SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maraakiibta Dagaal ee France oo ku raad jooga Budhcada haysata Markabka laga leeyahay France

Bosaaso:- Warar hordhac ah ayaa ka soo baxaya Markab laga leeyahay Dalka France kaasi oo mudo 3-Cisho ah lagu hayso Xeebaha Maamulka Puntland, markabkaasi ayaa la sheegay inuu ahaa nooca Dalxiiska,iyada oo ay saaraayeen shaqaale gaadhaya ilaa 30 Ruux oo u kala dhashay wadamaya France, iyo Ukrain,iyada oo Budhcada haysataa aanay wali dalban wax Lacag ah.

Kooxda oo ku heysta markabkaasi xeebta tuulo u dhaw degmada Garacad ee gobolka Mudug.

Dawladda Faransiiska ayaa ciidamo booliis ah oo si gaar ah u tababaran waxay u dirtay gobolka geeska Africa, si ay diyaar ugu noqdaan inay fara geliyaan haddii lagu guuldareysto wada xaajood u socda koox burcad Soomaali ah oo markab yar oo kuwa dalxiiska loogu tala galay ah iyo shaqaalihiisi ku heysta xeebta Somalia.

France waxay ku cel celisay inay Lagama maarmaan noqonaysa in la weeraro kooxdaasi hadii ay qadacaan Hashiiyo qaybyo ah oo wali u socda Kooxgaasi wax Afduubatay iyo Dawlada Dalkaasi France.

France ayaa laga soo xigtey in ay xiriir la sameeyeen kooxda burcad badeedka ah. Markabkan yar ee laga leeyahay waddanka Faransiiska ayaa kooxda burcad badeedku ku heystaan soddon qof oo ah shaqaalihii markabkaasi.

ilaa 3- Marakab oo ah nooca Dagaal ee ay ka kacaan Diyaaraha qumaatiga u kaca ayaa waxay ku raad joogaan Budhcadaasi,iyaga oo la sheegay in wali daba joogaan, waxa la sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka ee France ay dul heehabayaan Markabkaasi la Afduubay kuwaasi oo joog hoose ku soconaya.

Dhanka kale Maamul Goboleedka Puntland ayaa si toosa u qiray inaanay awood buuxda u lahayn inay is hortaagaan Budhcadaasi duhurka cad markaabiibta Afduubaysa, Masuuliyiinta Xukuumada Puntland ayaa saasi warbaahinta ka sheegay.

Jamaac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com/Bosaaso

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com