SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Suuqa Garoobyada Waxbaa Kasi Ah 

WQ: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com 

Waxaan Ku Billaabanayaa Magaca Alle Ee Naxariista Badan Naxariista Khaaska ahna leh. Nabigeennii  Muxammadna Naxariis Iyo Nabadgelyo Dushiisa Ha Ahaato.  

Tan iyo markii aan billaabay qoritaanka kitaabka aan ku magacaabay: 
 

Isbaaradii Dumarka 

Kadib markii aan ku baahiyay websidyada cutubka 1aad ee kitaabka oo aan ku magacaabay: 
 

ILama Guursan Kartid Waa Gaalnimo

(( Halkan Waxaad ka akhrisan kartaa cutubka 1aad  )). 

Ayaa waxaa igu soo xoomma goob walbaa oo aan joogaba walaalo cabbursanaa oo mar uun doonayay in baabkan lafuro. Halka walaalo badanna ay igula soo xiriireen Email wallaw ay walaalaha Emailka igula soo xiriiray ay ku kala aragtiyo duwanaayeen. Waxayna isugu jireen qaar mu’ayidiin iyo mucaaradba leh waana sida caadada insaanka u badan. 

    Walaalaha igu soo xoomma kolkay I arkaanba waxay qoraalka ka fahmeen inaan hayo dumar badan oo dhibaataysan iyagoo ii muujinaya inay daacad ka tahay inay caawiyaan gabdhahaa walaalahood ah ee loogaga dhaartay in loo furo baabka isla guursiga. 

Raggaasi waxay isugu jiraan kuwo xaasas leh iyo kuwo aan xaasasba lahayn waxaana ka go’n sida ay ii muujiyeen inaanay u aabayeeli doonin wixii ka dhasha oo ah carro ka timaada dhanka xaasaskooda, halka qaarna ayba farxaan kolkay I arkaan kolka aan  kula kaftamo:

Oo maanta si baad u faraxsan tahaye sidee bay wax u jiraan? Kolkaa bay iigu jawaabaan:  

Xaaskii Baa I Fasaxday! 

Taasoo macnaheedu uu yahay, waxay igu tiri: Waad ila guursan kartaa. 

Halka qaar kalena ay igu wareersheen ii raadi mid juuqla’ ah isagoo kawada ii raadi mid qudbo sira ah.  
 

Haddii Alle idmo mawduucaasi qudbo siradana waxaad kaga bogan doontaa cutubka sadexaad ee kitaabka oo aan u bixiyay: 

Qudba Siradu Waa Qaan Kugu Maqan 
 

Waxaase ka horeeya cutubka labaad oo ah:

Guuxa Garoobyada 

Kolkii ay arintu sidaa iigu caddaatay ayaan goostay bal inaan walalaha aanan rajo tirin oo aan  ka caawiyo arintaa intii karaankayga ah. 

Waxyaabihii aan ku caawin karayayna waxa uun bay ahaayeen goobo aan garanayay oo u badan masaajido ay iska diiwaan geliyaan dadka guur doonka ah. Kolkii aan waraysanay goobihii bal inay jiraan dumar Soomaali ah oo isugu jira gabdho, garoobyo iyo caraamiil laga geeriyooday oo u baahan in agoonta lala koriyo? Waxaa naloogu jawaabay hal gabar oo u dhalatay Soomaali inaysan faylkooda uusan ku jirin balse ay hayaan dumar kale oo u dhashay ummadaha kale ee muslimiinta iyo kuwo soo islaamay.  

Waxaanse ka cudur daaranayaa inay mar labaad rag kale oo fara badan ay igu soo xoommaan markay maqlaan inay wax uun jiraan. 

Waxaa cajiib ah in raggu  badankood raadinayeen hablo Soomaaliyeed. Balse waxaa aad wax loola yaaba ah in garroobyadii iyo caraamishii laga geeriyooday ee la caawin lahaa ay kaalintoodii gabeen. 

Waxaan shaki lahayn haddaad sidaa kusii socotaan in ay aad u adkaan doonto sidii suuq laydiinkugu heli lahaa, maxaa yeelay rag badan baa hadda diyaar idinla ah inay idiin caawiyaan isla markaana ay dhagahoodu ku bateen dumar Soomaaliyeed oo aad u badan baa dhibaataysan kadibna goostay inay qaadaan isbaaradan xaaraanta ah ee ku dhisan garaad la’aan iyo naxariis darro gaamurtay oo ay u dhigteen dumar walaal lammood ah oo waalan. 

Talo 

Waxaa iga tala ah inta ay arintu qoyan tahay inaad fadhiga ka kacdaan oo aad midowdaan maxaa yeelay kuwo xaasaska qababa way idiin midoobeen oo aad bay isaga kiin ilaaliyaan. 

Intii aan ku hawlanaa baaritaanka mawduucan waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee aan la kulmay waxaa kamid ahaa fadhi ay yeesheen dumar la qabo kuna saabsanaa inuu xaafadda ku dhuumaalaysanayo nin qarsanaya xaas labaad ee waa in lasoo qabtaa. 

Dadka aad walaal ka dhiganaysaan ee ukhtii ukhtii aan waxba ka jirin idinku maaweeliya kol kolna aad caawisaan oo idinku xammaasha kolkii ay odayga idiin kala baqaana idiin erya waxba haka sugina 

Sidaa darteed waa inaad midowdaan oo aad is raadsataan isla markaana aad is diiwaan gelisaan sida ugu dhaqsiinyaha badan, madaxna waa inaad yeelataan oo idiin kala haga isla markaana gudbiya codkiina, qofkaasina waa inuu yahay qof dumar ah oo xil kas ah xogtiina hoosana aad is dhaafsan kartaan. 

Waxaa kale oo idiin kugu bishaaraynayaa in dumarkii xaasaska lahaa ay hadda aad u jilceen oo hadda sheekadii ahayd car ila guurso waa la isaga daba yimid ee idinka codkiina hala maqlo. 

Sidaa darteed waa inaad  yeelataan idaaro gaar ah oo qaabilsan qaabilaadda ragga ay soo eryaan xaasaska dhibka badan ee ku andacooda wuu ila guursaday IWM iyagoo marmarsiinyo ka dhiganaya masayr aan jirin maxaa yeelay shareecadu marna masayr ma diidin oo waligeed waa la masayri jiray tan iyo intii bani’aadam jiray balse diidmadu waa jaxdi waana arin laga madax adaygayo aayaadka Alle waana gaalnimo hadduu qofku xallaashado diidmadaasi Allaynu ka magan galnaye.  

isla markaana waa inaad meelaysaan ninkaa lasoo eryay iskuna daydaan inaad u dhammaystirtaan inta u hartay ee xaasas ah si aan loo maqal dumar danbe oo ku andacooda wuu ila guursaday.  

Waxaan kaloo idiin kugula talinayaa inaad la tashataan culimada caamiliinta ah ee diinta Alle sideeda ugu dhaqma si ay idinkaga digaan kuwa dhagarta badan ee dumarka khiyaameeya. Iskana ilaaliya kuwa cullimo lammoodo oo dhuuna qaatayaal ah. 

Towfiiqda Allaha Ina Waafajiyo

WQ: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2008


Qaabkii ay u dhacday Anxisintii Xukuumadda Col. Nuur Cadde...
iyo waraysi SomaliTalk la yeelatay Cali Axmed Jaamac Jangali... Dhegeysi/Akhris...

dugsiDugsi Sare oo Loogu Magacdarey Amiir-Nuur oo Laga furey Degmada Garbaharey ee Gobolka Gedo...: Dugsigan sare oo ah kii ugu horeeyey ee Degmadaasi laga hergeliyo tan iyo waxii ka dambeeyey Burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya.. Akhri... Jan 8

casmaraWar-saxaafadeed : Xildhibaan Sulaymaan Colaad Rooble ‘’Mowliid Macaane iyo Cabdulaahi Yusuf labadii xaq daro ku heshiisa xaqa ayay ku diriraan" Jan 8

gaaniXildhibaan Sharma'arke "Waa in la soo magacaabaa Gole Wasiiro Cusub…" - Waxaa lagu xadgudbay Dastuurkii lagu soo qoray Kenya.....

Kibaki oo Dowladiisa Cusub Dhisay
isagoo musharaxiintii la Tartamasay mid ka mid ah ka dhigay ku xigaynkiisa.... Akhri...

xildhibaanQorshaha Xukuumadda Col. Nuur Cadde oo Baarlamaanka loo qaybiyey
iyo Aragtiyo kala duwan oo aan ka soo uruurinay qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo is rasaaseyn sababtey dhimasho oo ka dhacdey Raamo Cadeey... Dhegeysi

caddeGolaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey: Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde Dhegeysi/Sawirro Jan 5

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com