SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XASAN WADAAD JAHLIGU AAMUSKA AYUU KUFIICANYAHAY

Waxaan filayaa in aan kasoodaahay ninka sooqoray maqaalka ee yiri umu bakar ayaa gar leh , Anigoo doonaya in aan kajawaabo cilmi yaraantiisa iyo waliba jahliga wayn ee uu ku taaganyahay , waxbadana isaga qasanyihiin sheegtayna inuu leeyahay meel uu unoqdo oo ah Marjac  maktab inuu leeyahay oo uu kaga sootagay wadanka taasna anigoo u arka in ay katahay ri'aa'u naas , iyo midaan waxba kajirin ,

Sababtoo ay tahay qof cilmi leh ama wax yaqaan waxaan kahadlay si wayn ayuu udareemi karaa ama ugaran karaa gabadhana qoraal dambe masooqorin sidoo kale waxaan qoraal dambe sooqorin ninkii la'oran jiray cammaar anigoo filaya in ay garqaateen ,

Hadii aan kahadlo makta awalan yaa jideyay in labixiyo miqdaar ah 100 , taas hadii aan kahadlo , waxaa jirtay waxyaabo kahorreyay shareecada islaamka oo lagu dhaqmi jiray , waxaa kamid ah makta , waxaana asal ahaan jideeyay abuu daalib oo ahaa rasuul scw adeerkiis , qaabkii uu ujideeyayna waxay ahayd sidatan ,

Abuudaalib waxaa uu lahaa nin qawsaar ah maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa dhacday in ninkii lagasoodalbaday oo uu kasoodalbaday nin carabtii quraysh kamid ah waxana uu yiri abuudaalibow ninkan igu dar ha'iilajoogo xoolaha e , sidii ayuu ugudaray kadib waxaa dhacday maalin maalmaha kamid ah ayuu xarig uu kudabri jiray geela waxaa uu siyay ninkale oo ah geeljire ,

Ninkii geela lahaa ayaa uyimid oo kuyiri aaway xarigii markaas ayuu ku yiri nin ayaan siiyay oo xoola kudabranaya markaas ayuu ninkii qawsaarka loogusoodaray dilay ,

kadib ninkii geela lahaa waxaa uu aaday maka abuudaalib ayaa waydiyay oo yiri warninkii aan kugudaray aaway markas ayuu yiri ninkii xummad ayaa kudhacday oo waa dhintay , abuu daalib waa iska qancay ,

Ninkii ladilay isagoo ay ku jirto nafyar ayaa waxaa uyimid nin socoto ah markaas ayuu ku yiri war maxaan kula qabtaa markas ayuu yiri hadii aad aado maka waxaa tiraahdaa yaa quraysh aheey quraysh markii ay kuutimaado waxaa tiraahdaa yaa rer banii haashim aheey, markii aad hesho yaa rer cabdil mudalib aheey markii lagu yiraahdo waakuwan rer cabdul mudalib , waxaa tiraahdaa yaa abaa daalib markii laguukeeno oo laguyiraahdo abuu daalib waakan , waxaad tiraahdaa waxaa idilay ninkii aad igusoodartay waxaana uu iidilay xarig awgii,

Markii uu abuudaalib kawar helay arrinkaas ayuu yiri ninkii iyo qabiilkiisii waxaad iimaraysaan 50 dhaarood ninkii aan dhaaran waxaa laga rabaa laba halaad hadii aad dhaarta wada diidaana waxaan idinkarrabaa 100 halaad ,

Markaa kadib ayay wada dhaarteen dhamaantod laba nin maahee oo dhaartii diiday oo bixisay afar halaad , sannad intii aan lagaarin intii dhaaratay mid kama harin labadii nin ee bixisay afarta halaad maahee,

Qaabkaas ayay ahayd asal ahaan maktu sidaas ayaana lagu kala qadan jiray in ninkii laga baxsho 100 halaad oo geel ah , markii uu nuurku yimid nabi maxamedna alle soosaaray scw , waxay kamid ahayd waxyaabihii aan waxba laga badalin makta ,

Hadii aan taas halkaa uga boxo oo aan usoonoqdo XASAN WADAAD , hadalkiisa , ee ahaa hakeeno ayaad iyo xadiis mafilayo inuu keeni karo in gabadha makteedu tahay 50 taas waan hayaa walaal allena waa ibaray waxaana kuusheegaya kahor inta aanan ugudagalin jawaabta ,

Waxad daliilsatay aayadda suuratu NISSAA'  ee ah ruuxii dila ruux mu'min ah si kama' ah waxaa ku waajiba inuu xoreeyo adoon iyo diyo lasiinayo ehelkii laga dilay mu'minka ,  sidas ayay aayadu u hadashay , sida naska aayada kucadna kamahadlayso naag ee dhihimayso qofkii dila gabar mu'minad ah oo carabi ahaan noqonaysa , MU'MINATAN , sidaas uma cadda waxaana laga fahmi kara qofka ladilay inuu yahay MU'MINAN oo ah nin ,

 hayeeshee waxaan lagaarabaa adiga quraanka laftiisa aad udaliishatay inay gabadha iyo ninku iskumag yihiin meesha aad kakeentay , hadii aad taas waydo , waxaad keentaa meesha quraanku kusheegay inuu ninku leeyahay 100 halaad , taas sooheli maysid waxaadan usoohelayn , miqdaarka magta inta labixinayo kama hadlin qur'aanku lab iy dhedig toona ,

Waxayna lamittahay meesha uu alle kitaabkisa kaga yiri salaada ooga zakadana bixiya sax laakin kuma cadda kitaabka qur'aanka ah salaada inta latukanayo duhur iyo casar iyo maqrib zakadana inta laxinayo xoolaha kumacadda qur'aanka ee waxay kucadyihiin sunnada rasulka scw , rasulka ayaana fasiray ,

Arrinta magta dumarka in ay tahay 50 habraha 60 jirka ah way ogyihiin kuwaaso leh cilmi dhagodka aad dhaliishay , adigoo sheegtay in aad leedahay magtabad kitaabo ah maxaad kaga duwantahay kuwii layiri kitaabkii tawreed kuwii xambaaray waa dameer lasaaray kitaabo illen dameer kitaab waxkamayaqaanee waxaan sidaas uleeyahayna waxaa weeye sida sarriig xumada ah ee aad dadka uluminaysid ee aad uleedahay haweenay tiri magta dumarka waxay le'egtahay tan raga wax halaga barto , adigoo hawd cidla ah indhaha kuhaya ayaad soobanbaxday waxaad kaheshaad helaysaa insha allaah ,

Tankale fahamkaaga xumidiisa iyo sida uu xaqiiqda uga dheeryahay ayaan kudareensiinayaa waxaad tiri maadama aan lafaahfaahan oo uu qur’aanku sheegay in mag labixiyo waxaa lagafahmayaa in ay iskumid tahay magta raga iyo dumarka ,

horta taas waa fadwo aad fadwootay waxaana kuugeeyay jahli iyo adigoo isuhaysta in aad leedahay aqoon hadii hader lagugu qabsado fahamkaaga baadilka ahna meel aad saarto helimaysid  ,nasiibdarro laakin maahin dad iskumeel jooga ,  

kutubta tafaasiirta ah oo dhan hal sheikh oo kitaab quray tafsiir ah maanu oran waxaa lagafahmayaa maadama aan lasheegin wax cayiman in ay diyadoodu iskumid tahay raga iyo dumarka markaa madaa hader samaynayaa taasi waa jahli waliba jahli murakab ah , in lagaaladoodana mamudnid , ,

Adigoo aan xujo haysana waad iskahadashay waxaanse kuushegayaa oo aan kugula dardaarmayaa JAHLIGU AAMUSKA AYUU KUWANAAGSANYAHAY , HANA SOOBANBIXIN ADIGOO AAN AQOON XEEL DHEER ULAHAYN SHARCIGA ,IYO WALIBA MUJAADALADA ,

tankale anigu waxba maanan radin ee waxaan iftiiminayay oo aan dadka tusayay in sida xaqiiqda ah ladaba marsanyahay oo ay gabadhu dabamarsantahay , iyo qofkii kurraacsanba ,

Taas hadii aan halkaa uga boxo ee aan usoogudo galo waxa uu xujada kadhigay XASAN WADAAD , ee ah ayad qur'aan ah iyo xadiis midna uma hayo , taas waxaan leeyahay awalan addillada Lacuskado waxaa kamid ah oo ugu horreya KITAABKA ,SUNNADA RASUULKA SCW, IJMCAACA iyo QIYAASKA SAXIIXA AH ah , Axadith kahashayna way jirtaa waxaana mas'aladaas loocuskadaa oo kuxoogabadan IJMAACUL UMMAH ,

Gabadha Makteeda waxaa daliil u ah oo aan sida ninka lookaamilyeelayn , Xadiithkii Siciid Ibnu Musayib lawaydiiyay ee uu yiri sunnada ayaa sidaas ah , waxaana uu ahaa sidan   Imisa ayay tahay farta gabadha oo lagooyo waxaa uu yiri waa 10 hadna waxaa lawaydiiyay laba farood waxaa uu yiri waa 20 hadana waxaa lawaydiiyay mid sadexaad hadii lajaro waxay noqonaysaa 30 waalasiiwaydiyay oo hadii  mid afaraad lagooyo markaas ayay unoqonaysaa 20 ,

Markii ay waynaato dhibkeeda waxay unoqonaysaa oo looguqiimaynayaa 50, wixii dalaaladiisa ah ama tilmaantiisa ah waxaad kahelaysaa oo soosaaray BAYHAQI, KITAABKIISA UU KAGA HADLAYO DIYADA , culimada qaar ayaa qaba in yaraan iyo badnaan midkasta ay kutahay inta ninka looxumo barket hadii aytahay mag iyo hadii ay tahay juraax ,

Siciid Inbnu Musayibna maahan muddalis waana Taabici , waxaana uudhashay khilaafadii CUMAR BINU KHIDAAB labasano kadib, a'immada oo dhamina waxay dhahaan shaki malahan hadalka Siciid Ibnu Musayib inuu sunno yahay ,

Hadii aan usoonoqdo Ijmaaca waxay layskurracay oo aan khilaaf kajirin ijmaac ahaan Diyada dumarka in ay bar katahay Tan ragga , hadalkaasna waxaa lagahaleyaa kutubtan cidii ubaahan inay soobaarto oo ah sidan ,

MARATIBUL IJMAAC SAFXADIISA 144

IYO IJMAACA INBNU MUNDAR SAFXADIISA 147

Aqwaal uu hadal kataaganyahay xogaa khilaaf ah way jiraan sida taasoo ah makta wax kayar ee ah jaraaxada dhaawaca A IMMADA FIQHIGA way iskukhilkhilaafsanyihiin laakin waxaan khilaaf kajirin tan makta diyada dumarka in tahay, 50 , tankale ee khilaafku kataaganayahayna waa tan siciid inbnu musayib culimada ahlul cilmiga ahna siciid inbnu musayib mursalkiisa waxay kutilmaamaan inuuyahay sunno lanaqabsado ,

IMAAMU SHAAFICI waxaa uu leeyahay mursal dhamaantisa  maahan mid adag kan SICIID IBNU MUSAYIB MAAHEE , imaamu shaaficina waxaa uu kamidyahay a'imada afarta ah ee fiqiga ,

hadalka uu yiri Xasan wadaad ee ahaa gabdhuhu umubakar wax hakabarteen hadii aan kaas usoonqodo waxaa jira run ahaantii jariimooyin laga galo diinta islaamka kuwaaso ah kuwa maanta haweenkii soomaaliyeed guryahooda kasaaray ahna sinnaanta raga iyo dumarka , GENDER BALANCE ,waa mida rag badan xaasaskoodii kuwayeen carruurbadana hooyooyinkood kuwaayeen , taas ayaana meesha kacad inuu kuboorino haweenka muslimaadka taasna waa mid xaqiiqdii jahli kuxambaaray , waana mida keentay fakarka lunsan ee uu kuyiri dumarku magtoodu waa 100 , hadalkaasna waa hadal meelkadhac ku ah diinteena islaamka , inaan kala doodana mamudna laakin waxaan ufaahfaahinaya dadwaynaha soomaaliyeed iyo dadka aqoonta u leh sharecada islaamka ,

Marka aan sidas leeyahayna maahan in la'iifahmo in aan dumarka aanan waxba u ogayn dumarka waxaan u ogolnahay inta uu alle ku adoonsaday laakin wax kabadan waa wax caddaaladii rabi kahor imaanaya xaqiiqda markii laga hadlo ,

Masaa’isha dadku inay iskuqabtaana waxaa karratibma in lakalakororsado cilmi waayo qofku waxaa uu ku ogaanayaa wax uusan aqoon maahan in aad dadka xaqirto adigoo aan lahayn wax aqoon ah oo aad tiraahdo masaalooyinkaan culimadaa kadoodikarta oo kaliya wixii khalad ah oo aanu aragno oo aanu aqoon u leenahay waanu kudoodaynaa waanu kuqabsanaynaa ciddii hareer marta sida uu sharcigu yahay aqoonta aanu ulleenahay ayaan lakaashanaynaa balse XASAN WADAADOW kitaabada kuuyaala waa kitaabo aadan waxba ka’oqoone illen waxaad shegatay in aad leedahay maraajici kutuba ah e , waxaan kugulatalin lahaa waxbaro , oo adigoo aan waxba aqoon hasoobanbixin mardambe , mana ahan kitabada aad sheegatay kuwo lagahelay magta dumarku in ay tahay 100 hadalkasna yuusan kula tiigsan meel fog ,

NB waxa jira waxyabo anan kahadlin oo uu kahadlay xasan wadaad kuwaasoo ah inuu xadiith saxiix ah yiri waa daciif taas kala hadli maayo waayo hawl kawayn ayaan kahadlay , sidaa aawadeed waxaan markale kulatalinayaa inuusan soobanbixin , isagoo aan lahayn habayaratee wax aqoon , ah

 wabillaahi tawfiiq , 

A/risak Wiilcadde , Abu Cisa Tirmidi

Tel 25290747473
tirmidi1@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. YAA XAQQA KU TAAGAN,MA UMU BAKAR MISE ABU CIISE

. Faham Xumida Abu Ciise ee Diinta Islaamka | umubakar

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2007

Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey oo dib looga celiyay Magaalada Baydhabo
.Isbahaysiga Asmara oo la sheegayo in uu xal ka gaaray..
.Gacma Dheere oo ka codsaday Hay’adaha samafalka inay..
.Qaraxyo iyo Weeraro shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 19

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali
"waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka".. Akhri...

Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka
iyo Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com