SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK


SHIRWEYNIHII 9AAD EE GOLAHA MIDNIMADA SOOMALI WEYN, LONDON-UK,2007

SHIRWEYNE LAGU QABTAY GALBEEDKA LONDON 27/04/08

Golaha Midnimada Soomaali weyn ayaa ku qabtay galbeedka London Shirweyne muhim ah 27 April 2008 [West London Islamic Centre, Browlow Road, West Ealing, London W13 OSQ.

Shirweynahan oo ahaa shirweynihii 9aad ee golaha waxaa ka soo qaybgalay dadweyne badan oo aad muhim u ah oo isigu jirey xubnaha ka tirsan golaha, oday- dhaqameedyo, siyaasiyiin, aqoonyahano, culamaa-u diin, haween iyo dhalinyaro Soomaali ah & martisharaf shishiiye ahaa oo ka kala socday qaar ka mid ah xisbiyada siyaasiga ah ee UK, hay’adaha Xuquuqul-Insaanka iyo dhaqdhaqaaqyada ka soo horjeeda dagaalada aduunka.

Shirkan oo si habsami aheyd loo soo agaasimay ayaa lagu furay aayadaha Quraanka Kariimka ah iyo wacdi Alla ka cabsi ah oo culamaa u diinku soo jeediyeen,

kadibna waxaa la dhagaystay warbixintii Golaha oo isugu jirey dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin:
Ujeedooyinka golaha loo curiyey oo si kooban loo soo bandhigey
Waxyaabihii uu qabtay goluhu sanadihii la soo dhaafay oo la xiriiray arrimaha: siyaasadda, abaabulka, samafalka, xuquuqda aadamaha & wacyigalinta dadweynaha Soomaaliyeed.
Warbixin sanadeedkii golaha 2007-2008
Waxyaabaha uu higsanayo goluhu mustaqbalka & arrimo kale oo badan
Warbixintan kor ku xusan waxaa soo bandhigey Eng. Cabdulqaadir X. Xussein
[ Jaahweyn], oo shirka xiriirinayey.

Intaas kadib waxaa dadkii shirka ka soo qaybgaley u mahadnaqay Dr. Cabdi Caydiid, Gudoomiyaha Golaha Midnimada Soomaali weyn, isla markaana laga dhagaystay khudbad dheer oo uu akhriyey lana xiriirtey dhacdooyinkii taariikhiga ahaa & saldhigga colaadda Geeska Afrika laga soo bilaabo qarnigii 12. Waxaa warbixintaas ka mid ahaa in dhammaan madaxdii, boqoradii iyo hogaamiyaashii Xabashida ee kala danbeeyey ay dulaan ku ahaayeen walina ku yihiin dhulka Soomaaliyed laga soo bilaabo waqtigan kor ku xusan si ay u helaan marin badeed una gumaystaan ummadda Soomaaliyeed. Hase yeeshee hadda kahor riyadaasi uma suuragalin.
Dr. Cabdi wuxuu si gooni ah u xusay guulihii ay ka soo hoyiyeen la dagaalanka dhulbalaadhsigii Xabashida, halgamayaashii Soomaaliyeed ee kala danbeeyey oo ay horseedka u ahaayeen : Immaam Axmed Gurey &Sayid Maxamed Cabdille Xassan. Sidoo kale wuxuu ka hadlay ururadii SYL, SNL & kuwii kale ee curiyey gobanimadii Soomaaliya iyo dagaaladii dhexmarey Soomaaliya & Ethiopia 1964, 1977/8. Jabhadihii gobanimadoonka Soomaali galbeed, abow, xornimadii Jabuuti. Burburkii ku dhacay dalka Soomaaliya, dagaalada sokeeye iyo guuldaradii ay ku dhamaadeen shirarkii dib u heshisiinta Soomaliya ee la qabtay 17 sano ee la soo dhaafay. Waxaa kale oo si tafatiran uu uga hadlay dhibaatooyinka balaadhan ee ay ku sugantahey Soomaalidu haatan oo isugu jirta: dagaalada ka socda dalka Soomaaliya , Xasuuqa, Barakicinta, Gumaysiga Ethiopia iyo Xadgudubyada Xuquuqul-Insaanka Ethiopia ay u gaysanayso dadka rayadka ah ee ku kala nool Soomaaliya & Soomaali Galbeed.

Intuu socday shirkani waxaa lagu soo bandhigay sawiro, DVD isugu jiray maqal iyo muuqaal oo ka hadlayey xasuuqa, cunaqabataynta, dilka , barakicinta, kufsiga iyo xadgudubyada Ethiopia iyo xulafadeeduu ku hayaan ummadda Soomaaliyeed.
Dr. Cabdi wuxuu ku booriyey dadweynihii kulan ka soo qaybgaley in la shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa maskaxda, muruqa iyo awooda Soomaaliyeed si loo soo celiyo sharaftii iyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed, loona xoreeyo ciidda hooyo.

Dadkii kale ee shirkaas ka hadlay, soona diyaariyo qoraalo muhim ahaa waxaa ka mid ahaa dhalinyaro ay ka mid ahaayeen : Nuurudiin Askar Ibrahim, Cabdullaahi Cali Hiirad & Cabdisalaan Guuleed.

Culimadii, siyaasiyiintii, diblomaasiyintii, saraakishii, oday dhaqameedyadii, oqonyahanadii, haweenkii & abwaanadii sida xamaasadda leh uga hadlay shirweynaha waxaa ka mid ahaa: Sh. Xassan Macalim, Sh. Ibrahim Muuse,
Eng. Cusman Jaamac[ Cusman Kaluun], Eng. Zakariye Maxamuud Xaaji. Cabdi, Danjire Maxamed Axmed Caalim, Dr. Maxamed Axmed Maxamed [ Maxamed- Dheere], Imaam Sh. Bashiir Iiman, Cali Shiino, oday Dubad, Gen. Cabdulqaadir Subxaanyo, Col. Maxamed Xaji Amiin, Cabdiwali Xuseen Gaas, Abwaan Cabdullaahi Ciro, Dahabo Ciise Maxamuud [ Dahaba-Dowlo] iyo Xaliima Sacdiyo.

Marti sharaftii shisheeyaha ee shirweynaha ka hadlay waxaa ka mid ahaa:
1. Mp. Gerge Galloway oo hogaamiye u ah ururka Respect
2. Lindsey German oo ah Socialist- Anti war movement

Labadan masuul ee shisheeyaha ah, shirka waxay ka jeediyeen erayo
aad u qiimabadan, isla markaana waxay balanqaadeen in Soomaalida ay la safanhayaan, garabtaaganyihiin si Soomaaliya looga saaro ciidamada Ethiopia . Sidoo kale waxay muujiyeen in ay aad uga xunyihiin cunaqabataynta iyo xadgudubka lagu hayo Soomaali galbeed [Ogaden ] ee xabashidu gumaysato iyo dhibaatada haysatta dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.

Waxyaabihii kale ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa in Soomaalidu midowdo, kana shaqayso qaabka ugu haboon ee Soomaalida qurbaha ku nooli isu kaashankarto, ugana qayb qaadanlaheyd arrimaha siyaasadda iyo bulashada dalalka ay ku nooshahey oo uu ka midka yahay dalkan Ingiriisku.

Dadkii sida habsamida ah u soo abaabuley shirka ugana qaybqaatay agaasinkiisa waxaa ka mid ahaa: Prof. Hussein H. Abdullahi I. Fiiqow, Abdulkadir Haji Hussein, Dahabo Isse Mohamud, Omar Haji Khaliif, Ahmed Haji, Abdullahi Sh. Mohamud [ dhuux] Abdulqadir M. Ali, Mohamed & Liibaan Abdi Aidiid iyo dad kale oo badan oo halkan aan lagu soo koobikarin.

Waxaa iyana ka soo qaybgaley shirka dhalinyaro ka socotay qalabka warbaahinta oo ay ka mid ahaayeen: Yusuf Maxamed Cabdi Yusuf & Cabdullahi C. Hiirad .

Ugu danbayntii shirweynahan oo saacada badan socday wuxuu ku dhamaaday si habsami ah, isla markaana waxaa ka soo baxay baaq sedan u qoran:

BAAQA GOLAHA MIDNIMADA SOOMAAL WEYN:

Ø GOLAHA MIDNIMADA SOOMALI WEYN wuxuu u tacsiyaynayaa eheladii dadkii Soomaaliyeed ee Itoobiya xasuuqday, isla markaana wuxuu Eebe uga baryayaa naxiis iyo danbidhaaf.
Ø Guluhu wuxuu si kulul u canbaaraynayaa duulaanka, xasuuqa & gumaysiga Itoobiya iyo xulafadeeduu ku hayaan ummadda Soomaaliyeed.
Ø Goluhu wuxuu si adag u diidanyahay qoorsha kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu ugu baaqayaa: culimada, wax garadka, odayaasha, dhalinyarada, dumarka, dadweynaha iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in la badbaadiyo sharafta ummadda Soomaaliyeed, lagana saaro dalka gumaysiga, lana soo celiyo midnimadii iyo qaranimadii Soomaaliyeed.
Ø Goluhu wuxuu ugu baaqayaa UNta, EU, AU, OIC, OAL, USA iyo dhammaan aduunweynaha in laga saaro Soomaaliya ciidamada Itoobiya, laguna badalo mid caalami ah.
Ø Ugu danbayntii aduunka waxaa laga cudsanayaa in lagu cadaadiyo Itoobiya iney joojiso xasuuqa, dilka, kufsiga & cunaqabataynta ay ku hayso shacabka Soomaali galbeed, isla markaana loo ogolaado aayo ka talintiisa iyo madaxbanaanidiisa.

Dr. Cabdi Caydiid Xiirey, London-UK, 27/04/08 /

La xiriir: hiirad7@hotmail.com

Ken Levingston, George Gallaway & Zakariye oo la hadlay dadka dagan bariga London

Isimada Gobolka Bari oo Baaq Deg Deg ah ka soo saaray Falkii ay ku kacday Xukuumada Puntland ee ahaa ragii Ethiopia loo gacan Geliyey
.Wasaarada Warfaafinta Puntland oo laashay eedaynta ONLF
.Baaq ku aadan "Afduubkiika dhacay Garoowe Apr 22, 2008"
.cambaarayn ka soo baxday jaaliyadda Ogaden American
.Burcad Badeed iyo Burcad Beri lagu xukmay Puntland.
Wararka oo dhan ka akhri halkan...

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2008

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland
Australia: Waxaa burbur dhaqaale ku dhacay shirkad dallaaliin ah oo xiriir la leh Range Resources, arrintaas oo keentay in... Akhri warbixinta

Black Gold of Puntland
Warbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
: Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga): Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar... Akhri

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?: Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?.. Akhri..

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

 


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com