SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faham Xumida Abu Ciise ee Diinta Islaamka

Abu Cise ayaa isku dayay in uu wax ka sheego maqaal aan kaga hadlay sida xal loogu helayo dalkeena hooyo sababna uga dhiga qabiilka iyo quursiga haweenka iyo gudniinka iyo Malaaqyada iyo Isimada taloda loo dhiibtay.

Inta aan u gudagelin dulucda hadalkiisa iyo hadalkayga aan marka hore iftiimiyo khaladaadka qalinkiisa ka soo daatay:

Wuxuu la baxay Abu Cise Tirmid,marka hore dad badan oo Soomaalida ka mid ah waxay magacyada u qaataan iyagoo aan ka fiirsan,Tirmidi magac ma'ahane waa magaalo,qofkii loogu nisbeeyayna Imaamkii caanka ahaa ee Tirmidi axaadiista rasuulkana sallallaahu calayhi wasallama soo weriyay,dadka qaarkoodna magaalooyinka ay ka yimaadeen ayaa loogu nisbeeya sida Salmaan Al-Faarisi,Suhayb Arruumi,Bilaal Al-Xabashi iyo kuwa la mid ah, aniguna waa lay oran karaa Zahra Soomaali haddii aan tago magaalo keli ku ahay ama wax la mid ah laakiin layma oran karo Zahra Kenya ama Zahra Sucuudiya ama Zahra Ameerika maxaa yeelay ma'ahi Kenyan mana ahi Sucuudiyaan mana ahi Mareykan.

Midda kale Abu Cise waxaan u sheegi lahaa in marka magaca rasuulkeena Muxammad la sheego la raacsiiyo sallallaahu calayhi wasallama ama calayhissalaatu wassalaamu ee ma'ahan in lagu soo koobo (SCW) oo noqon karto wax kasta oo qofka markaasi u fahmi karo,guddigii fatwada ee Sucuudiya kuna jiray culumada ahlu sunna waljamaaca madaxna u ahaa Allaha u naxariiste Bin Baz waxay soo saareen fatwo ah in marka magaca nebiga la qorayo aan la oran oo aan lagu soo koobin sida dadka qaar ay sameeyaan  xarafka Saad ama xarafka Salcam oo carabi ahaan loo qoro. 

xadiis ku xusana sunnooyinka Tirmidi wuxuu nebiga sallallaahu calayhi wasallama uu yiri: Bakhaylku waa qofkii agtiisa lagu xuso magacayga iguna sallin, xadiiskani wuxuu kaloo ku xusan yahay saxiixa Ibnu Xibbaan,waxaana xadiiska saxiixiyay sheekha caanka ah e Albani wuxuuna ku soo qaatay kitaabkiisa saxiixu Tirmid iyo Al-Irwa' iyo saxiixul jaamic,waxaa kaloo xadiiska saxiixiyay Ibnu Xajar wuxuuna ku soo qaatay kitaabkiisa qayimka ah ee la yiraahdo Al-Futuuxaat Al-Rabbaaniya,waxaa kaloo xadiiska saxiixiisa ka hadlay culumo kaloo badan.

Intaas waa iga hordhacee aan u soo laabto dulucda qalinkiisa soo degdegay lagana soo fiirsan waxa la qorayo iyo sida loo qorayo, labada sheekh ee Bukhari iyo Muslimna waxaa  saxiixooda ku xusan in nebi Muxammad sallallaahu calayhi wasallama uu yiri:qofkii rumaysan Allah iyo maalinta danbe, yacni maalinta aakhiro wax khayr aha ha sheego ama ha iska aamuso,Soomaaliduna waxay tiraahda hadal aan fiirsi loo oran iyo caano aan fiiqsi loo cabbin labaduba feeraha ayay wax yeelaan, ma laha Abu Cise waxaa dhib ku noqotay naag baa hadashay oo waliba diin ka hadashay oo waliba xaqii iftiimisay, isagoo laga yaabe in uu aaminsan yahay in aysan naag hadli karin wax khayr ahina aysan sheegi karin, taasi ay dhacdana oo uu laabta ku hayo waa laga soo gudbay oo haweenkii cilmi adduun iyo mid aakhiraba wey barteen, haweenkii xaqii baa u iftiimay, haweenkii qaalallaahu iyo qaalarasuulu sallallaahu calayhi wasallama bay ku joogaan kuwooda shaydaanka duubsaday mooyaane oo iyagu Isimada hortooda ku boodbooda oo ku cayaara, xaqa Allah tusee iyaga iyo kuwa hortooda lagu cayaarayo.

Haddii aan hadalkii Abu Cise sidaas lagu daayo oo aan waxba laga oran waxa dhici karta in ay ku wareeraan dadka caamada ahi kuna jahawareeraan runa u maleeyaan waxa uu isku quuray in uu dad ku dhalleeceeyo,ninka la baxay Abu Cise waxaa isaga khaldamay oo uu ku wareeray farqiga u dhexeeya:  

Qabiilka, qaraabada, diyada iyo dhaxalka iyo rixinka, qodob kastana definition u gaar ah ayuu leeyahay,macnaha macne u gaar ah ayuu xanbaarsan yahay,qodob qodob ayaana uga hadli doona qormadayda danbe inshaa Allah,waxaana ugu horraysiinaya diyada haddii Allah idmo,macnaha shucuuban wa qabaa'ilana oo Allah ku xusay suuradda Al-Xujuraat aayadda 13,mana ahan sida uu Abu Cise ku sheegay in ay tahay aayadda 12 iyaduna waxaa loo baahan yahay in la dhuuxo loona fahmo

sida ay culumada ahlu tafsiirka ah u fasireen ee ma'ahan sida ay nala tahay ama nala muuqato,waa in la ogaado immisa meelood baa qur'aanka ku xusan yahay erayga qabiil maxaana loola jeeda?.

Xadiiskii Abu Ciise uu ku sheegay waxaan filaya in uu warinayo Imaam Muslim, erayga filaya waxay keeni karta shaki xadiisku waa saxiix waxaana soo weriyeen Bukhaari iyo Muslim iyo Abu Daawuud, waana sida uu sheegay rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama shan waxay ka mid tahay fitrada,shantaasina qaarna ragga ayay u gaar tahay qaarna wey wadaagaan raga iyo haweenka, xadiis kalena ay soo weriyeen Muslim iyo Abu Daawuud wuxuu rasuulku sallallaahu calayhi wasallama uu sheegay in toban ay ka mid tahy fitrada qaarna ragga ayay u gaar tahay qaarna ragga iyo dumarka wey wadaagaaan,xadiiska shanta waxay ka mid tahay fitrada gudniinka waa ku jiraa,laakiinse tobanka waxay ka mid tahay fitrada gudniinka kuma jiro.

Sida aan uga soo hadli doono inshaa Allah qabiilka iyo qaraabada iyo diyada iyo dhaxalka iyo rixinka ayaan uga soo hadli doona gudniinka

Horudhac gaaban ee qabiilka ku saabsan aan ka hadlo,qabiilka macnihiisi ma'ahan loolamana jeedo sida uu Abu Cise u qaatay kaasoo ku fasiray in laysku xiriiryo, labada sheekh saxiixooda ee Bukhari iyo Muslim waxaa ku xusan in Aws iyo Khazraj uu dagal dhexmaray waxayna ka bilaabatay labo nin oo ka kala socdeen Aws iyo Khazraj in uu dagaal dhex maray nin kastana qolodiisa ayuu u yeertay sida kuweena jaahiliinta ahiba ay sameeyaan manta markii nin   tuug ah wax soo dhaco ama wax soo dilo uu leeyahay tol beelay waxaana durba u soo carara  dadka uu aaminsan yahay Abu Ciise ee Isimada iyo Ugaasyada iyo kuwa la mid ah, labadii nin ee Aws iyo Khazraj markii ay isku habar wacdeen baa nebiga sallallaahu calayhi wasallama soo baxay markaasuu yiri:maxay tahay isku habar wacshadan jahligii looga yimid, ka taga waa wax uraye,qabiilka uu aaminsan yahayna Abu Cise wuxuu nebigeena sallallaahu calayhi wasallama uu ku tilmaamay in uu yahay wax urayo, Salman Al-Faarisi Allaha ka raalli noqdee   baa la weydiiyay ina ayaa tahay? wuxuu ku jawaabay:ina islaam,Cumar bin Khadhaab Allaha ka raalli noqdee markuu maqlay wuu ooyay markaasuu yiri:aniguna waxaan ahay ina islaam.

Rabbi wuxuu qur'aankiisa kariimka ah ku yiri:dadow,waxaan idinka abuurnay lab iyo dheddig (suuradda alxujuraat,aayad lambar 13),macnaha waxaan idinka abuurnay Aadam iyo Xaawo,bacdamaa uu Rabbigeenu hal yahay,hal odayna aanu ka nimid maxaynu qaarkeen qaarka kale u takoora,ma waxaan qofka ceeb uga dhigayna midabkiisa, ma innagaa abuurnay mise Allah? dadkoo dhan waxay ka yimaadeen Aadam iyo Xaawo,asal ahaana dhammaan xagga Allah waa laga siman yahay,nin iyo naagna lama kala soocin,kan ugu fadli badana xagga Allah waa kan la yimaada taqwe sugan,is-addoonsiga iyo adeegsiga qabiilkana wuxuu ka mid yahay waxyaabaha uu bani'aadanka ka yimid, looguna soo tegay casrigii jaahiliyada.

Rabbi wuxuu yiri:Dadow,ma oran Carabow ama Cajamow,dadkana waxaa loola jeeda bani'aadanka oo dhan oo aan ka ahayn xawayaanka iyo jinniga,erayga dadkana waxaa soo galaya lab iyo dheddig, Rabbi kor ahaaye wuxuu nebigiisa sallallaahu calayhi wasallama uu ku yiri: waxaad dhahdaa waxaan ka magangalay Rabbiga dadka barbaariya, dadka xukuma, ee ah Ilaaha dadka (suuradda annaas,aayad lambar 1,2, 3),nebigana sallallaahu calayhi wasallama wuxuu yiri isagoo Mina jooga oo dadka u khudbaynaya:dadow,Rabbigiina waa hal,aabbihiina waa hal,carab kama fadli badna cajam,cajamkuna kama fadli badna carabka,madowguna kama fadli badna casaanka, casaankuna kama fadli badna madowga, taqwada mooyaane,

Ma idin gaarsiiyay arrintaasi? waxay yiraahdeen:haa,rasuulku wuxuu yiri:qofka jooga ha gaarsiiyo qofka maqan, xadiiskan waxaa soo weriyay Al-Bayhaqi,Imaam Axmedna wuxuu ku soo saaray Musnadkiisa,sheekh Albanina wuxuu ku saxiixiyay kitaabkiisa al-targhiib.

Imaam Axmed xadiis uu soo saaray sanadkiisuna uu saxiix yahay,wuxuu rasuulka sallallaahu calayhi wasallama uu yiri:labo nin oo xilligii nebi Muuse nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ayaa isku   nasab sheeganayeen qof baa yiri:anigu waxaan ahay hebel ina hebel ilaa uu ka gaarsiiyay sagaal,adiguna ayaad tahay,hooyo miyaadan lahayn, markaasuu yiri:anigu waxaan ahay hebel oo ina hebel ah oo ina islaam ah,nebi Muxammad wuxuu yiri:Rabbi baa u soo waxyooday nebi Muuse: labadan qofood ee nasab sheeganaya, adigu iyo sagaalka aad u  nasab sheegatay waxaad galaysiin naarta, adiga iyo labada qofood aad u nasab sheegtayna waxaad ku sugan tihiin jannada, xadiiska waxaa saxiixiyay sheekh Albani wuxuuna ku soo qaatay labadiisa kitaab ee caanka ah kalana ah saxiixul Jaamic iyo silsilada axaadiista saxiixda ah, innagu haddii aan iska warrano waxaa qaarkeen dhici karta in ay dusha ka hayaan ilaa iyo awowgooda boqolaad lagana yaabe in uusan qofkaasi shan magac oo ka mid ah magacyada Allah subxaanahu watacaala uusan dusha ka haynin,Subxaanallaah.

Abu Cisow qabiilkaygu waa Soomaali waliba muslim yahay hadduusan ahayna ehel iima ahan,saxiixul Bukhari waxaa ku xusan in nebiga sallallaahu calayhi wasallama uu adeerkiisa Abi dhaalib u tagay markuu sakaraatul mowdka ahaa wuxuuna ku yiri adeerow dheh: laa ilaahu illallaahu waa tii uu ka diiday naarta ayuuna ku hoyday,waa kii nebi Nuux calayhissalaamu baryay Rabbigiisa,wuxuuna yiri:Rabbiyow wiilkayga wuxuu ka mid yahay ehelkayga,Rabbi wuxuu ugu jawaabay:Nuuxow,wiilku ehelkaaga kama mid ma'ahan,waana camal aan wanaagsanayne ha i weydiin waxaadan cilmi u lahayn,waxaan kaa waaninaya in aad jaahiliinta ka mid noqoto (suuradda Huud aayadaha 45 iyo 46) Allahu akbar, xaggee buu Abu Cise ka jooga aayddana macaanka badan leh.

Rabbi wuxuu yiri:Muxammad ma'ahaanin aabbaha qof raggiina ka mid ah,laakiinse waa rasuul Allah iyo anbiyada nebigii u danbeeyay (suuradda al-xsaab,aayad lambar 40),sida ku xusan labada saxiixaynkuna wuxuu nebi Muxammad sallallaahu calayhi wasallama uu ku amray ciidankii u socday dagaalkii Mu'tah in uu ciidanka hoggaamiyo Zeyd bin Xaaritha, markuu geeriyoodana wuxuu nebigu amray in hoggaaminta ciidanka la wareego Jacfar,haddii uu Jacfar geeriyoodana waxaa ciidanka hoggaaminaya Cabdullaahi bin Rawaaxa,bal eeg hadduu qabiil wax tarayo Zeyd madax looguma dhigeen Jacfar bin Cabdimudhalib iyo Cabdullaahi bin Rawaaxa.

Waxaaa wax lala yaabo ah in Abu Cise meesha uu ka keenay in islaamku uu tixgeliyo sheekhul cashiira waliba intuu talax tegay buu nasuusta u saaray,subxaanallah ma sidaas baan diinta u naqaana mise sida ay nala tahay baan u fasirna,sheekhul cashiira ama sheekhul qabiila ama magacyada ay hadda Soomaalida qaarkood la baxeen waa jiri jiray islaamka ka hore hayeeshe markuu soo if baxay nuurka islaamka sheekadu waxay noqotay qaalallaahu iyo qaala rasuulu sallallaahu calayhi wasallama,culumada aan wax ka soo xiganaynaya waxaa ugu horreeya sheekhul Islaam Ibnu Taymiya Allaha u naxariiste iyo ardaygiisa Ibnulqayim Allaha u naxariiste iyo sheekh Albani Allaha u naxariiste iyo culumada ahlu sunna wal jamaaca Allaha u naxariiste,malaha Abu Cise Isimada iyo kuwa Salaadiinta loo yaqaano ayuu hoos fadhiya talo iyo tusaalana ka qaata,meeshii laga rabay in uu talo tusaale ka soo qaato nebigeena sallallaahu calayhi wasallama,ma laha Abu Cise waxaa murugo ku noqotay naag baa xaqa ka hadlaysa wuxuuna rabay in uu yiraahdo naaguhu iyo carruurta iyo kuwa maangabka ah waa isku caqli, Subxaanallah sidee baan talo uga soo qaadanayna sheekhul cashiira oo dadka ku hoggaaminaya qabiil, sidee baan talo uga soo qaadanayna,kaabo qabiil doonaya in dadka lagu hoggaamiyo qabiil dalkana lagu dhiso qabiil,sidee baan talo uga soo qaadanayna nin u bareeray in korkiisa caano ay dadka ka oomman yihiin korkiisa lagu shubo,sidee buu tusaale noogu noqon karaa nin hortiisa ay ku cayaarayaan naago iyo niman aan xishoonayn?

Aayadda 25 ee suuradda Al-Isra' kama hadlayso qabiilka malaha Abu Cise wuxuu u jeeda aayadda 26 ee suuraddaasi iyaduna kama hadlayso qabiilka ma laha wuxuu is yiri dadka kani xaafidul qur'aan ma'ahan ama kalamaba furaan kitaabka,aayadda 22aad ee suradda Muxammad waxay ka hadlaysa rixinka ee kama hadlayso qabiilka mana ahan sida uu ninkaasi sheegay ayadaa 21,malahan sidii aan soo sheegnayba wuxuu is yiri dadka kani xaafidul qur'aan ma'ahan amaba kalamaba furaan kitaabka qur'aanka kariimka ah,waa la hadlaa looma hadlee hadal xikmad leh baa haraa loo hadla.

Arxaam oo jamaca raxim ah wuxuu Allah qur'aankiisa kaga hadlay 13 meelood meelna kuma tilmaansana qabiilka,jahawareerkaasina waxay keentay in dadkii loo sharciyeeyo qabiilka oo looga dhigo sida rixinka loona sharciyeeyo in ay hoos fadhiistaan Ugaasyada iyo Isimada iyo kuwa la mid ah iyo in ay hoos fadhiistaan kuwa ahlu bidciga ah si looga fogaado culumada ahlu sunna wal jamaaca.

Waa inoo qaybta labaad iyo ka hadalka diyada

Zahra Abdi Hirsi -Holland
umubakar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2007 

Qoraalkii: . Hakanoqoto hadalka ay sooqortay (Zahra Abdi Hirsi) | Tirmidi

. Jawaab Kusocoto maqaaladii Abuu ciisa tarmadi iyo Zahra | camaar

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com