan Dow;ladda Federaalka.
Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha ka dhashey Dgaalkaas hase yeeshee Sarkaal u
Hadley Ciidamada waxa uu sheegay in dagaalkaas ay kaga dhinteen Lix askari hase
yeeshee Afhayeenka Xarakada Al- Shabaab Shiikh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur waxaa
uu sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeen Cidamada Itoobiya iyo kuwa Federaalka
sidoo kale waxaa uu sheegay in in la wareegeen qaybo ka tirsan Magaalada
Baydhabo.
Dadweynaha ku nool Magaalada Baydhabo ayaa walaac ka muujiyey Dagaalkaas oo ku
tilmaamey in ay isbedeshey Xaaladda Nabadgelyo Magaalada baydhabo wixii haatan
ka dambeeye aan la isku haleyn Karin Magaalada waxaa durba bilowdey Barakac
iyadoo magaaladaas ay buux dhaafiyeen dadka barakacay dagaalada Magaalada
Muqdisho.
Ilaa iyo hadda dowladda wax faafaahin ah kama bxin dagaalkaas ka dhacay
Magaalada Baydhabo oo ahaa kii ugu horeeyey ee ay ku soo qaadaan xoogaga ka soo
horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya iyadoo horey ay xoogagaas u xireen
wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ka dib markii weeraro lagu
ekeeyey wadadaas oo ay maraan Masuuliyiinta Dowladda .
Muqtaar Roobow Abuu Mansuur waxaa uu gaashaanka ku dhuftey hadal ka soo yeerey
Raiisul wasaare Nuur Cadde oo ahaa in kooxda Al-Shabaab ku soo biiraan
wadahadalada u dhaxyeey Isbahaysiga Dib u Xoreynta kaasoo ka socda Magaalada
Jabuuti , wuxuu sheegay Abuu M,ansuur in aysan wadahadal, la galeyn Dowlada inta
ay sheeganeyso Dowladnimo iyo inta ay joogaan Cioidamada Itoobiya .
Abuu Mansuur waxaa kale uu beeniyey in ay wax lug ku leeyihiin dilalka ka socda
dalka gaar ahaAn dilkii loo geystey Madaxii Hayada UNDP Cismaan Cali Axmed wuxuu
sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya
oo u jeedadadooda ay tahay in ay sumcada ka haleeyaa Mujaahidiinta wuxuu kaloo
sheegay Abuu Mansuur in dilkaas ay dhici karo mid loo maleyn karo mid la
xiriirta in laga disho xilka uu hayo .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Australia:
Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay
ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa
Akhri
Senator
Norm Coleman oo laga codsaday inuu taageero
sharciga fududeynta xawaaladaha ee
congresska H.R. 4049
Isbahaysiga dib U Xoreynta Soomaaliya
wuxuu si kulul u cambaareynayaa dilkii loo geystay madaxa Hay’adda
UNDP Somalia, marxuum Cusmaan Cali Axmed..
Akhri July 8