SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XAFLAD SAGOOTIN AH OO AY ASAP U QABATAY WASIIR XAAMUD
8 Jan 2008,
Melbourne, Australia

Mohamed Ali HamudWaxaa ka dhacay magaalada Melboune, ee wadanka Australia xaflad sagootin iyo casho sharaf oo ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Melbourne ku sagootinayaan wasiirka cusub ee Maaliyada iyo Qorsheyta ee DKG ee Soomaaliya, mudane Maxamed Cali Xaamud.

Xafladdaas oo ay soo abaabushay Ururka Aqoonyahanada Somaaliyeed ee u dhaqan wadanka Australia, marka lasoo gaabiyana loo yaqaan ASAP. Xafladan waxaa sidoo kale ka soo qayb galay aqoonyahada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Australia, iyagoo dardaaran iyo siisagootinba ugula dardaarmayay Wasiirka.

Waxaa halkaa talo bixin iyo dardaaran ka soo jeediyey aqoonyahanadii isugu yimi xafladaas, oo misna u jeediyay tahniyado iyo bogaadin wasiirka cusub ee Maaliyada iyo Qorsheynta ee DKG ah ee Soomaaliyeed. Waxaa kaloo hadal guubaago ah ka soo jeediyay guddoomiyaha Ururka Aqoonyahanad Soomaaliyeed Dr. Cali-Nuur Xassan Ducaale, oo una balanqaaday wasiirka in aqoonyahanda ku dhaqan wadanka Australia la shaqeyn doonaan dawlada si dib loogu hanto qarankii iyo sharaftii luntay.

Waxaa isna halkaa hadal mahadnaq ah ka jeediyey wasiirka Mudane Mohamed Ali Hamud oo aad ugu farxay sida sharafta leh ee loo qaban qaabiyey xafladda sagootintiisa iyo Waxaa kale uu kula dardaaarmay dhammaan aqoonyahandii ka soo qeybgashay xafladdaaas in si wadajir ah loogu guntamo dib u dejinta iyo dib u dhiska wadankii hooyo. Misna wuxuu carabka ku dhuftay halka ay Soomaaliya marayso iyo halka ay wadamada deriska ahi marayaan. Sidoo kale, wuxuu dhammaan dadkii halkaa joogay u sheegay in midnimo iyo wadashaqeyn horumar lagu gaaro.

Daawo sawiradii xaflada sagootinta wasiirka ee lagu qabtay Melbourne, Australia –e-mailka dambe iyaga oo dhawr ah!!!!!!

Mohamed Ali Hamud.


Association of Somali-Australian Professionals (ASAP )
Office of the Secretary-General
Melbourne, Australia
asupclub@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com