Xasuuqa Culimada ee ka dhacay masjid
Al-hidaaya waa qorshe Itoobiya degtey in
tariikhda lagu daro dhacdooyin hore uga
dhacay Geeska Afrika.
April,27,2008Addis(Saylac.com)
Dhacdada naxdinta leh ee culimada
soomaaliyeed ciidamada Itoobiyaanku ay
ku gawraceeni waa mid ka indha cad sida
dadka badankiisu u haystaan. Baadhitaan
ay shabakada saylac.com ku samaysey
sababta keentey inay bishan afraad ay
ciidamada Itoobiya ay gawracaan in ka
badan 21 culimaa Udiin oo soomaaliyeed
ka dib markii ay ugu galeen masjidka
Al-Huda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa
saylac.com u suurto gashay inay
akhristayaasha soomaaliyeed usoo
bandhigto qorshe fog oo ay itoobiya ka
lahayd xasuuqan dhacay ee culimadan aan
waxba galabsan loo geystey Allaha
naxariista jano haka waraabiyee.
Sida uu sarkaal Itoobiyaan ah oo horey
uga tirsanaan jiray ciidamada Itoobiya
oo magaciisa codsaday inaan la sheegin
xaga amaanka awgeed uu u sheegay
shabakada saylac.com in dawlada Itoobiya
ay ka shaqaynaysey inay tariikhda ku
darto xasuuq raadreeb ku noqda umada
soomaaliyeed dhacdooyin hore oo maalinta
19aad ee bisha afraad horey uga dhacay
wadamada Geeska afrika.
Sarkaankan Itoobiyaanka ah ayaa waxa uu
saylac.com horkeenay waraaq uu ku
saxeexan yahay Sarkaal sare oo qaabilsan
ciidamada Bariga Itoobiya iyo soomaaliya
ka hawl gala oo sheegaysa in xasuuqan
lagu beego maalinta April,19 2008
masaajidkana lagu laayo culimada
soomaalida si raad murugo leh ay
soomaalidu ula wadaagto wadamada
dhibtani horey usoo martay oo kala ah:
Apri,19,1994 Wadanka Ruwanda ayaa
waxa lagu xasuuqay 800,000 oo dadka
tutsiga ah
April,19,1936 Ciidamada
Talyaaniga ayaa xoog ku qabsaday magaalo
madaxda Dalkii la odhan jiray abasiiniya
hadana loo yaqaano Itoobiya.
April, 19,2007 Diyaarada Boeing
737 ee dalka Kenya oo sida rakaab dhan
114 qof ayaa ku dhacday meel 5 Mayl u
jirta magaalo madaxda Kamaroon ee Douala
.
April,19,1937 Boqor Hayle Salase
ayaa waxa uu lataliyihiisa soo hordhigay
dhaqdhaqaaq uu ugu magac daray Rastafar
oo ujeedadiisu ahayd sidii geeska afrika
oo dhan loo gaadhsiin lahaa diinta
kiristaanka dawladaha reer yurubna ay ku
tageereen qaarkoodna uba arkayeen inuu
yahay rasuul nabi ciise usoo diray
Geeska Afrika.
April,19, 179BC Boqor Mililik oo
magaciisa dhabta ahi ahaa Ebna la-Hakim,
"Son of the Wise ayaa waxa uu sheegay
inuu yahay wiilkii nabi saleebaan dhalay
Boqorada Sheba ee yemena ay hooyadii
ahayd waxa kale oo uu sheegay inuu
dagaal cad la gali doono hadii ay jiraan
dad geeska afrika degan oo Itoobiya ka
horyimaada danaheedu.
April,19,2008 Ciidamada Itoobiya oo
fulinaya amar lagu xasuuqo culimaa-Udiin
Soomaaliyeed ayaa waxay galeen Masjidka
Al- Huda ee Magaalada Muqdisho ka dibna
waxay gawraceen 21 Mujaahid oo aan waxba
galabsan .
Sarkaankan Itoobiyaanka ah oo nin Muslim
ah asal ahaana ka soo jeeda Dalka
Soomaaliya ayaa shabakada
saylac.com soo gaadhsiiyey waraaq ay
tariikhdan la isku beegay ku qoran tahay
waxa kale oo uu sheegay inay Dawlada
Itoobiya gaadhay ujeedadii in lagu daro
taariikhda madaw ee geeska Afrika tan
maanta ay geysteen ciidadada Xabashidu.
Umada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa
ayuu yidhi sarkaankani inay iska
iloobaan khilaafka dhexdooda yaala oo ay
eegaan dhibaatooyin kuwan ka waaweyn oo
kusoo socda Dawlada Itoobiya ay la
damacsan tahay.
Abdiwali Mohamed
Saylac.com
Addis, thiopia
Soomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu
haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii..
Akhri...
C/Laahi Yuusuf Saxiixii Looga Waayey Garoowe iyo Nairobi
ma Lagaga Heli Doonaa London...
Dalka UK waxaa kulan ku dhex maray Gen. Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf..
Akhri..