SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • C/qaasim Salaad Xasan oo sheegay in Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Mareykanka ay yihiin argagaxisada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya .
  • Suldaanka beesha tuni oo shir jiraid kaga warbixiyey deegaanka laga soo doortay ee uu suldaanka u yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo u waramayay Wargeyska Alarab ee ka soo baxa dalka Qatar ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Mareykanka ay yihiin argagaxisada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya .

Gurigiisa ku yaala degmada Hodan ee Caasimadda Muqdisho , ayuu ku qaabilay Dr. C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sanadihii 2000-2004 , wargeyska Alarab ee ka soo baxa dalka Qatar , waxaana uu u sheegay in xoogaga Ethiopia iyo kuwa Mareykanka ay yihiin kuwa abuuray dhibaatada ka jirta Caasimadda Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in Gobolada Konfurta ay ahaayeen gobolada ugu xasilooni badan dalka Soomaaliya intii ay jirtay awoodii xoogagii Maxaakimta Islaamiga .

Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in muuqaalka is hubeynta dib ugu soo laabtay waddooyinka kadib soo gelitaankii xoogaga Ethiopia ee dalka dhammaadkii sanadkii 2005-di .

Wuxuu sheegay in dib u heshiisiin la qabto xilligan ay ka taallo shuruudo loo baahan yahay in la oofiyo , kuwaasoo ay ka mid yihiin in Ciidamada Ethiopia ay isaga baxaan dalka Soomaaliya ,lana gaaro heshiis , iyadoo la qabanayo shir ay isugu imaanayaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Mujtamaca Soomaaliyeed .

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay Xukuumadaha Carbeed inay badalaan qaab dhaqankooda ku aadan arrinta Soomaaliya iyo inaaney iska daawan dhibaatooyinka heysta laba milyan oo Soomaali ah oo laga soo barakiciyay guryahooda sanadkii hore .

Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa u sheegay Wargeyska Alarab ee dalka Qatar , inuu rajeynayo in Soomaaliya ay ku soo laabato sidii lagu yiqiinay sanadkii sagaashankii ka hor.

Mar uu ka hadlayay Ciidamo Q.M oo caalami ah oo Soomaaliya la keeno ayaa waxa uu yiri “ dowladda Mareykanka iyo dalalka reer Galbeedka ayaa waxa ay yihiin kuwa diidan geedi socodka ciidamo Qaramada Midoobay lagu keenayo Soomaaliya , waxaanan jeclahay inaan halkan ka cadeeyo in waxa ka dhacaya Soomaaliya , Lubnaan ,Falastiin , Ciraaq iyo Afgaanistaan inay yihiin waxyaabo uu abuuray uuna sameystay Mareykanka ,iyo shirqoolo laga hagayo dhinaca Isbaheysiga Sheydaanka uu Mareykanka hogaamiyo , waa Isbaheysi aan la dooneyn daganaansho iyo ammaan Gobolka Geeska Afrika si gaar ah iyo Dunida Muslimka si guud ah .

Mar la weydiiyay su’aal aheyd in Muqdisho ay isku rogtay Bagdaad Cusub oo geeska Afrika , ayuu ku sheegay
Dr. C/qaasim Salaad Xasan wareysigiisa in kooxda ku adeegsatay Ciraaq iyo dalal kale bambooyinka holca ay iminka u soo rogeen Soomaaliya , waxaana kooxdaasi hogaamiya ayuu yiri Mareykanka , waxaana uu yiri “ waanu ka xunnahay waxa ka dhacaya Ciraaq oo ah dal weyn oo Muslim ah iyo shacabkiisa intaba , waan rajeynaynaa insha allaah inay dhamaato dhibta Ciraaq iyo dhibaatada Soomaaliya ka jirta intaba oo Mareykanka iyo dalabkiisa Gobolka ku sugan ay ka dambeeyaan.

Dr. C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in aaney Sharci ku taagneen Xukuumad dalkeeda soo gelisay taangi uu leeyahay cadowga Taariikhiga ah ee shacabkeeda, hadana awaamirteeda ka bixineysa gudaha gaari Milatari Ethiopian uu leeyahay , wuxuuna sheegay in xilliyada qaar ay ka dalbato Mareykanka inuu duqeeyo goobo ku yaala Gobolka Jubadda Hoose ee Konfurta Soomaaliya iyo goobo kale oo ku yaala Bariga dalka .
Waxaana uu Intaasi ku daray Dr. C/qaasim in Shacabka Soomaaliyeed uu sugayo inuu arko Xukuumad matalaysa , fulineysana waxa uu shacabku daneynayo , ilaalineysana dhaxalka diimeed , dalkana uu noqdo mid xasiloon oo ammaan ah .

Mar la weydiiyay in dowladda Mareykanka duqeynteeda konfurta Soomaaliya ay ugu marmarsiyooto inay joogaan rag argagaxiso ajnabi ah iyo kuwa kale oo Soomaali ah , ayuu ku jawaabay “ waad ogsoon tihiin in Mareykanka uu xitaa ku eedeeyay Xukuumadeydii kumeelgaarka aheyd inay hooy ka siisay Soomaaliya xubno argagaxiso ajnabi ah , laakiin waa aragnaa , shacabka Soomaaliyeedna wuu ogyahay in argagaxiyaha kaliya ee jooga Soomaaliya uu yahay Ethiopian-ka leeynaya dadka aan waxba galabsan ee gacmaha maran , maatidana ah iyo Mareykanka oo diyaaradihiisa dagaalka bambooyin culus iyo kuwa sun ahba ay ku garaaceen tuulooyin iyo magaalooyin aamin ah oo ku kala yaala konfurta iyo bariga Soomaaliya .

Mar uu C/qaasim Salaad Xasan ka hadlayay barakaca baahsan ee ka jira weli Caasimadda Muqdisho iyo sare u kaca qiimaha Maciishadda ayuu sheegay in Taariikhdu ay xusi doonto qofkii dhibkan horseeday , ha ahaadeen kuwa sheeganaya Xukuumad Kumeel gaar ah ama ay kuwa ay ka dambeeyaan xoogaga ajnabiga ah ee Ethiopian-ka iyo Mareykanka .

Waxa uu sheegay in Soomaaliya xilligan ay u baahan tahay xoogag Caalami ah oo Qarama Midoobay ka socda oo aaney ku jirin dalalka Ethiopia iyo Kenya , wuxuu tilmaamay in xoogaga Nabad ilaalinta Afrikaanka ah ee Muqdisho ay ka joogaan dalalka Uganda iyo Burundi aaney saameyn ku laheyn waxa ka soconaya dalka , wuxuuna ugu baaqay dalalka Carbeed , kuwa islaamka iyo kuwa reer galbeedka inay guda galaan sidii loogu cadaadin lahaa Ethiopia in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya , ayna joojiso dhammaan faragelinta arrimaha siyaasadda iyo Milatariga ee Soomaaliya .

Wuxuu xusay in Soomaaliya aaney iloobi doonin dambiyada gumaadka iyo howlgalada badownimada leh ee ay ku dhaqmeen xoogaga Ethiopian-ka iyo kuwa dowladda KMG ah oo sababay barakaca laba milyan oo shacabka Muqdisho ah oo u cararay Gobolo fogfog , dalalka deriska ah iyo dalal kale .

Mar wargeyska Alarab uu weydiiyay Dr. C/qaasim Salaad inuu u istaagayo inuu u kala dabqaado , uuna dhex dhexaadiyo dagaalyahanada islaamiyiinta mucaaradka ah iyo Madaxweynaha xilligan ee Soomaaliya Colonel C/llaahi Yuusuf , maadaama kooxda islaamiyiinta ay aad kuu xushmeynayaan , ayuu ku jawaabay Madaxweyinii hore ee Soomaaliya “ ma garanayo koox Islaamiyiin la yiraahdo, kulligeen waxaanu nahay islaamiyiin, Soomaaliyana waa dal kuligiisa uu muslim yahay , caalamkana wuu ogyahay , waxaan u maleynayaa in aanu nahay dalka kaliya ama ku dhawaad isla wada ah Muslim Suniyiin 100% , diinteenu waa islaam , Luqadeenu waa Soomaali , dhaqankeenu waa mid , dhammaanteen waxa aynu ka soo jeednaa hal nasab , hadaba sabab aynu ku dileyno ma naqaan ayuu isweydiiyay C/qaasim oo sheegay in koox loogu yeero islaami ay tahay tarjumaad qaldan, wuxuu intaasi sii raaciyay “ waxa aynu nahay Muslimiin , waanu jecelnahay Islaamka , waanu ku faaneynaa , waa diinteena , waanu difaaceynaa diinteena , dalkeena iyo dhaqankeena.

Mar uu ka hadlayay inuu door dhex dhexaadin ah ka dhex bilaabayo kooxaha hubeysan ee dowladda ku kacsan iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf , ayuu C/qaasim ku jawaabay in marka hore la tixgeliyo qodobada ka yaala arrimaha dib u heshiisiinta oo ay ugu horeyso in Ethiopian-ka ay dal ka baxaan , in la gaaro heshiis , in xabsiyada dowladda KMG ah gacanta ku heysa iyo kuwa Ethiopia ay maamusho si siman looga wada siidaayo dhammaan maxaabiista , in dib guryahooda loogu soo celiyo labada Milyan ee qof ee u barakacday goobo ka baxsan Caasimadda iyo gobolada kale iyo in gudaha dalka lagu qabto shirweyne qaran oo dib u heshiisiineed oo ay ka wada qeybgalayaan qeybaha kala duwan ee bulshada , culuma udiinka , siyaasiyiinta , wakiilo ka socda ganacsatada iyo aqoonyahanada , iyadoo haweenka qeyb laga siinayo wadahadalada nabadda , kadibna ay muhiim tahay in shirkaasi gababadiisa lagu gaaro natiijo lagu dooranayo dowlad KMG ah oo dalka ku maamusha hanaanka shacabkeeda uu daneynayo.

Gebagabadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa gabagadii u mahadceliyay dowladda Qatar sida had iyo jeer ay isku howsho midnimada Soomaaliya , isgoo xusay inuu aad u sareeyo xiriirka kala dhaxeeya Amiirka Dalka Qatar Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala Thaani , wuxuuna u rajeeyay shacabka , Amiirka iyo dowladda Qatar intaba inay ku noolaadaan kheyr , baraare iyo barwaaqo.

Waxaa isku soo dubariday
Muuse Maxamuud Jiisow


Xigasho : http://www.alarab.com.qa/
 

Suldaanka beesha tuni oo shir jiraid kaga warbixiyey deegaanka laga soo doortay ee uu suldaanka u yahay

Suldaan Faqi Sayid Faqi oo mid ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee Somaliyeed ah suldaanka beesha Shangamaas ee beelaha Baraawe dega ah ayaa wuxuu maanta shir jaraid ku qabtay hotelka suxufi ee magalada muqdisho .

Suldaanka ayaa waxaa la doortay isaga oo waqooyiga America joogo laba bilood ka hor intii xiligaa ka danbeysana wuxuu u wareegay dalka somaliya gaar ahaan gobolada uu suldaanka ka yahay sida sh/hoose jubada hoose ,

Suldaan Faqi Sayid Faqi shirkiisa jaraid wuxuu uga hadlay xaalada guud ee uu dalku ku sugan yahay gar ahaan intii uu lugta soo mariyey ee uu indhihisa ku soo arkay oo aan looga sheekleyneynin

Waxaana la weydiiyey shirkiisa jaraid ka dib su.aalo farabadan kuwaa oo uu si hufan kaga jawaabay wuxuuna hadalkiisa u dhacayey sidaan

Waxyaabihii aan kala soo kulmay waxaa ka mid ah waxyaabaha hada dalka jira sida abaaraha ba.an ee sameynta weyn ku yeeshay guud ahaan dalka gaar ahaan degaankeyga oo ah barawe tuulooyinka la xiriira qaar ka mid ah oo aan tagay iyo waxyaabihii aan kala so kulmay intaba wax yaabaha hada dalka ka jira oo ah xaga abaaraha in sicir barar uu ka jiro sida gobolo badan ay halis ugu jiraan dadkiina ay u baahan yihiin wax qabad muuqdo ariamaha noocaas ah ayaa ugu weyneyd waxaana aan doonayaa in loo soo bandhigo mas.uuliyiinta bulshadana waa in loogu baaqaa sidii arimahaas wax looga qaban lahaa

Su:aal suldaan fiqi sayid fiqi waxaa ka warantaa abaarahaa iyo dhibaatooyinka jira gobolaka sh/hoose gaar ahaan deegaanada hoos taga degmada baraawe sidii wax looga qaban lahaa maxaase sabab u ah baa isleedahay ,?

Jawaab gud ahaan waxaa lagu jiraa xiligii roobka la sugayey balse abaaraha culumada inteeda badan sida ay sheegayaan dad badanine ay qabaan wax yaabaha dhaliya oo sababta u ah waxaa ka mid ah wey badan yihiin waxaana ka xusi karnaa xaalufin badan oo deegaanka ka socoto colaadaha iyo dadka oo aan isku niyad sameyn dib u dhaca roobka ayaa qeyb ka ah

Su:aal Waxaa ka warantaa xaalada guud ee deegaanada aad safarka ku martay hadii ay jiraan abaaro ma jiraan cuduro halkaa ka dahshay mase jiraan dad u geeriyoday ?

Jawaab Deegaanada aan safarka ku soo maray ee aan soo arkay gobolku wuu ka siman yahay guud ahaan abaaraha marka laga reebo dadka degan meelaha ay ka dhow yihiin wabiyada ama baliyada biyaha lagu keydiyo wey ka duwan yihiin balse dadka intiisa kale ee ay ka mid yihiin xoolo dhaqatada iyo beeraleyda abaarahaani sixun bay u hayaan qaabkii iyo sidii looga hortagi lahaana waxey u baahan tahay dadkii in la wacyi geliyo oo loo sheego ayaa la doonayaa

Su:aal ilaa iyo hada ma jiraan xoolo ama dad ku baaba.ay ?

Jawaab Ilaa iyo hada jawaab sax ah kama heyno waayo xoolihii dadkii wey la fogadeen markii dhulkii uu xaalufay waxay aadeen meel daaq iyo biyo leh waana sida caadada u ah dadka reer guuraaga ah xiliyada abaaraha marka la galo laakiin inta badan melaha ay abaaruhu ka jiraan xooluhu wey ka dhimanayaan run ahaantii dadkiina markii ay tacbaan noqdeen ayaa qaarkood hada waxay bilaabeen in ay ka soo qaxaan una soo galaan magaalooyin si ay u badbaadiyaan naftooda
Mida kale ee aad I weydiiseen ee ah in ay cuduro jiraan dadkii aan kula kulmay deegaanka baraawe in badan ayaa ii yimid waxayna iga codsadeen in laga caawiyo kaniiniga layirahdo lix bilood laha oo an u malaynayo in uu yahay kii Tii _ Bii Da cuduro kale oo caruurta xagooda ah na wey jiraan markaa intaa oo dhan waxay u baahan yihiin lala garo daawooyinkii lagula tacaali lahaa waana waajib in dadkaa wax loo qabto ,

Su:aal Maadaama aad sheegtay in aad tagtay gobolka sh/hoose oo intiisa badani ay dagan yihiin beesha tuni /shangamaas ayna ka jiraan abaaro xaalufiyey daaqii isla markaana biyuhu ay ciriiri ku yihiin ma jiraan hey.addo aad qeylo dhaan u dirteen: si ay dadkaasi gacan u siiyaan maadaama ay heysato abaaro farabadan ?

Jawaab wey jiraan hay.addo loo diray qeylo dhaaqaan intii aan aniga la I caleemo saarin ka hor dagmooyinka qaar in wax la geeyey balse dacwooyinka I soo gaaray ka suldaan ahaan oo iiga imaanaya dadka runtii sida aad ka ah u tabar daran ee aan waxba qabsan Karin waxay yiraahdeen dadkii mudnaanta koowaad iska lahaa waxba lama siinin waxayna sheegeen in wax isdabamarini ay goobaha qaarkood ka dhaceen sidaa daradeed hay.addo wey jiraan dhinaca gobolka nooga yimid waxaan cadaynayaa in aysan ku filneyn baahida hada ka jirta gobolka wixii ay hay.adduhu keeneen

Su:aal Maadaama uu gobolku leehaya xeeb aad u dheer ka jiraan dhibaatooyin uga yimaada xaga xeebta maraakiibta dowladaha shisheeye ee xeebta ilaaliya ama burcad badeeda mararka qaarkood ku qafaatada maraakiibta ?

Jawaab arimahaasi runtii xeebta deegaanka baraawe kama jiraan wax bur cad ah iyo cid lagu afduubay iyo sidoo kale maraakiib waxyeelo u geysata dadka deegaanka muwaadin iyo ajnabi arintasi gobolku wuu ka nabad galay ,

Su:aal Marhadii ay gobolka ka jiraan abaaro farabadan ayna ka mid tahay waxyaahaba keena abaaraha xaalufinta deegaanka dadka ku howlan arimaha dhuxusha maxaad ugu baaqeysaa?

Jawaab Arintaasi waa mid mudan in marwalbo laga hadlo weliba anigu waxaan ku guubaabinayaa umadda somaliyeed oo dhan meelaha la rabo in laga hadlo waa halkaa wadanku waa wadankeenii dhulkuna waa dhulkeenii marka si looga hortago nidaam iyo kala danbeyn ilaahey waa inoo keeni doonaa balse inta ka horesa waxaan ugu baaqayaa umadda somaliyeed iyo dadka mas.uuliyiinta ah xaalufinta iyo dhir jarista ee gobolada oo dhan si isku mid ah uga wada socdo qaarkoodna ay heystaa qalab u fududeynaya geed 40 sano baxayey in ay ku jaraan wax halsaac ka yar gaar ahaan dagmada baraawe qof kasta o muwaadin ah marka u dul istaago ama uu la kulmo meelaha ay ka socoto dhir jarista qaabka ay wax u baxayaan guryahay iyo dhuxushu wey siman yihiin marka sidaa darteed waxaan leeyahay nin kasta oo dhic yar oo muwaadinnimo ah ay ku jirto jirkiisa dhir jaristaa in laga danqado si aan uabadkeenu ay u harsadaan hooska geedaha aan ka joojinay gurista

Sidaa darteed ayaa waxaan ugu baaqayaa deegaanka iyo culumaa.udiinka isla markaana aan ka codsaday maalmo ka hor in waxqtiga la joogo dhibaatooyinkaa jiraan dadka aan ka wacyi galino oo aan ugu baaqno roobdoon waxaana shalay maqlayey mas.uuliyiin shacabka ugu baaqayey iyaga oo sita microphone si ay u hirgaliyaan baaqeygii ayaa in roobdoon la sameeyo

Balse toobdoonku uu ku iman karo siyabihii uu ilaahey ina faray hadii aan sameyno waxaana weydiistay in sadax maalmood la soomo dadkuna ay is cafiyaan wixii xumaan ahaana la iska cafis weydiiyo maalinta afradna in culumadii la raco

Suldaankaan ayaa booqasho ku tagay gobolka sh/hoose iyo jubbada /hoose wuxuuna halkaa kulamo gooni gooni ah kula yeeshay beelaha dega goboladaa iyo qaar ka mida ha tuulooyinka la xirira waxaana loogu so dhaweeyey si heer sare ah

Sawirada halkan ka daawo.....


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
0025215576666


0025250907666Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com