Baarlamaanka Dowlada Federaalka KMG Soomaaliya oo cod Aqlabiyad ah ku
Ansixiyey Xukuumada cusub kadib markii…”
Qaabkii ay u dhacday Anxisintii Xukuumadda Col. Nuur Cadde...
Xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde ayaa cod kalsooni 223
ku Ansixiyey Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya, kaddib markii ay Qorshe
hawleedkii ay ku hawlgeli lahayd Xukuumada cusub, Gole Wasiiro 18 ah iyo 5
ku xigeen ay u soo gudbisay Baarlamaanka Janaayo 7, 2008, taasoo xubnaha
Baarlamaanka ay isku qabteen marka codka kalsoonida Xukuumada loo qaadayo in
laga dhigo mid Qarsoodi ah iyo in laga dhigo mid Gacan taag ah.
Kulankii ay maanta [Jan 10, 2007] isuguyimaadeen xubnaha Baarlamaanka DFKMG
oo Ajandihiisu ahaa Ansixinta Xukuumadda cusub ayaa intii aan la Ansixin
waxaa jirey isku dayo fara badan oo lagu doonayey in Xukuumada lagu Ansixiyo
cod Qarsoodi ah, taasoo ay wateen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka,
waxaa keloo jiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo
shirgudoominayey kulankan ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka u sheegey in laba
mooshin oo Ansixinta Xukuumada ah loo soo gudbiyey.
Labada mooshin ee loo soo gudbiyey gudoomiyaha ayaa waxay kala ahaayeen in
Xukuumada lagu Ansixiyo cod qarsoodi ah iyo in cod Gacan tag lagu Ansixiyo
149 Xubnood ayaa dooneysay in gacan taag lagu Ansixiyo halka 43 xubnood oo
soo gudbiyey mooshin kale ay ahaayeen kuwa doonayey in cod Qarsoodi ah lagu
dhigo.
Is riix riix iyo sawaxan badan kadib waxaa lagu soo gebagebeeyey in
Xukuumada cusub lagu Ansixiyo gacan taag.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegey gunaanadkii doodda
in 230 Xildhibaan ay soo xaadireen “223 Xildhibaan waa ogolaadeen in
kalsoonida la siiyo Xukuumada cusub, 5 Xildhibaanada waa ay diideen, 2
Xildhibaan waa ka aamuseen, sidaas daraadeed Xukuumada sidaas ayey Ansax ku
tahaya.”
Intaa kaddib waxaa halkaasi ka Hadley Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Col. Nuur
Cadde oo halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysay:
Sidoo doorashadu u dhacday iyo Hadalkii Col. Nuur Cadde ka jeediyey
ansixintii ka diib
Waraysi: Cali Axmed Jaamac Jangali...
Waraysi Gaar ah
oo SomaliTalk la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga
ah ee DFKMG Cali Axmed Jaamac Jangali...
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo
fatxumaalik@hotmail.com
Waraysi uu Sh. Shariif la yeeshay Idaacadda Codka
Maraykanka..
Wadahadal nabadeed oo Soomaaliya waxa uu ku xiran yahay
in ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka Soomaaliya, sidaas
waxaa yiri Sh. Shariif, Guddoomiyaha Isbaheysiga
Dibu-Xoreynta Soomaaliya, waraysi siiyey idaacadda codka
Maraykanka.
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2008