SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

DEEQ RAASHIN AH OO SHIRKADDA GOLIS KU QAYBISAY MAGAALADA BADHAN.

Badhan :- Todabaadkii lasoo dhaafay ayaa shirkadda Telefoonada ee Golis ee xarunteedu tahay Boosaaso ayaa raashin Bariis ah ku qaybisay magaalada Badhan.

Maamulaha Shirkada Telefoonada Golis ee magaalada Badhan Sh/ Faysal Xuseen Mire ayaa sheegay in raashinkaas Bariiska ah loo qaybiyey dad ka kooban 100 qoys , iyadoo qoyskiiba la siiyey hal kiish oo raashinkaas Bariiska ah.

Maamuluhu wuxu intaas ku daray in shirkaddu ka jawaabtey qaylo dhaan loo gudbiyey madaxda sare ee shirkaddaas si ay wixii karaan ah gacan uga geystaan dadka ku tabaaloobey abaaraha iyo sicir bararka ee ku sugan magaalada Badhan.

Waxgarad magaalada ayaa si weyn ugu mahad celiyey shirkadda Golis oo adeegga telefoonka , internetka iyo korontadaba siisa magaalada Badhan, sidoo kale waxay shirkadaha kale ka codsadeen iney ku daydaan shirkadda Golis oo ay gacan ka geystaan cudurka shubanka ee ka dillaacay magaalada Dhahar iyo Xingalool iyo sidoo kale taakulaynta dadka baahan.



Maxamuud Ciyoon / Badhan.
ciyoon10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com