SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Boosaaso adaa isdilayee isdaa.

Dhowr iyo tobankii sano ee Dalka Soomaliya ku jiray Burburka iyo Nidaam darada ayaa waxa jiray Degaano ka badbaaday arrimhaasi sida Degaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaso.

Boosaso waa Magaalo weyn oo runtii Martigelisay dhamaanba umada soomaliyeed ee ka soo barokacay Degaanadoodii kadib markii ay soo wajaheen dhibatooyin badan sida Dil,Dhac,Bililiqo iyo kuwo kale oo badan.

Dhisitaankii Dowlad Goboleedka Puntland ka hor waxa Magaalada Boosaso kala danbeynteeda iyo sugida Nabadeeda xil iska saari jiray Qof kasta oo ku dhaqan Magaalada Boosaso, balse mudadii ay dhisneyd Puntland ayaa inta badan waxa masuuliyada la wareegay Maamulkii la dhisay oo Dadweynuhu u ogoladeen dhamaanba waxyaabihii Dowlada baahneyd sida bixinta Canshuuraha, Hirgelinta amarada Dowlada iyo wax walba oo Dowladu u baahneyd.

Puntland oo la dhisay sanadkii 1998 ayaa ilaa iyo 2004tii waxa Madaxweyne ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed xiligaasi oo Dadweynaha aysan dareemi jirin Cabsi amaan sidoo kale wakhtigii Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaan waxba ka duwaneyn wakhtigii C/laahi Yuusuf talada hayey.

Madaxweynaha iminka xilka haya Mudane Cade Musse Xirsi ayaa ilaa iyo sanadkii 2005 nadaamkiisu ka talinayay Degaanada Puntland kadibna sanado badan oo Dadweynuhu qabeen gunuunuc ayna sameynayeen dulqaad badan ayaa hadana 2007 wixii laga soo bilaabo waxa soo shaacbaxay Gunuunucii iyo dareenkii ay qabeen Dadweynuhu oo u badnaa Sugida Nabadgelyada Degaanka.

Sikastaba, hadii aan u soo laabto Cinwaanka Qormada oo ah" Boosaaso adaa isdilayee isdaa" ayaa waxay salka ku haysaa Falalkii isdaba jooga ahaa ee Maalmihi danbe ka dhacayey Boosaso ee isugu jiray Dilka,Dhaca iyo waxyaabo kale oo dadka Degaanku u baran.

Dhamaanba Dilalkii ka dhacay Boosaaso iyo dhacdooyinkii kale amaanka wax u dhimayay ayaa ilaa iyo hada aan la ogeyn cid sida rasmiga ah uga danbeeysa walow Booliska Puntland ay shegaan mar walba oo arrimahan oo kale dhacaan inay garanayaan cida ka danbeeysa ayna soo qabanayaan.

Saraakiisha amaanka iyo kuwo kale ee Dowlada Puntland mar walba waxey eedeyn u soo jeediyaan kooxo ay ku tilmaaman inay yihiin Cadow shisheeye oo Degaano kale ka yimi hadaba Su'aashu waxa weeye Boosaaso cid cadow ku ah danaheeda ma ka fulin kartaa.

Aniga Fikirkayga waxaan qabaa MAYA, Sababtoo ah Magaalada Boosaso waa magaalo Yar oo cidii dheerad ku ah lagu garan karo saacado dhinaca kalena Magaalada waxa dhinac walba ka xiga Buuri iyo Bad, waxana jira hal wado oo laami ah tasoo ka timaada dhinaca Galkacyo midaasina ilaa Galkacyo iyo Boosaso waxa fadhiya ciidamo kala duwan oo ka tirsan maamulka Puntland.

Waxaan kale oo dhici karta oo su'aashaasi ay macquul ku noqon kartaa iyada oo ay jiraan Dad Degaanka ah oo la soo adeegsado, kuwaasi laftigooda ma qabo inay wax ka sameyn karaan Magaalada Sababtoo ah dadka intiisa kale ayaa u jeeda oo sika qaban kara.

Nin Oday ah oo Dowladii Maxamed Siyaad Barre ka gaary Darajada Ciidanka Collonel oo aan ka wada sheekeysanay arrimaha Boosaso ayaa iigu soo koobay in Dadka Reer Boosaso ay jecladeen waxyaabaha ka socda Magaalooyin ka mid ah Soomaliya sida Qaraxa,Dilka iyo dhaca sidaasi darteedna ay wanaagsan tahay inay ku daydaan wax wanaagsan sida Magaalooyinka horumarka sameeyay.

Ninkaasi Odayga ah ayaa ku adkeystay in uu aaminsanyahay in dhamaan arrimaha ka dhacy Boosaso ay ka danbeyaan Dadka Degaanku oo aysan jir qolooyin shisheeye sida Shabaab oo kale oo arrimah wax lug ah ku leh.

Inkasta oo dadkii ama shacbkii wax doorta sida Dowlad,Boqortooyo iyo maamulada kaleba ay iyagu yihiin cidii iska lahayd , tasaale ahaan Puntland waxa iska leh Shacabka Reer Puntland ee iskama laha Raga maamulkeeda haya, hadaba waxa wanaagsan in shacabku ay la shaqeeyaan Maamulkii ay u igmadeen u adeegidooda sida Sugida Amaanka oo kale.

Isku soo xooriyoo waxa cadaan ah ah ama Hubaal in guud ahaan Dilalkii iyo falalkii amaan xumada ahaa ee Boosaso ka dhacay oo Dowladu ilaa hada wax jawaab sax ah aysan ka bixin inay ahayeen kuwo ay ka danbeyeen dadka Degaanku sidaasi darteed waxaan leeyahay Boosaasoy adaa isdilayee isdaa.

Cawaale Jaamac
Boosaso
Jamnaf87@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com