SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Wasiirka Warfaafinta DFKMG Md. Madoobe Nuunow Max’ed “Dowladu lama dhihi karo eeda iyadaa iska leh, ee eeda waxaa iska leh dadka……., xabad shacaka Soomaaliyeed mudo badan ayuu ku jirey xalna ma noqoto”

Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

Wasiirka Warfaafinta DFKMG Md. Madoobe Nuunow Max’ed oo aan wareysi dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya kula yeesahay magaalada Baydhabo, ayaa ka Hadley tan iyo intii uu xilka ka degey Ra’iisul wasaarihii hore Geedi dagaaladii ka soo cusboonaadey Magaalada Muqdisho, caqabadihii la soo gudboonaadey intii ay dowladu jirtey, fikirka uu ka qabo halka laga soo xulayo Magacaabista Xilka Ra’iisul Wasaaraha, xiritaankii Idaacada shabeele iyo arimo kale.

Madoobe Nuunow waxaa uu sheegey “ in dagaalada ka dhacay Magaalada Muqdisho uu aad uga xun yahay, islamarkaana uu uga tacsiyeynayo dhibaatooyinkii soo gaarey shacabka, cid kasta oo arimahaasi ku dhiiraneysa waxaan kula talinaynaa, buu yiri inay ka waantoobaan, Xabada shacaka Soomaaliyeed mudo badan ayuu ku jirey xalna ma noqoto, shacabka Soomaaliyeed taasi waa ku baaba’ed”.

Laakiin Magaalada Baydhabo waxaa soo buux dhaafiyey xubno fara badan oo ka kala socda Beelaha Soomaaliyeed, islamarkaana doonaya xilka Ra’iisul Wasaare nimada iyo Golaha Wasiirada cusub, waxaana si xawli ah uga socda qul qulaya Magaalada Baydhabo Odey dhaqameedyada, Siyaasiinta iyo Aqoon yahanada Beelaha si ay u hantaan qabashada Mas’uuliyada ku dhisan doonis Beeleed iyo dano gaar ahaaneed oo ay ku lifaaqan tahay taageero dowlado shisheeye qarsoon.

  • Wareysi aanu la yeelaney Prof. Buubaa iyo Tirada xilka doonista Wasiirka Koobaad oo sii kordheysa. GUJI HALKAN...

Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2007

Deeq lacageed oo lasoo gaarsiiyay wiil yar oo gacmo la'aan ku dhashay aadna u dhibaateysan.

somaliIsbahaysiga Dib U Xoreynta oo Soomaalida Magaalada Leicester u qabtay kulan balaaran..
.Bannaanbax ka dhici doono Oslo, Norway
.Bayaan kasoobaxay Jaaliyada Sweden
Wararka oo dhan ka akhri halkan.....

nrbiKullan Nairobi ku dhaxmaray Musharax Yusuf Xassan iyo wariyaal Somali ah.. Akhri

 

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com