- Col. Nuur Cadde oo La Dhaariyey
- Xubno ka tirsan Baarlamaanka oo la sheegay in go'aan laga
gaarayo
Kitaabkii lagu dhaariyey Ra'iisul Wasaaraha cusub ee DFKMG Soomaaliya oo
loo doonay Masaajidka, Khudbadii ugu horeysay oo uu ka jeediyo
Baarlamaanka Ra'iisul Wasaaraha cusub iyo Saxaafadda Puntland qaybo ka
socda oo u xirantahay Madaxtooyada DFKMG.

Ra'iisul Wasaaraha cusub ee DFKMG Col. Nuur
Cadde waxaa baarlamaanka DFKMG ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah: |
Hadalka ka
dhegeyso Khudbadihii Yuusuf & Nuur Cadde iyo dhaartii ama
Halkan (mp3)
Baydhabo, Nov 24, 2007: Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya ayaa Ra'iisul Wasaaraha cusub cod u eg
sharuud ku ansixiyey, kadib markii Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya hadal
gaaban uu halkaasi ka jeediyey ku yiri "ilaa aad ka ansixisaan Ra'iisul
Wasaaraha cusub idin ka tegimaayo, waayo wax aad ku diidaan ma jiro
Ra'iisul Wasaaraha cusub ilaa uu dowlad ka soo dhiso" ayuu yiri
Madaxweynaha DFKMG Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, oo Ra'iisul Wasaaraha
kula dardaarmey dowlada uu soo dhisaayo intooda badan ay ahaadaan
Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe ayaa Baarlamaanka ka
codsadey in cod Aqlabiyad leh lagu Ansixiyo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee
DFKMG Soomaaliya, iyo qaabkii cod bixinta ay u dhacdey..
Dhinaca
kale Qaybaha kala duwan ee Saxaafada ka hawlgasha Gobolka Baay ayaa loo
diidey in ay galaan Hoolka shirarka Baaralamaanka oo ay ka dheceysay
dhaartii Ra'iisul Wasaaraha cusub ee DFKMG Soomaaliya iyo qaybo ka mid
ah Xildhibaanada Baarlamaanka, qaar ka mid ah qaybaha saxaafadda iyo
Xeeldheerayaal dhinaca siyaasada ayaa waxay yiraahdeen, sababaha ugu
wacan ee dagaalka Saxaafadda iyo Xarunta Madaxtooyada waa qaybo ka mid
ah Saxaafadda Puntland oo aan ogoleyn in wararka Xafiiska Madaxtooyada
aan la helin ayey inta badan isku hawlaan".
Hase ahaatee dhaarta
Ra'iisul wasaaraha cusub kadib ayaa waxaad moodaa in xubnaha
Baarlamaanku ay isku aragti ka noqondoonaan dhismaha Golaha wasiiradda
cusub, iyadoo hadal hayanta ugu badan ay tahay marka Golaha Baarlamaanka
la horkeeno Golaha Wasiiradda cusub, intii uusan dhicin kulankii
Baaralamaanka ayaa waxaa la arkaayey qaar ka mid ah xubnaha
Baaralamaanka oo koox koox isula shiraayey, iyagoo qaarkood hadalo kulul
ay kasoo baxayeen, balse la arkidoonee dhismaha Golaha Wasiiradda cusub,
laakiin arintu waxay u muuqataa dibirtii ku dhacdey Geedi mid la mid ah
in lagu sameyndoono, taasoo ahayd markii ugu horeysay ee uu dhisay
Golahiisa wasiiradda uu Baarlamaanku diidey.
Xubno ka tirsan Baarlamaanka oo la sheegay in go'aan laga
gaarayo:
Baarlamaanak DFKMG ayaa laga sheegay in xubno ka
mid ah baarlamaanka si degdeg ah go'aan looga gaaro...
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} SomaliTalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
Bannaanbax
looga soo horjeeday xasuuqa iyo Barakicinta ay Ciidamada
Gumeystaha Itoobiya
kula kacayaan Ummada Soomaaliyeed oo ka
dhacay Magaalada Geneve UN-ka hortiisa.
Akhri/Daawo
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2007
Gen.
Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde,
ra'iisul wasaaraha cusub
Wafti ka socda shirkada Africa Oil Corp ayaa
Gen. Cadde kula kulmay Garoowe...
Akhri...
CNN
oo Warbixin Naxdin leh ka diyaarisay Soomaaliya,
Ciidamada Itobiyana ku
tilmaamay "Ciidamo Kirishtaan ah oo ku jira Dhul
Muslim"....
Halkan ka DAAWO/
dhegeyso
Khudbadii ugu Horeysey
ee Ra'iisul wasaaraha Cusub ee DFKMG iyo waraysi
safiirka DFKMG u fadhiya Shiinaha..
Col.
Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu maanta C/laahi
Yuusuf u magacaabay ra'iisul wasaare ayaa
khudbadiisii ugu horeysay ku balan qaadey inuu soo
dhisi doono Xukuumad cusub oo...
Akhris/dhegeysi...
C/Laahi Yuusuf oo
Xukuumadiisa ku Guubaabiyey sidii ay uga hor tegi
lahaayeen Xawaaladaha iyo WFP... Akhris/cod..