Rumayso ama Ha Rumaysan: Arrin Layaab leh oo Kudhacday Qoys
Deggan Waddanka Australia.
Dhacdadan ayaa ku dhacday qooys soomaaliyeed oo kunool wadanka
Australia.
Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay arrin
layaab leh oo aan suurta gali karin, kabacdi waxaan raadiyay sida
ay wax uga jiraan arintan anoo rabo in aan kasal gaadho in ay
run tahay iyo inkale. Haddaba akhristayaasha sharafta lahoow
aniga oo baadhitaankeeyga ku soo guuleeystay in ay arintu jirto
ayaa waxa ay dalbadeen qooyska ay arintu ku dhacday in arintooda
lasheego laakiin aan marnaba warbaahinta loo gudbin magaca
qooyska ayaga oo kadalbaday warbaahinta in magaca qooyska
labaahin.
Aniga oo tix galin siinayo codsiga qooyskaas ayaa waxa aan
jecelahay in aan idin la wadaago say wax u dhaceen iyo sida ay
qisadu tahay, waatan ayada oo ay hooyada qooykaas ka sheekaynayso
ayada oo tilmaamaysa say wax u
dheceen waxay tiri:
"Mudo laga joogo Afar sano ayaa waxa aan aaday in aan
soo guto xajka aniga oo watay gabadh yar oo aan dhalay ee
markaas ahayd sagaal jir. Gudashada xajka ma aha mid sahlan
aniga oo dareesan in ay adagtahay in aan guto hoowlaha xajka
kabacdi markii aan tagay cariga barkaysan ee boqorteeyada
sucuudiga ayaa waxa aan go aan saday in aan gabadha uga tago
qooys soomaaliyeed oo aan dhaho ii sii haya inta aan xajka soo
gudanayo, laakiin kabacdi waxaan go'aan saday in aan gabadheeyda
ila xajiso oo aan gacanta qabsado.
Hooyadaas ayada oo hadalkeedii sii wadato waxa ay tiri: "Kabacdi
markaan gudo galnay hoowlihii xajka ayaa waxa iga dhuntay
gabadheeydii oo aan waayay, xajka waa meel ay aad u sahlantahay
in laka dhumo, maxaa yeelay malaayiin ruux ayaa isugu imaanayso
qofwalbana waxa uu rabaa in uu guto waajibkaas.
"Iska dhaaf in
aan hoowlihii xajka si watee labo indho isuma keenin, meelwalba
ayaan maray si aan uhelo gabadhii ayada oo ay ila tacaaleen
qooysas badan oo soomaali ah iyo hoowl wadeenada xajka ama
shaqaalaha xajka oo adeegsaday waxwalba si ay usoo helaan
gabadheeydii.
"Walwalkii ayaa igu siibatay waxa aad dareemi kartaa qofkii
tagaa garanayee in meeshaas ruuxii dhumaa ay adagtahay in si
sahlan lagu helo qofweeyn ayaa dhumayee maxaad u malayn ilma yar
oo sagaal jir ah." Ilaahay ayaan baryay in gabadhaydii isu kaan
soo celiyo aniga iyo ayada ayay tiri hooyada. " kabacdi
shaqaalihii xujayda ama sucuudiga ayaa iyidhi" Xaajiyo is ka
dhamaystiro xajkaada anagaa raadinayno gabadha ayaga oo iga
qaatay gabadha sawirkeedii iyo warbixinteeda.
Hooyada waxa ay tiri "kabacdi markii aan dhamaystay xajkii
waxaan laxariiray doowlada sucuudiga ama kuwii kashaqeeynayay
xajka bal si aan uhelo wax warbixin ah intii dadaalkooda ah way
bixiyeen runtii wax aan kudagaalo majirin maxaa yeelay sadex
milyan oo qof kasoo dhaxsaar ilma yar way ku adkaatay intii
tabartooda ahna waa dadaaleen . " waxay igeeyeen xarum loogu
tala galay dadka dhumay dadkii markaas lagu hayay xarumahaas
kuma jirin gabdheeyda. " waxay igu yiraahdeen xaajiyo laxariir
safaaradaada anagana hadaan helno warbixin ku saabsan gabadhaada
waan kula soo xariiraynaa. " Ilin iyo tiiraanyo iyo hurdo la aan
ayaa isugu kaydarsantay, gabadheeydii oo maqan iyo sida ay
xaaladu tahay. " waxaan sii joogay sacuudiga mudo sedex bilood
ah si aan uhelo bal wax war ah oo kusaabsan gabadheeydii, haba
sheegin ayay tiri hooyadaas.
"Ilaahay ayaan iska tala saartay waxaan go'aan saday in aan
kunoqdo carigii aan ka imid oo ahaa wadanka Australia. Muddo
gaaban kabacdi ayaa waxa ila soo xariiray wasaaradda arrimaha
dibadda ee wadankan Australia, ayaga oo ii sheegay in ay dadaal
kubixinayaan sidii loo heli lahaa gabadhaas ayaga iyo doowlada
sacuudigu iska kaashanayaan. "waxayna isiiyeen nambar aan
marwalba la xariiro si aan uwaydiiyo bal xaal meesha uu marayo
dhinaca kale waxa aan go aan saday in aan marwalba xajiyo si aan
utago cariga sacuudiga oo qalbigayga usabarsiiyo laakiin wax war
ah hasheegin. Muddo sadex sano ah markay kasoo wareegtay ayaa
sankii dhaweeyto ayaan tagay xajkii aniga oo wareegayo oo in
dhaheeyga ilmihii yar ee ay qabtaanba fiirinayo ayaa waxaan
arkay ilmo dhoowr ah oo taagan meel ay xujaydu marayaan
ilamahaas oo tuugsanayo oo kaalmo waydiisanayo kadalbanayo
xujayda.
"Ishayda ayaa ku dhacday gabadh kamid ah dadkaas tuugsanayo alaa
waa gabadhaydii ayaan af iyo labadii qabsaday, mase gabadhii
labada gacmood ayay go antahay, hooyo miyaad ahayn heblo, hooyo
miyaad ahayn gabadheeydii , ilmo iyo qaylo iyo oohin ayaan isku
daray,dhinaca kale wali aniga oo shaki igu jiro maxaa yeelay
gabdha waa isbadashay oo waan garan waayay ayaa waxaa idul
istaagay nin madoow oo igu yidhi " Maxaad rabtaa? ii siidaa
gabadha anaa dhalee? ayuu yidhi. "War bax ayaan idhi waa gabadheeydii", aniga oo dharbaaxo
adeegsaday ayaa dhacdadii waxaa nagu so xoodaanasaday dadkii
meesha marayay. Booliis ayaa yimid meeshii waanala waday
dhamaantaan aniga iyo ninkii iyo gabadhii.
Xarun boolisku leeyahay ayaa nala geeyay oohin iyo in aan
kubaroorto gabadhii ayaan bilaabay. mucjiso layaab leh ayaa
kadanbeeysay arintaas oo ay hooyadu sheegtay. ayada oo tiri
"Dowlada Sacuudigu waxay laxariireen meelo dhawr ah ayaga oo soo
ogaaday magaca gabadha ay wadato in uu yahay magac gabadh
dhuntay mudo oo hooyadeed ay dagan tahay wadanka Australia,
ninka madoow wuxuu sheeganayaa oo uu leeyahay anaa dhalay
gabadha ee madhalin naagtan, hooyada waxay sheegtay in ninkaas
uu u dhashay wadanka Suudaan.
Gabadhii ayaa lawareeysatay ayada oo ayna
hooyadeed lajoogin ayada oo tilmaantay in ay kala dhumeen ayada
iyo hooyadeed ayna wayday hooyadeed ayada oo oynaysey meel cidla
ah in uu ninkan gacanta ku dhigay oo uu yidhi anaa ku dhalay,
gacmahana uu kajaray oo uu yidhi noo tuugso si aan wax kuugu
helo. Allaahu Akbar, yaab badanaa.
Gabadhii waa laqaaday waxaa lagu sameeyay ama laga qaaday DNA,
si loo hubsado in hooyadu ay dhashay gabadha, DNA aydii waxay
cadaysay in ay hooyadu dhashay gabadha. Hooyada waxay sheegtay
in aan aado cir iyo dhul aan kala garan waayay markaan arka
gabadha iyo sida ay tahay iyo sida xaal noqday. "Ninkii
Suudaaniga ahaa waxaa ay ii sheegeen in ladili doono oo
lakhaarijin doono maxaa yeelay waxay idhaheen wuxuu kugeetsay
dhulka barkaysan ee ilaahay danbi aad uwayn, waxayna ii sheegeen
in saacadaha soo socdo loogudbin doono meeshii lagu khaarijin
lahaa. afartan daqiiqo kabacdi anoo joogo meeshii waxaa yimid
baabuur madoow, ninkii ayaa lasaaray waana tagay. Abaalkisu
wuxuu noqday in latoogto waana abaal uu mutuustay, ayay tiri
hooyadaas.
"Kabacdi waxaan helay gabadheeydii oo gamaha go'an, aniga oo
tiiraanyeeysan ayay i yidhaahdeen shaqaalihii gacanta kuhayay
geeyska gabadha 'Xaajiyo kaalay' waan raacay taleefan ayay ii
dhiibeen waxaa taleefanka ku jiro nin cadaan ah oo yidhi waxaan
joogaa safaarada Australia ee magaalada Riyad, asaga oo iyidhi
waxaa nala soo gaarsiiyay in gabadhii lahelay aadna waan ugu
faraxsanahay in aad gabadhaadii heshay. Hooyadaas waxay
tilmaantay "In safaarada ay had iyo jeer laxirii jireen
doowlada sacuudiga oo ay wareesan jireen gabadha xaaladeeda
laakiin sacuudigu uuna dan kagali jirin markii lasoo waco unbuu
ordi jiray. marabo in aan kudanbaabo qof muslim ah laakiin intii
ay gabadha iga maqnayd aad ayay iila soo xariiri jireen doowlada
Australia.
Baabuur ayaa la-iga soo saaray
aniga oo la ii soo talaabiyay aniga iyo gabdhaydii iyo laba
shaqaale oo sacudiyaan ah. magaalada mako ayaa nala keenay,
kabacdina waxaa naloo sii tilbaabiyay magaalada Riyad. waxaan
kula kulmay nin kasocday safaaradda oo isoo dhaweeyay oo yidhi
"waxaan gabadha ku sameeynaynaa baadhitaan, waxaana sida ugu
dhakhso badan ugu diraynaa wadankeedii (Australia), ayuu yidhi ninkaas.
Laba maalmood kabacdi ayaa anigii iyo
gabadhaydii kasoo dhoofnay magaalada Riyad. Markaan nimid
Australia waxaa garoonka iigu timid naag tir "Waxaan kasocdaa
wasaaradda ilaalinta xuquuqda ilmaha, waraysi ayay iga qaaday
ayada oo tiri anaga ayaa kula soo xariirayno. Murugo ayay igu
noqotay in xaal uu saas noqdo laakiin bay tiri hooyadaas "
hadaad tahay qof muslim ah aduunyadan waa lagugu imtixaami".
hooyada waxay sheegtay in gabadha hada loo hagaajinayo sidii
gacmaha loogu badali lahaa oo ay xaalkeedu meelwanaagsan marayo.
Arintan ku dhacday qooyskaas soomaalida ah ayaa waxa ay sheegeen
tiro kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee dagan magaalada ay
hooyadaas dagantahay in ayna maqal ayada oo ay go aan sadeen
reerka qooyskaas in ay iska aamusaan maadaama ilaahay usoo helay
gabadhoodii caafimaadna qabto.
Dhacdo layaab leh ayay kunoqotay qofwalba oo maqla arintan.
Waxay
tilmaameen dad kudhow qooyskaas, in hooyada ay tahay hooyo sabir
iyo iimaan badan. Ilaahay ayaa ka abaal marin doono sabirkaas
iyo iimaankaas. Allahu Akbar. Mucjiso.
WQ. Mohamed Wali (XIISH).
Email:
xiish3@hotmail.com
Australia.