Mahad Maxamuud Makaraan oo 2 sano jir ah wuxuu dhashay isagoo aan lahayn
meel uu ka saxaroodo, wuxuuna u baahan yahay in Qalliin lagu sameeyo
Mahad Maxamuud Makaraan waxaa uu jiraa labo sano, wuxuuna dhashay isagoo aan
lahayn meel uu ka saxaroodo, wuxuuna u baahan yahay qalliin lagu sameeyo.
Hooyada dhashay Wiilkan oo
lagu magacaabo Sokorey Faarax Mocow oo shir jaraa'id ku qabatay Magaalada
Muqdisho ayaa waxay sheegtay in uu Wiilkeeda aad u xanuunsanayo, isla markaana
uu habeen iyo maalin ooynayo xanuunka haya aawgiis.
"Wuxuu dhashay isagoo aan lahayn meel uu ka saxaroodo, markii uu seddex
maalmood jiray ayaan geeyay Isbitaalka Keysaney, kadibna waxaan la
xiriiray Dr. Axmed Taajir oo ka mid ah Dhaqaatiirta Isbitaalkaas ka shaqeysa,
wuxuuna ku sameeyay qalliin uu ku suurtageliyay inuu dhinac ka saxaroodo"ayay
tiri Sokorey Faarax Macow oo dhabta ku heysata Wiilkeeda Sabiga ah ee
xanuunsanaya.
Sokorey Faarax Macow waxay sheegtay in Dr. Axmed Taajir uu ku wargeliyay in
aan Wiilkeeda waxba looga qaban karin gudaha Dalka Soomaaliya, isla markaana loo
baahan yahay haddii la kari karo in dibadda loo qaado si qalliin loogu sameeyo.
"Annaga waxaan nahay qoys
Reer Miyi ah oo ku nool deegaanka Caliyaale ee Degmada Balcad, mana lihin tabar
aan Canugan dibadda ugu qaadno, marka waxaan ka codsaneynaa Dadka Soomaaliyeed
ee wax heysta iyo weliba Jaaliyadaha Dibadda inay nagu caawiyaan sidii aan ku
heli lahayn daweyn dibadda ah"ayay tiri Sokorey Faarax Macow.
Ugu dambeyntiina, Sokorey Faarax oo ka hadleysay sida ay tahay xaaladda
Wiilkeeda waxay sheegtay in uu aad u xanuunsanayo, isla markaana uusan cuni
karin wax quud ah oo dhaafsiisan wax dareere ah sida caanaha iyo cabitaannada
kale.
Haddii aad caawineysid wiilkan dhibaateysan kala xiriir Taleefoon Nambar
0025215518717 oo laga helo Muuse Maxamed Cusmaan email
muusekiimiko@yahoo.com ama
0025250431838 oo laga helo Cali Cadde Xasan e-mail
cali59@hotmail.com
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2008
|