SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamadii Cabdulaahi Yuusuf ee Madaxtooyada Muqdisho oo loo rarey Magaalada Baydhabo...

Magaalada Muqdisho Waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka amababaxay ciidamadii Koofiyad Cas ee madaxatooyada ee ilaalada gaarka u ahaa Cabdulaahi Yuusu kuwaas loo rararey Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Ciidankan oo ay la socdeen Xaasaskoodii iyo caruurtoodii ayaa waxaa lagu rarey gawaarida loo yaqaan Waaraadka Ilaa iyo hada lama garanayo sababaha loo raraey Ciidamadaas balse warar baa sheegaya in ciidamadaas loo raraey arimo la xiriira sidii mar kale tababar u soo qaadan lahaayenn warar kale ayaa sheegaya in ciidamadaas loo geeyey magaal;ada Baydhabo si ay u ilaaliyaan Xarunta madaxtooyada iyadoo wararka ay sheegayaan Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf wixii ka dambeeya ka soo laabashadiisa Dalka Mareykanka uu fariisin ka dhigan doono Magaalada Baydhabo

Warar kale aya sheegaya in amaanka madaweynaha wixii hadda ka dambeeya ay la wareegeen Ciidamada Uganda waa hadii uu ku soo laabto Magaalada Muqdisho hase yeeshee Saraakiisha Ciidamadaas ayaa noo sheegey in madaxweyne wixii haatan ka dambeeya uu ka howlgeli doono Mgaalada Baydhabo

Iyadoo ay isa soo tarayaan awooda kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaalka ayaa warar aan ka soo xiganey rag si aad ah ugu dhow Dowlada waxay sheegeen in awooda Dowlada ay isugu geyn doonto magaalada Baydhabo oo ah magaalo kooban isla markaan fariisin ku leh Baarlamaanka

Warar kale ayaa sheEgayaa in Ciidamada Burundi laga yaabo ay ka howl galaan Magaalada baydhabo si ay u ilaaliyaan amaanka Madaxda sare ee Dowladda fedraalka kuwaas oo la sheegey in waqtiga u harsan ay ku dhameysan doonaan Magaalada Baydhabo

Urur looga dhawaaqey Pundland oo Martiqaad ka helay Isbahaysiga dib u xoreynta

Iyadoo Dalka Jabuuti ay ku sii qulqulayaan Odoyaasha guurtida Beelaha soomaliyeed waxaana lagu waramey in dalka Jabuuti haatan ku xaadir yihiin odoyaasha beelaha Hawiye , Digil iyo Mirifle , Dir kuwaas oo marti u ah Isbahaysiga Xoreynta soomaaliya ee uu hogaamiyo Shiikh Shariif Sh Axmed iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa shaley Gaarey Dalka Jabuuti Urur dhawaan looga dhawaaqey Maamul Goboleedka Pundland kaasoo loogu magacdarey Ururka Samatabixinta Pundland iyo isku xirka soomaaliya waxaa wafdigaas hogaaminayey Gudoomiyaha ururkaas Cali Saciid wuxuuna sheegay mar la wareystey in ay Jabuuti u tageen sidii kulumo la tashi ah ula yeelan lahaayeen Isbahaysiga iyo Odoyaasha kale ee soomaaliyeed wuxuu sheegay Cali saciid in ururkooda loo aas-aasey sidii ay u samatabixin lahaayeen reer Pundland waayo ayuu yiri”maamulka ka dhisan Pundland waa midka cunaqabateeyey shacabkiisa islamarkaan fasaxay in warshado loo keensado si ay u sameeyey Lacag been abuur ah kaasoo saameeyey dhamaan shacabka ku nool dalka soomaaliya gaar ahaam Magaalooyinka Muqdisho, Kismaanyo Baladweyne iyo Baydhabo waxaana dooneynaa in aan ka hortagno dhiig Miiratadas aan u naxayn shacabkooda

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha in marka ay ka soo laabtaan Dalka jabuuti ay dib ugu soo laaban doonaan Gobolada Pundland ay bilaabi doonaan wacyi gelinta shacabka si ay kacdoon ugu sameeyaan Maamulka Cadde Muuse oo uu sheegey in uu soo jeesyey in dhibaateeyo shacabkiisa wuxuu sheegay Cali saciid in ay doonayaan in ay wax la qaybsadaan walaalahooda kale si ay ugu hortagaan Gumeysiga dalka ku soo duuley iyo Dabadhilifkooda wuxuuna u soo jeediyey Shacabka Pundland in ka dhiidhiyaan kuwa la mid noqdey amxaarada isla markaana jideystey in ay dhiig miirtaan Shacabkooda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com