Khubad Xasaasi ah oo C/Laahi Yuusuf ka jeediyey Baydhabo - Nov 20, 2007
Halkan ka dhegeyso
khudbadii C/laahi Yuusuf ee Nov 20, 2007 ama
Halkan (mp3)
- Raashinka WFP toddoba iyo tobankii (17) sanadood ee ay Soomaaliya
joogeen meel ay geeyaan anigu ma ogi.
- Haddii aad run rabtaan, 17-kii sano ee la soo dhaafay marka lagu saro 3-dii
sano ee dawladdani dhisnayd nimankaasi (Hay'adaha Jooga Nairobi) Soomaaliya iyagaa dawlad ka ahaa (De
facto Government)
- Deeq-bixiyayaaloow, Haddaad anaga na siineysaan haddee nidaam aan ku
heshiino oo dadka Soomaaliyeed toos u siiya oo dawladooda ugu dhiiba.... Laakiin
markaad u dhiibtaan....kii caasha-dheeraa ee Ameerikaanka ahaa muxuu ahaa Inkaar
qabaha ahaa.. ...Cooper... iyo .. Waleed iyo.. haddaad u dhiibtaan ALLAH MACAKUM
ayaan ku iri anigu, wax aan shaqo ku lenahay lama arko..
- Wadaadada ayaa haysta Masaajidda, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada,
ganacsiga, isgaarsiinta....
Khudbadaan uu madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf Axmed, Nov
20, 2007 ka jeediyey Xaruntiisa (Baydhabo) ayaa timid kadib Siminaar ay soo
qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFKMG oo looga
hadlaayey Qorshaha Mustaqbalka guud ee dalka iyo Qorsho hawleedka DFKMG ee
sanadka 2008-da.
Waxaa duubay: Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
C/LAAHI YUUSUF AXMED , MDFKMG
|
Khubadda oo Qoraal ah (Waxaana qoraal u rogey
SomaliTalk.com):
Hadalkii C/Laahi Yuusuf waxa uu ku bilaabay sidan: Mudane Saalim Caliyow, ra'iisul wasaaraha KMG, mudane barafasooro,
mudanayaasha xildhibaanada iyo wasiirada ah, xoghayayaasha joogtada ah (permanent
secretaries) ee qorshaha ka soo shaqeeyey ee soo diyaariyey, marti sharafta
kale iyo madaxda kale ee jooga, marka hore waa idin salaamayaa, salaan kaddib:
Aad baan ugu faraxsanahay xafladdaan in aan saakay (Nov 20,2007) ka qayb galo
lagu xirayo hawshii aad ku hayseen magaalada Baydhabo muddo 40 maalmood ah siduu
u sheegay wasiirku, laakiin laga yaabo in ay idinku sii daba dheeraatay oo 50
casho idin la gaarta. Markii xoghayayaasha joogtada laga soo qaadayey Xamar oo
halkan (Baydhabo) loo soo dirayey Xamar baan joogey anigu, haddii aad iga soo
horeyseen markaas meesha waad ku raagteen, waayo anigu magaaladan Baydhabo
waxaan imid 8-dii bishii Oktoobar haddii aanan khaldanayn, Octobar 8-deedii..
maantana bishu waa 20kii November, markaas Afartan iyo dhawr maalmood anaa
joogey idinkuna waa iga soo horeyseen, laakiin intii aad iga soo horeyseen ayaan
ii xisaabnayn.. sow igama soo horayn, adigu 40, 50, ama 60 maalmood ka dhig oo
halkan ayaad joogteen waadna shaqayseen, waad dadaasheen, wixii aad hadda
diyaariseena haddee hore nooma sii-siin oo faallo (commentary) kama
samayn karo.. hadddii aad koobiyaal na sii siin lahaydeen oo aan sii akhrin
lahayn, oo aan sii daalacan lahayn, oo wax dersi lahayn ayaanu oran lahayn war
xagga halaga toosiyo, war sidaas hala yeelo.. waxaan idinku ammaaneynaa buug
qurux badan ee meesha yaal, laakiin hoostiisa waxa ku jira rabbi ayaa og..
Buuggaas gudihiisa wax kasta haku jireene, haddaynu saddex sano kaddib sidii
aynu u gebi dhaclayneyney, oo xaalkena Ilaah ayaa ogaaye waxaynu ku sugnayn'e,
aynu hadda intaynu foolanay aynu buugaan dhallay, horta waa Alxamdu-Lillah.
Hase yeeshee waxay ila tahay buuggu warqado weeye, fikrado dad ayaana ku
qoran, fikradaha dadkuna haddey buug ku qoran yihiin iyagu ma shaqeeyaan ee
dadkii fikradahaas lahaa iyo dadkii kale oo u xilsaarnaa ayaa la rabaa in ay
hawlahaas fuliyaan. Qorshaha qoristiisa aniga waxay ila tahay waxaa ka dhib
badan oo ka muhiimsan waxaa weeye fulintiisa.
Hay'adda Qaramada Midoobey iyo WFP
Si waxaas loo fuliyo horta haddaad rajo ka qabtaan
UN (QARAMADA MIDOOBAY) iyo beesha caalamka iyo dadkale ayaa na caawinaya anigu rajadaas ma qabo, haddii aan
Lillaahi idiinla hadlo weeye, waxaynaan qabsan ayaa cidkle inoo qabaneysaa
haddeer anigu ma aaminsani.
C/Laahi Yuusuf oo labada dhinac aya ka fadhiyaan Prof. Dalxa iy Prof.
Caliyoow |
Maalmo dhoweyd Nairobi ayaan gaarey... maalin dhoweyd waad garaneysaan
(Baydhabo) Baarlamaanka in ay inoogu yimaadeen qoladii la baxday Beesha Caalamka, wixii
meeshaas ka dhacay iyo baarlamaanku wuxuu muujiyey intayadii joogey waanu ogeyn,
laakiin xoghayaasha joogtadu in ay joogeen iyo in kale anigu kama warqabo... BUUUU ayaa la isku yiraahdaa Baarlamaanada markii lagugu mudaharaadayo,
BUU BUU ayaa la isku yiraahdaa.. Nimankii BUU BUU ayaa lagu yiri, oo waa lagu
mudaharaaday, (waa) haddii aad la socotaan.. Labadaan oday oo geesaha iga fadhiya
ayaa
maqaarka kala baxay, waayo waxaan dhibaato qabno oo Ilaah ogyahay oo iyaga
laftigoodu ay ogyihiin, haddii aysan is yeel-yeelay ay ka warqabaan, waxay noogu
yimaadeen oo keliya in ay nagala hadlaan oo keliya raashinka la yiraahdo waxaa
keenta WFP sidii dadka loo gaarsiin lahaa.
Waxa aynu mushaakil qabno kaas uun bay inagala hadleen, ma wax kale ayey
inagala hadleen.. Wax aan ahayn Gargaar bini-aadaminimo (Humanitarian
Assistance) ayaa la rabaa in wax laga qabto oo dadka cuntada hala gaarsiiyo oo
wadooyinkaas isbaarooyin ayaa la dhigtay, nin raashin meel u wadey ayaa la
xiray-oo, xagey tahay-oo, idaacad ayaa la xiray-oo, waxaas ayey tahay-oo..
waxaas ayey ka hadleen..
Dhibaatada na haysata oo amni-darrada ah kama aysan
hadlin, dhibaatada iyo tafaraaruqa ummada Soomaaliyeed ku dhacday oo
maxkamaduhu wax ku leeyihiin kama aysan hadlin, siyaasad ahaan kama ay hadlin,
amni darrada jirta kama ay hadlin, yacni barnaamijka adag oo la inaga rabo
muddada (transition) kala guurka lagu jiro oo hadda laba sano wax ka yar ay ka hareen
sidii ay gacan inooga siin lahaayeen kama ay hadlin, sidii waddankan amni looga
dhigi lahaa kama ay hadlin, sidii hadhow horumarin iyo dib-u-dhis iyo
magiciisii iyo wixii sidii loo samayn lahaa kama ay hadlin. Raashinka WFP ayey ka
hadleen.
Raashinka WFP toddoba iyo tobankii (17) sanadood ee ay Soomaaliya joogeen
meel ay geeyaan anigu ma ogi. Weligay xabbad raashinkaas ka mid ah anigu ma
cunin, Wallaahi meel lagu qaybinayona ma arag. Waxay keenaan hadda waxa ay
yihiin anigu ma aqaan.... Maxay keenaan horta! ma sonkor bay keenaan! ma bariis bay
keenaan! ma timir bay keenaan, ma masagay keenaan, ma waxay keenaan galley, ma
wax kale ay keenaan!, maxay keenaan horta!! YAA YAQAAN!!! ma digir bay
keenaan!... GALLEY BAY KEENAAN!!! Galley iyo saliid... Saliidu waa kala nooc'e
noocee ayey keenaan.. SALIID CADDEY!!!.. Tan cuntada lagu kariyo miyaa!! tan lagu
iidaanto ma aha marka!!!! Waxaas ayey ka hadleen, wax kalena kama hadlaan, wax
kale idiinma soo wadaan, Nairobi ayey fadhiyaan.
Dawladda Soomaaliya ee rasmiga ah Nairobi ayey Joogtaa?
Haddii aad run rabtaan, 17-kii sano ee la soo dhaafay marka lagu saro 3-dii
sano ee dawladdani dhisnayd nimankaasi Soomaaliya iyagaa dawlad ka ahaa (De
facto Government) beentayn ma aha. 3-dii sano inagu aynu dawladda sheeganeyney,
dawladda dhabta ah oo Nairobi fadhida iyaga weeye. Dawladda ay leeyihiin waa
aqoonsan nahay oo tan ah, inta ay aqoonsadaan iyaga hala macaamileen, oo wixii
ay bixinayaan iyaga marsiiyaan oo sidaas ku bixiyaan, oo intay soo guuraan ay
Soomaaliya soo degaan, oo markaas wax inala qabaan, oo dhab ahaan wax inala
qabtaan, nimankaas kama hor cadda.
Haatan haddii ay idinla fariisan lahaayeen buugaas in aydinaan qorteen ayey
ila tahay.... ma qori lahaydeen haddii ay idinlajoogi lahaayeen, maya ayey aniga
ila tahay.
Anigu maalintii waxaan ku iri baarlamaanka hortiisa, Haddeer meesha idinku
weerari maayo'e, da'na waan ahay, mas'uuliyadna waan hayaaye, markaynu shir
isugu nimaadno ayaan anigu ra'yigayga idiin sheegayaa ayaan ku iri, hadal sidaas
u dhacaya ayaan ku iri.
Nairobi markii aan tegey, oo aan u tegey baaritaan caafimaad (check-up)
iyagoo guuraaya ayey iigu yimaadeen hoteelkii aan deganaa, waa isla kuwii oo la
soo badiyey.. Ninkii ayaa horkacaya, qaar kale ayey ku soo darsadeen, safiiro
kale ayey ku soo darsadeen oo dalalka Yurub ka socda.. Meeshii ay ka bilaabeen..
Isbaarooyin ayaa wadoonkiya yaal, Afgooye wax ma geyn karno, Marka wax ma geyn
karno, meel kale ama wado kale ka hadli maayaan, Afgooye iyo Marka, wadada Baydhabo
iyo Xamar.. Wallaahi meel kale oo Soomaaliya ka mid ah in aysan igala hadlin...
Malaha intaas uun bay rabaan in ay wax geeyaan ee Soomaaliya inteeda kale waxba
ma geeyaan.. sow sidaas macnuhu noqon maayo..
June 2007: 140 gaari oo ay leedahay WFP ayaa muddo bil
ah ku xayirnaa xadka Kenya kaddib markii ay Kenya xadka xirtay, waxaana
wararku sheegeen in WFP ay cuntadaas u wadey 100,000 qof oo Soomaali ah
oo ku jira gudaha Soomaaliya..
Source: KBC | June
22, 2007
|
Anigu tartiib ayaan ula hadlay, oo waxaan ku iri: Miyaad wax kale igala
hadleysaan Raashinka WFP ma ahane.. waa la aamusay.. Haddii aydinaan wax kale
igala hadlayn, wax dan ah oo aad Soomaaliya u haysaan ma jirto'e raashinkaas
marka aad keeneysaan danta aad ka leedihiin waa ogahay.. Wallaahi in aan
Soomaaliyi cunin raashinka aad keentaan, oo masaakiinta aad sheegeysaan loo
geyn, ee NGO-yada meesha aad higateen iyo idinka laftiina, WFP lafteeda iyo kuwa
xafiisyadiina jooga oo Soomaalida ah oo aad dhigateen magaalooyinka Soomaaliya,
illaa idinkii diide in aad timaadaane, kuwaas ayaa inta ay baabuur is daba
geliyaan oo hururug ka siiyaan oo hal baabuur iyo labo ayey inta ay dadka wax u
qayb-qabiyaan wixii kale inta ay la soo noqdaan ayey waxay ku iibiyaan suuqa
Muqdisho, ayaan ku iri, ama Suuqa Marka, waa lacagaysataan, taasna idinkaa
cuna'e, Soomaali ha hafrina'e, Raali ahaada ayaan ku iri.
Hadda kaddibna laba hal haddii aydinaan yeelin kabiqi meysaan inaynu wada
shaqayno.. Dawladda TFG (DFKMG) oo dhisan ma aqoonsan tihiin YES or NO
(HAA ama MAYA).. waa aqoonsanahay.. Haddii aydinaan ka dhabayn oo toos iyada ula
shaqayn oo toos iyada u soo marin wixii aad bixineysaan, anagu wax kootarabaan ah
[contraband] oo
lala dhuumanayo oo goor aad keenteen aan la ogeyn, oo magiciisii ah, oo
wasaaradahayagii ka warqabin, oo biliisyagii iyo ciidamadayadii ka war qabin, oo
Nabad sugiddii ka war qabin, oo lala dhuumanayo, oo hadba la surya-suryaynayo, oo
la doonayo in la iibsado, maxaanu ka ognahay, ayaan ku iri.
Dawladda ma ictiraafsan tihiin.. YES (HAA).. Marka De facto
Government Nairobi
degani hadda kaddib ma jirto'e soo guura oo Soomaaliya soo dega, Soomaaliya aan
ka wada shaqayno, khilaafka Soomaaliya raashin ma aha'e, raashinkaan iyo gaajada
waxaa keenaya waa amni darrada'e, waa shaqo la'aanta, waa rafaadka meesha yaal,
kaalaya dhab ahaan nala shaqeeya, haddii aad diidaan, haddii aad sidaas yeeli
weydaan, idinma naqaan, idina nama taqaaniin, raashinka meeshii aad rabtaan
geeya, haddaad rabtaan suuqa ku iibsada, masaakiinta haddii aad gaarsiin kartaan
gaarsiiya, laakiin idinkala shaqayn meyno.. maxaan idiinkala shaqayneynaa maba
noosheegtaan goorta aad keeneynsaan iyo meesha aad marineysaan iyo goobta aad
geyneysaan iyo waxaad ula jeedaan iyo.. kama warqabno.
Qaramada Midoobey /WFP iyo Cuntada lagu iibiyo Suuqa
Dukomintiga ay soo gudbisay Wasaaradda Qorsheynta oo
markii la gudoonsiinayey Madaxweynaha DFKMG istaagey iyo xubnaha kale,
Nov 20, 2007,
Baydhabo. |
Saakay halka ayeynu ku dhanahay, UNITED NATION ayaa qorshaha inala fulineysa
haddii aad qabtaan, sidaas ma aha. Anigu waxaan iri xukuumadii waa dhacdaye
inta la dhisaayo xukuumad cusub nimankaas waxba hala saxiixan, ma idin iri, saakay
halkan ma ka caddeeya, heshiis baad diyaarisay adigu.. (MAYA waxaa yiri ninkii
uu C/laahi Yusuuf weydiiyey su'aasha oo madasha fadhiyey.. kii hore sow ma aha
ayuu raaciyey...) Hal heshiis ah la
geli meyno ilaa ay dawladdan aqoonsadaan, Soomaaliyana u soo guurayaan..
Hal anigu waa ka warqabaa, anigu Puntland baan intaas oo sano ka soo
shaqeeyey oo madax ka ahaa, Puntland dhulkaan beeraleyda ah ma aha, dhulkaan
beeraleyda ah marka roobku bilaabanayo oo beeraleydu rabaan in ay beeraha
abuurtaan ayey raashinka u keenaan, markaas si aysan beerihii uga shaqaysan oo u
falan. Puntland wallaahi billaahi raashinka ay keenaan suuqa ayey ku iibin
jireen, ma garaneysaa..
Guubaabo in la iska celiyo NGO-yada...
Nimanka haddii aydinaan iska celin, oo xukuumaddu iska celin, oo nimankan
NGO-yada ah oo waxaan soo qorsheyey, oo magaciisiiga ah, aydin iska celin, oo
shacabka Soomaalidu uusan ku soo jeedsan, oo oran ama wax nala qabta ama naga
taga, aydinaan oran, luggooyo ka bixi meysaane dadka runta u sheega oo
iska celiya dadka...
Xiriirika Muqaawadamada iyo WFP
"....Masaajida Muqaawamada waxaa loo geeyaa Muqaawamadu inta ay
raashinkaas qaadato oo lacagaysato anaga nagula dirirto...."
C/laahi Yuusuf |
Raashin iyagu ay suuqa ku iibsanayaan oo raalli ku yihiin oo midka ay xafiis
dhibtaanba waa mid la shaqaynaya Muqaawamada iyo dadka fidnada ka shaqaynaya
weeye. Maalin hore nin ayaa la xiray waad ogeydeen.. maxaa lagu xiray..
raashinkii ay keentay WFP ayuu walwaalaa oo masaajidada Muqaawamadu ku
tukunayaan ayuu geeyaa... bal ka warama.. yaa... annagu kuwa aanu ku tukanno waa
u sheegnay Gaalada oo waxaan iri annagu dadkayaga Muslimiinta dhabta ah oo
Soomaalidii runta ahayd ah oo diintii runta ahayd haysata oo tirada badan
masaajidda aanu ku tukanno waxba lama geeyo, ayaan iri. Masaajida Muqaawamada
waxaa loo geeyaa Muqaawamadu inta ay raashinkaas qaadato oo lacagaysato anaga
nagula dirirto. Soomaaliya marka in ay xasisho ma rabtaan ayaan ku iri.
Hadda ama waa la bedelayaa oo waa tegayaan ama qaar shaqaynayaa imanaya, ama
Ilaah baa igu og halkan anigu majoogaa iyaguna Nairobi ma joogaan: weligay la
hadli maayo... Haddaad idinku yeeleysaan, Caliyoow, adiga iyo wasirada kale
iyo.. Ra'iisul wasaaraha iyo.. haddaad nimanka sidii hore ula macaamileysan
anigu ma aqaan.. sannadku marka uu soo dhowaado wixii meelahaas ku haray
iyo in wax la luf-lufaayo, haddee waa idinka, anigu idinkulama jiro...
Dalka inagaa leh, inagaana dad u ah, dawladna inagaa u ah, dhibaato ayaan
qabnaa oo dhaqaale ma haysano, oo waxaynu wax ku qabano ma haysano, laakiin
haddii aynu dadaalo oo fekero wax ayeynu qaban karnaa.. Nimanka in aan ka
kaaftoomi karno aan tusno.
....kii caasha-dheeraa ee Ameerikaanka ahaa muxuu ahaa Inkaar
qabaha ahaa.. ...Cooper... iyo .. Waleed iyo.. haddaad u dhiibtaan ALLAH
MACAKUM ayaan ku iri anigu, wax aan shaqo ku lenahay lama arko..
C/laahi Yuusuf
|
Deeq-bixiyayaasha anigu waa u tegey maalintii dhoweyd, deeq-bixiyayaashii Yurub
ayaa joogey habeenkii dhoweyd ee aan la hadlayey Nairobi, haddaad nimanka wax
siisaan, iyagaad siiseen ee anagu shaqo kuma lihin ayaan ku iri. Haddaad anaga
na siineysaan haddee nidaam aan ku heshiino oo dadka Soomaaliyeed toos u siiya
oo dawladooda ugu dhiiba ayaan ku iri, deeq-bixiyayaaloow. Laakiin markaad
layroosh iyo u dhiibtaan (layroosh wuxuu ula jeedaa
Eric Laroche oo ah madaxa Qaranmada Midoobey u qaabilsan mucaawinada
bini'aadamino ee la siiyo Soomaalida), kii caasha-dheeraa ee Ameerikaanka ahaa muxuu ahaa
Inkaar qabaha ahaa.. ...Cooper [waa Ed Cooper oo ahaa madaxa waftiga].. iyo .. Waleed... iyo.. haddaad u dhiibtaan
ALLAH MACAKUM ayaan ku iri anigu, wax aan shaqo ku lenahay lama arko..
Buugga anigu hadda wax kama oran karo'e, koobi ayaan akhrisan doonaaye, marka
aan akhristo kaddib ayaan wax ka oran karaaye, waxaase jira wixii la qoro iyo
'practically' sidii loo shaqeeyo waa kala labo. Qoraalka qoraal ugu qurxan iyo
qorshaha qorshe ugu fiican haddaad samaysaan oo fulintu ay xumaato waxba socon
maayaan, waxna ma fulin kartaan haddii aydinaan la dagaalamin labaatan
waxyaalood oo khalad ah oo dawladeenu saddexdii sano ay ku dhaqmeysey haddii
aynaan is hor taagin oo ka dagaalamin waxba idiin fuli maayaan.
Musuqmaasuqa iyo Dawladda Federaalak Kumeel Gaarka ah
C/Laahi Yuusuf oo dhegeysanaya Buug hore ay u diyaarisay Dowladii ugu
horey ee Soomaaliya
|
Hadda ma waxbaan kala qarsaneynaa, sow inaga keliya ma aha, ma ajnebi ayaa
inala jooga, saddex sannadood iyo weliba dheeraad sow hadda dawladaani ma
dhisna, waayahay'e, haddii aydinaan lahayn "tariff" cashuurta lagu qaado, bal
hadda dhegeysta, tii baarlamaanku soo saaranya aad tuurteen, caawa wax aad wax
ku cashuurtaan aydinaan ka warqabin, oo aydinaan miisaaniyad samayn, oo
cashuurta aad qaadeysaan miisaaniyadda geleysa aan la aqoon, oo aydinaan
bangigii dawladda ku shaqaysan, warqado ayaa yaal la leeyahay bangigii dawladda
lama dhehi karo bangi dawladeed, oo ilaah baa og aniga ayaa haya, idinku
mahaysataan.. (waa haysanaa ayey ku jawaabeen qaar xildhiibanada iyo wasiiradii
goobta fadhiyey).. oo wixii soo gala meel ay maraan aynaan kawarqabin, oo wixii
deeq la inoo siiyo meel ay maraan aynaan ka warqabin, oo yeynaan been isu
sheegine musuqumaasuqa adduunka oo dhammi ogyahay oo la leeyahay Soomaaliya
waxay caalamka kaga jirtaa musuqmaasuqa adduunka, sidee qorshe u fulineysaan oo
u keeneysaan xoolo aad wax ku fulisaan.
Haddii aydinaan la diririn oo ninkii shilin qaada sharciga la horgeyn, oo aan
wuxuu mutaysto la marin, oo aan sharciga laga biqin, oo aan dawladda iyo qaranka
laga biqin, oo aan ummadda danaheeda loo hoggaansamin, wax idiin soconayaa ma
jiraan.
Hadda anigu dhaqaale ka hadli maayo, dhaqaale yahan ma ahi. Kulligeen waxaan
u malaynayaa wexeenu waa iska bowsi.. Maxaad ka baxday adigu Cali... Jaamacaddee
ka baxday.. (waxa uu ku jawaabey: Anigu waxaan ka baxay jaamacad waxana ka bartay
Economia Agraria ama
Dhaqaalaha Beeraha), waayahay.... intaas meesha fadhida nin walba wax ayuu soo
bartay, wax ayuu ku takhasusay, waxaa laga yaabaa wixii uu ku soo takhasusay in
uusan ku shaqayn, markaas waa iska "Theory".. Marka buuggaan waa akhriyeynaa
wixii ku jira sidii loo hirgelin lahaana waa ka shaqayneynaa, maalgelina waa in
loo raadshaa, haddaan macaawino dibadeed la helin sidaan hadda ku suganahay kuma
maalgelin karno'e, horta waxa yar oo aan cashuurta u qaadno aan wax kadhigano.
Xukuumada aan Xafiisyolahayn oo Hoteelo deggan...
Xukuumad aan xafiisyo lahayn, oo guri ay deggan tahay lahayn oo hoteello ku
jirta, haatan ma is maqleynaa, xafiis dawladeed wasaarad uu u diyaarsan yahay ma
jirtaa. Kuwo aaya halkii guryohoodii looga dayac tiri lahaa waxaa loo
kireeyey gurigii Jirde Xuseen, oo raalli ayey ku yihiin. War xafiiskayagii waakan
oo waa kan oo shanta xafiiska waa kuwaa'e waxa aad noogu kirayneysaan noogu
dayac tira iyaga ayaan degeynaa la oran waa. War nimanyohow aan is maqalee dadka
yeynaan been u sheegine, haadda dagaal ayaa meesha ka socda oo in xafiisyo la
tago, oo guryo la dego waa laga baqay'e, hoteeladaa cabsi la biday'e, naftu mar
ayey baxaysaa, wallaahi laba jeer qof dhimanayaa ma jiro, guryihiinii iyo
xafiisyadiinii inta aad degtaan oo wixii aad haysataan aad dhaqaalaysataan, oo
qorshaysataan, oo miisaaniyad iyo tarrifa iyo bangiyo aad dhigataan,
XAWAALADAHANA iska celisaan.
Xawaaladaha Soomaaliyeed
... Lacagaha adag (Hard Currency) ee yimaadaba haddii uu
XAWAALADAHA ku dhacayo Bangigeenu xaggee wax ka helayaa...
C/Laahi Yuusuf |
XAWAALADUHU inta ay jiraan bangigeenu ma hirgelayo, beentay miyaa!. Lacagaha
adag (Hard Currency) ee yimaadaba haddii uu XAWAALADAHA ku dhacayo Bangigeenu
xaggee wax ka helayaa. Dawladdu waxay cashuur u qaaday oo meesha dhigatay ma
ahane ma
wax kale ayuu helayaa, MAYA weeye, oo Bangigu sow in uu Bangiyada oo dhan xakumo
ma aha, oo isagu lacagta KANTOLOOLO, Lacagta Adag Kantoroolo, khasnadii dawladda
noqdo oo, dhaqaalaha isagu gacanta ku hayo'oo, CONTOROOLKA iyo sow ma aha..
Saddexdii sano ee tagtay ayey si inaga noqotay'e, muddada labada sano ka yar ee
inoo hartay waxaad qabataan waa la arki doonaa. Qorshahaas haddaad ku
tallaabsataan fulintiisana haddee waa idiin garaabeynaa oo waxaan oraneynaa
WALLAAHI nimankaasi 50-kii beri ee ay meesha fadhiyeen wax ayey faa'iideeyey.
Haddiise buugag qurxan baa la qoray oo fulintii la waayona, haddee markaas
waxaanu oraneynaa wixii is la baraneye wixii wax kama jiraane ciddii kale oo
timaada haatan ALLAH ha u keeno anagu waxba qaban weyney'e, sow in aynu niraahno
ma aha?....
Hadda xukuumadii waa dhacday. Xukuumad cusub ayaa la dhisayaa. Xukuumadda
cusub ee la dhisayo ma raadkii hore ayey raceysaa mase raad cusub ayey
qaadeysaa, aan idin weydiiyee... waddada ay mareyso bal idinku sheega... sow idinku
ma tihidin xoghayntii joogtada ahaa (Permanent Secretries), HAA (ayey ku
jawaabeen).. Wasiiradii waa dheceen, wasiiro kale ayaa imanaya, laakiin idinka
ayaa joogto ah, oo idinkaa la rabaa in aad maamulka waddaan. Ninkii wasiirkiisu wax
musuqmaasuqaayo haddii aad qarsato haddee adigaa yaqaan, adiga iyo ALLAH iyo
Wasiirkaaga ayaa yaqaan.
Waxaasi in laga sii shaqeeyo ayey u baahan yihiin. Halkan ayuunbaad
fariisateene "SURVEY" ma samayseen oo dalka ma marteen, mase hadda kaddib ayaad
samayneysaan. Haddii aydinaan degmo kasta tegin, oo gobol kasta tegin oo
mushaakilka oo dhan soo ogaan, oo magaciisii walba soo ogaan, oo meel walba
aydin ka warqabin, waa iska "Theory" waxaad qortaan'e wax rasmi ah ma aha.
Wadaadada ayaa haysta Masaajidda, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada,
ganacsiga, isgaarsiinta....
Tan kale, TACLIINTA YAA INOO HAYA? Tacliinta ma wadaadada xakuma mase
Wasaaradda? Wasaaradda ayaa xukunta (miyaad leedihiin)? Manhaj-kee ayaa laga
dhigaa Iskuulada, yaa leh Ducaaloow?.
Malcaamadaha Qur'aanka, Dugsiyada Hoose iyo Kuwa Dhexe, Dugsiyada Sare,
Jaamacadaha, waxaa haysta Al-Islaax iyo Al-Itixaad iyo Alfatuud iyo magaciisii
ayaa haysta oo wasaaraddii meel ay haysato ma leh.
...nimanku (Wadaadadu) waxay wax ku yihiin wax allaale wixii
dalku lahaa, ama tacliin, ama diin, ama masjid, ama Xawaalad, ama
dhaqaale, ama isgaarsiin (Telecommunication), ama ganacsi, ama fatuud,
ayey gacanta ku haystaane aan gacantooda ka wareejino...
C/Laahi Yuusuf |
Wadaadadu waxay haystaan Masjiddadii, waxay haystaan Waxbarashadii iyo
arrimihii bulshada, waxay haystaan xataa Caafimaadkii, waxay haystaan
ganacsigii, waxay haystaan Isgaarsiintii (Telecommunication), waxay haystaan
Xawaaladahii. Wax Alla wax aan haynaa ma jirto'e, wadaadada sidii laga yeeli
lahaa saakay halaga taliyo. Ma wadaadada ayaa dalka u dawlad ah mase inaga dalka u
dawlad ah. Qorshaha maku soo darteen sidii nimankaas loogala wareegi lahaa
waxaas oo adduun ah, HAA (ayey ku jawaabeen kuwii fadhiyey goobta), maku soo
darteen (HAA.. mar labaad)... Waayahay'e anigu nin ayaan ahay gacan ayaan idinka
siinayaaye, nimanka col ayaan nahay'e, ma i maqleysaan, nimanka aan iska celino,
nimanku waxay wax ku yihiin wax allaale wixii dalku lahaa, ama tacliin, ama
diin, ama masjid, ama Xawaalad, ama dhaqaale, ama isgaarsiin (Telecommunication),
ama ganacsi, ama fatuud, ayey gacanta ku haystaane aan gacantooda ka wareejino,
haddaad rabtaan in ay Soomaaliya noqoto Soomaaliya.
Anigu haddaan intaas iri hadalkii waa iga dhan yahay'e, aad ayaad u mahadsan
tihiin, waana idiin hambalyaynayaa, qorshana waan akhrisan doonaaye, laakiin
waxaa la rabaa wadanka inta loo kala diro dad aqoonyahanno ah oo wax garanaya in
la sii lafa guro oo meel walba waxa looga baahan yahay la ogaado, oo waxa ugu
daran oo hadda ina haysta waa "infrastructure"-kii: waddooyin ma lihin, dekedo ma
lihin, haddii Allah kuu roonyahay'e meel aan marno ma lihin, Garoomo Diyaaradeed
ma lihin (Airoports), magaciisii ma lihin. Haddii aan waxaasu dhisnayn,
"infrastructure" haddii uusan dhisnayn, horta dhaqaale ma laga shaqayn karaa..
(MAYA ayey ku jawaabeen qaar dadkii goobta joogey).. haddee halaga fekero marka. Wixii la qaban karo oo
itaal ah ha lagu dadaalo marka dambe waa iska imaaneysaa'ye.
Dalka intiisa kale waa lagu baahayaa
Waxaas oo dhan waxaa fure (muftaax) u ah waxaa weeye xasiloonida dalka, sidii
aad u tiraahdeen waa runtiin. Hadda qorshe ayaan socda, oo hawl-gallo ayaa socda,
oo xamar hadda waa la nadiifinayaa, oo shabeelayaasha ayaa lagu xejinayaa, oo
dalka intiisa kale waa lagu baahayaa. Xabbad dambe ninkii tuuraa shan
farood ayaa la saarayaa ee ogaada. Amniga marka la xasiliyo markaas armaad
maamulka wadi weydaan.
Waatahay, aniga meel ayaa la iga sugayaa, idinku haddii aad sii fadhiyeysaan
MAANTA DHAN haddii aad fadhidaan Hoolkani diyaar ayuu idiin yahay, haddii aad
hawl kale ledihiina waa idinka. Markii aan baarlamaanku jirin koley waxaa lagu
soo dillaamaa geedka lebiga ah oo xafiiskayga ku hor yaalla, ma aqaan..
magaaladu geedo la harsado ma leh miyaa.?
Halkaas waxaa dhan khudbadii uu C/Laahi Yuusuf ka jeediyey Baydhabo Nov 20,
2007.
Xeel dheereyaal dhinaca siyaasadda ayaa carabka ku adkeynaya
khudbada Madaxweynaha DFKMG in ay dhalinayso, bay leeyihiin, mowjado hor leh oo
dabeylo Caro xambaarsan wata, waxayna mustaqbalka dhalindoonta boqolaall la mid
ah sidii uu ku soo caan baxay Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf, hadalkaanina
ma ahan bay leeyihiin mid Madaxweynuhu uu iska yiri waxayna ahayd kuwa uu in
mudo ah ku taamayey inuu fuliyo, balse la arkidoonee halka ay ku dambeyndoonto.
Halkan ka dhegeyso
khudbadii C/laahi Yuusuf ee Nov 20, 2007 ama
Halkan (mp3)
Waxaa duubay: Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2007
Xildhibaan: Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani
oo eedeymo adag dhakada kaga tuurey Hay’adaha Qaramada Midoobey ee
Soomaliya ka hawlaga. Nov 22, 2007
“MA BAABI’IN
BAA MISE NAFAQEYN?”
Xildhibaan
Sharma’arke Maxamed Xaashi {Gaani} ayaa sheegey in Hay’adaha Qaramada
Midoobey ay u muuqdaan Hogaamiye Kooxeedyo, isagoo taasi sabab uga
dhigay, dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, ayna u soo
daabulaan Raashiin dhacay oo qaarkood sumoobey.
Xildhibaanka oo warqad isoo gaarsiiyey, islamarkaana ku faah faahinaya
arintaas isagoo tusaale u soo qaadanaaya Hay’adda UNICEF qaybteeda
Quudinta Caruurta oo Boorash magaciisa la yiraah “UNIMAX” laguna
sameeyey dalka Kenya culeyskiisana dhan yahay 10kg (Toban kilo-garam)
ayaa lagu quudin jiray ilmaha dadoodu ka yar tahay shan sano laga
bilaabo ilaa 2005tii ilaa sanadkan oo dhan” ayuu si kulul u yiri
Xildhibaan Sharma’arke isagoo markaasi farta ku fiiqaaya in Hay’adaha
Qaramada Midoobey ay halis ku yihiin mustaqbalka Caruurta Soomaaliyeed “
Tan Ma Nafaqeyn baa mise waa Baabi’in” ayuu is weydiiyey Xildhibaanku
wuxuuna muujiyey in tani ay tahay xadgudub la caadeystey oo loo
geysanaayo caruurta Soomaaliyeed... Akhri
qoraalka oo dhamaystiran...
"Dadka Fal-dembiyeedyada Dagaalka ka Geystey Soomaaliya waa in la soo
taago Maxkamadda Caalamiga ah" Sidaas waxaa yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada
Midoobey u qaabislan Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah... Nov 15, 2007
Ergeyga
Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyey si rasmi ah
shaaca uga qaaday sida uu u doonayo in maxkamad caalami ah la soo taago dadka
fal-dembiyeedka dagaalka ka geystey Soomaaliya laga soo bilaabo 1991.
Ergeyga oo arrintaas ka hadlaay waxa uu yiri: Dadka lagu tuhmayo in ay
Soomaaliya ka geysteen fal dembiyeed dagaal (war crimes) waa in la soo
taago maxkamada caalamiga ah (International Criminal Court) ee la saaro
dadka gala fal-dembiyeedyada dagaalka si loo soo afjaro sharci darrada ka jirta
Soomaaliya.
"Dadka (Soomaaliya ka) geysanaya fal-dembiyeedyada dagaalka iyo tacadiyada
weli lama soo taagin maxkamada caalami ah" ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah oo ah
ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya.
"Waxaan u malaynayaa in la soo gaarey waqtigii sharciga caalamiga ah lagu
caawin lahaa Soomaalida," ayuu u sheegay shir jaraa'id oo uu Talaadadii ku
qabtay magaalada Nairobi. Waxana uu sidaas ku noqday ergeygii ugu sareeyey ee
Qaramada midoobey ah ee jagadaas oo kale ka haya oo ku baaqa in maxkamad la soo
taago dadka Soomaaliya ku geytey fal debiyeedyada dagaalka.
Ould-Abdallah waxa uu sheegay in ay tahay in fal dembiyeedkayada dagaalka
laga soo bilaabo 1991 markii dalka Soomaaliya laga saaray Maxamed Siyaad Barre,
oo ay bilaabatay herdankii awoodda.
"Waxaan aaminsanahay caddaalada, si looga dheeraado in aan la ciqaabin (kuwa
fal dembiyeedka dagaalka geystey", ayuu yiri ergeyga Qaramada midoobey kaddib
markii uu saddex maalmood wadahadal la yeeshay madaxweynaha (DFKMG) C/laahi
Yuusuf Axmed, sida ay qortay ha'adda wararka u faafisa dalka Faransiiska ee loo
yaqaan AFP. Akhri Warka oo
dhamaystiran...
Xidlhibaan Sharma'arke Max'ed Xaashi Gaani "Hogaamiye kooxeedyada ka harey
Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey……"
Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk
Baydhabo.
Waraysiga Gaani oo
dhameystiran dhegeyso.
Xidlhibaan Sharma'arke Max'ed Xaashi Gaani oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo
jeeda Gobolada Galgaduud iyo Gedo oo aan kula kulmey Xarunta Baarlamaanka FKMG
ayaa wuxuu yiri: "Hogaamiye Kooxeedyada kali ah ee ka jira dalka Soomaaliya waa Hay'adaha
Qaramada Midoobey ee ka hawlgala dalka Soomaaliya, sababtoo ah wadanka Holand
ayaa Soomaaliya ugu deeqey lacag dhan $7,000,000 ($7 million) oo sare loogu
qaadayo tayada dhinaca waxbarashada, lacagtaasi waxaa loo soo marsiiyey Hay'ada
UNICEF, iyaduna waxay tiri "waxaan idiin dhisaynaa Iskuulo Teendhooyinka ka
sameysan, arintaasina waxaa ka hor yimid oo diidey Wasiirka Wasaaradda
Waxbarashada iyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, waxayna u tageen….
DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha
NGO-ga ee Jooga Soomaaliya
Wasiirka
DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir
"Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si
kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu
si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan
dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay
Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan
aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku
bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale
oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri,
diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo
subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen...
Cadde Muuse oo aad u aammaanay hay'adaha NGO-yada
Feb
19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay
hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in
hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo
arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United
Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen
iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen."
Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka
Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey
hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey
dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa
hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in
ay yihiin madaxweynihii dalka."