Gado Mid Qaado Labo “Buy one take
two”
Cumrigaa oo raaga geel oo dhalayana waa
ku tusaa, waxaa la yiri; waxaa ku maahmaaha reer
Banaadir. Bulshada soomaaliyeed qaar ka mid ah waa
liidaan qofkii aan arag geel dhalaya. Haddiise la
waydiiyo Qubo sidee loo qalaa, hilibkeeda oo karayana ma
aragtay, si sahlan wuxuu u oran; maya, ceeb iyo
liidashana uma arko!.
Waagii Kacaanku ku dhawaaqay
“Mashruucii Karaash Boragraam” bilowgii 70-ta meeyadii
ayaa baridda habka beeraha loo tacbo awgeed koox
dhallinyaro oo dhoobleey (dhulka beeraha) hore aan cag u
dhigin lagu xereeyay beer ku taal Jannaale. Maalmo
kolkay joogeen ayaa galabtii dambe rag ka mid ah raggii
la tababarayay arkeen “Jeer” wabiga jiinkiisa
mayracanaysa (daaqaysa). “Hooga, waa dibi cayilay!, war
ma aha ee waa lo’gisi, maan hilbo kala harro?!” ayay hal
mar wada yiraahdeen. Waxba ma aysan hubsan, faasas ayay
la yaaceen. Markay u soo dhawaadeen ayay inta wayraxday
oo “fuuf” tiri; soo aadday dhankooda oo qaar midig u
daadisay qaarra bidix u daadisay. Intaysan isa soo rogin
ayaa askari meesha ka dhawaa xabbad afka u galiyay.
Illayn, aqoon darro waa shil joogto ah. Galabtaa dhaawac
fara badan ayaa goobtii laga daldalay.
Haddaba, Maahmaahdu waxay
tilmaamaysaa dagaan geel dhaqashada aan laga aqoon,
halka sheekadu tilmaan gaar ah u tahay; Jeer nin aan
aqoon in uu faas hilib kaga doono.
Maahmaahda, maxaa i soo xusuusiyay?.
Runtii, maahmaahdaa waxaan soo
xusuustay kolkaan ka fakaray meesha soomaali maanta
marayso iyo gobanimadii barisamaadkii soo martay. Jirxun
xabashi ah oo suuqii Bakaaro dhex taagan, waddadii “Cafe
Nazionale” oo Taangi ku cararayo iyo guryihii Xamar oo
albaabkiiba 10 qataar lagu rogo baqdin awgeed, wax loo
adkaysan karo ama laga aamusi karo, runtii ma aha.
Dastuurkii Jammhuuriyadda Soomaaliya oo dhaqan galay,
21-juun-1960-ii Qaybtiisa: 1aad Mabaadi’ Guud, Qodobka
1aad wuxuu u qorraa sidatan: (la Somalia e uno stato
indipendente e pienemente sovrano. Essa e Repubblica
democratica reppresentativo. Il popolo e una unita’
indivisible).Soomaalia waa dal xor ah oo si buuxda u
madaxbannaan (siyaado leh). Waa Jamhuuriyad dimoqaraadi
ah oo la isa soo doorto. Shacbigeedu waa mid aan
qaybsamin. Qodobka: 2aad wuxuu u qorraa sidatan: (La
sovranita’ appartiene del popolo che la esercita nell
forme determinate dalla Costituzione e delle leggi.
Nessuna parte del popolo e nessuna individuo pou
reclamare per se la sovranita o arrogarsene l’esercizio)
Madaxbannaanida (Siyadada) waxaa leh shacabka, wuxuuna
uga dhaqmaa qaab ku xadidan Dastuurka iyo Qawaaniinta.
Qayb shacabka ka mid ah iyo qof toona ma sheegan karaan
madaxbannaani (siyaado) kumana tagrifali karaan
gudashadeeda. Ereyada ah: Sovereignty iyo Occupation
qeexid ahaan waa: 1-Sovereignty: is the exclusive
right to have complete control over an area of
governance, people, or oneself. A sovereign is the
supreme lawmaking authority, subject to no other.
Madaxbannaani (Siyaadah) waa xaq gaar oo aad u lee dahay
ilaalin (control) buuxda oo dhul maamulki, dad ama
nafsad ahaan. Madaxbannaani waa awoodda sare oo sharci
dhajinta oo aadan cid kale u hoos joogin. 2-Occupation:
Territory is considered occupied when it is actually
placed under the authority of the hostile army.
Qabsasho: Dal waxaa loo aqoonsa karaa mid la qabsaday
markuu dhab ahaan hoos tago awoodda ciidan cadow ah.
Haddaba, xaaladdu ma aha cumrigaygi
oo inta raagay (Alle mahaddiye) geel dhalaya i tusay, ee
waa Nuur-cadde, oo goortuu dammaaday –kuma masayne-
sida, “Maxamed Dheere” kala sooci waayay Madaxbannaani
(Sovereignty) iyo Qabsasho (Occupation). Marar badan
Nuur-cadde, wuxuu soo jeediyay; “xoogagga uu macaaradka
ku sheego -balse gobanimadoonka ah- wadahadal in uu la
galayo iyaga oo aan kala sooc lahayn”. Su’aasha durba
soo boodday, waa horta, Nuur-cadde, ma hayaa awood uu
tallaabada caynkaa oo kale ah ku qaadi karo?.
Nabadoon “Axamed Diiriye” iyo
saaxiibadi oo intaan xabashi dallka soo galin meeshay
doonaan mari jiray, dhaqdhaqaaqa loo soo tuugay, mid la
mid ah miyaa 10Malyan oo soomaali ah, Melles Zanawi
looga soo tuugi?!. Duqu, ma ka indho qarsanayaa; wax
uusan hayn in uusan bixin karin. Dhanka kale ragga iyo
haweenka ku xaraysan bakhaarkii Gallayda iyo Masagada
(ADC-da Baydhabo) waa hal booli ah, loomana fadhiyo
nirig xalaal ah in ay dhasho, ee muxuu fali?!. Waxa uu
sheegato (xukuumad) jirta ma aha, sidaa darteed,
heshiiskii (agreement) uu soo galo Barlammaan ku-sheega
gacan taagiisa doqon nimo ansax ma ka noqon
karaan?!.Maya.
Dalalka, reer galbeedka (Yurub iyo
Ameerika) ee aan ku soo qaxnay waxaan ka barannay qaab
badeecadaha raaga loo socodsiiyo. Tusaale ahaan:
saliidda madaxa la marsado, haddii ay kaa socon waydo,
lacag kaash ah oo badeeco cusub aad ku soo iibsatana u
baahato, qiimaha dhalo saliid ah oo aad siin jirtay
1000sh.so ayaad markan Labadii dhalo siinaysaa 1000sh.so
ah. Laba dhalo oo saliida ah ayaad ku dhajinaysaa waraaq
yar oo ay ku qoran tahay; Gado Mid Qaado Labo (Buy One
Take Two), oo micnaheedu yaha halkaad 1000sh. ku qaadan
lahayd 1dhalo oo sliid ah, hadda, isla 1000sh. ku qaado
2dhalo oo saliid ah.
Haatan, siyaasadda Nuur-cadde oo
oronaysa; “xoogagga mucaaradka waan la hadlayaa”,
runtii, waxay la mid tahay: La Hadal Mid ha kuu Jawaabto
Labo. Micnaheeduna yahay “Xoogagga mucaaradku Nuur-cadde
ha la hadlaan, jawaabnna ha ka sugaan Malles Zanawi iyo
Nuur-caddena”, waliba go’aanka ugu dambeeya Malles ayaa
leh..
“Gado Mid Qaado Labo” ganacsi markay
joogto Macaamiisha (customer-ka) waa u dan. Siyaasadse
markay joogto; muwaadinka waa ku ihaano iyo khasaare!.
Sidaa darteed, soomaali marra kama suurowdo caqliga
jaadkaa ah in ay u qoordhiibato.
Ninka subixii; Gabre ku soo kallaho,
habaynkiina Gabre dheelmo, maxaa gacantiisa ku jira?!,
goormuuse waqti uu ku fakaro helaa?!. Xamar oo
caasimaddii Soomaaliya ah soo Nuur-cadde subax walba ma
hor maro Taangi xabashi lee dahay iyo askari xabashi ah
oo qori waddada bartamaheeda la taagan. Xaruntii
“Taliska Booliska Soomaaliyeed” oo Nuur-cadde madaxda ku
shaqaysa ka mid ahaa, soo ma aha Gabre isaga oo dhinac
fadhiya madhasha uu baabuurta deeqda ah kagala wareegay
(AMISON)?!. Waa yaabe, dadkan sidee wax isu tuseen, ma
annagaa waalan, mise Cadan baa laga heesayaa?.
Waxaan maqli jiray hebel ama heblaayo
“wadaaddo iyo Fiqi Buraale” ayaa ku furfurtay, markii
dabqaad loo qaliyayna waa ka dhex hadleen oo waxay
yiraahdeen: Darmaantan annagaa haysannee, xaqayaqii ha
nalaka siiyo, haddii kale labo ayaan u kala gonaynaa?!.
Dabadeed, inta dabqaad loo galiyay
ayaa la muddeeyay oo, la yiri: Fiqi Buraale iyo Faarax
Aadan laba Ciise Dheeroow; Halalow iyo Hala Booqad
aada”. Haddaba, ma waan laga fiicnayn oday aqoon leh oo
dal iyo dad soo dhaqay in laga dhex hadllo oo hadda,
“fiqi Buraale” laga shido isaga oo waayeel ah?!.
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan