SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ku socoto: Soomaalida waddaniyiinta ah

Waxaan horay u soo qornay in lagama maarmaan tahay oo aanu doonayno in aan aasaasno urur Soomaaliyeed oo waddani ah, sidaas daraadeed waxaan imminka doonayna sidii aan u heli lahayn waddaniyiin Soomaali ah oo diyaar u ah in ay waddankooda iyo dadkooda wax u qabtaan.

Waxaan baadi goobaynaa 13 Soomaali ah oo waddaniyiin dhab ah isuguna jira rag iyo dumar, iyagoo 13kaasi aasaaska u dhigaama udubka u taaga ururkaasi oo aan magaciisa kor ku soo xusnay, shuruudaha laga doonayo qofka xubin ka noqonayo maamulayaasha ururkaasi waa sidan:

-In 13kaasi ay go’aamiyaan xarunta ururka iyo qabanqaabada xeerka iyo dastuurka uu ururku ku shaqaynayo, isla markaana lagu heshiiyo forum uu ururkaasi leeyahay ama mel u gaar ah (internetka) oo ay ku kulmaan

-In uu Soomaali yahay waddanina yahay

-In uu yahay qof muslim ah oo diintiisa islam yahay

-In uu yahay qof ku xiran Allah iyo rasuulkiisa sallallaahu calayhi wasallama

-In uu yahay qof isku kalsoon isla markaana aaminsan in maskaxdiisa iyo maalkiisa uu wax ku tabci karo waxna ku soo saari karo

-In uusan ahayn qof ku xiran oo dhaqaale ka sugaaya dad shisheeye iyo dal shisheeyeba

-In uu si dhab ah uga fog yahay qabiilka iyo eexda

-In uu u arko in Soomaalida ay yihiin dad walaalo ah oo aan u kala soocsoocnayn

- in uu yahay qof aaminsan midnimada Soomaali weyn

-In uu yahay qof diyaar u ah u shaqaynta dadkiisa iyo dalkiisaba

-In fulinta ujeeddooyinkiisawaddaniga ah uusan cidna ugu baqin,sida kaabo qabiil iyo wixii la mid ah

Dadka e-mailadooda noo soo qora haddii ay tiradoodu gaarto 50 waan joojinayna waxaana isku dayayna in 50kaasi ay isku yimaadaan forum u gaar ah oo laga samayanayo internetka sidii 50kaasi ay u doortaan 13kii hoggaamin lahayd ururka

Ciddii xiisaynaysa ururka waddaniga Soomaaliyeed wuxuu magaciisa iyo adreskiisa iyo waxa uu imminka hayo ku soo hagaajin karaa e-mailkan

soomaalibaanahay@hotmail.com

Wada shaqeyn iyo waddaninimo xamaasad wadata

Zahra Abdi Hersi

Holland

 

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 5, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com