SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo warsaxaafadeed maanta ka soo saaray Abaaraha dalka ka jira.

11/04/2008  

Dadlka Soomaaliya waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolasha dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka.

Shacabka Soomaaliyeed oo horeba ula il darnaa colaad sababtay xasuuq, barakac, xabsi, dhac iyo boob waxaa ku habsatay oo waxyeeleysay dad iyo duunyaba.  

Waxyeelada abaarta waxaa ay sii xoogeysatay ka dib markii ciidamada cadawga iyo dabadhilifyadooda ay hor istaageen kaalmada iyo gargaarka loo fidiyo dadka barakacay iyo kuwa abaarahu saameeyeen, iyagoo jidgooyo iyo xanibaadba kula kaca gaadiidka gargaarka sida.  

 Baad iyo biyo la ’ aanta dalka ka jirta waxa ay sababtay in ay galaafatay nolosha dadka maatada ah sidoo kale waxa la ’ day xoolo u badan geesleyda.        

Xaaladadda adaabta waxa sii xumeeyay amaan la ’ aanta baahsan ee dalka ka jirta ee uu sababay gumeysiga dalka qabsaday, taas oo saameyn xun ku yeelatay bad iyo beriba, iyadoo ay xoogeysatay burcad badeedii xilli ay xeebaha Soomaaliyeed dhooban yihiin maraakiib shisheeye oo sheeganeysa in ay nabadda geyigeena sugayaan.   

Hadaba Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu ku baaqayaa in laga hortago wax kasta oo sicir barar ku keeni kara bulshadeena Soomaaliyeed ee la liidata nafaqo darrida, oonka iyo cudurada sida shuban biyoodka ku faafay goobaha dadku ku urursan yihiin.  

Waxaa kale oo uu bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba ugu baaqayaa in ay taageeraan walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Isbaheysiga waxa uu hay ’ adaha Samafalka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolleed iyo kuwa dowliga ah ugu baaqayaa inay laban laabaan dadaalkooda ku aadan u gargaaridda maatada waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha baahsan iyo burburka iyo barakaca dalka ka jira  

Xafiiska Warfaafinta & Wacyigalinta

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2008
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com