Sanad guuraddii Shanaad ee duulaankii Dalka Iraq.?
"Argagixiso la dagaalanka oo ay reer Gabeedka ka dhigtay jidkii ay u mari
lahaayeen ka hortaga awooda dadka Muslinka ah".
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Aroornimo maalinimo Khamiis ah, bishuna ay ku beegneed March-20-2003, dadka
caalamka ku nool ayaa ku waabariistay in Magaalada Bagdad lagu weerar
Madaafiicda dalka Mareekan-ka, balse dadka Islaam-ka ah waxa ay u aheed maalin
maddow, sababtoo ah waxaa lagu duulay dal ka mid ah dadalka Islaamka. Dagaalkan
dalka Iraq ay Mareekanka iyo xulafadiisa ay ku qaadeen waxa ay ulla baxeen
magacyo fara badan. Tusaale ahaan dalka USA waxa uu ugu yeeray "Hoolgalkii
xoreenta dadka Iraqiyiinta ah"—operation Iraqi freedom--halka dalka England uu
ugu yeeray "Hool gal"—operation----. Iyadoo sidoo kalle loogu magac daray
dagaalkii labaad ee Gacanka "Gulf war" ama dagaalkii Iraq. Marka intaas oo magac
laga soo tago magaca dhabta ah waxa bixiyay Boqoralka dalka Sa'udiga Boqor
Abdalle waxa uuna ku tilmaamay

Boqorl Abdallaha dalka
Saudiga.
"Gumeeysiga dalka Iraq".- occupation of Iraq-.
Ujeedka ka danbeeyay in waddanka Iraq la bur-buriyo.?
Aduunka wax sabab la'aan dhaca ma jiraan, sidaa oo ay tahay duulaanka Dalka USA
iyo saaxiibadiida ay gaalnimda wadaagaan waxa lagu micneeyay dhoorka arrimood ee
soo socda:-
1)Sidii America ay macdanta dalka Iraq ulla bixi laheed.?
Dalka Iraq waxa uu khani ku yahay macdanta gaar ahaan shidaalke cayriinka ah,
sidaa oo ay tahay waa dalka Labaad ee shidaalka ugu badan ee caalamka soo saara.
Markii American-ku dalkaasi ay gudaha u galeen goobaha aysan wax dhibaato ah u
geeysan waxa ka mid ah ceelasha shidaalka iyo keedka shidaalka ee dalka Iraq.
Sida ciidanka dalka Ethiopia uu u daneeynayo oo kalle magaalooyinka xeebaha leh
ee dalka Somalia si dalka Ethiopia uu u helo dagad uu wax kalla soo daggo.

Ciidan American ah oo waardiye ka haya dhuumaha shidaalka ee dalka Iraq.
Nin dan leh ma daalo ayay Somalidu tiraahdaa, maxay tahay danta ka danbeeysa in
Bil walba ciidanka Mareekanka ay ku baxdo lacag gaareeysa $12 Million. Danbcan
danta ka danbeeysa waxa ay tahay sidii Batroolka dalka Iraq uu Mareekanka ulla
bixi lahaa. Arrintan ayaa keentay in dhaqaalaha America uu hoos u dhac ku
yimaado sidoo kallna qiimaha doolarkana hoos ayuu u socdaa.
Dalka Iraq oo ay in mudo ah saarneed cunaqabateen ayaa sii sahlay in dalka Iraq
uu si fudud ku baaba'o cunaqateentaasna waxa ay socotay 1991-2003. Markii dalka
Iraq la saaray cunaqateenta caalamiga ah, dalka Iraq waxaa dadkiisa ay ku
noolaayeen shidaalkooda waxana xilligaas jiray barnaamij loogu magac daray
"Shidaal cunto ku badalasho"-Oil-for-food oo ay Qaramada Midoobay ay
maamuleeysay Kooxaha ka dagaalamaya dalka Iraq ee la magac baxay "Muqaawamada"
ama iska caabinta ayaa dhoor mar weeraro u geestay dhuumaha shidaalka, dhuumahan
shidaalka goobaha ay ku yaalaan waxaa jooga ciidan adag oo American ah.
2) Alle u naxariistee Saddam oo ay American-ku Ku adeeysay in uu xiriir la lahaa
Ururka Al-Qa'eda iyo in dowlada Saddam ay hubka wax bur-buriya ay
sameesaneeysay.
Kaddiib markii daarihii Ganacsiga ee magaalada Newyork ee dalka USA lagu weerar
diyaardo lasoo afduubtay marka ay taarikhdu aheed September,2001. madaxwayne
Bush waxa uu ku dhawaaqay in uu bilowday dagaalka ladagaalanka waxa loogu yeeray
Argagixisada "war on terror". Afghanistan xarunta Al-Qa'ida ayaa weerar lagu
qaaday Osama iyo saaxiibadiisna waxa ay gabaad ka dhigteen buuraha Tooro Booro
waloow hadda ay xoog badan ku leeyihiin dalkaasi gaar ahaan Koonfurta sida
Gobalka Helmand.

Saddan Xilligii uu madaxda ahaa iyo markii la soo qabtay...
13 bishii December sanadkii 2003 ayay aheer markii Saddam Hussien ay ciiidanka
America soo qabteen, maalmo badan oo uu xabsi ku jiray kaddib ayay Gaalada soo
duushay iyo Gaalo raacyadaba ay ku sameeyeen "Daldalaad" maalin ciid ah dadka
Muslimiinta oo dhan ay wada faraxsanyihiin Ciidana ay tahay.

Madaxwayne Bush oo hadal u jeedinaya ciidamadiisa dalka Iraq u jooga..
5 sano kaddib, Madaxwayne Saddam Hussien ay gacantooda ku dileen, dalka Iraq-na
la bur-buriyay ayay leeyihiin Saddam wax xiriir ah lama laheen Ururka Al-Qa'ida.
Taasi oo la macna ah in haddii aad dan leedahay ama dal aad bur-burineeysid aad
isticmaashid weedha ah ladagaalanka Argagixisada. Arrinta mid la mid ah Somalia
ayay ka dhacday markii Hogaamiye Kooxeedyadii ay arrinta oo kalle ay la
yimaadeen wixii ka dhacayne ilaa maanta dalkii way ka socdaan, xaalada dalkana
meesha ugu xumeed ayay mareeysaa.

Ciidan Ethiopian ah oo dhukeena somalia jooga
Saddam oo ay America ciil badan u qabtay waxa uu dhintay isaga oo geesi ah,
carabna maalintii uu Saddam shadiiday Carabna malagood gal.!! Madaxda is
dhiibtay waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Liibiya ee sheegay in dalkiisa uu soo
gabagabeeyay Bariminta Hubka wax bur-birya. Maantana waxa ay maraysaa in
Kaniisado laga dhiso dalka Qadar isla markaana Sa'udiga loo sheegay in ay
dhisaan Kaniisado ay dadka Christian-ka ay ku cibaadeestaan.
Warbixino ay soo saareen Amerikanka ayay ku sheegayaan in ay dowladii Saddam
aysan aheen hubka war nuclear-ka aysan heeysan sidoo kallane Saddam uusan wax
xiriir ah la laheen ururka Al-Qa'da.
3) Dowladii Saddam Hussien oo lagu eedeeyay in ay xuquuqda aadanaha meel ooga
dhacday.
Saddam oo ahaa nin military ah, dowladiisana ay aheed dowladii Somalia ka
dhisneed oo kalle, ayaa waxa lagu eedeeyaya in uu dad badan oo Iraaqiyiin ah
waxyeelo u geestay sida dhacdadii magaalada Dujeel ka dhacday oo lagu laayay dad
shiico ah. Arrintan oo kalle waxa ay ka dhacday Somalia, xilligii ay jirtay
dowladii aysan dowlad ka danbeeynin ee kalitaliska aheed. Oo lagu eedeenayay in
ay dad badna oo somali ah ay xasuuq u geeysatay.
Reer galbeedka marka ay wax damacsanyihiin ayay ka midtahay siyaasada ay
adeegsadaan in dowladaha lagu eedeeyo in ay xasuuq geesteen.
Madaxwaynaha Iraq ee hadda jira waxa uu yiri "Argagixo, Faqri iyo caafimaad daro
aaya nagu ah cuddur" waana ku faraxsanahay in Saddam uu meesha ka baxay. Ayuu
hadalka sii raacsadsay.
Gunaanad:-
Qormaddan iyo wax la mid ah duulanka Iraq loogama hadli karo, waxa kaliya ee aan
ugu tala galay waxa ay tahay in dadka Somali-da ah in aan xasuusiyo in haddii
dal lagu duulo aysan suura gal aheen in sida la rabay laga yeelan karo.
Dalkeena Somalia oo ay maanta caradiisa cadowgeena uu uu cagta soo dhigay ma
filayo in habeena u hurdaan si wanaagsan sida Iraq ka dhacay ciidanmada America
waxa laga joojiyay in ay isticmaalaan Music oo dhan si ay ula socdaan waxa ka
dhacaya hareerahooda.
Dalka Iraq, Afghanistan iyo Somalia waxa ay galabsadeen ma jiraan, balse ujeedka
waxa ay aheed in Iraq aysan xoog ku yeelan Bariga dhaxe sida danaha reer
Galbeedka aysan ooga hor iman, Afganistana waxa loogu duulay in aysan jirin dad
u Khiyaanada Gaalada hortaga, Somalia-na waxa loogu duulay sidii chiristain-ka
Ethiopia aysan dhibaato ugu dhicin iyo kuwa Kenya ku noolba, Somalia waa dal la
hilmaamay balse dadkiisa aysansana xoog lagu heesto madaxda ka talisa intooda
badan ay yihiin daneestayaal.
Iraq, Afghanistan iyo Somalia yaa xigi doona.? Somaliana sidee xaalkooda noqon
doonaa inta dunida ay ka jirto ladagaalanka Argagixisada.?
Reer Galbeedka waxa aysan wali ku guuleeysan in ay dadka Iraaqiyiinta ah isugu
diraan Sunno iyo Shiico hadalka dalka Somalia dadka isugu dhow ay is dilaan
taasi wax ay daliil u tahay.
somalia iyo Iraq waxa ay isaga midyihiin arrimo badan, sida dad gaara in ay
Gaalada
Salaamaat.
Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
sayfudiin@hotmail.com
kullankasomalitalk@gmail.com
Nairobi-Kenya.
Faafin: SomaliTalk.com |
Apr 5, 2008