SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

NEWSWEEK: Itoobiya oo ku dhiiqatay Soomaaliya 

cabdirisaqWaxaa turjumey:
C/risaq maxamed xuseen, Eskilstuna, Sweden.
habdirisak@hotmail.com


Meles Zenawi- reysul wasaaraha Itoobiya ayaa ah xubin uu Mareykanku ku qabo kalsooni aad iyo aad u weyn. Gaar ahaan kolkii laga hadlaayo arrinka uu Mareykanku ugu yeero “la dagaalanka argagixisada”. Sanadkii 2006-da ayaa Mareykanku waxa uu ka caawiyey dowlada itoobiya iney qabsato Soomaaliya. Wakhtigaas ka dib waxaa itoobiya dhex gashay dagaal u eg kan ka socda wadanka ciraaq kaas oo ay kula jirto dagaalyahano muslimiin ah iyo qabiilooyin. Haddaba waxaa wareysi dheer la yeeshay Meles Zenawi weriyaha caanka ah ee joornaalka NEWSWEEK. Waa weriyaha la yiraa Jason McLure. Wareysigaas oo ku saabsanaa Ka bixitaanka itoobiya ee Soomaaliya, arrimaha eriteriya iyo xiriirka itoobiya iyo Mareykanka. Waa kan qabtii hore ee wareysigaas oo aan u turjuney af-soomaali. 

Newsweek: Muxuu yahay qorshaha Itoobiya ee ay kaga baxayso Soomaaliya? 

Meles Zenawi: Laba arrimood baa meesha taal. Tan kowaad waa khatartii uu nagu hayey ururka Al-shabaab la yiraa, ka dib kolkii ay ku dhawaaqeen iney Soomaaliya oo dhan qabsanayaan. Waxaa kale oo ururkaasi ku dhawaaqay inuu itoobiya jihad ku qaadaayo. Khatartaas khasab ayey ahayd in la hor istaago, taasna waxaa aanu samaynay usbuucyadii ugu horeeyey ee aanu Soomaaliya qabsanay. Wadammada Afrika iyo qaar kale ayaa waxaa ay noo sheegeen in aanan ka bixin Soomaaliya si aaney u abuurmin meel banaan. Ka dibna waxaanu qolooyinkaas u sheegnay in aanu waxoogaa sugi karno inta ay ciidamada Afrika ka imaanayaan. Taasina wakhti ayey qaadatay. 

Newsweek:  Marka hadda waa suurta gal inaad ka baxdaan Soomaaliya iyagoo aaney ciidamada Afrika imaanin wadanka? 

Meles Zenawi: Hagaag, taasi waa arrin noo furan. Balse ma aha arrin aan sahlaneyno. Laakiin waa arrin noo furan.

Newsweek: Wakhti intee le eg ayaad sugi doontaan ciidamo Afrikaan ah, ama kuwo qaramada midoobey ka yimaada ama kuwa meel kale ka yimaada? 

Meles Zenawi:  Waxaa aanu hubnaa in anaan sugi doonin mudo sanad kale ah. Waxaan qabaa rajo ah in waxyaalo badani dhici doonaan, kuwaas oo noo suurto gelin doona inaan dalka Soomaaliya ka baxno. Tan ugu horeysaa waa in la soo dhamays tira ciidamada midowga Afrika. Tan labaad waa xoogeysiga ciidamada dowlada ku meel gaarka ah. Tan saddexaad waa wadahadalka nabad raadinta ee ka socda Muqdisho iyo meelo kaleba inuu miro dhalo 

Newsweek: Itoobiya ma haysaa qorshe lagu kalsoonaan karo bal haddii ay dowlada ku meel gaarka ahi burburto ama ay awoodeedu Muqdisho dhaafi weydo?

Meles Zenawi: Sidaan horay u sheegay Mar hore ayaa Soomaaliya ka bixi karney. Balse taasi ma dhalin lahayn xaalad deggan oo Soomaaliya ka dhacda. In Soomaaliya wakhtiga fog degaansho laga abuuro waxaa ku jirta danta qof walba. Ma rumeysni in dowlada ku meel gaarka ahi burbureyso. Waxaa laga yaabaa in aaney dowlada ku meelgaarka ahi sameyn horumar deg deg ah, balse ma aan rumeysni iney si sahal ah isaga burbureyso.

Newsweek:  Dad badan oo wax falanqeeya ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in saameynta ay joogitaanka ciidamada itoobiya ku leeyihiin dowlada ku meel gaarka ah uu yahay mid wakhti gaaban ah.Taas oo ah inaad dowlada ka caawintaan xaga nabad gelyada. Balse wakhtiga fog ee mustaqbalka ah aadba dhatar ku tihiin dowlada maxaa yeelay joogitaankiina waxaa uu kicinayaa laabta kuwa wadaniyiinta ah iyo kuwa xagga musliminimada u janjeera

Meles Zenawi: Dhibaatadu ma aha wadaniyiinta oo ku badan Soomaaliya balse dhibaatadu waa wadaniyiinya oo ku yar Soomaaliya. Dhibaatada Soomaaliya waxaa weeyaan iyadoo ay aad ugu bateen fikirka iyo dhaqanka qabiiliga ah. Dhaqanka jufa-jufada ah. Dadaalkayaga iyo kan dowlada ku meelgaarka ahiba waxaa uu xooga saarayaa isu soo dhoweynta jufooyinkaas kala tegey. Kolkii laga hadlaayo dhinaca ku muslimiinta ah, itoobiya ma joogin Soomaaliya kolkii Al-shabaab Muqdisho qabsanaayeen ayna ku hanjabeen iney dalka oo dhan qabsanayaan. Itoobiya ma aaney joogin Soomaaliya kolkii al-shabaab ku hanjabtey iney itoobiya jihad ku qaadeyso. Itoobiya waxaa ay samaysay iney arinka al-shabaab wax ka qabato.

Newsweek: Imisa ciidamo itoobiyaan ah ayaa ku dhintay Soomaaliya ilaa December 2006.Imisa ayaase ku dhaawacantay?

Meles Zenawi: Wax aad u yar.

Newsweek: Ma haysaa tiro xaqiiq ah? Boqolaal? Dhowr kun?

Meles Zenawi: Boqolaal

Newsweek: Imisa ciidan ah ayaa Soomaaliya idinka joogta hadda?

Meles Zenawi: Dowr kun, labo ama saddex kun

Newsweek: Imisa ayey qabsashada Soomaaliya lacag ahaan ugu kacday Itoobiya?

Meles Zenawi:  Lacag aad u badan

Newsweek: Boqolaal milyan oo dollar miyaa?

Meles Zenawi: Maya, qalabka aan isticmaalay qaali ma aha, waa howl gal aan qaali ahayn. Taas macnaheedu ma aha in shilin kasta oo aan Soomaaliya geliney inaan si ka wanaagsan loogu isticmaali Karin itoobiya. Balse guud ahaan waxaanu howsha qabanay anagoo aan jebin lafdhabarta dhaqaalahayaga.

Newsweek: Kaalmo dhaqaale oo intee le eg ayey itoobiya ka heshay mareykanka si aad u fulisaan qabsashada Soomaaliya?

Meles Zenawi: Waxba, eber (Zero).

Newsweek: Itoobiya miyey ka niyad xuntahay heerka kaalmada ay wadamada reer galbeedku siiyeen dowlada ku meel gaarka ah iyo Itoobiya?

Meles Zenawi: Jawaabta kaalmada ah ee ka timid xagga beesha caalamka iyo qaramada midoobeyba waa ay yarayd. Waan fahmi karnaa sababta ay qaramada midoobey ciidamo u soo diri Karin. Balse ma fahmi karno sababta ay qaramada middobey uga gaabisay iney dhaqaale ahaan u kaalmeyso ciidamada midowga Afrika si ay iyagu howshii nabad ilaalinta u qabtaan. Daafuur in UN-tu kaalmeyso ciidamada jooga ayna howsha la wareegaan ayey diyaar u tahay. Laakiin qaramada midoobey waa diidan yihiin iney bixiyaan dhaqaalihii ay sheegeen iney ku kaalmeynayaan Soomaaliya. Mareykanku waa yara dadaaley. Kaalmo ayey bixiyeen tusaale ahaan waxaa ay gacan ka geysteen imaatinka ciidamada wadanka Yugaandha. Mareykanku siyaasad ahaan taageero badan buu siiyey dowlada ku meel gaarka ah.

Newsweek: Dad ayaa waxaa ay leeyihiin dowlada mareykanku si ujeedooyin badan ayey dowlada ula shaqeyneysaa. Balse taasi ma kaalmeyneyso arimaha dib u heshiisiinta. Gaar ahaan Duqa magaalada Muqdisho maxamed dheere. Kaas oo ah qab qable dadaal oo  hore.

Meles Zenawi: Intii ka horeysey wakhtigii al-shabaab Muqdisho qabsadeen (2006). Kooxaha sirta ee mareykanku si qaab daran ayey u shaqeynayeen, iyagoo taageeri jirey qab-qab layaashii dagaalka oo dhan kuwaas oo ku midoobey iney hal caddow lahaayeen. Kaas oo ahaa Al-shabaab.Siyaasadaasi markiiba waa gulldaraysatay.Balse waxii wakhtigaas ka dameeyey siyaasada mareykanku waa isbedeshey.

Newsweek: Kolkii aad leedahay mareykanku waxaa keliya oo uu si gaar ah isha ugu hayaa arinka argagixisada. Taasi side bey saameyn ugu yeelan kartaa siyaasada guud?

Meles Zenawi: Wax sidaas ah kuma yeelan karto. Waxaa jirey qorshooyin lagu doonaayey in lagu laayo qaar ka mid ah argagixisada. Taasi waa arin fiican. Maxaa yeelay laynta argagixisadu waa qayb ka mid ah xalka. Balse kolkii xoolo aad u badan iyo wakhti la geliyo ugaarsashadooda, lana dayaco arinkii kale ee ahaa in qaran la dhiso. Kolkaas dadaalku ma noqonaayo mid mira dhala. Hayàda badan oo mareykan ah ayaa aad ugu janjeera dhinaca ah ugaarsashada argagixisada.

Newsweek: Guud ahaan waxaa jira bar tilmaameedyo qaali ah oo uu mareykanku donaayo inuu helo?

Meles Zenawi: Haa

Newsweek: Marka intii bar tilmaamedyadaas oo keliya la ugaarsan lahaa waxa jira arimo kale oo mareykanka looga baahnaa inuu tixgelin siiyo.

Meles Zenawi: Haa, suàashu waxaa weeyaan inaan miisaano sidii aan u hawl gelin lahayn wakhtigeena iyo maalkeena.


Kusoo dhowaada qaybtii labaad ee wareysigii Meles Zenawi uu siiyey joornaalka afka ingiriiska ku baxa ee NEWSWEEK 

Newsweek: Wasaarada arimaha dibada ee mareykanka waxaa ay liiska argagixisada ku dareen ururka Al-shabaab. Taas saameyn intee leèg ayey ku leedahay dibuheshiisiinta?

Meles Zenawi:  Waa igu adag tahay inaan fahmo sababta ay wakhtigaas dheer u qaadatay in Al-shabaab lagu daro liiska ururada argagixisada ah. Haddii uu jiro qof rumeysan in lala xaajoon karo urur ku xiran shabakada al-qaacida, ururkaas oo qorshihiisa ugu weyni yahay inuu geeska Afrika ka aasaaso maamul kii khulafadii oo kale ah. Xaqiiq weeye markaas in haddii ururkaas lagu daro liiska argagixisada ay xanibeyso wada xaajoodka. Haddii qofku u aqoonsan yahay wadahadalka noocaas ah mid is-dhiib ah, markaas in ururkaan lagu daro liiska argagixisada ma sameyneyso wax farqi ah. Waxaa jira dad badan oo ka mid ah ururka lagu magacaabo maxkamadihii midoobey kuwaas oo aan ka tirsanayn ururka al-shabaab.

Al-shabaab waa urur yar oo argagixiso madax adag ah. Kooxdaas yar markii laga tago qof kasta oo kale waa lala hadli karaa. Xitaa kuwo ka mid ah ururka al-shabaab ayaa lagu guuleysan karaa in xagga wada hadalka loo soo duwo. 

Newsweek: Kolkii laga hadlaayo dhaqdhaqaada ciidan ee ka dhaca Ogadeenya, Maxay tahay heerka la dagaalanka jabhada, ka dagaalanta bariga itoobiya, maxaase xiriir ah oo ka dhexeeya dhaqdhaqaaqa ururka ONLF iyo waxyaalaha ka dhacaaya soomaaliya?

Meles Zenawi: Waxaa jirey mucaarad badan oo ay isku dubarideen Eriteriyaanku, kuwaas oo ka kooban dhamaan itoobiyaanka naga soo horjeeda iyo  ururka maxaakiimta islaamiga ah ee soomaaliya. Jabhada ONLF waxaa ay ahayd qayb muhiim ah oo ka mid ah isutagaas mucaaradka ah. Waxaan rumeysanahay inaanu jebiney lafdhabartii dhaqdhaqaaqa ururka ONLF ee gabolka. 

Newsweek: Itoobiya waxaa lagu eedeeyey iney gabood fal ka geysatey gobolka Ogaadenya. Dayax gacmeedka ( satellites) mareykanka ayaa aqoonsadeen xaafado la gubey oo ku yaal gobolka. Xadgudubkaasi weli ma dhacayaa?

Meles Zenawi: Maya. Ma jiro wax gabood fal ah oo ka dhacaya gobolka Ogaadeenya. Sida caadiga ah, markii uu jiro dagaal  dhimasho ayaa jireysa iyo weliba mararka qaarkood dhimasho dad aan waxba galabsan.  Maadaama uu qalabka dagaalka loo isticmaalay uu ahaa mid iska hooseeya oo aan casri ahayn, dhaawaca la geysanayaa waa mid iska kooban. Ma ogi wax warar ah oo sirdoon ah oo mareykanku soo bandhigeen, kuwaas oo muujinaaya in xad gudub balaaran oo ka dhan ah xuquuqul insaanka uu dhacay. Ama in dad aan waxba galabsan la laayey ama xaafado la gubey. 

Newsweek: Xagaas iyo Eriteriya, Ciidamadii UN-ta waa ka tageen agagaarka xuduuda. Maxaa ka celinaaya labada wadan iney dagaaalamaan mar kale?

Meles Zenawi: Ma dooneyno inaanu dagaal la galo Eriteriya. Maxaa yeelay anagu ma dooneyno taas. Hal dagaal oo nacasnimo ah nagu filan. Dhinaca Eriteriya dagaalka waxaa ka celinaaya ayaan u maleynayaa iney xaqiiqsadeen iney haddii ay dagaal galaan aaney guul ka gaareynin.

Newsweek: Ma hayneysaa jagada wasiirka kowaad kolkii uu dhamaado wakhtiga jagadaas laguu doortay ee 2010-ka?

Meles Zenawi: Waxay u eg tahay in taasi noqon doonto wakhtigayga ugu dameeya ee aan jagadaan hayo. 

Newsweek: Doorashooyinkii dalka gudihiisa ahaa ayaa soo dhow, balse waxaa xiran hogaamiyayaal badan oo mucaarad ah, kuwaas oo la xiray ka dib 2005-tii. Hogaamiyayaashaasi ka qaybqadan maayaan doorashooyinka. Qaar ka mid ah mucaaradkana waxaa ay leeyihiin iney la kulmaan sharaf ka qaadis badan iyo cagajugleyn. Maxaad nooga sheegi kartaa heerka xaalada dimoqraadiyada ee wadanka Itoobiya? 

Meles Zenawi:  Talaabo-talaabo ayaan dimoqraadiyada u adkeyneynaa. Waxii ka dameeyey 2005-tii waxaan la hadalay mucaaradka baarlamaanka ku jira, oon ka codsanay iney sheegeen waxyaalaha ay ka cabanayaan.

Waxaan bedeley qaabkii uu gudiga doorashadu u shaqeynaayey. Qaabka fikirka loo soo bandhigo ee baarlmaanka ayaan bedeley si xitaa qolooyinka baarlamaanka ku yari ajandayaashooda u soo bandhigtaan.

Waxaan hadda gacanta ku haynaa sharci cusub oo xagga saxaafada ah kaas oo aan rajeyneyno inuu ka mid noqdo kuwa ugu fiican aduunka.Sidaas darteed mar walba waxbaan ka qabaneyney meelaha aan ka liidano. Hadda mar kasta oo halkaan doorasho ka dhaceyso qaar baa ka cabanaaya in wax la isdaba mariyey. Taasi nasiib daro waxaa ay noqotay mid qaarada aad looga isticmaalo, ama cadeyn ha la hayo ama yaan lahayn. Taasi waa mid aan maalin walba arki doono. 

Newsweek:  Itoobiya waa wadanka uu dhaqaalihiisu si xowli ah ku socdo kolkii laga reebo wadamada saliida leh, laakiin hayàda horumarinta caalamiga ah ee mareykanka waxaa ay sheegtay in sagaal milyan oo itoobiyaan ahi ay u baahnaan doonaan caawinaad cunto sanadkaan

Meles Zenawi:  Sida aanu horumar dhaqaale iyo horukac uga gaarney meelaha magaalooyinka ah ugama gaarin meelaha xoolaleydu degan yihiin. Meelaha dhul daaqeedka ahi aad bey ugu nugul yihiin isbedelka xagga hawada ah. Waxaan isku deyeynaa inaan dadka xoola dhaqatada ah waxsoo saarkooda kordhino. Iyo weilba inaan xoolo dhaqatada ka dhaadhicino iney meel uun degaan. Tan kale waa inaan wax badan ka qabanaa dhinaca hagaajinta dhul beereedka , gaar ahaan meelaha abaaruhu saameeyeen si dadku faaìido u helo. Xaga faqrinimadu kolkii hore waxaa ay ahayd dhibaato baadiye balse hada waxaaba ay usoo gudubtey xagii magaalada madaama dakhligii dadka uu yaraaday. Sidaas darteed waxaa jira arimo badan oo u baahan in wax laga qabto. Inkastoo aanu haysaney shan sano oo wax soosaar sare leh. 

Waxaa turjumey: C/risaq maxamed xuseen, Eskilstuna, Sweden.
habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2008 | Q.2aad: April 12, 2008

Saameynta ay leedahay aqoonyahanada Afrika ka qaxay
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com