YAA XAQQA KU TAAGAN, MA UMU BAKAR MISE ABU CIISE
xasan
Yuusuf Cali
xasanwadaad65@hotmail.com sweden Katrinaholm
Waxaan ku
bilaabayaa qoraalkeyga magac ilaah intaasi ka dib, waxaan jeclaan
lahaa inaan ra,yigeyga ka dhiibto, Maqaalo aan ka akhriyay webkaan
Maqaaladaas waxaa kala lahaa Labada shakhsi ee Umu bakar iyo Abuu
ciise.
Sida ka muuqata cinwaanka maqaalkayga waxaan jeclaan lahaa
inaan cadeeyo cidaan u arko inay ku taagan tahay Xaqa marka hore
aniga labadaas qofood midna ma aqaan waa dad walaalheyga oo
soomaaliyeed, iima kal sukeeyaan Laakin waxaa iska cad in sida xaqa
ah ay sheegtay umu bakar.
Hadii aan ku horeeyo arinka qabiilka waxaan jeclaan lahaa in ay
horta kala gartaan soomaalida qabiilka iyo qabyaalada Qabiil waa dad
badan oo uu ka dhaxeyo abtirsimo waan mida uu ilaah qur,aankiisa ku
shegay inu qabaa,il ahaan noo abuuray.
Si aan iskugu aqoonsano laakin qabyaalad waa inaan mabda, ka
dhiganaa ku dhaqanka qabiilka anagoo qoftaan wax u Qabneena u
fiirina inuu nagu qabiil yahay ama waaba sida ay soomaalida hada ku
dhaqanto marka ay walaasheen Umu Bakar ay leedahay aan baabi,ino
qabiil waxay ula jeedaa qabyaalada ee maahan sida uu fahmay
walaalkeen Abuu ciisaa Taasina Maaha mid aan ka doodeeno in waxa dib
noo dhigay uu yahay ku dhaqanka qabyaalada, mida ixtiraamka kaaba
Qabiilka ama Ugaasyada iwm maahan waxay diinteena diideeso hadayba
ayagana ku toosan yihiin ku dhaqanka shareecada Taasna waxaa daliil
u ah in rasuulka (scw) uu ku amray ansaar un u istaagto Sacad bin
mucaad wuxuna dhahay u istaaga sayidkiina.
Hadana maaha in loo raacaa sida soomaalida u raacdo kaaba
qabiilada taasi intaas ayaan ugu baxaa waa arin soomaalida Wada
fahansan yihiin meesha ay na dhigta qabyaalad.
Mida labaad ee aan aad u jeclahay in ay ka doodo inta aqoonta u
leh waa arinta diyada, cudurka uu qabo ee ah in laga dido
Rag iyo Dumar way ekyihiin ama way siman yihiin walaalkeen abuu
ciisaa waa cudur ay qabaan inta badan bulsho weenta Muslimiinta
waxaana sabab u ah ayadoo la isku qaldaayo dhaqan ku dhisan
takoorida hablaha iyo diinteena wanaagsan waxaan war ka joogin In
Rag iyo dumar ay yihiin ilma Aadam iyo Xaawa ayna yihiin Adoomada
ilaah ayna aktiisa ka siman Yihiin xuquuq walbana ay ka siman yihiin
marka laga reebo meelaha uu ilaah cadeeyay in ay u kala fadli badan
yihiin, sida Dhaxalka, maamulka Qooska iyo xaq lahaanshada waalidka,
ku kala fadli badnaashaha arimahaan soo sheegnay qofkii sii
Raacraaca wuu fahmi Karaa sababaha keenay hadaan ku horeeno dhaxalka
waa mid ku cad aayadda ku jirta suuratu Nisaa,in Labka uu leeyahay
Laba qeeb ay leedahay dhediga xikmada ku jirtyaana waa in ninka
mas,uul uu ka yahay meelo Badan lagana rabo qarash fara badan, sida
inuu masruufo xaaskiisa oowlaadiisa iyo waxyaaba badan oo kale sida
jihaadka Naagtana intaas oo mas,uuliyad ma saarno, iskaba daayee
masruuf ninkedeey ka rabtaa meher way heleesaa xuquq badan ayay ku
leedahay nimanka sida Waalidkeed, walaalaheed iyo ninkeeda bal si
aan u ogaano cadaalada ilaah aan mitaal u soo qaadano arintaan.
Waxaa geeriyooday nin wuxuu ifka kaga tagay wiil iyo gabar uu
dhalay iyo hanti dhan 3000$ wiilka wuxuu qaatay 2000 Gabartana 1000
wiilka gabar ayuu doontay wuxuu ku qarash gareeyay meherkeeda 500
waxaa u soo haraayo 1500 Gabadhana waa la soo doontay waxaa meher
ahaan u heshay 500 waxay saas ku heesataa 1500 waxayna la mid tahay
Wiilka, halka ayada aysan isticmaaleen xoolaheda laakin ninka
laga rabo xuquuq badan marka inay kala mas,uuliyad badan
yihiin ayuu ilaah u kala badiyay dhaxalka, ayadoo taasi ay
jirtana waxaa haboon in la ogaado in ay jirto mar ay gabadha iyo
wiilka ama ninka iyo naagta si isku mid ah u qaataan dhaxalka cidii
u baahan inay ogaato ha ku noqoto si ay u fahanto Tafsiirka aayadaha
dhaxalka iyo kutubada dhaxalka ka hadlo xataa waxaa jirto mar ay
gabadha xaga dhaxalka wiilka ugu Fiicnaato laakin si qaalibka ah waa
in labku uu qaato laba qeeb halka dumarkana ay qaataan hal qeeb.
mida ku saabsan
Qooska ninkaa ku fadli badan maadaama uu yahay kan guriga
dhisaayo biilaayana xaaska fadli badnaashaha uu ilaah ku Sheegay
Qur,aankiisa inuu ninka ka fadlibadan yahay waa tan qooska maahan
sida uu u fahmaan nimanka u jidbeesan inay Liidaan hablaha, mida
baarinimida waalidka hooyadaa xaq badan waana inay ayada uurka nagu
soo waday 9 bilood.
Marka aan u soo noqono arinta muranka leh e diyada horta waxaa
ugu fadhinaa reer abuu ciisaa inay noo keenaan Aayad Qur,aan ah ama
Xadiith saxiix ah oo dhahaayo naagta diyadeeda waa barka diyada
nimanka taasina uma maleenaayo inay Soo helaayaan, sida aan
caqiideesanahay aana illaah la hor tagaayo waa in ninka iyo naagta
ay isku diyo yihiin waxaana Saas u leeyahay waa inay jirto arimo
badan waxaana ka mid ah.
1- in ay ninka iyo naagta ay ka siman yihiin magaca nafsa (naf)
ee uu qur,aanka ilaah ku sheegay, waana in naf walba naftay Disho
loo dilaayo waxaana qilaaf ka joogin in hadii ay 10 rag ah iskugu
tagaan ayna dilaan hal naag ah loo wada qisaasaayo
Marka maxaa loo dhihi waayay waa naag waa kontonleey nimankaana
waa boqollayaal ee yaan loo dilin?
2-Illaah aayada suuratu nisaa,wuxuu ku sheegay in qofkii dilaa
qof mu,min ah si qalad ah ama kama, inu baxsho diyo Ilaahayna ma
dhihin haday naagta tahay 50 haduu rag yahayna 100 ee wuxuu sheegay
in diyo laga rabo faafaahin la,aantaasina waa in ay isku mid yihiin
.
3-In aan laheen Xadiith saxiix ah oo nabiga ka suknaaday uuna ku
sheegaayo naagta inay ninka barkiis tahay xaga diyada
Bal waxaase ka suknaaday in naf waliba ay u suknaatay 100 geel ah
sida aan ognahayna naf waxa ka siman ibni,aadamka
Ha ahaado Rag ama Dumar,Muslim ha ahaado ama Gaal waxaana saas
cadeenaayo xadiith laga wariyay rasuulka oo ahaay
In nabiga oola joogo asxaabtiisa la soo ak marsiiyay janaazo
(meed) wuu istaagay asxaabta ayaa ku tiri janaazada waa Yahuudi
rasuulka wuxuu ku yiri soo naf maahan.
4- Diyada waxaa loo baxshaa in lagu sabarsiiyo qaraabada laga
dilay qofka ee maaha in lagu qiimeenaayo nafta oo nafta Lama qiimeen
karo, Diinteena waa cadaalad bal aan fiirino arinkaan ma cadaaladaa
ku jirto laba mooryaanaa waxay kal Dileen cunug yar oo 10 jir ah aan
laheen wax aqoon ah laakin uu aabihiis dhalay 10 wiil kale iyo
gabar aqoon ilaah u siiyay
Jaamacad wax ka dhigta oo bulshada wax u heesa hadana uu aabaheed
ka dhalay ayada kaliya caruur markaasaa lagu yiri
Ha la siiyo ninkii laga dilay wiilkii 10 jirka ahaay ee hadana
heestay caruur kale 100 halaad ninkii laga dilay gabartana ee uu
Ku soo tacab beelay hadana u ka fiirsanaayay ubad ayada kaliya 50
halaad wax uu qofka ku qanci karo ma yahay, mase Tahay arintaani
arin ilaah na faray waxaa laag yaabaa in Aqristayaasha ay ii qaataan
inaan fiirinaayo aqoonta qofka cunugana Aan ku liidaayo da,yarida
iyo aqoon la,aanta ee waxan ka wadaa dareenka uu dareemaayo qofka
gabadha dhalay e aan lo Xaq soorin. waxaase is weediin leh xageey ka
timid diyada ku dhisan boqol iyo konton ee ay ku kala duwan yihiin
raga iyo Dumarka sida ay culumada sheegtay waxaa saas ku xukumay
sayidinaa cali abii dhaalib iyo Zayd binu thaabit waxaan jirtay
Xaalada markaasi ku kalifeesay, sida in markaasi dadka ku
dambeeyay jaahiliyadii iyo liidida hablaha iyo waxyaaba kale
Laakin waqtigaan la joogo maxaan ka hadalnaa naag diyadeeda nin
uu dameerkisa ka diya badshaanba araknee Laakin Marka la helo
doolad ku dhisan dimuqraadiyad iyo is maqal kuna dhaqmeesa diinta
ayay ku habooneed inaan ka doodno Arintaan ku saabsan diyada.
Mooduuca sedexaad ee ah gudniinka xukunkiisa culimada way isku
khilaaftay laakin marnaba kuma jiro midka ay Isticmaasho soomaalida
ee ah fircooniga aniga waxaan qaba in uu ahay caado ka horeesay
rasuulka gudniinka gabdhaha Laakin uu rabay inuu tartiib u zuuliyo
laakin sida ay aaminsan yihiin dadka qaar haduu ahan lahaa shay
waajib ah la iskuma Khilaafeen waajibnimidiisa oo waa la isku raaci
lahaa sida kan ragga mida kalana rasuulka ayaa waxaa ka sugnaan
laheed Axaadiith arintaan ku saabsan oo macquul maaha in shay wajib
ah uusan rasuulka noo cadeen, marka hadayba suknaato in
Gudniinka uu yahay mid gabdhaha dhib u keenaayo aan ka deeno ma
maqal rasuulka oo amraayo in gabdhihiisa la gudo Ama xaasaskiisa
Halka xadiith ee ka suknaaday waa daciif hadii uu saxiix yahayna
kuma cada inuu na faray ee wuxuu Tilmaam siinaayay qof shaqadeeda
aheed gudniinka dumarka.
Marka waxaa haboon markaan qof ku naqdineeno ra,yigiisa waxa
ahaboon inaan aqoon u leenahay shaygaas sida iska cad
Umu bakar waxay aqoon durugsan oo inta samaha jecel uu ku farxo,
ay u leedahay diinta islaamka halka ay noo muuqato In walaalkeen uu ku doodaayo cilmo dhagood iyo yaan laga tegin
caadadii e uusan aqoon durugsan u laheen diinta, mida kale waxan ku
boorinaa hablaha soomaaliyeed inay diintooda u bartaan sida Umu
bakar si ay xaq ay siisay diinta u fahmaan.
Afeef : waxaan ka afeefana inaan aayadaha qur,aanka aan sheegin
raqamyadooda amaba suurada ay ku jiraan axaaadiihtana aan sheegin
cida werisay waxay taasi u dhacday anoo hada ku heen faraha
masaadirtii diinta oo aanugu soo tagay dalkii
Iyo anoo markaan akhqiyay maqaalada ay isku radinaayeen Umu bakar
iyo Abuu ciiisaa isla markaas jecleestay inaan Ra,yigayga ka dhiibto
anoon diyaarsan masaadirtii mida kale waxan jeclaan laha mooduuca
gudniinka iyo diyada in uu noqdo
Miday culimada ay ka doodaan si aan u gaarno xaqqa anagoo iska
ilaalineeno u iilashada dumar liididda.
by xasan Yuusuf Cali
xasanwadaad65@hotmail.com sweden Katrinaholm