Xidlhibaan
Sharma'arke Max'ed Xaashi Gaani "Hogaamiye kooxeedyada ka harey
Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey……"
Waraysiga Gaani
oo dhameystiran dhegeyso. (waraysiga SomaliTalk.com)
Xidlhibaan Sharma'arke Max'ed Xaashi Gaani oo ka mid ah
Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Galgaduud iyo Gedo oo aan kula
kulmey Xarunta Baarlamaanka FKMG ayaa wuxuu yiri:
"Hogaamiye Kooxeedyada kali ah ee ka jira dalka Soomaaliya waa
Hay'adaha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala dalka Soomaaliya,
sababtoo ah wadanka Holand ayaa Soomaaliya ugu deeqey lacag dhan
$7,000,000 ($7 million) oo sare loogu qaadayo tayada dhinaca
waxbarashada, lacagtaasi waxaa loo soo marsiiyey Hay'ada UNICEF,
iyaduna waxay tiri "waxaan idiin dhisaynaa Iskuulo Teendhooyinka ka
sameysan, arintaasina waxaa ka hor yimid oo diidey Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, waxayna
u tageen….
Waraysiga oo
dhameystiran dhegeyso.
Xidlhibaan Sharma'arke Max'ed Xaashi Gaani
Dood kulul oo dhexmartey Xildhibaanada Baarlamaanka, qaybaha
ugu muhiimasan dooda waxay u dhacdey sidan
Dooda oo
dhamaystiran ka dhegeyso halkan....
Kulan ay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha Baarlamaanka Federaalka oo
uu shir gudoominayey Sh.Aadan Madoobe, iyadoo labadiisa kuxigeen ay
ku wehliyaan ayaa kulanka waxaa looga doodadey dhameystirka
qodobadii shirka dibuheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee lagu soo
gebagebeeyey magaalada Muqdsiho bilihii aynu ka soo gudubney ayaa
doodii maanta looga doodey qodobo aad xasaasi u ah, taasoo xubnaha
Baarlamaanka ay ku adkaatey inay si deg deg ah go'aan ay uga
gaaraan, doodii maanta ayaa waxay u dhacdey sedan iyadoo cod ah
dhegeyso.
Dooda oo
dhamaystiran ka dhegeyso halkan....
Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
Banaaanbax ka dhacay Finland
caasimadiisa Helsinki
Bannaanbaxa oo looga soo horjeedo
Xasuuqa waxshinimada ah ee ciidamada Itoobiya ay Ku hayaan qowmiyada
soomaaliyeed ...
Akhri...