Mashruuca Daryeeelka Cafimaadka Xoolaha Soomaaliyeed....

Waxaa laga wada dheregsanyahay ahmiyadda ay xoolaha nooli u leeyihiin
dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Geeska Afrika.
Tan iyo intii ay bur-burtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa
ilihii dhaqaale oo dhan oo ay xooluhu ka mid yihiin ku dhacay bur-bur
laxaad leh.
Kaalintii daryeelka caafimaadka xoolaha ee dawladdii dhexe ka baxaday
waxaa soo galay hayado madax banana oo caalami ah, kuwaas oo in kastoo
waxqabadkood iska yaraa hadana aan ka darin.
Tan iyobadhtamihii sanadihii1960 maadka waxaa deeg bixiyayaal badani
oo uu ugu horeeyo Midowga Urub (EU) maal geliyeen mashaariic dhowr ah oo
laga fuliyey guud ahaan qaaradda Afrika inteeda badan oo ay ku jiraan
Dhul-deegaaneedka Soomaalida (Somali Eco-system) kuwaas oo ay ka mid
ahaayeen mashruuc la odhanjirey JP-15 (Joint Project 15) PARC
(Pan-African Rinderpest Control Programme), PACE (Pan-African Control of
Epizootic Diseases). Mashriicdaasi waxay ku wajahnaayeen dabargoynta
cudurkii loo yiqiin Dabakaruubka ama Shifowga. Maanta waxaa la joogaa
heer la filayo in cudurkaas Dabakaruubka adduun weynaha laga tirtiray.
Sanaadkii 2005 ta markii uu dhamaaday mashruucii PACE oo ka hirgalay
32 wadan oo Afrika ah, Midowga Urub wuxuu Soomaaliya u sameeyey mashruuc
kale oo la yiraahdo Somali Animal Health Services Project oo marka la
soo gaabsho loo yaqaan SAHSP. Wejigii hore ee Mashruucaas oo ahaa mid
socdey 3 sanadood waxaa fuliyey saddex hayadood oo Talyaani ah kuwaas oo
kala aha aha Terra-Nuova, COOPI iyo UNA wuxuuna dhamaay aakhirkii
sanadkii 2007da.
Bilawgii sannadkan 2008 ayuu Midowga Urur hadana maal geliyey
wejigii labaad ee Mashruucaas oo la yiraahdo SAHSP II kaas oo socondoona
laba sanadood. Mashruucan oo ay hay’adahii fuliyey wejigii kowaad ku
soo biireen laba kale oo kala ah VSF Germany iyo FAO wuxuu xooga
saarayaa sidii loo adkayn lahaa la dagaalanka cudurada xoolaha siiba
kuwa dhoofka ama suuqgeynta aafeeya.
(War dheeraad ah waxaad ka heli kartaa websitka mashruuca ee ah:
www.sahsp.org)
Wacyigelinta dadweynaha xoolaha la xidhiidha ama daneeya waa qodob ka
mid ah hawlaha Mashruuca SAHSP II. Maqaaladan ama qoraaladan ku saabsan
cudurada halista ah ee xooluhuna waxay ka mid yihiin wacyi gelintaas. In
kastoo la garan karo in reer miyiga xoolaha dhaqdaa aanay awood ama
aqoon u lahayn qalabka casriga ah ee Internetka, haddan waxaa la hubaa
in neefka xoolaha ah ee la dhoofiyaa uu sii maro gacanta dad aan ka
yarayn 10 qof laga bilaabo kuu u dhashay ilaa kan markabka la sii
raacaya. Qoraaladan waxaa loogu talagalay inay dadkaas reer magaalka ahi
akhristaan una gudbiyaan inta kale.
Wuxuu Mashruuca SAHSP II u mahad celinayaan intaa ka qayb qaadata
fidinta macluumdkan muhiimka ah.
SAHSPII Project Management Unit (PMU)
Nairobi, Kenya
SAMBABKA RIYAHA: Afka
Ingriisiga waxaa lagu yiraahdaa ‘Contagious Caprine Pleuropneumonia
(CCPP)

Cudurka Sambabka Riyaha meelaha ay Soomaalida xoolo-dhaqatada ahi
degto waxaa looga yaqaan magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin
:Riinweyne, Haarweyne iyo Gees-dhowr. Magacyadaasi mid kastaaba wuxuu
sifaynayaa ama tilmaamayaa astaamaha ay dadku ku arkeen neefka cudurkani
ku dhaco ama hadba xoolaha nooca uu saameeyo; Riinweyne iyo Haarweyne oo
macnahoodu isku dhow yahay waxay tilmaamayaan taah ama jibaadmuujinaya
in neefku aanu si caadi ah u neefsan karin oo dhibaato jirto.Gees-dhowr
macnihiisu waxaa weeye cudurkan wuxuu eegtaa geeska riyaha oo keliya
laakiin kuma dhaco idaha ay xerada ku wadajiran. Magaca Sambab laftiisu
wuxuu sheegayaa in cudurkaasi saameeyo sambabada neefka uu ku dhaco.
Akhri Qoraalak Ariga oo Dhan (pdf).
SAMBABKA LO'DA: Afka Ingriisiga
waxaa lagu yiraahdaa ‘Contagious Bovine Pleuro-pneumonia (CBPP)

Cudurka Sambabka Lo’da waxaa keena nooc ka mid ah Bakteeriyadakuwa
loo yaqaan Mycoplasma.Wuxuu ka dhacaa meelo badan oo adduunka ah oo ay
ka mid yihiin badiba qaaradda Afrika daafaheeda kala duwan oo ay ku
jiraan dhulka Soomaalidu degto. Sambabka Lo’du wuxuu ku dhacaa lo’da la
dhaqdo iyo duurjoogta la yiraahdo Lo’a Gisida. Akhri
Qoraalka Lo'ada oo Dhan (pdf).
FURUQA GEELA: Afka Ingriisiga
waxaa lagu yiraahdaa Camel Pox

Cudurka Furuqa Geela waxaa keena nooc ka mid ah Fiiruska kuwa ka
tirsan bahda loo yaqaan Poxviridae.Furuqa Geelu wuxuu ka dhaca qaaradda
Afrika iyo tan Ashiya labada meelaha geela lagu dhaqo, oo ay ku jiraan
dhulka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto.Furuqa Geelu wuxuu ku dhacaa
geela labadiisa nooc ee adduunka jiraba ;nooca leh labada kurus iyo kan
leh kuruska keliya.Wuxuu Furuqa Geelu ku dhici karaa oo kale dadka.
Akhri Qoraalka Geela oo Dhan (pdf).