SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -

X I L B E E G 
 

Ardaa Bulsheed Dan Bida Tan Guud.

_________________ 


War Saxaafadeed: Bogaadin Hawlaglka Amni ee Ciidanka Booliska Boosaaso, 10-ka Janaayo 2008.  

Annaga oo tixraacayna iska-horimaadkii hubaysnaa ee maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Janaayo 2008 ka dhacay Bosaaso, waxaan hambalyo u direynaa ciidamada booliska magaalada Boosaaso oo maanta fuliyey hawlgal nabadgelyo oo lagula dagaalamayo burcad waayadan falal damabiyeed isku dhafan afduub iyo dhac u geystay ajaanibta martida u ah Puntland ee ka shaqeeya hawlaha samafalka. 

Sidoo kale, waxaan tacsi u direynaa xubnaha ciidanka booliska ah ee ku geeriyoodey, kuna dhaawacmey hawlgalkan. Ciidamada boolisku waa naftood hurayaal bulshadu ay ku laddo, una taagan badbaadinta bulshada markii iyo halkii loo baahdo, sidaa darteedna ay mudan yihiin ixtiraam iyo gacansiin buuxda. 

Waxaan sidoo kale tacsi u diraynaa ehelada dadkii rayadka ahaa ee dhibaatadu ka soo gaartay dhacdadan. 

Waxaanu ku taageeraynaa, kuna boorinaynaa dawlada Puntland in si degdeg ah loo dhameystiro hawlgalkan lagu sugayo amniga, gacan bir ah lagu qabto amniga, lagana hortago cid kasta oo wax u dhimeysa nabadgelyada Puntland. Bulshada ku nool Puntland waa dad dhaqan u leh nabad jacayl, balse marnaba aan u dulqaadanayn isku day wax u dhima nabadda Puntland. 

Waxaan ugu baaqeynaa hay'adaha caalamiga ah, iyo kuwa Qaramada Midoobey in ay maamulka Puntland kala shaqeeyaan sugitaanka amniga, sidaas darteedana ay si degdeg ah dib ugu bilaabaan hawlaha samafalka ah ee ay baahida darani u hayso bulshada inteeda nugul. 

Mahadsanidin. 
_______________________ 

*** XILBEEG waa urur bulsheed u taagan toosinta galdaloolooyinka maamul, goobana horumarka fog ee Puntland, lehna aragti siyaasadeed u nugul danta guud. 
 

"Cindi laawe, Ha Cawarine, Caymi" Hal kudhegga XILBEEG. 
 

Guddiga Xiriirka Bulsho ee XILBEEG

xilbeeg@gmail.com

::: X I L B E E G: Duulduulka Cadde, iyo Damanaanta Dadka Puntland

Xilbeeg: Puntland: Dhankii loo Saraba waa Boog  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2008


Qaabkii ay u dhacday Anxisintii Xukuumadda Col. Nuur Cadde...
iyo waraysi SomaliTalk la yeelatay Cali Axmed Jaamac Jangali... Dhegeysi/Akhris...

dugsiDugsi Sare oo Loogu Magacdarey Amiir-Nuur oo Laga furey Degmada Garbaharey ee Gobolka Gedo...: Dugsigan sare oo ah kii ugu horeeyey ee Degmadaasi laga hergeliyo tan iyo waxii ka dambeeyey Burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya.. Akhri... Jan 8

casmaraWar-saxaafadeed : Xildhibaan Sulaymaan Colaad Rooble ‘’Mowliid Macaane iyo Cabdulaahi Yusuf labadii xaq daro ku heshiisa xaqa ayay ku diriraan" Jan 8

gaaniXildhibaan Sharma'arke "Waa in la soo magacaabaa Gole Wasiiro Cusub…" - Waxaa lagu xadgudbay Dastuurkii lagu soo qoray Kenya.....

Kibaki oo Dowladiisa Cusub Dhisay
isagoo musharaxiintii la Tartamasay mid ka mid ah ka dhigay ku xigaynkiisa.... Akhri...

xildhibaanQorshaha Xukuumadda Col. Nuur Cadde oo Baarlamaanka loo qaybiyey
iyo Aragtiyo kala duwan oo aan ka soo uruurinay qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo is rasaaseyn sababtey dhimasho oo ka dhacdey Raamo Cadeey... Dhegeysi

caddeGolaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey: Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde Dhegeysi/Sawirro Jan 5

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com