SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Xildhibaan: Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani oo eedeymo adag dhakada kaga tuurey Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Soomaliya ka hawlaga.

“MA BAABI’IN BAA MISE NAFAQEYN?”

GaaniXildhibaan Sharma’arke Maxamed Xaashi {Gaani} ayaa sheegey in Hay’adaha Qaramada Midoobey ay u muuqdaan Hogaamiye Kooxeedyo, isagoo taasi sabab uga dhigay, dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, ayna u soo daabulaan Raashiin dhacay oo qaarkood sumoobey.

Xildhibaanka oo warqad isoo gaarsiiyey, islamarkaana ku faah faahinaya arintaas isagoo tusaale u soo qaadanaaya Hay’adda UNICEF qaybteeda Quudinta Caruurta oo Boorash magaciisa la yiraah “UNIMAX” laguna sameeyey dalka Kenya culeyskiisana dhan yahay 10kg (Toban kilo-garam) ayaa lagu quudin jiray ilmaha dadoodu ka yar tahay shan sano laga bilaabo ilaa 2005tii ilaa sanadkan oo dhan” ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Sharma’arke isagoo markaasi farta ku fiiqaaya in Hay’adaha Qaramada Midoobey ay halis ku yihiin mustaqbalka Caruurta Soomaaliyeed “ Tan Ma Nafaqeyn baa mise waa Baabi’in” ayuu is weydiiyey Xildhibaanku wuxuuna muujiyey in tani ay tahay xadgudub la caadeystey oo loo geysanaayo caruurta Soomaaliyeed.

Warqaddan oo weyn...eeg halkan

“waxaa la soo cadeeyey in Boorashkaas UNIMAX ay ku badan tahay sunta loo yaqaan (AFLOTOXIN) taas oo keenta in Ilmaha la siiyo Boorashkaas sumaysan ay ka qaadaan Cudurada kala ah Kansarka iyo kan Beerka” ayuu ku cadeeyey Xildhibaan Sharma’arke isagoo soo xigaanaya warbixin ay ka aruurisay Boorishka Sumeysan Hay’ada Faransiis ah oo fadhigeedu yahay Degmada Waajid ee ka Gobolka Bakool, kadib markii ay Hay’adu soo gaareen cabashooyin badan oo kaga yimid Waalidiin badan oo saameyn ku yeeshey Boorishkaas Sumeysan.

Hay’adda ACF markii ay u kuur gashay Boorishkaasi UNIMAX, waxayna ka soo saartey inay ku badan tahay sunta loo yaqaan AFLOTOXIN “waa ayaan daro inay Hay’aduhu sidaasi u dhaqmaan, iyagoo hawlgeliya NGO’s-yada Gudaha oo ay heshiis ku yihiin fulinta danahooda gaarka ah”.

“waxaan ugu baaqaynaa DFKMG inay arintaasi u kuurgasho, waxaan kaloo ugu yeerayaa shacabka Soomaliyeed inay ka digtoonaadaan Deeqaha Sumeysan ee loo soo mariyo dad ku diir ah oo aan ka naxaynin” ayuu yiri Xildhibaan Sharma’arke Max’ed Xaashi {Gaani}, inkastoo uu hadana sii daba dhigtay hadalkiisa in Hay’ada UNICEF ay ogaatey eedeyntaas loo soo jeedinayo islamarkaana ay wax ka jiraan, kadib markii is ahaanteeda ay baarintaan u sameysay ayna ku ogaatey in Boorashka UNIMAX ay ku badan tahay sunta AFLOTOXIN, “Laakiin goormaa?, mar ay Caruur badan oo Soomaaliyeed ay galaafatey, waxaana ku waajiba inay Magdhow iyo raaligelin ka bixiso” ayuu yiri Xildhibaanku oo ay wajigiisa ay ka muuqato caro aad u weyn, mana ahan markii ugu horeysay oo Xildhibaanku ka hadlo arimaha hay’adaha Qaramada Midoobey, oo mudo 17 sano dalkaan iyaga keliya Dowlad ka ahaa, islamarkaana lagu xamanayo waxyaabo ka daran arimahaan uu sheegey Xildhibaanku.

Laakiin hadalada Xildhibaanka ayaa ku soo aadey xili DFKMG ay ku jirto dhismo Xukuumad cusub, iyadoo mudo 3 Sano ay soo liqdey jiritaankeeda, wuxuuna muujinayaa hadalka Xildhibaanka mid xujo ku ah Goloyaasha DFKMG iyo Madaxda sare, islamarkaana aysan ka leex leexan Karin hadii ay og’yihiin iyo hadii aysanba ogeynba, halka Hay’adda UNICEF iyaduna aan la ogeyn waxa ay ka yeelidoonta eedeymaha loo soo jeediyey, inkastoo mar aan isku daynay inaan khadka Taleefoonka kula xiriirno, si aan wax uga weydiino arinkaan aysan inoo suuragelin inaan helo.

gaaniXildhibaan Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey" Waraysi


Maxaamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2007

C/Laahi Yuusuf oo Xukuumadiisa ku Guubaabiyey sidii ay uga hor tegi lahaayeen Xawaaladaha iyo WFP...

yuusufMadaxweynaha DFKMG oo khudbad Xasaasi ah  oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyey Baydhabo gaar ahaan waxay khubadaasi ku saabsan tahay Xawilaadaha, Dugsyada Quraanka, Dh/dhexe, Jaamacadaha iyo hay'adda Qaramada Midoobey WFP.. Khubada oo ah Akhris iyo cod....

colTaariikhda Musharraxa Ra'iisul Wasaare DFKMG: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com