Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa
rasuulilaahi
Qaybtii koowaad:
Hordhac:
Waxaa jirey maqaal kusoo baxay 13 kii
bishii juun boggaga Internetka oo loogu
magacdara “ONLF halgan habawsan”
oo uu qoray Cabdikarim c/raxmaan X.
Xasan.
Qoraalkaas wuxuu qoraagu ku sharxay
aragtidiisa iyo waxa uu u arko ururkaas
hubaysan ee muddada dheer dagaalka kula
jirey dawladda Itoobiya. Inkastoo
qoraagu kahadlay aragtidiisa iyo waxa uu
ka aaminsan yahay ururka haddana waxaa
hubaal ah in qoraalkaas aanu kabixin
sharax miisaan kudhisan ururkan, iyadoo
aad waliba mooddo inuusan qoraaga iskuba
dayin inuu halmar milicsado dhinacyada
wanwanaagsan ee ururka.
Waxaa kamid ahaa qodobada uu qoraagu
kahadlay inay tahay waddada kaliya ee
lugu dhammyn karo dhibaatada gobolkaas
wadahadal nabadeed sidii iyadoo dawladda
Itoobiya diyaar utahay inay lahadasho
dadka ay gummaysato. Nidaamka hadda
Itoobiya kajiro iyo kuwii kahorreeyey
falsafada ay aaminsanaayeen walina
aaminsan yihiin ayaa ahayd xoog, ama aan
kuyeesho ama iska kaydhici oon wax
udhaxeeyo jirin. Say marka suurtogal
kunoqoni in nidaamka caynkaa ah
falsafadaa jiranna aaminsan nabad wax
looga helo ama heshiis loola galo in
la’isu dhiibi mooyee.
Waxaan jeclaystay marka inaan qoraal
ahaan kusoo bandhigo intaan ka’aqaanno
ama ka’ogahay taariikhda ururkaa anigoo
shakhsi ahaan aad ukhilaafsan aadna
ugasoo horjeedo qoraalkaas iyo farriinta
uu xanbaarsanyahay aaminsanna inuu
ururku yahay urur kujiro halgan saxa oo
xaq ah xag caqli iyo xag sharciba,
mudanna abaalmarin, dhiirrigalin iyo
waliba taageero buuxdo taasoo sahli in
laga saxo ururka wuxuu markaa
kukhaldanyahay waa hadduu khalad jire e.
Qoraalkaygiina waa kan hoos kuqoran.
Dibumilicsi taariikhda
Si loo fahmo micnaha qoraalkan ayaan
jeclaystay inaan sharax yar kabixiyo
siday waxkubillawden. Markuu dagaalkii
labaad ee aduunka dhammaaday ayaa dadaal
dheer oo uu ugalay boqorkii markaa
Itoobiya haystay in lasiiyo gobolka
Ogaden uu kuguulaystay ingiriiskana
arrintaa wuu uhirgaliyey marka laga
reebo laba meelood oo kala ahaa
“Reserved erea iyo Hawd oo uu ayagana
kuwareejiyeen 1954 tii. Mar alla markii
la’ogaaday arrintaa ayey dadka dhulkaa
daga bilaabeen inay ladagaallamaan
Itoobiya. Mar waxaa lugula diriri jirey
qaab qabiil oo qabiillo is xilqaammay
ayaa ciidan intay sammaystaan dagaallami
jirey, marmar ururro culmaani ah ayaa
dagaallami jirey, marmarna ururro diini
ah. Ururkii ugu horreeyey ee dagaal
lagala Itoobiya wuxuu ahaa urur la odhan
jirey “Nasrullaah”.
Ururadii ugu caansanaa uguna awoodda
badnaa waxay kala ahaayeen; WSLF (
JXSG, Jabhadda Xoraynta Soomaali
Galbeed), AIAI (Al Itixaad Al Islaami)
iyo ONLF ( JWXO, Jabhadda Wadaniga
Xorayna Ogaadeniya). Waxaan maqaalkayga
kaga hadlayana waa ururka ONLF.

Calamadii 76-79-82 ee JXSG (wslf)
Curashadii O.n.l.f (j.w.x.o) iyo
sababihii dhaliyey
Markii Ciidamadii Soomaaliya lugusoo
jabiyey dagaalka 77 dagaalkaasoo lugu
dagaal galay laba garab, garabkii
jabhadda WSLF (JXSG) oo inta badan
dagaalka uga horrayn jirey ciidamadii
dawladda maadaama ay ayagu dhulka kala
yaqaanneen oo markay carqaladeeyaan
ciidamadii cadawga soona sahmiyaan ay
ciidamada dawladdu dagaal gali jireen oo
ay qabsan jireen dhulka hadba loonasoo
carqaladeeyey loonasoo sahmiyey. Markii
dagaalkii lagasoo baxay ciidamadii JXSG
qaybo kamida ama intoodii badnayd waxay
usoo baxeen dhinaca Jammahuuriyadda
Soomaaliya ayagoo xad beenaadka kasoo
gudbay qaybo kalena gudaha ayey
kuhadheen.
Mucjisada dhacday ayaa ahayd in
dawladdii Soomaaliya ee sidii la’ogaa
isugu dhabar jabisay inay dalkaas
xorayso inay markii dagaalka lugusoo
jabiyey ay kaseexato ama illowdo
qadiyaddii sidii iyadoo sugayso inay
markale fursad uhesho sidii ay dagaal
wayn uqaadi lahayd. Ciidamadii JXSG oo
aad ubadnaa lahaana tababar fiican kana
koobnaa soomaalida dagto gobolkaas oo
dhan aadna u xammaasadaysnaa kadib
markay xorriyad soo dhadhamiyeen wakhti
kooban waxaa lasiiyey nambarka (CQS)
ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya
intii gudaha Soomaaliya joogtayna waxaa
toos loo hoos geeyey maamulkii ciidamada
dawladda iyadoo inyar inyar loo xannibay
dagaalladii jabhadeed ee ay kawadi
jireen gudaha dhulka lahaysto. Kadib
waxaa dhacday xitaa inay intii gudaha
kadagaallamaysay ayagana lasoo xareeyo
oo uu sidaa kusoo afjarmo dagaalkii ay
kujireen. Badhtammihii
siddeetammeeyadiina uu 100% joosado
dagaalkii jabhadaynta halkaana uu afka
ciidda kudaro urukii waynaa ee JXSG iyo
faracyadiisii kala duwanaa.
Sanadkii 1984 tii ayaa indheergarad
intooda badan xubno ka’ahaan jirey
ururka JXSG kana soo jeeday dhulka
Soomaaliyeed ee ay Xabashidu gummaysato
oo aad uga walwalsanaa tallaabooyinka ay
dawladda soomaaliya qaadday ay dhidibada
ugu aaseen ururkan dalka Aljeeriya.
Ayagoo is tusay inayna dawladda
Soomaaliya diyaar u ahayn xoraynta
dalka, sidoo kale maadaama ay xaddidnayd
aqoonta iyo khibradda ay dawladda
Soomaaliya ulahayd siyaasadaha caalamiga
ay adkaanayso inay kuguulaysato inay
hawshaa kasoo baxdo. Midda kale inay
dawladda Soomaliya iyadoon isqarin ay
daf tidhaa qadiyadda dhulkaa
soomaaliyeedna ayan midho dhalayn
maadaama loo arkayo dawlad dal kale oo
la’aqoonsaday diiranyso. Waddada kaliya
ee furanna ay tahay in lahelo jabhad
mathalayso dadkaa dulman oon dawlad kale
kuna xidhnayn sidoo kalena aan cid kale
hoos iman.
Ciidanka ONLF Calanka JWXO
Caqabaddii ugu horraysay ee
horistaagta ururkan cusub waxay noqotay
dawladdii Soomaaliya oo iyada lafahmi
waayey waxay kammaagantahay dhulkaas
lahaysto. Sikastaba xaal ha ahaadee
ururkan cusub wuxuu billaabay hawlihii
uu dhidibada ugu taagi lahaa maamul
maareeya qadiyadda dhulka soomaaliyeed
ay xabashidu gummaysato ayagoo muddo
kadib gudaha gobolka galay kana
faa’iidaysanayey dimoqraadiyadda ay
kudhawaaqeen Tigreegu markay qabsadeen
Itoobiya iyadoo doorashooyinkii dhacay
ay aqlabiyadda gobolka ay
kuguulasyteen.
Arrintaas masii waarin maxaa yeelay
Tigreegu raalli kama ahayn hadafka
jabhadda sidoo kale jabhaddu kama
tanaasuli karin qadiyadda xoraynta
dhulka Soomaaliyeed ee ay xabashidu
gummaysato. Tigreegu waxay dagaal
kuqaadeen xarumihii jabhadda taasoo
dhalisay inay hawdka gasho billowdana
dagaal jabhadeed. Taagero la’aan,
khibrad yari iyo duruufo kale oo
isbiirsaday ayaa hoos udhigay awoodii
jabhadda sababyna inuu intii muddo ah
dagaalka ay kujiraan uu aad uhooseeyo.

Ciidanka JWXO oo marna hayaamaya
marna hawlgal kujiro
Khilaafkii T.p.l.f iyo E.p.l.f iyo
fursaddii dahabiga ahayd
Fursaddii ugu fiicnayd ee uu ururku
ubaahnaa ayaa soo baxday markay labadii
qolo ee Itoobiya qabsatay kuna heshiisay
inay qaybsadaan ay iskudhaceen waa
Tigray Peoples Liberation Front (TPLF)
iyo Eriterian Peoples Liberation Front
(EPLF) sanadkii 1998 dii.

Afawarqi saaxiibkii ONLF | Admiraal Maxamed Cumar Cismaan
Inkastoo ay khilaafyo badan soo
dhaxmareen labadan urur illaa iyo markuu
heshiiskooda iyo iskaashigooda bilowday
1975 tii, markaasoo ay Eplf tu billowday
inay tababar millatari siiso ragga
akhiiran aasaasi doono jabhadda Tplf ta
sida Mehari Tekle haddana had iyo goor
waxaa kadhaxeeyey kala aragti duwanaan
labada urur taasoo dhowr jeer sababtay
inay xidhiidhka kala goostaan. Waxa
la’isku haystayna ama la’isku
khilaafsanaana waxaa ugu cuslaa arrimaha
xuduudka labada qowmiyadood udhaxeeyo
kadib markay TPLF tu sheegatay dhulal
siyaado ah xagga xuduudka Cafarta,
Eriteria iyo gobolka Axmaaradaba.
Arrintaana waxay kusheegen iclaan ay
sammeeyeen 1976 dii oo loo yaqaannay
“manifesto 68”.
Muddo markay kasoo wareegtana dib
ayaa loo heshiin jirey baahi ay
isuqabeen labada dhinac awgeed walow ay
Tplf ta tabar yarayd oyna kamaarmin Eplf
ta haddana waxaa dulqaad badnayd Eplf ta
oo aad moodday inay ufekerayeen qaab
istiraatiiji ah. Dagaallo kulkulul oo
dhaxmaray labada urur iyo labada dal ee
ay kala hoggaaminayaan ayaa sababtay
inay jabhadda O.n.l.f hesho saldhigii
iyo saxiibtinimadii ay ubaahnayd
muddadana ay la’aantii udhutinaysay.
Maaddaama Somaliya saddex qaybood
uqaybsantay oo meesha Punland iyo
Somaliland ay noqdeen nidaamyo aad
utaageersan dawladda Itoobiya oon arki
karin xubnaha jabhadda taageero ay
taageeraan iskadhaafee, koonfurta
Soomaaliyana ay noqotay meel fawdo ah oo
ay jabhaddu kaheli karin meel ay
ciidamada kutababarato intaan gudaha
lagalinin sidoo kalena hoggaanka
jabhaddana uu saldhig kadhigto ayey
Eriteria noqotay nimco cirka katimid.

Dagaalkii Eriteria iyo Itoobiya ee
1998
Islamarkii uu ururku xidhiidh fiican
layeeshay Eriteria waxaa aad isusoo
taray tayada iyo awoodda ciidamada
Jabhadda ayadoo maanta ladhihi karo
gobollada dhexe sida Qorraxeey, Doollo,
Godey, dhagaxbuur iyo fiiqba ururka ayaa
inta badan gacanta kuhayo marka laga
reebo magaalooyinka waa wayn.
AKHR
Q.2aad.....