SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kibaki oo dowladiisa cusub dhisay, isagoo musharaxiintii la Tartamasay mid ka mid ah ka dhigay ku xigaynkiisa..



Kibaki iyo ODM K, Musoyoko

Madax waynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa galinkii danbe ee shalay waxaa uu soo dhistay golaha wasiirada ee dowladiisa qaar ka mid ah ka dib markii uu shir ku qabtay albaabadu u xiran yihiin xarunta madaxtooyadda ee dalka magaalada Nairobi.

Ku dhawaaqista golaha wasiirada ee dowlada Kibaki ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee ODM kuwaas oo ku eedayna Kibaki in doorashada uu musuq maasuqay sida ay hadalka u dhigeen balse dowlada dalka ayaa gaashaanka ku dhufatay arimahaasi.

Dhex dhexaadin caalami ah ayaa waxay ka socotay dalka maalmihii ugu danbeeyay iyadoo ay dhawaan ka baqooshay magaalada Nairobi gaalisadda wasaarada arimaha dibada kenya ee arimaha afrika Jandey Frezer,waxaana habeenimadii xalay ahayd soo gaaray dalka madax waynaha dalka Gaana John Kofur ahna gudoomiyaha midowga afrika.

Habada waa Kuwaan golaha wasiirada cusub ee dowlada.

  1. Madax wayne ku xigayn ahna wasiirka arimaha gudaha Mr Stephen Kalonzo Musyoka;

  2. Wasiirka maamulka maamulka goboladda iyo aniga gudaha , Prof George Saitoti.

  3. Wasiirka difaaca,Yusuf Mohamed Haaji.

  4. Wasiirada howlaha gaarka ah, Dr Naomi Namsi Shabaan.

  5. Wasiirka Howlaha guud, Asman Abongotum Kamama;

  6. Wasiirka Maaliyadda Amos Muhinga Kimunya.

  7. Wasiirka wax barshadda,Prof Sam Ongeri;

  8. Wasiirka arimaha dibada Minister for Foreign Affairs; Moses Wetang’ula;

  9. Wasiirka Dowladaha Hoose ,Uhuru Kenyatta;

  10. Wasiirka war faafinta iyo isgaarsiinta,Mr Samuel Lesuron Poghisio;

  11. Wasiirka biyaha iyo waraabinta ,John Munyes;

  12. Wasiirka tamarta ,Mr Kiraitu Murungi;

  13. Wasiirka jidadka iyo shaqaalaha guud,,John Njoroge Michuki;

  14. Wasiirka Science iyo Technology-ga; Noah M. Wekesa;

  15. Wasiirka Cadaalada iyo arimaha dastuurka ,Ms Martha Karua

  16. Wasiirka Xiriirka Gobolka Bariga Afrika Dr Wilfred Machage

  17. Wasiirka gaadiidka, Chirau Ali Mwakwere.

Waxaa sida muuqato dowlada madax wayne ku xigayn looga dhigay Mr Stephen Kalonzo Musyoka oo ahaa gudoomiyaha Xisbiga ODM-Kenya oo ay markii hore soo kala jabeen ODM, waxaana uu Mr Stephen Kalonzo Musyoka ahaa musharax sadexaad ee madaxtimada dalka u tartamayay.

10 ka mid ah golaha wasiirada ayaa waxay ka soo jeedaan Xisbiga Madax wayne Kibaki’s PNU, halka afar kalana ay ka soo jeedaan Kanu,labo xubnood ayaa waxay ka soo jeedaan ODM-K ee oo hogaamiyo Mr Stephen Kalonzo Musyoka; halka xubinta ugu dhiman uu ka soo jeedo Xisbiga DP.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
bootaan_somtalilk@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com