Waa kuma Axmed Guray | Xamseaxmed guray wuxuu ahaa nin
islaama waxa uu ahaa nin u dagaalamayay diintiisa dhinaca kale
waxa uu ahaa nin daaci ah oo dadka diinta suuban gaadhsiinayay
Imaam Axmed Gurey waxaa la sheegay in uu ku dhashay dhulka u
dhexaysa Saylac iyo Harar. Waxaana askari Boortaqiis ahi ku
dilay Suudaan sanadkii 1543kii.
Dagaalka Boqortooyada Xabashidu qabiilada dhulkaas deggan kula
jirtay, waxa uu markastaba ahaa mid xukun iyo saldana raadis
salka ku haya, si hadaba damacaasi ugu suurto galo waxa ay
Boqortooyadu mar walba isticmaali jirtey diinta Kiristaanka oo
ay calool jileec iyo taageero kagaga raadinaysay waddamada reer
galbeedka ee Kiristaanka ah. Boqor kasta oo Xabashida maamulana
waxa hal hays u ahaa “Itoobiya waa Jasiirad Kiristaan ah oo ku
dhex-taalla Bedweyn Islaam ah.” Taas oo ay ula jeedeen in
Kiristaanka dhulka deggan laga badan yahay oo ay ku dhex nool
yihiin badweyn islaam ah sababta ku dhalisay inuu xabashu la
dagaalamaana waxay ahayd isagoo u arkayaay in ay wadaan fidno ay
markaasi ay ku doonayaan inay dadka islaamka ah diinta kaga
saarayaan.
waxa halkaasi ka dhalatay dood Doodaasi waxa ay noqotay tii
ugu faa’iidada badnayd Xabashida ee u suurto gelisay in ay reer
galbeedka (Kiristaanka ah) ka helaan taageero aan weligeed
dhammaan.
Markii la soo gaadhey sannadkii 1800 waxa Boqortooyada Xabashida
maamulayey Menelik II (Menelik-kii 2aad), waxa uu hub iyo
dhaqaale fara badan ka helay wadamadii reer galbeedka, wuxuuna
sameeyey dhul-balaarsigii ugu weynaa ee dhulalka Muslimiintu
deggan tahay, gaar ahaan Soomaalida ku qabsado.
Mudadii 1880s waxa ay ahayd markii Xabashidu hubkii ugu badnaa
ay hesho oo ay dhul balaadhsigii ugu weynaa ku dhaqaaqdo.
Dhaqaalaha dhulka Soomaalidu degto ayaa aad u xumaaday
(Shabeelaha Sare ilaa laga gaadhayo xeebaha Banaadir), taas oo
ay sabab u ahayd hubka badan ee Xabashidu heshay iyo duulaamadii
ay ku qaadday dhulalkii Soomaalida; ka dibna xoolihii iyo waxa
ay hanti haysteen ka dhacdo, ceelashii ay ka cabi jireenna ka
qabsato.
Dhacaas ka sokoow, duulanadaas Xabashidu waxa ay dhaawac weyn u
geysteen dhaqdhaqaaqii dadka iyo baayacmushtarkii dadka
Soomaalida ah ka dhexeeyey. Waxa kale oo weeraradaas Xabashidu
abuureen nabad gelyo darro iyo dadkii oo safaradii ka baqay.
Mudadaas awoodda Xabashidu soo weynaanaysay waxa magaalada Harar
oo magaala Madaxda Muslimiinta ahayd degganaa ciidamo Masaari ah
oo muslimiinta taageerayey, hase ahaatee waddamadii reer
galbeedka ahaa ee awoodda lahaa ayaa waxa ay Masar ku qasbeen in
ay ciidamadeeda magaalada kala baxdo si kuwa Boqor Menelik u soo
galaan. Markii ciidamadii Masar isu diyaarinayeen (aakhirkii
1884) in ay Harar ka baxaan, ilaa 30 kun oo ciidamadii Menelik
ka tirsan aadna u hubaysan ayaa meel aan Harar ka fogayn
fadhiyey oo sugayey inta ciidamada Masar magaalada ka baxayaan.
Boqor Menelik hubka culus ee uu haystay waxaa ugu deeqay
wadamadii ay ka midka ahaayeen: Ingiriiska, Ruushka,
Boortaqiiska, Faransiiska iyo Isbaanishka. Ujeedada ugu weyn ee
wadamadaasi u taageerayeen waxa ugu weynaa xagga diinta.
Waayo waxa ay rabeen in Islaamka awoodda laga wareejiyo. Isla
mudadaas ayaa wefdi Ingiriis ah oo uu hoggaaminayey Admiral
Hewitt, loo diray Abasiiniya, si ay uga wada hadlaan sidii
ciidamadii Masaarida ee Harar deganaaa ay si nabad gelyo ah
halkaas uga bixi lahaayeen, wuxuuna la kulmay Boqorkii
Xabashida.
Sannadkii 1885 sidii la filaayey ciidamadii Masar ayaa Harar ka
baxay. Markii ciidamadii Masar ay Harar ka baxeen, ciidamadii
Xabashida ayaa magaaladii soo galay, waxa ayna halkaas ku
laayeen dad aad u fara badan oo culumada diinta u badnaa. Markii
ay magaaladii Harar qabsadeen, masaajidkii ugu weynaa ee
magaalada ku yaaley waxa ay u bedeleen kaniisad.
Markii ciidamada Xabashidu qabsadeen Harar waxa ay dileen
Cabdalla Maxamed, oo ahaa Amiirkii Harar ee xukumayey
Muslimiinta. Boqor Menelik markii uu qabsaday Harar wuxuu
xukunkii u dhiibay ina-adeerkii Ras Makonnen. Menelik, isla
markiiba wuxuu warqad u diray xafiiskii Ingiriiska ee Cadan,
wuxuuna u sheegay "in Cabdalla Maxamed, uu ahaa nin dhaxlay
maamulkii Imaam Axmed Gurey, ee Harar qabsaday qarnigii lix iyo
tobnaad, sidaas darteedna in jabkiisu (Cabdalla) uu yahay
badbaaadinta iyo soo celinta sharafta 'diintooda'.
Markaasi umada somaalida waxaan u sheegayaa inuu axmed gurey
u ahaa nin caj’aab oo diinta islaamkana u dagaalamayay dhaxal
reerbna u noqotay umada somaalida meel kaste ha joogaanee
taasina waata dhalisay in lugu faano axmed gurey ilaa imigana
magaciisii iyo sharaftiisii iyo halgankiisii wali wuu jiraa
wuuna jiri doonaa (imam axmed ibraahim alqasi) waana nin u
dhigma dhamaan qabiilada caalamka ka jira oo dhan
duqaydii horaytiyo
dariiqii la soo maray
kuwaan damqanaynow
wadka isku diyaarshay
gurey darajadiisii
dagaalyahankii u waynaa
wuxuu u dagaalamaaya
waa diinta waajibkeedee
wabilaahi towfiiq
hamse riraash
hargaysa
hamserirash@hotmail.com