SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dugsi Sare oo Loogu Magacdarey Amiir-Nuur oo Laga furey Degmada Garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Magaalada Garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo aya waxaa lagu qabtey munaasabad balaran oo lagu maamusayey Furitaanka Dugsiga Sare ee Amiir Nuur ,iyadoo dugsigani sare uu yahay kii ugu horeeyey ee Degmadaasi laga hergeliyo tan iyo waxii ka dambeeyey Burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya..



Munaasabadii furitaaka dugsiga oo lagu qabtey degmada Garbaharey ayaa waxaa ka soo qeybgaley Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Aden Ibraahin Aw-Xirsi, Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey, Maxamed Cabdulaahi Xaashi,Xubno ka tirsan Mamulka Degmada,Odoyasha,haweenka,qaar ka tirsan ururada Bulshada Rayidka ee ka dhisan Garbaharey iyo Xubno kale.


Gaarane, cirro, faradheere iyo wali.

Dugsigan Sare ee Amiir Nuur oo qabanqaabadiisu ay socotey mudo sanad ah ayaa waxa hergelintiisa iska kaashadey Ururo Samafal wadani ah oo fadhigoodu yahay dibada kana soo jeeda Gobolka iyo Mas,uuliyiin ay ka mid yihiin Dr.Bashiir Nuur Xasan(Looyaan), Dr.Warsame Xasan Cali oo labadooduba ku sugan Cariga Mareykanka ayaa waxay sheegeen ardeyda dhameysata waxbarashada dugsiga Sare inay u radin doonaan Deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa ah si aqoontooda ay u sii wataan.


goomiyaha Ururka haweenka Xabiibo xaashi Geele

Axmed Maxamed Urur oo ka mid ah Aqoonyahanada ka qeybqaatey hergelinta dugsigan Sare oo degan Dalka Norwey ayaa sheegay in ay diyaariyeen Dhismaha Iskuulkaasi oo ah Dhismo balaran oo ka kooban ila 10 Qol oo uu iska leeyahay Alle ha u naxariistee Nuur Xasan Looyaan(Nuur-Bidaar)sidoo kale waxa diyaar ah ayuu sheregay ilaa 200 oo ardey oo dhameysatey Sanadkan waxbarashada Dugsiyada Dhexe iy6o Macalimiintii ardeyda waxbari lahayd.


Cirro

Gudoomiyaha Gobolka Gedo.Aden Ibraahin Aw-Xirsi aya soo dhaweeyey furitaanka dugsiga Sare ee laga furey Degmada Garbaharey,waxuuna sheegay in ubadka soo koraya ay ahmiyad gaar ah u leedahay waxbarashada si looga baxo jahliga waxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey uraradii iyo Aqoonyahanadii gacanta ka geystey hirgelinta Dugsiga Sare.

Axmed Cumar Saalixi
Baardheer,Gedo
saalixi221@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com