SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Bad-baadinta Dalkii La Odhan Jiray Soomaaliya

Ibrahim Essa Omer
Hargiesa
hidesskins@hotmail.com

Sida laga warqabo dalka soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxayn jiray cadawtinimo aad iyo aad u fogg, oo ku salaysnaa dhul la kala haysto oo ay Ingiriisku bixiyeen siiyeena dalka Itoobiya, dhulkaas oo loo yaqaaney (Resave Area), arintaasi waxay salka ku haysay markii ay dawladaha Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska, ay qaybsanayeen Africa, oo ay Amxaaraduna qayb ka ahayd qaybsigaa.

Sikastaba ha ahaatee waxaa is diiday labadii qaybood ee u horeeyey ee isku darsamay oo kala ahaa (Italian colony) iyo (British colony) oo la baxay soomaaliya iyada oo intii kale maqan tahay, iska hor-imaad ka dhacay labada qaybood ayaa sababay dagaal adag oo ay ku kala tagaan oo salka ku hayey cadaalad daradii ka timid dadka koonfurta ku nool, laga soo bilaabo 1960 markii laysku daray labad qaybood.

Kadib caqli xumadii siyaasiyiinta reer koonfureedka ayaa waxay keentay in dalkoodii ay xabshi soo galiyaan, dadkii wadanka lahaana dibada loo daad gureeyo iyada oo ay siyaasadaa ka danbeeyaan dawlada Mareynaka iyo dawlada Ingiriiska oo si wada jira xabishida u adeeg sanaya, iyada oo lagu socdo khayraadka ku jira dhulka soomaalida, isla markaana laga dhigtay qabrigii lagu aasi jiray hadhaaga wershadaha.

Waxa aan leeyahay marka hore dawlada Itoobiya ee ku mar marsoonaysa diimaha ay ka sheekeeyaan Ingiiriska iyo Mareykanku, xabashidu haka baxdo dalka soomaaliya, soomaalida liidatana waxaan leeyahay ninkii qayrkii loo xirayow soo qoyso, gunta iyo gabagabdii waxaan dadka soomalida u sheegayaa in ay joojiyaan waxa foosha xun ee la qaadan karayn kuwa wax xukuma ee ah calooshadooda u shaqeeysta yaasha waa inay ka waan toobaan dhibaatooyinka umada haysata.

Ibrahim Essa Omer
Hargiesa
hidesskins@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2008


Qaabkii ay u dhacday Anxisintii Xukuumadda Col. Nuur Cadde...
iyo waraysi SomaliTalk la yeelatay Cali Axmed Jaamac Jangali... Dhegeysi/Akhris...

dugsiDugsi Sare oo Loogu Magacdarey Amiir-Nuur oo Laga furey Degmada Garbaharey ee Gobolka Gedo...: Dugsigan sare oo ah kii ugu horeeyey ee Degmadaasi laga hergeliyo tan iyo waxii ka dambeeyey Burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya.. Akhri... Jan 8

casmaraWar-saxaafadeed : Xildhibaan Sulaymaan Colaad Rooble ‘’Mowliid Macaane iyo Cabdulaahi Yusuf labadii xaq daro ku heshiisa xaqa ayay ku diriraan" Jan 8

gaaniXildhibaan Sharma'arke "Waa in la soo magacaabaa Gole Wasiiro Cusub…" - Waxaa lagu xadgudbay Dastuurkii lagu soo qoray Kenya.....

Kibaki oo Dowladiisa Cusub Dhisay
isagoo musharaxiintii la Tartamasay mid ka mid ah ka dhigay ku xigaynkiisa.... Akhri...

xildhibaanQorshaha Xukuumadda Col. Nuur Cadde oo Baarlamaanka loo qaybiyey
iyo Aragtiyo kala duwan oo aan ka soo uruurinay qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo is rasaaseyn sababtey dhimasho oo ka dhacdey Raamo Cadeey... Dhegeysi

caddeGolaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey: Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde Dhegeysi/Sawirro Jan 5

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com