SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

War-saxaafadeed : Xildhibaan Sulaymaan Colaad Rooble ‘’Mowliid Macaane iyo Cabdulaahi Yusuf labadii xaq daro ku heshiisa xaqa ayay ku diriraan"

Casmara 07.01.2007 Mowliid Macaane marka shaqsiyadiisa wax u waayo ayuu jareer sheegaa in la khadiyay, laakiin hadiiba isaga wax loo laaco intay doonta ha ahaatee jareer xaqiisa waa haysataa.

Labadii xaq daro ku heshiisa xaqa ayay isaga horyimaadaan,Mowliid iyo C/laahi Yuusuf shalay waxay heshiis ku ahaayeen sida maanta dalku yahay iyo in cadow gacanta loo galiyo Soomaaliya, maantana waxay ku dagaalameen sadbursiinyo ama xuquuq aan jirin baadi goobkeeda.

Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa dalkiiba gacan cadow ayay galiyeena, goormaa laga hadlayaa waxa ay isku haystaan waa wax nasiib daro mugeeda leh.

Beelaha jareer waxaan u sheegayaa in Mowliid Macaane u yahay midka lumiyay xuquuqda beesha jareer, haddii uu wax waayana ay tahay marka jareer loo gafay, marka uu wax haysatana waa marka jareer xuquuqdiisa uu haysto, taas oo noqotey mid uu caado ka dhigtey oo aan u aragno gaf uu gafayo beesha Jareer.

Waxaan ugu yeerayaa bulshada jareer inay u istagaan ka qaybqaadashada sidii lagu yiqiin xoraynta dalka, dhagna aysan jalaq u siin waxa dhaxmaraya Khaa'imiintaa dalka iyo diinta dana gaar ah oo ay leeyihiin ku iibsaday, xaqoodana waa imaanayaa bilaa shuruud beesha jareer insha allah.

Waxaana ku soo gunaanadayaa war saxaafadeedkan in Mowliid Macaane iyo Cabdulaahi Yusuf yihiin u adeegayaal Tigree aysanba lahayn damiir Soomaalinimo iyo mid biniaadanimo.

Xildhibaan Sulaymaan Colaad RoobleXubin ka mid ah baarlamaanka xorta ah ahna gudoomiyaha gudiga warfaafinta iyo wacyigalinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya

Casmara
Eritrea

Madax Mareykan ah iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo shir ku yeeshay Casmara... Akhri... Jan 7

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com