SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK


Ken Levingston, George Gallaway & Zakariye oo la hadlay dadka dagan bariga London

Ken Livingstone,George Galloway iyo Zakariye Mohamud Xaaji Abdi ayaa si wadajir bariga magaalada London dadka kaga codsaday inay u codeeyaan.

London 29.04.2008. Duqa magaalada London Mayor Ken Levingston, George Galloway oo xubin ka ah baarlamaanka Ingiriiska iyo mudane Zakariye Mohamud Xaaji Abdi oo u tartamaya London Assembly ayaa si wada jir ah ula hadlay dadka dagan Bariga magaalada London, si ay codkooda u siiyaan.

Musharaxiintaan u kala tartamaya Duqa magaalada London oo u taagan Mayor Ken Livingstone ( Mayor of London), halka Dr.Zakariye Mohamud Xaaji Cabdi iyo MP George Galloway ay u tartamayaan inay ka mid noqdaan golaha baarlamaanka magaalada London ( London Assembly).

Duqa magaalada London Mayor Ken Livingstone ayaa u sheegay in dadka muslimiinta ay waajib ku tahay inay isaga doortaan, madaama uu isaga garab taagan yahay dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada London, waxana u tusaale u soo qaatey Boris oo ah ninka isaga kula tartamaya jagada duqa magaalada London ayaa ah nin aad uga soo horjeeda dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada London, waxana u si cad u yiri xiligii ay qaraxyada ka dhacayeen London 7/7, Islaamku waa dhibaato waxana u dhibaato ku yahay wax walbo.
Sidaa daraadeed aniga mar walbo waan garab tagan nahay dadka ku nool magaalada ee aan u ahay duqa magaalada, waxaan idin ka codsanayaa inaa i doorataan idin koo mahadsan, codeeya oo ka qayb qaata inaa codkiina u isticmaashaan inaa ku ilaalisaan sharaftiina ayuu yiri mudane Mayor Ken..

George Gallaway oo ah ninka sida weyn ula dirirey Bush & Blair dagaalkii Ciraq, kana tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa isna ka Hadley meesha isagoo sheegay in loo dareero cod bixinta lagana qayb qaato, isagoo tusaale u soo qaatey hadii Mayor Ken Livingstone looga adkaado doorashada in xaflado ay ka dhici doonaan Jerusalem, marka fadlan cadawgeena ha ka farxinina ee u codeeya duqa magaalada London Ken, waayo cadawgiisa waa cadawgeena, cadawgeenana waa cadawga islaamka.

Mudane Zakariye Mohamud Xaaji Cabdi ayaa isna kula hadlay duqa magaalada London, isagoo kaga warbixiyey qaabka ay sanadkaan Soomaalida dagan magaalada London uga qayb qaadanayaan doorashada, iyo sida ay Soomaalida oo dhan ula garab taagan yihiin taageero cod, isagoo ku nuuxnuuxsaday in si weyn ugu dareeri doonaan goobaha codeynta..

Olalaha doorashada ayaa waxa u ku socdaa si xowli ah, iyadoo lagu kala duwan yihiin sanadkaan codbixinta, iyadoo aad moodo in dadka sanadkaan ay diyaar u yihiin inay u codeeyaan Ken Livingstone iyo George Gallaway- Zakariye.

Ugu dambayntii waxaan jaaliyada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa ama xusuusinaynaa inay ka qayb galaan codbixinta duqa magaalada London iyo golaha baarlaamanka London.
Waxaana codeyn kara qof walbo oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska, dhalashada dalalka midowga Yurub iyo kuwa heysta dhalashada wadamada
isku yiraahdo Commonwealth, sida Canada, Australia, Kenya, Ugandha i.w.m ah.
Mahadsanidiin

Sawirada Halkan ka daawo....

Guulaysta.
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2008

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland
Australia: Waxaa burbur dhaqaale ku dhacay shirkad dallaaliin ah oo xiriir la leh Range Resources, arrintaas oo keentay in... Akhri warbixinta

Black Gold of Puntland
Warbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
: Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga): Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar... Akhri

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?: Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?.. Akhri..

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

 


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com