SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

GEORGE GALLOWAY (MP) IYO DR.ZAKARIYA MOHAMUD HAJI ABDI OO KA LA HADLAY JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE LONDON OLALAHA DOORASHADA LONDON ASSEMBLY

London 16.04.2008 Shir aad u weyn oo ay ka soo qayb galeen dad aad u badan oo Soomaali ah oo danaynayey inay taageero u muujiyeen musharaxiinta u sharaxan inay u tartamaan ka mid noqoshada Baarlamaanka magaalada London ( London Assembly) ayaa lagu qabtey xaafada Edmonton Angel ee ka tirsan Waqooyiga magaalada London.

Ugu horeyntii waxaa shirka ka hadlay Xersi Ali Nur oo ka soo jeediyey qudbad diini ah, isagaa bulshada Soomaaliyeed ee goobta ku sugnaa ka codsaday inay ka qayb qaatan olalaha doorashada iyo sidii loo garab istaagi lahaa musharaxa Soomaaliyeed ee u tartamaya inuu ka mid noqdo baarlamaanka magaalada London.

Bashiir Dahir Yusuf ayaa isna halkaasi ka aqriyey qoraal ay qoreen jaraaidka dalka Ingiriiska iyo warbixin laga siidayey TV-ga Chanel 4 oo ay kaga hadleen dadka Soomaalida ah ee dagan dalka Ingiriiska.

Qoraladaas ayaa ahaa dhamaantood kuwa si weyn u muujinayey in meel looga dhacay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.

" Dadka Soomaaliyeed waxay naga xadeen dameero noogu xareysnaa Park, kadibna way cuneen dameerihii waayo hilibka dameeraha ayaa ah kan ugu jecel yihiin cuntada ay cunaan’’

" Dadka Soomaalidu waa dad nabad wax la yiraahdo aqoonin inay wax dilaan maahee, waan necbahay dalkooda halagu celiyo waa wasaq qurmuun ah’’

" Dadkani dalkeenii ayay naga qaadi doonaan way soo wada gureen, muda yar kadib iyagaa u badan doono England, dadka dalka lehna waa inay u guuraan meelaha ilbaxnimada Yurub qiimaha ay ka leedahay oo ay ku xafidi karaan waayo, dadkaan markay dalkaan naga qabsadan oo codkooda ayaa noqon doono in shareecada Islaamka lagu xukumo dalka Ingiriiska’’

Arimahaas oo dhan ayaa looga dan lahaa in dadka Soomaaliyeed ee nabadgalyo doonka u yimid dalka Ingiriiska looga horkeeno dadka Ingiriiska ee dagan dalkaan ayay ahaayeen iyo mid sumcada looga dilaayo dadka Soomaaliyeed.

Dadkii meesha joogay ayaa dhamaantood arimahaasi ka xumaaday kadib markii hortooda looga aqriyey xumaanta laga faafinaayo oo aysan u war haynin, hadii aan lahaan lahayn dad matala ama ku hadla afkooda ama cod looga baqo ma aysan dhacdayn baa la isla qirey dadkii meesha joogay.

Mudane Mohamed Dahir ayaa isna ka hadlay goobta shirka, anigu waxaan ahay nin reer Soomaliland ah hasayeshee waxaan aad ugu faraxsan nahay inaa codkeyga siiyo ninkaan Soomaaliyeed ee doonaya inuu ka mid noqdo baarlamaanka London,

Warqadatan waa warqada doorashada ka hor qiimo weyn iguma fadhiyin intaan arkin Zakariye usan isheegin inuu u sharaxan yahay baarlamaanka London inuu ka mid noqdo, hada jeebkaan ku wataa mana dhigaayo ilaa aan u codeeyo xataa aqalkii waan ku aamini waayey,marka waa inaan gacmaha is qabsanaa meesha aan joognana dad ku yeelanaa ina wada matala, George Gallawayne waan soo dhaweynayaa, kuna soo dhawoow fadhigaan , farxad bayna noo tahay inaan kula kulano ayuu hadalkii ku soo gunaanaday.

Mudane Abdi Weli Jama ayaa isna ka hadlay faahfaahina ka bixiyey sida ay muhiim u tahay in aan helno dad na matala, si aan kaalin weyn oo muuqata uga galno bulshada aynu la nool nahay, aan iska dayno waxa Soomaaliya ka jira ee aan dalkaan dad noo matala oo codkeena ku hadla aan doorano, hada mudane Zakariye ayaaba diyaar ah aan u codeyno si weyna ha looga qayb qaato, farxad bayna noo tahay kulankaan qiimaha leh ee aan uga hadlayno arimo anaga dhan noo yaal.

Kadibna waxaa halkaasi ka hadlay faahfaahina ka bixiyey arimaha ay maanta u yimaadeen North London mudane Zakariye, George Gallaway iyo Linda oo dhamaantood u sharaxan inay ka mid noqdaan aqalka Baarlamaanka magaalada London.

Siyaasiga ruug cadaaga ah ee ka tirsan Baarlamaanka dalkan Britain George Galloway iyo musharaxa xubinnimada Golaha London (London Assembly) Dr. Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa waqooyiga magaalada London kula kulmey jaaliyadda Soomaaliyeed. Dr. Zakariya ayaa ka warbixiyey sababta uu isugu soo sharraxay xubinnimada Golaha London isaga oo ah ninka 2-aad ee hoggaanka Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed.

Dr. Zakariya ayaa hadal uu ka jeediyey xarun weyn ee shirarka oo ku taalla xaafadda Edmonton ka sheegey in uu isu soo taagey xubinnimada Golaha London si uu halganka uu ku jiro uu sidoo kalena uga wado dalkan.

Zakariya ayaa sheegey in dawlada Britain ay sanad kasta siiso Itoobiya lacag gaarayso 400 oo milyan sidoo kalena ay Britain ku gacan siisey Itoobiya inay ku duusho Soomaaliya, taasina ay ku qancisey in siyaasadda dalkan laga qayb galo si gacan looga gaysto dhibaatada dalka Soomaaliyeed ka jirta. Zakariya oo ku tir-tirsiinayay dadka Soomaaliyeed inay u codeeyaan ayaa sheegey in cod-bixintu ay ka awood badan tahay qoriga AK47.

Waxaa sidoo kalena goobta ka hadlay siyaasiga George Galloway oo sidoo kalena ah ninkii aasaasey xisbiga ka horjeeda dagaallada dunida daafaheeda ka socda ee RESPECT oo ay musharaxiinta xubinnimada Golaha London ee xisbigaas ay u taagan yihiin George Galloway iyo Zakariye iyo Linda.

Waxaa uu sheegey Galloway in jaaliyada Soomaaliyeed ay ku caawin karaan Zakariye inuu noqdo ninkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee xubnin ka noqda Golaha London, sidoo kalena ay talo ku yeelanayaan mustaqbalka magaalada London haddii ay codkoooda isticmaalaan.

George Galloway ayaa sidoo kalena sheegey in Soomaaliya, Ciraaq iyo Afganistaanba ay ka socdaan dagaallo lagula jiro dawlado dalalkaas ku soo duuley. Waxaana uu sidoo kale si kulul u weerarey dawladda Itoobiya oo uu sheegey inay Soomaaliya weerartey iyada oo u shaqeynaysa Mareykanka.

Mr. Galloway ayaa sidoo kale jaaliyadda u sharxey in xisbigiisa Respect ay sidoo kale taageerayaan musharraxnimada Duqa magaalada London ee Ken Livingstone oo uu sheegey in ay mabaadii' guud wadaagaan. waxaana uu sheegey in Boris Johnson uusan ahayn nin u roon dadka laga badan yahay yahay ee Ken Livingstone uu yahay ninka mateli kara danaha iyo baahida dadka laga badanyahay ee ku nool dalkan Britain uu sidoo kalena yahay nin diidan oo ka horjeeda dagaallada dunida ka socda.

Mr. Galloway oo xisbiga Labour-ka laga eryey billowgii dagaalkii Ciraaq markii uu Bush & Blair ugu yeerey inay yihiin laba uubato oo cunaya hilibka dadka reer Ciraaq ayaa wax ka aas aasey Xisbiga dagaal-diidka ah ee RESPECT, waxaana uu isga oo xisbigaas u tartamaya uu ka adkaadey Oona King oo Labour ahayd lagana soo dooran jirey xaafadda Bethnal Green ee bariga London, madaama ay si cad u taageersanayd duulaanka dagaalka Iraq iyo Afganistaan.

Linda ayaa iyana sidaasi si la mid ah uga warbixisay sida loogu baahan yahay in Soomaalidu codeyso ayna ku yeeshaan siyaasada dalkaan dad matala oo afkooda ku hadla oo ka wakiil ah oo looga cabsado.

Odayaasha xaafada Edmonton Angel ayaa iyaga si wadajir ah ku taageeray soona dhaweeyay musharaxnimada mudane Zakariye iyo booqashada u ku yimid xaafadooda siyaasiga rug cadaaga ah ee dunida laga yaqaan Excellence George Gallaway.

Xisbiga Respect iyo musharaxiinta u tartamaysa London Assembly ayaa Bus dusha ka furan oo micrafoono ku rakiban yahay ku marey North London ilaa North East London, iyagoo ku dhawaaqayey :

"Vote for those who speak for you , I urge you to vote Respect, Our candidates speak for you, and if you vote for us, we will act for you as well’’.

" I shook up the US Senate, I’ll do the same in the London Assembly’

Vote Respect on 1 May 2008.

Dr. Zakariye Xaaji Mohamud iyo Mudane George Gallaway ayaa kulamo kula qaatey Soomaalida dagan xaafadaha Lyton iyo White City, iyadoo ay ku soo dhaweeyen Suldan Mohamud Xaaji Xuseen , mudane Osman Abukar, Xildhibaan Mohamed Ali Bilaal ( Ayax) ,Gen Subxaanjo, qaar kale oo fara badan.

Ugu dambayntii Waxaan Soomaalida dagan London ka Codsanaynaa inaa u codeeyaan Xisbiga Respect George Gallaway Number 11 calamadee Box dhaxdiisa istilaab ama X ku qor adoo mahadsan.

Vote 1-da MAY for Respect and Vote for Mayor of London Mayor

Contact / info: mrsomalia@gmail.com

Diyaariye: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf & Sawir-qaade: Mohamed AbdulQadir

London

Faafin: SomaliTalk.com | April 17, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com