ONYANGO: XALKA SOOMAALIYA SANNADO BADAN AYAY
QAADANAYSAA
Warbixintii: Ibraahim Saalax | Nairobi
Dadyow badan ayaa ku jaha-wareersan
colaadaha daba dheeraaday ee haysta dadka Soomaaliyeed
iyo dalkii Soomaaliya, iyadoo marxaladdii ugu adkaydna
ay waqtigan xaadirka ah ku jirto kadib markii Ciidamada
Itoobiya ay si awood leh u soo gashay gudaha dalka,
iyadoo una xoog-sheegatay maamulkii Maxkamadaha ee
xilligaas maamulayay inta badan guud ahaan gobollada
dalka.
Haddaba, maadaama aan maalmahan
booqasho ku joogo Nairobi, xarunta Dalka Kenya ayaa ii
suurto gashay inaan la kulmo Abubakar Onyango oo u
dhashay dalka Kenya, weliba qabiilka Jalwaha, si wacanna
ugu hadla afka soomaaliga ayaa isagu ka soo laabtay
muddo gaaban kahor dalka Soomaaliya.
![](22jul21.jpg)
mr Onyango oo aan wareysiga ka qaadayo.
Mr Onyango oo wax ka badan afar sanno
ku sugnaa dalka Soomaaliya ayaa iiga sheekeeyay sababaha
uu ugu safray dalkaas dillooday colaadaha & dagaalada
iyo wixii uu kala kulmay intii uu ku sugnaa meelihii uu
tagay, wuxuuna isagoo arrintan ka hadlaya ku billaabay
hadalkiisa sidatan:-
“markii hore waxaan Soomaaliya ugu
kicitimay si fii-sabiilillaah ah, waxaan raacay jamaaco
tabliiq ah oo u socday Soomaaliya, iyadoo howsheenana
ahayd sidii dacwada islaamka ugu fidin lahayn walaalaha
soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya” ayuu yiri Abubakar
Onyango oo si wacan oo waadix ah ugu hadlayay afka
soomaaliga intii aan la sheekeesanaynay, iyadoo
su’aalihii aan weydiinayayna uu durbadiiba iga siinayay
jawaabihii ku habboonaa.
![](22jul22.jpg)
waddooyinka Islii ee ay deggan tahay Soomaalida.
“waan jeclahay dadka soomaaliyeed.
Waxay i bareen qiimaha deeqsiga uu leeyahay, waxaad soo
galaysaa goob lagu cunteeyo oo dadkii badnaa ee
cunteenayay uu hal nin uu ka bixinayo, iyadoo weliba ay
dhici karto inayan dadkaasi is aqoonin” ayuu yiri mr
Onyango oo furfurnaan iyo muusood weyn ay wejigiisa ka
muuqatay markii aan la kulmayay, wuxuuna sii watay
hadalkiisa isagoo markalena yiri “saan kuu sheegay
dantaydii koowaad ee i gaysay Soomaaliya waxay ahayd
dacwada islaamka, hase ahaatee markii danbe waxay isu
rogtay annigoo macallin ka noqday dugsiyo kala duwan u
ku kala yaala magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo,
Beledweyne iyo Diinsoor” ayuu yiri Abubakar Onyango.
“Marka laga reebo Gobollada Waqooyi
Barri ee hadda la baxay Somaliland, waan tagay dhammaan
gobollada kale ee Soomaaliya, waxaana marnaba hilmaami
karin xaaladihii nabadeed iyo colaadeed ee aan la soo
qaatay soomaalida. Waxaan indhaha saaray nin
soomaaliyeed oo annigoo arkaya ay jirkiisa lagu tiriyay
7 xabbadood oo rasaas ah, uuna isla meeshiiba ku dhacay
isagoo meyd ah. Waxay ahayd dareenkii iigu xanuunka
badnaa intii aan ku sugnaa dalka Soomaaliya” ayuu yiri
Abubakar Onyango isagoo la yaabban sababta keentay
colaadda sidaa u fog ee dhextaala dadkan walaalaha ah.
![](22jul23.jpg)
Masjidka Sixth Street ee kumanaanka soomaalida ku
tukato.
“Ardaydii soomaaliyeed ee aan u
dhigayay maaddada english-ka waxay ahaayeen kuwo ku
noolaa duruufo aad u adag, waxaa dhacaysay in ardaygii
aan wax u dhigayay la dilo ama aabihiis ama hooyadiis,
dadabeedna uu la qabsan waayo waxbarashada. Ama arday
kale oo xaafaddii ay degganaayeen uu qabsado madfac weyn
oo ay indhahooda ku arkaan meydad badan oo ku le’day
madfacaas. Waa xaalad aad u qadhaadh oo lagu hareereeyay
nasiib darro haysata ubadkaas aan waxna galabsan” ayuu
yiri Onyango oo si weyn ugu faraxsanaa inuu Soomaaliya
ka soo laabto isagoo nabdoon, isagoona xusay
magaalooyinka ugu nabadgelyada xumaa ay ahaayeen
Kismaayo iyo Muqdisho.
“Asxaab badan oo u shaqeenayay
hay'adaha samafalka kheyriga ayaa lagu dilay magaallada
Kismaayo, ma jiraan sabab keenaysa dilka dadkaas u
adeegaya walaalahooda, maxay kasbadeen oo u muteen in la
si shirqool ahaan loo dilo” ayuu yiri Abubakar Onyango
oo 30 jir ah soona islaamay sannadkii 1997-kii.
“Nasiib wanaag wax dhibaato ah ima
soo gaarin intii aan ku sugnaa Soomaaliya, hase ahaatee
way jiraan dad qaarkood oo markii ay i arkaan i
ororonayay taloow jareerkan muxuu halkan ka soo doonay
iwm, dhaga-hadalkan annigu iguma ekeyn oo keliya oo
xittaa dad kaloo soomaaliyeed oo ka soo jeeda gobollada
shabeelooyinka ayaa ila wadaagay xantan iyo
midab-takoorkan” ayuu yiri isagoo ii sheegay in
soomaalidii uu la kulmayay badankood ay u haysteen
inuusan ku hadlin afka soomaaliga.
“Anniga aragtidayda waxay tahay in
dadka soomaaliyeed ay un-sheegtaan islaamnimo, dabcan
waa muslimiin, hase ahaatee aysan tixgelin siinin inay
ku dhaqmaan diinta ay sheeganayaan. Waxaana u badinayaa
inay sababteeda leedahay jaahilnimo weyn oo ay kaga
sugan yihiin diinta macaan ee Islaamka, waana tan
keentay ku camal-falka qabyaaladda iyo colaadda
dhexdooda ah iyagoo leh hal diin, dhaqan, af iyo weliba
isku midab ah” ayuu misna yiri Abubakar oo markii uu ii
sheekeenayay aynu ku sugnayn maqaayad ku dhegan Masjidka
weyn Sixth Street ee xaafadda Islii.
“Ibrahimow ha iga fahmin qalad,
markaan eegay tixgelinta weyn ee ay soomaalida siinayso
qabyaaladda waxaa ii soo baxday in qaranimadii iyo
dowladdii soomaaliyeed ay ku taallo meel u fog, waxaana
aaminsanahay markay u yaraato inay qaadan karto 18 sanno
kale oo hor leh” ayuu yiri Onyango oo intaas raaciyay
inay habboon tahay inaan laga quusan naxariista Allaah
(sw)
Akhri: Qoraaladii hore ee Ibraahim
Saalax:
http://www.somalitalk.com/ibraahim/
Ibrahim S. Aden
(ibra88@hotmail.com)