SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Senator Norm Coleman oo laga codsaday inuu taageero sharciga fududeynta xawaaladaha ee congresska H.R. 4049

Shir muhiim ah oo lagu qabtay magaalada Rochester, Minnesota oo ay ka soo qayb galeen dadweyne Soomaaliyeed oo aad u tiro badan ayaa looga hadlay arrimo Soomaalida Muhiim u ah sida:

1) Sharciga fududeynta xawaaladaha ee congresska HR.4049
2) Xaaladda murugsan ee caruurta Soomaaliya iyo dilalka dhalainyarada Soomaaliyeed ee Minnesota (Youth Crime)
3) Dib u heshiisiinta Soomaaliya

Abdiaziz Maaxaay iyo Omar Sh. Ali (Xaafuun) oo ka mid ah Soomaalida degan Rochester Minnesota ayaa isku soo dubo riday shirkaas muhiimka ah (town hall) dhamaadkii usbuuca xornimada Soomaalida (Somali Week)

Mudane Abdullahi Abdi Hassan oo ah xoghayaha urur la magac baxay midowga xawilaadlayaasha Soomaaliyeed ee North America ayaa Senator Coleman ka codsaday inuu taageero sharcigan HR 4049 kaasooo dhowaan la filayo inuu ka soo gudbo aqalka hoose una soo gudbo aqalka senate-ka. Senator Coleman ayaa balan qaaday inuu taageeri doono sharigan weliba aad uga shaqayn doono si uu dhaqso u dhaqan geli lahaa sababtoo ah buu yiri waxaan ogahay muhimadda uu idiin leeyahay.

Haddii aad doonayso inaad barato sharciga congresska ee HR 4049 dhagayso warbixintan British Broadcasting Corporation ee Abdirahaman Ceynta iyo Abdullahi Abdi Hassan

Halkan ka dhagayso....

Wardheere
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 8, 2008

BAARID | SEARCH


yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.