SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Malinta caafimaadka aduunka oo laga xusay meelo badan oo ka mid ah dalka somaliya
  • Denmark: Warbixin Booqashada Wasiirada Qoyska ee DGPL...

Muqdisho: Halkan ka dhegeyso (mp3)

Malinta caafimaadka aduunka oo laga xusay meelo badan oo ka mid ah dalka somaliya

Munaasibad balaaran oo lagu xusayey maalinta caafimaadka aduunka oo ku beegneyd 7/04/2008 ayaa lagu qabtay maanta ispitaalka banadir ee magaalda muqdisho ,

Xuska munaasibadaan oo caalamka looga aqoonsan yahay maalinta caafimadka aduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas.uuliyiinka ka socotay DF ma.uuliiin caafimaad kooxda fanaaniinta qaranka oo halkaa ku so bandhigay riwaayad ka tarjumeysa wacyiga maanta dalka ka jira ururada bulshada rayidka ah qeybaha kala duwan ee saxaafda iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladaan ,

Muaasibadaan oo ka dhacday ispitaalka hooyada iyo dhalaan ee banadir ayaa holka xaflada lagu dhigayey oo aad loo buuxdhaafiyey ayaa waxaa lagu sharxay ereyo baraarujinaya cadurka H.IV iyo sida looga baahan yahay in la isaga ilaaliyo waxyeelda cudurku u leeyahay bulshada dhaxdeeda

Waxaana ka mid ahaa ereyadaas sida jirfayow .maskax fayow deegaan fayow , ayaa leh caafimaad taam ah ,

Cafimad la.aan waa nolol la.aan

Iska nadiifi biyahay aad cabeyso , caafimadku was hey qaali ah ,

Ka qeyb qaado daryeelka caafimaadka bulshada , adeegso qalab caafimad oo ka badbaadsan H.I.V

Ka fogow sinada si aad u badbadiso naftada iyo tan bulshada

Madaxdii iyo marti sharaftii ka soo qeyb gashay xaflada ayaa waxaa maaweelinayey kooxda faanaaniinta hobolada waa beri oo halkaa ku soo bandhigtay riwaayad magaceedu ahaa baaq furan taasoo ay ku qanceen dadkii daawashadeeda nasiibka u helay

Agaasimaha ispitaalka banadir Dr Cabdirisaaq Xasan Cali ayaa sheegay in ispitaalkaan uu u baahan yahay qalabkii lagu socodsiin lahaa oo dhan iyada oo aan hada la heynin qalabkii lagu baari lahaa dhiiga waana qalabka ugu muhiimsan xaga shaqada ispitaalka wuxuuna sheegay in uu xiran yahay ispitaalkii digfeer shaqadiisiina lagu haayo ispitaalka banadir oo ay howgaliyeen qaar ka mid ah haweenka somaliyeed

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay agaasimaha wasaarada cafimaadka ee Df Dr Maxamuud Xersi Ducaale oo ka sheekeeyey taariikhdii uu soo maray ispitaalka iyo qiimaha uu u leeyahay bulshada

Ugu danbeyntii waxaa xafladaa oo si heer sare ah loo so agaasimay ka hadlay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha prof : xuseen ceelaabe fahiye oo ah ruugcadaa in badan ku so jiray arimaha siyasada ee dalka somaliya kana soo qabtay xilal kala duwan isaga oo meel hoose ka soo bilaabay shaqadiisa wuxuuna xusay in ay umada somaliyeed dib uga dhacday mudo 30 sanno ah xag kasta marka laga eego maantana ay qarka u saaran tahay sicir barar iyo barakac wuxuuna sheegay in fariimo badan uu muqdisho ku arkay uuna geyn doono baarlamaanka dhexdiisa wuxuuna balan qaaday in wax laga qaban doono arimaha cakiran

Wasiirka ganacxsiga iyo warshadaha prof xuseen ceelaabe fahiye ayaa daboolka ka qaaday in dowladu qorsheyneyso lacago sicir bararka looga baxo in ay soo sameysato kuwaas o noqon doono 5 shilin .10 ,labaatan iyo 100 waxaana la socon doono 1000 cusub si ay u so laabtaan lacagihii hore ee ay lahaan jirtay dowladi dhacday

Wuxuu sheegay in ay burbureen adeegyadii guud ee dalku lahaa sida goobihii caafimadka ,gobihii waxbarshada , iyo dhan kasta o nilosha la xiriirta waa ay baaba.een ayuu yiri xuseen ceelbaabe faahiye

Deeq lagaceed gaarayso $108 oo la garsiiyey dad aad u jilicsan ka mid ah bulaanada jiifa ispitalak adagmada dayniile maanta

Nin lagu magacaabo abuukar muqtaar ayaa soo garisiiyey deeq lagceed garayso $ 108 laba nin oo ka mid ah bulakanda jiifa ispitaalka dagmada dayniile ee magaalada muqdisho waxaana uu amar ku bixiyey in aan laga sarifin lacagtaa oo la siiyo dad aad u jilicsan.



Sida ay sheegtay caasha shacuur oo lagu soo hagaajiyey deeqdaa lacageed mar ay saxaafda la hadlaysay in ay siisay laba qof oo ay islaheyd waa dadkii mudnaa iyada oo intaa ku dartay waxaan siinay laba nin oo midkood calooshu weynaatay dhaqtaradune ay sheegeen in aan waxba loo qaban Karin kaas oo aan laheyn una joogin ispitaalka wax ehel u ah ninka kale ayey casha sheegtay in ay xabadi ku dhacday isla markaana ay naafeysay waxana ay xaqiijisay in ay aragtay calooshiisa o hortiisa taal calool xumo darteed ay indhaha u dhameystiri weyday



Caasha cusma cugaas ( caasha caashuur ) ayaa xustay in dadka aadka u liita ay inta ku ekeyn balse ay jiraan kuwo badan oo la mid ah oo aan la fiiri karin naftada ayaana ula baqaysaan marka aad tagto ispitaalada iyo goobaha ay dagan yihiin dadka barakacay waxaana ka mid ah dadka ispitalada jiifa dad qaarka danbe ka dhintay qaarka horana ka nool oo aan heysan wx daryeel ah waxayna ugu baaqday somalida wax uun heli karta in ay la so garaan dadka dhibaataysan ee walaalahooda ah oo aan heli Karin wax ay siistaa irbado iyo daawooyin

Waxayna u mahdcelisay abuurkar muqtaar oo ay tiri xili loo bahnaa ayuu u so diray dhibanayaal aan wax ehel ah lahen

Halkan ka dhegeyso (mp3)

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho somaliya
0025215576666
002521653623

Denmark: Warbixin Booqashada Wasiirada Qoyska ee DGPL...

Wasiirada wasaarada arimaha haweenka iyo hormarinta qoyska DGPL ee soomaaliyeed marwo Asha Gelle Diiriye waxeey intii booqashada ku joogtay Denmark kulan balaaran la yeelatay ururweynaha caalamiga ah ee care4you association.  Kulankaa wuxuu maalintii isniintii 7/4-2008 ka dhacay xarunta care4you. Waxeey wasiiradu si diiran ugu mahadcelisay masuuliinta care4you, waxeeyna uga mahadcelisay sida diiran ee loosoo dhaweeyay. Marwo Asha Gelle waxeey halkaan warbixin guud oo kusaabsan care4you uga dhageeysatay madaxa care4you marwo Ann Schmidt iyo madaxa xiriirka caalamiga Mudane Birger Kluge.

Wasiiradu waxeey heyada warbixin guud masuuliinta care kasiisay xaalada guud ee Puntland iyo waxqabadka wasaarada eey madaxda ka tahay. Waxaa kaloo wasiirada iyo masuuliinta care4you kawada hadleen sidii care4you uga qeybqaadan laheyd howlaha la xiriiri hormarka Puntland iyo sidii loo howlgalin lahaa qurba-joogta soomaaliyeed ee u dhalatay deegamada DGPl.

Wasiiradu waxeey care4you u balanqaaday in wax alaale wixii tashiilaad ah u fududeendoonaan si ugu howlgalaan Puntland. Waxaa kaloo kulankaas la isla soo qaaday sidii loo sii xoojin lahaa loona joogteyn lahaa xiriir waara oo dhexmara jaaliyada reer Puntland ee Denmark iyo heyada caalamiga ah ee Care4you. Ugu danbeyntii wasiirada marwo Asho Gelle si rasmi ah ugu casumtay madaxda care4you ineey booqdaan Puntland. Kulankaa waxaa wasiirada ku weheliyay mudane Mohamed Gelle madaxa xiriirka iyo iskaashiga soomaaliyeed iyo mudane Saalax Siciid Diiriye madaxa Puntland Aid Service (PAS)

Safarka:

Waxaa maalinkii jimcaha booqsho toban maalmood qaadan doonta ku yimid wadanka boqortooyada Denmark Wasiirka wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Marwo, Caasha Geelle Diriye.

Wasiirada oo marti Qaad ka heshay Puntland Aid Service (PAS) oo ah urur u adeega Jaaliyada Puntland ee kusugan wadankaas oo fadhigiisu yahay wadanka Denmark ayaa mudada ay joogto Denmark waxay la kulmi doontaa madax ka tirsan Dawlada iyo Baarlamaanka Denmark, iyadoo kulamo la qaadan doonta Jaaliyada Soomalida Denmark,waxan warkaan ka helnay Saalax Siciid Diiriye oo madax ka ah ururka PAS.
Saalax waxaa kaloo uu noo sheegay in Wasiirada oo kasoo dagtay caasimada Denmark ee Kobanhegan ay booqan doonto magalooyin kale oo Denmark ku yaal oo ay ka mid tahay magaalada Aarhus oo ah magaalada labaad ee Denmark.

La xiriir: puntlandaidservice@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com