SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

  • Sh. Aadan Madoobe oo la hadlay Haweenka Gobolka Baay...

  • Col. Nuur Cadde oo Qado u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka DFKMG...

Sh. Aadan Madoobe oo la hadlay Haweenka Gobolka Baay oo Taageeray Xukuumadda

Banaanbax lagu taageerayo Xukuumada cusub oo ay soo qaban qaabiyeen Haweenka Gobolka Baay ayaa ka dhacay Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe 10/1/2008, waxaa uuna u jeediyey haweenka halkaas isugu yimid Khudbad gaaban.


Sh. Aadan Madoobe oo la hadlaya Haweenka isusoo baxay

Sh.Aadan Madoobe “ Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay sida qiirada leh ee aad u muujiseen sidii loo dhaqan gelin lahaa Xukuumada cusub, Dowlad jeceylka aad muujiseena waan idiinkaga mahad -celinayaa, waxaa inoo balan ah inaan dalkeena u guntano sidii dhibaatada looga bixi lahaa waadna mahadsan tihiin

Wasiirada Haweenka Khadiijo Max’ed Diiriye “waxaan balan qaadayaa inta xukunka la ii xilsaarey, inaan haweenka Soomaaliyeed ugu shaqeeynaayo xilka la ii dhiibey, anigoo ah Qowsaarkii Qaranka u matelaayey, siyaasad, dhaqaale oo aan mararka qaarkood Tuutaha aan u gashano, mararka qaarkood aan ugu fadhino kuraasta, waxaan diyaar u nahay inaan burburka ka samatabixino oo ay dowlad la ‘aanta ka dhaxleen 17-sano, taasoo si gaar ah u taabanaysey Haweenka iyo caruurta, waxaana rajeynayaa Wasaaradaan magaceedu yahay Horumarinta iyo Daryeelka Qoyska in ay noqoto midii horumarin lahayd haweenka Soomaaliyeed”.
Mar ay ka hadleysay qaabka Haweenka lagu hormarinkaro ayaa waxay tiri “waa in la helaa Nabadgelyo, Gabdhaha Soomaaliyeedna waxaan ka codsanayaa in ciidamada nabadgelyada kala shaqeeyaan Nabadgelyada dalka iyo qaybaha u qaabisan Amniga”.ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG Col. Nuur Cade oo qado sharaf u sameeyey xildhibaanadda Baarlamaanka Hoteel Bakiin ee magaalada baydhabo.


bidix dhalxa, dhexda Nuur cade, midig Saalim

Kulankan qado sharafta ah ayaa waxaa ka hadley Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof. Dhalxa iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), Maxamed Cumar Dhalxa oo halkaasi ka jeediyey khudbad guubaabo, taageero iyo soo bandhigid qaabka ay ku soo shaqeeyey Baarlamaanka FKMG mudadii uu jirey ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “ Xildhibaanadu waxay ku soo shaqaeeyeen xil dalka nabadgelyadiisa ay halis tahay, iyagoo ku soo jirey jawi aan loo adkeysan karin, ikastoo dadka si gaar ah ay u xantaan, balse aan la qiyaasi karin nafhurnimada ay ku soo shaqeeyeen” ayuu yiri Dhalxa.


Xildhibaano kale oo ka soo qaybgaley qado sharaftii.

Mar uu ka hadlaayey baarlamaanka Soomaaliya waxa lagu xaman jirey “Golaha aqoonyahanada, Siyaasiinta in uusan ogeleyn Baarlamaanka Soomaaliya in horumrinta iyo nabadgelyada ay kala qaybqaataan, hadana waxay Ogolaadeen in Albaabka ay balqaan iyagoo ku martigelinaaya Aqoonyahanada, iyadoo guushaasi ay sabab u tahay in ay ka soo dhexbaxaan Ra’iisul Wasaaraha iyo aqoonyahano kale ee garabkiisa fadhiya, sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliyeed wuxuu aqbalay dalkabkii Ra’iisul wasaaraha in Xukuumada la yareeyo, waxaa Baarlamaanku 10/1/2008-ada cod kalsooni ku hashey 223 Xildhibaan, Xildhibaanada Soomaaliyeed ma ahayn kuwa Al-baabka ka ootey Aqoonyahaynada Soomaaliyeed balse waxay lahaayeen, indinka sahan u noqda keydna ka dhigta aqoonyahanada, Duurkaan Habardugaaga, bahalo galeenka, iskugu tagtey bal adinka jajabiya, oo dhulka u dhiga Beertana u geed qaada, oo u cay guba, dhamaan waxyaabihii lagu yiqiinay baahida Beerta u dhameystira, iyadoo Abuurka ay dhiman tahay ku martigeliya, haba Ra’iisul Wasaare Beertii waa kuu diyaar, adiga iyo Wasiiradaada hadii uu Abuurka idiinka halaabo adinka leewaaye, haday shibir idiinka cunto adinka lee waaye, hadii Daanyeer idiinka jajabsado adinka lee waaye, Baarlamaanka Soomaaliyeed wuxuu bari ka yahay Al-baabaka isagaa xirtey”


qaar ka mid ah Xildhibaanadii qado sharafta ka qeybgaley.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Soamlitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2008


Qaabkii ay u dhacday Anxisintii Xukuumadda Col. Nuur Cadde...
iyo waraysi SomaliTalk la yeelatay Cali Axmed Jaamac Jangali... Dhegeysi/Akhris...

dugsiDugsi Sare oo Loogu Magacdarey Amiir-Nuur oo Laga furey Degmada Garbaharey ee Gobolka Gedo...: Dugsigan sare oo ah kii ugu horeeyey ee Degmadaasi laga hergeliyo tan iyo waxii ka dambeeyey Burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya.. Akhri... Jan 8

casmaraWar-saxaafadeed : Xildhibaan Sulaymaan Colaad Rooble ‘’Mowliid Macaane iyo Cabdulaahi Yusuf labadii xaq daro ku heshiisa xaqa ayay ku diriraan" Jan 8

gaaniXildhibaan Sharma'arke "Waa in la soo magacaabaa Gole Wasiiro Cusub…" - Waxaa lagu xadgudbay Dastuurkii lagu soo qoray Kenya.....

Kibaki oo Dowladiisa Cusub Dhisay
isagoo musharaxiintii la Tartamasay mid ka mid ah ka dhigay ku xigaynkiisa.... Akhri...

xildhibaanQorshaha Xukuumadda Col. Nuur Cadde oo Baarlamaanka loo qaybiyey
iyo Aragtiyo kala duwan oo aan ka soo uruurinay qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo is rasaaseyn sababtey dhimasho oo ka dhacdey Raamo Cadeey... Dhegeysi

caddeGolaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey: Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde Dhegeysi/Sawirro Jan 5

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com