SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Machad-ka Picom  oo laga Furay Boosaaso...
  • Prof Muxiyadiin oo ah Musharax Puntland, oo booqday UAE
  • Denmark: Kulan dhexmaray Wasiirada wasaarada hormarinta haweenka
  • Dad shacab oo ciidammada gumaysigu laayeen

Machad-ka Picom ee magaalada Bosaaso ayaa Xaflaf Arday Abaal marin lagu Gudoon siinayay ku qabtay Hotel Pana Roma ee Magaalada Bosaaso.

Picom College oo laga Furay Boosaaso.

Sawirada Xaflada halkan ka daawo...
 
Munaasabadii Furitaanka Picom College ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyii kala duwan oo ka tirsan Dowlada Puntland, Ardayda waxkabarata Machadka Picom iyo Marti sharaf kale oo kala duwan.
 
Maamulaha Picom Eng: Maxamed C/qaadir Mullah oo ugu horeyn warbixin kooban halkaasi ka soo jeediyay ayaa sheegay in Collegeka ay furayaan uu yahay mid ay muujiyeen baahidiisa Dadweynaha Degaanka sidaasi darteedna ay ugu talo galeen inuu ka kaafiyo waxbarashada noocyadeeda kala duwan.
 
Eng: Faysal Cabdi Cartan oo ah kuxigeenka Maamulaha Picom ayaa sidoo kale halkaasi ka soo jediyay warbxin dheer oo ka hadlaysa ama sharaxeysa waxbarashada Collegka iyo guud ahaan ardo waxkarabarneysa Machadka oo shahaadooyin la gudoonsiiyay.
 
Masuuliyiintii Munaasabada Furitaanka ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Magaalada Boosaso kuwasoo dhamaantood hadalo halkaasi ay ka soo jeediyeen uga mahadceliayay hawl wadeenada Picom sida wanaagsan ee ay uga shaqeynayaan waxbarashada Degaanka.

Warbixin labaad Hoos ka akhri...

(Apr 18, 2008) Xafladan oo barnaamijkeeda loo qabtay uu ahaa In Machadka Bicon isku Bedeley College Wixii Haatan ka Damaya ayaa Sidoo Kale Shahaadooyin lugu Godoonsinaayey Arday ku guulaysatay Koorsooyin Wax barasho Waxaana Machadku soo bandhigay o qaatay Arday Wax barasho Lacag la,aana Wax lugu Barayo oo U soo Galay Basyaa Nasiib Ardaydaasi la Dhex Dhigay Waxaana Xafladaasi oo ka Dhacday hoteel Baana Rooma ee Daanta Koonfureed ee Magaalada Bosaso.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Wershedaha DGPL Mudane Cabdi samad yuusuf Abwaan Gudoomiyaha Dib u Heshiisiinta DFKGS Mudane Maxamed Xuseen Xirsi Maamulka gobolka Kan Degmada Maamulka Machadkaasi Guud ahaan Qaybaha kala Duwan ee Laamaha Wax barashada Degamada Iyi Marti Sharafkale oo aad Halkaasi ugaga HanbalyeySay Sida Wanaagsan ee Machadku Howlihiisa Shaqo u Horumaranyey oo uu isugu Bedelay Collegka

Xafladaasi ayaa waxa Arday lagu Gudoon siiyay Shahaadooyin ay kaga dhameeyeen Iskoolka, iyada oo ilaa 11- Arday la siisayay Abaal marin aad u fiican.

Dhamaan dadkii xafladaasi joogay ayaa sheegay inay aad ugu riyaaqeen qaabka Xafladsaasi loo soo agaasimay.



Prof Muxiyadiin oo ah Musharax u tar tamaya Madaxtinimada Puntland, ayaa gaadhay Dalka UAE

Dubai:-Wararka naga imaya magaalada Dubai ee isu taga Emart-ka Carabta ayaa sheegay inuu Dalkaasi soo gaadhay Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah Mushrax u taagan Madaxtinimada Maamulka Puntland, Prof-ka ayaa mudooyinkan waxa uu dalka dibada ugu maqnaa sidii uu kulamo ula yeelan lahaa Jaliyada Somaliyeed ee Qurbaha ku Nool.

Musharaxa ayaa mudooyinkan waxa uu safara dhaa dheer ku soo kala bixiyay Dalal badan oo ku yaala Caalamka sida Dalka Ingiriiska uu halkaasi shir balaadhan isugu yeedhay Dhamaan Jaliyadaha Somaliyeed ee Dalkaasi ku dhaqan, Kulamadaasi kala gadisan ayaa Prof-ku waxa uu ku soo bandhigay qorshayaasha uu damacsanyahay hadii uu ku Guulaysto Madaxtinimada Puntland.

Prof Muxiyadaan Cali Yuusuf ayaa waxa uu markii uu gaadhay Dalka Emart-ka ku qabtay shir Balaadhan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Jaliyadaha Somaliyeed ee Dalkaasi ku dhaqan, waxa ay sheegeen dad kulankaasi joogay in si diiran halkaais loogu soo dhaweeyay Musharaxaasi.

Intaasi ka Gadaal ayaa waxa uu gaadhay Dalka Boqortooyada Ingiriiska isaga oo Magaalooyin badan oo Dalkaasi ka mid ah ku qabtay shirar wada tashi ah oo Caalami ah, sida Shirkii uu ku qabtay Magaalada London waxana shirkaasi joogay Aqoonyahayo iyo Ganacsato ka mid ah Jaliyadaha Somaliyeed ee Dalkaasi Degan.

Isku soo wada duuboo Musharaxaasi ayaa waxa la filayaa inuu shir balaadhan ku qabto Magaalada Dubai halkaasi oo uu dadka ugu sharaxayo wax qabadkiisa hadii la doorto in uu noqdo Madaxwaynaha Maamulka Puntland.

Farah Muuse Cali Maxamuud
Duabi.
muse@hotmail.com

Denmark: Kulan dhexmaray Wasiirada wasaarada hormarinta haweenka iyo....

Waxaa maalintii talaada kulan balaaran ku yeeshay wasaarada arimaha dibadda boqortooyada Denmark, magaalada Copenhagen wafdi ka socday DGPL ee Soomaaliyeed oo ka koobnaa Marwo Caasho Gelle Diiriye Wasiirada wasaarada hormarinta haweenka iyo arimaha qoyska iyo Marwo Fadumo Jamac Jibril oo ah xubin firfircoon oo u ololeysa badbaadinta deegaanka, isla markaana ah xubin heyada caalamiga ee horn relief, waxaa kaloo Fadumo Jibrill qeyb lixaad leh ku leedahay dhismaha dekada magaalada Laasqoray.

Kadib salaan iyo isbariidin waxaa wafdi Puntland iyo waaxda arimaha afrika ee wasaarada arimaha dibadda kawada hadleen xiriirka Denmark iyo Puntland iyo sidii loo xoojin lahaa isla markaana loo dardar galin lahaa. Waxeey wasiirada iyo marwo Fadumo halkaa kusoo bandhigeen xaalada guud ee Puntland iyo tan dumarka iyo qoyska si gaar ahaaneed, Waxeey marwo Fadumo jibriil faahfaahin ka bixisay xogta la xiriirto dhismaha dakada Laasqoray. Wasaarada arimaha dibadana aad beey u soo dhaweeyneen artiyada wafdi Puntland ee ku aadan hormarka iyo gargaarka loo fidinayo Puntland.

Wasaarada arimaha dibbada waxeey balanqaadeen ineey dowr lixaad leh ka qaadan doonaan sidii loo dhisi lahaa dakadaa, waxeey kaloo kulankaa ka cadeeyeen ineey dadaalkooda la xiriira taakuleynta Puntland eey labo jibaari doonaan. Ugu danbeyntii wasiiradu waxeey wasaarada iyo xubnaha xafiiska afrika ku casumtay ineey soo booqdaan Puntland. Kulankaa wuxuu ku dhamaaday jawi is afgarad iyo reynreyn eey ka muuqato.

puntlandaidservice@hotmail.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
19 April 2008.

Dad shacab oo ciidammada gumaysigu laayeen.
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
Koox wariyayaal ah oo ka socday Al-Jazeera oo booqday qaxootiga Ogadenya ee kujira xeryaha Dhadhaab e Kenya(Waraysi).
Jaaliyada Ogadenya ee Koonfur Afrika oo shir isugu timid.
Shir Jaaliyadaha Geeska Afrika oo ka dhacey St Poul, MN

======================

Dad shacab oo ciidammada gumaysigu laayeen

Ciidammada gumaysiga ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsanin.

08/04/08 Gunagado waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ooo xiskiisu dhammayn, muddo dheerna waalnaa, isla markaana aad looga yaqaanay deegaankaas oo dhan, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed Cabdille oo (Dar-Ilaahay) ku magac-dheeraa.

30/03/08 Jiir-guduudo, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Sh Xuseen Maxamuud Nuur oo 90 jir ah.
Waxay sidoo kale halkaas dhaawac ugu gaysteen Cabdi Gaameel oo isaguna 65 jir ah. Waxaa isagana la waayay oo ay ciidammada gumaysigu la tageen Dayib Sheekh. Waxay isagana 500 oo Bir ka dhaceen Maxamuud Dayib.

29/03/08 Dhala-Cad, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin culimo ah oo lagu magacaabo Sh Xasan Aw Nuur.

25/03/08 Darida, oo ka tirsan degmada Xamaro, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo C/qaadir Cali oo (Gadhle) ku magic-dheer

09/02/08 tuula-Garaad, oo Godey ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Shaafici Weerar Xiirey.
Waxay sidoo kale isla taariikhdan xidhxidheen dad rayad ah oo tiradoodu 41 kor u dhaafayso.

Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah, kuwaasoo isugu jira xidhay, jidhdil iyo dhac hantiyeed.

07/04/08 magaalada Yoocaale waxay ciidammada gumaysigu dhibaatooyin kala duwan u gaysteen dadka deegaanka ah, iyagoo gurigiisii ka gubay ninka lagu magacaabo Gurey Daa’uud. Waxay sidoo kale jidhdil ba’an u gaysteen Maxamed Astur. Waxay iyagana dhaawacyo gaadhsiiyeen Maxamed Cali iyo C/raxmaan Xasan.

05/04/08 Qarjajabo, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxay ciidammada gumaysigu ku jidhdileen ninka lagu magacaabo Bashiir Axmed Xasan Siraad.

02/04/08 Burqa-yar waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya jidhdil xun ugu gaysteen dadka kala ah;
1- C/llaahi Cumar Xaaji Cali iyo
2- C/llaahi Axmed Guure
Waxay sidoo kale halkaas ku ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Dhicis Macalin Xuseen
2- Xasan C/qaadir
3- Maxamed-Saafi Maxamuud iyo
4- Cali Xasan Khaliif

Sidoo kale 02/04/08 magaalada Baabili waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Sh Maxamed Sahal iyo
2- Cabdi Maxamed C/nuur

29/03/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen gabdhaha kala ah;
1- Maryama Xasan Mataan iyo
2- Ruqiya Maxamuud Muuse

28/03/08 Shinniile waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen dad rayad ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Maxamed Cabdi Cumar
2- C/llaahi Sh Faarax
3- C/wali Sh Faarax iyo
4- Maxamed Sh Faarax

23/03/08 Daba-hunbani, oo ka tirsan degmada Xamaro, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Aamina Carab iyo
2- Axmed Shariif Xasan

17/03/08 magaalada Awaare waxay ciidammada gumaysigu ku dhaceen baabuur shacabku leeyahay iyo hantidii saarnayd oo lagu qiyaasay 242.000 oo Bir. Hantidani waxay isugu jirtay lacag caddaan ah, 85 Jawaan oo raashiin ah iyo in ka badan 80 Neef oo Adhi ah. Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu halkaas ku xidhxidheen dad 17 qof gaadhaya.

Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 05/04/08 waxay ciidammada gumaysigu gubeen tuulada Sasabane, oo ka tirsan gobolka Jarar. Waxay ciidammada gumaysigu halkaas ku gubeen hanti badan oo dadwaynuhu lahaa. Waa markii labaad ee ciidammada gumaysigu gubaan tuulada Sasabane oo guud ahaanteedba gubeen badhtamihii bishuu Juun sannadkii 2006

Jaaliyada Ogadenya ee Koonfur Afrika oo shir isugu timid.

16.04.2008 waxaa magaalada Uitenhage ka dhacay shir ballaadhan ooy soo qaban qaabisay Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeeniya ee Koonfurta-afrika.
Shirkaas oy dad badani kasoo qayb galeen wuxuu ku bilowday jwwi aad iwanaagsan .
Shirka waxaa lagu furay uugu horaynba wacdi diini ah iy oaaydo Qur`aan ah oo uu soo jeediyay Sh. M. yuusuf . Sheekhu wuxuu ku dheeraaday siday lama huraan u tahay in loo wada guntado ka qayb qaadashada Halganka xaqa ah ee kajira Ogaadeeniya kaasoo uu sheegay inuu yahay waajib diini ka qayb qaadashadiisu wuxuuna yidhi `` waa inaad laba mid uun soo gashaa, inaad naftaada kubixiso iyo inaad maalkaaga ku bixisaa.
Wacdigii kadibw axaa hadal fogeeyaha lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha JSOKA Halgame Xasan Cabdi. Gudoomiye xasan ayaa war bixin dheer halkaas kazoo jeediyay oo meel badan taaban haysay sida:
Abaaraha Ogaadeeniya kajiray kuwaas oo uu sheeegay inay dadka abaar darani ku habsatay hase yeeshee eega la doogsaday isagoo sheegay inay gobolada badankood doogsadeen.
Xadgudubyada shacabka uu gumaysigu u gaysto. Kuwaas oo gudoomiyuu sheegay inay ciidamada itoobiya dhaqan xumo badan iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqul-insaanka kula kacdo dad waynaha Soomaaliyeed eeku dhaqan Ogaadeeniya.
Dhanka dagaalada u dhexeeya CWXO iyo kuwa TPLF ta ayuu guddoomiyuhu sheegay inay sii kululaadeen iyadoo ay CXO ay beeniyeen damicii gumaysiga .
Dhanka saxaafadda ayuu gudoomiyihi sheegay inay soo badanayso danaynta ay saxaafada caalamku soo danaynayso inay wax ku ogaadaan aya ma qoraan Ogaadeeniya isagoo sheegay in TV ga Aljazeera ee carabiga uu noqday TV gii uugu horeeyay ee ku guulaystay inuu galo waxna kasoo duubo Ogaadeeniya Al-jazeera oo todobaadkii tagay soo bandhigtay war bixin kala duwan oo ah mid bulsho iyo mid Ciidanka Xoraynta Ogaadeeniyaba .
Waxaa kaloo uu gudoomiyuhu ka warbixiyay horu marka ay jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya gaadhay isagoo carrabka ku dhuftay inay sannad walba sannadka ka dambeeya Jaaliyaddu gaadho horu mar kabdan kii sanadkii hore.
Intaas kadib waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay Sheekh Dhaqane Sheekh oo ku hadlayay magaca Odayaasha Somaalida Ogaadeeniya ee Koonfurta Afrika .
Wuxuu sheegay Sheekh dhaqane in hadday yihiin Odayaasha ay Hiil iyo Hooba lagarab taagan yihiin Ciidanka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya wuxuuna yidhi`` waxaa loobaahanyahay in lahelo ciidan dagaalama iyo maalkii lagu dagaalami lahaa, Haddaba ciidankii waa lahelay ee waxaa inaga la inooga baahanyahay inaan maalkii la garab istaagno`` oday dhaqameed ka oo hadal kiisii siiwatay ayaa sheegay in looga baahan yahay dhaliyarada inay dadaal muujiyaan.
mar af raad kii ayaa lagu soodha weeyaay makara foon ka gudoomiyi hii hore ee jaaliyadaa ahna hogaan katirsan jaalida halgame Axmad dahir haaruun haaruun waxa uu aad uga sheekeeyaay halganadii ogadeeniya soomaray iyo taariikhdoodii waxa uuna tilmaamay in uunamarna damin halgan ka ogadeeniya looguraadinayo xornimo laakiin ay guushu kuxidhan tahay ILaahay goortuu ina siinayana isaga uuni garanhayo'
waxa uuna sheegay maantana in looga baahan yahay dhaliyarada in ay rajadooda kor u qaadaan islamar kaana ay hurgufaan heeryada gumaysiga si aan uga hoos baxno.
Maxamed Tube oo isna katirsanaa odayaasha Ogaadeeniya ee koonfurta-Afrika ayaa isna guubaabo qiima leh kasoo jeediyay shirka isagoo yidhi `` haddaanu nahay Odayaasha Soomaalida Ogaadeeniya waanu taageeraynaa halganka garabna taagan nahay dhalinyaraduse waa inay fadhiga kakacaan lacagta yar eey bixiyaana kagudbaan oy dagaalka galaan``.
sidoo kale waxaa isna madasha shirka kahad lay sheekh cabdulaahi sheekh aadan oo kamid ah Culima`udiinka Soomaalida Ogaadeeniya ee waddankan. Sh. cadulaahi waxaa uu yidhi ururka JWXO oo guulo badan gaadhay dhammaan dadwaynaha soomaaliyeed wuxuu kamudan yahay Taageero Qofkaan taageeraynina waxaa xaqloogu leeyahay inuu hagardaamada kadaayo.
Gabagabadii ayuu shir guddoonku mahad celin usoo jeediyay dhammaan kazoo qayb galayaashii shirka wuxuuna ku dhawaaqay inuu shirku xidhanyahay ballanta la isku ogyahayna ay tahay dadaal intaan gobanimo kagaadhayno.

Shir Jaaliyadaha Geeska Afrika oo ka dhacey St Poul, MN

Waxaa maalintii Axada ee bisha April ku beegnayd 13ka sanada 2008 ayaa waxaa magaalooyinka mataanaha ee St poul iyo Minneapolis ee gobolka Minnisotta ka dhacay shir aad u balaadhan , waxaa shirkaa si wada jir ah u soo abaabulay jaaliyaddaha qowmiyadaha dulman ee ka soo qaxootiyoobay wadamoodii iyagoo ka cabanaya tacadiyada iyo xadgudubyada joogtada ah ee ay xukuumada kaliye Taliye Males ku hayso guud ahaan shucuubta ku nool geeska Africa,

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan dawladda maraykanka , xubno ka tirsan ururada u dooda xuquuqul insaanka iyo waliba aqoonyahana caalami , waxaana ka mid ahaa madaxdii shirka ku casuunayd.
Betty Maccollum oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka looga arimiyo wadanka maraykanka marwadan oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa waxay si aad ah ooga hadashay sida ay shaqsi ahaan ooga xuntahay dhibaatada haysata shacuubta geeska Africa waxayna iyadoo qiiro xamaasadeed ka muuqato si kulul oogu dhawaaqday “Xukuumada shacab masaakiin ah si bilaash ah ku laynaysa iyo wadanka maraykanku noqon maayaan saxiibo ee sidaa Males ha ogaado”

Waxaa sidookale iyana goobta shirka ooga soo qaybgashay si maqal iyo muuqaalba isugu jirta ka dib markay u saamixi wayday in ay goob jog ka ahaato shirka Marwada sanetka maraykanka oogu jirta Gobolkan Minnesota (Senator Amy Klobuchar) waxayna dhamaan xubnihii jaaliyaadka iyo shacabwaynihii shirka ka soo qaybgalayba ku dhiiri galisay in ay iyagu yihiin cidii isku xidhi lahayd shucuubta dulman iyo dawlada maraykanka loogana baahan yahay in ay si joogtah ooga hadlaan xadgudubyada lagu hayo walaalahooda ku sugan wadamadii ay iyagu ka soo qaxeen iyagoo ka soo cararay dhibaatada ka jirta awgeed.

Senator Norm Colman ayaa isagu soo dirsaday wakiil ku hadlaya magaciisa una soo gudbiyey madasha shirka qudbadiisii oo qoraal halkaana laga akhriyey
Dhinaca kale waxaa iyaguna marti sharaf ka ahaa shirka oo si aad ah ooga hadlay xubno ka tirsan hay’adaha xuquuqul insaanka ee fadhigooda yahay Minnesota iyadoo si aad ah ay ooga warbixisay haweenay u hadlaysay hay’adahaa
Sida shirka ku cad waxaa isla soo qaban qaabiyey ilaa 5 jaaliyadood oo si wada jira ah isula soo abaabulay shirkan waxayna kala ahaayeen jaaliyaadkaa iyadoo waliba jaaliyad kasta uu u hadlayay mas’uul la soo wakiishay
Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya
jaaliyadda Eriteria
Jaaliyadda Jamhuuriyada Soomaaliyeed
jaaliyadda Oromadda
jaaliyadda Ganbeelaha

Dhamaan jaaliyaadkan ayaa waxaa u hadlyey mas’uuliyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada , waxaa xusid mudan in Jaaliyaada Soomaalida Ogaadeenya ay u soo xulatay in uu madasha shirka ooga matalo kagana warbixiyo xaalada guud ee ka jirta wadanka Ogaadeenya iyo waliba siyaasada ku aadan geeska afrika, (Mudane Hanad Malingur) oo ah ku xigeenka Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO oo runtii si aad ah ooga warbixiyey xaalada wadanku ku sugan yahay isagoo soo bandhigay dhacdoyinka dhabta ee ka jira wadankii iyadoo dhamaan shacabwaynihii shirka ku sugnaa kaga ilmeysiisay .

Hadaan dib u milicsanno khudbadii iyo warbixinihii maqalka iyo muuqaalkaba lahaa ee uu mudane HANAD soo jeediyay waxay runtii ahaayeen kuwo uu dakii meesha fadhiyay aad iyo aad uga arga gaxay, sawirada muuqaalka ah ee aadka looga musuraaradilaacay waxay ahaayeen markii uu markali ah mudane Hanad Malingur shaaca uga qaaday dad iyo dal reer Ogadinia ah oo guud ahaantooodba lagu baa-bi’iyay gubitaan iyo xadhko siligyo ah oo googooyay gacmaha iyo lugaha dadka reer Ogadenia gaar ahaan qaybtiisa biri ma’gaydada ah, Mudane Hanad Malingur. ayaa isagoo si diiran oo xanuunleh farta ugu taagaya sawiradii uu soobandhigay yidhi.
“SIDANI WAA SIDA AY NOO GALEEN, SIDANI WAA SIDA AY U GUBEEN GURYAHANAGII IYO WALIBA DADKAYAGII. WAXAANU LEENAHAY CAALAMKA KAMA’QARIN KARAYSID WAXA AAD KU SAMAYSAY, SHACABKANAGA MA’NIHIN KUWO ILOOBI DOONA.

WAXAA AAMINSANAHAY IN AY UUN TANI SII KORDHINDOONTO OO KALI AH GEESINIMADII IYO AD-ADAYGII UU DADKAYAGU WALIGIIBA CAANKA KU AHAA” kuwaasina waxay kamid ahaayeen erayadii mudane Hanad Maalingur.
Shirka oo ahaa shir in mudo ahba lawada sugayey ayaa ku soo gaba gaboobay guul waxaana la isla soo qaadey in dhamaan go’aanada ka soo baxey shirka si joogta ah loo sii wado iyadoo waliba la iskala kaashan doono dhamaan xafiisyada dawlada iyo kuwa aan dawliga ahaynba
Si kastaba ha ahaatee qirrada iyo waliba ciilka gaboobay ee ka muuqda wajiyadda shacabkii ka soo qaybgalay shirka ayaa la is oran karaa waxaa socda kacdoon xanbaarsan dabaylo hididiilo oo ku beeran shacab waynaha geeska afrika iyagoo aad moodo in xanuunkii Kaligii Taliye Zanaawi la gaarey goortii la iska dawayn lahaa loona guntaday sidii la isaga dulqaadi lahaa

Radio Xoriyo
19 April 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com