Deeq lacageed oo lasoo gaarsiiyay wiil yar oo gacmo la'aan ku dhashay
aadna u dhibaateysan.
Deeq lacageed ayaa lasoo gaarsiiyay wiil yar oo lagu magacaabo Cismaan
Xalane Xasan kaasoo gacmo la'aan ku dhashay.
Hooyada dhashay wiilkaan dhibaateysan ayaa sheegtay inay deeq lacageed
soo gaartay, kadib markii dhibaatada wiilkaan lagu faafiyay qaar kamid ah
website-yada Soomaaliyeed.
Waxa ay sheegtay inay Faadumo Cabdicasiis Maxamed oo joogta Talyaaniga
usoo dirtay $150, uguna soo hagaajisay Cabdifitaax Axmed Maxamuud . Waxey
sheegtay inay jiraan dad lasoo xiriiray oo u balan qaaday inay deeqo usoo
diri doonaa.
Waxa ay xustay inay deeqo hore oo kala gadisan ay soo gaareen, iyadoo
Alle ugu bariday dadkii u gargaar inuu Ajir ugu badalo.

Waxey sheegtay inay xaalada caafimaad ee wiilkeeda faraha kasii baxeyso,
iyagoo ugu baaqday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee walaalaheed ah inay garab
qabtaan.
“Cid walba waxaan ka codsanayaa inaysan waxba iga hagran oo ay waxii ii
awoodaan igu kaalmeeyaan si aan gargaar dibadeed aan wiilkeygaan
dhibaateysan aan ugu helo” ayay tiri Hooyada Dhashay CIsmaan Xalane oo aad
ilmeyneysay.
Wiilkaan ayaa aabihiis geeriyooday, waxuuna ku jiraa xiligaan nolal adag,
isagoo ay la dhasheen caruur fara badan oo dhamaantood agoon ah.
Wiilkaan ayaa maalintii ugu yaraan 17 saac oo kamid ah ilmeynaya taasoo
aad walaac u abuurtay, lamana oga waxa haya ee xanuunka ah, dhowr baaritan
ayaa loogu sameeyay magaalada Hargeysa balse dhaqaatiirta ayaa sheegeen
inaan dalka wax looga qaban karin xiligaan una baahan yahay gar gaar deg deg
ah oo dibadeed.
Hadaba walaal muslimoow u gar gaar wiilkaaan dhibaateysan ee aan gacmaha
laheyn.

Ciddii doonaysa inay Gargaar lacageed u soo diraan Wiilkaan gacmo la'aan
ku dhashay ee dhibaateysan, waxaa laga codsanayaa inay ugu soo hagaajiyaan
Cabdifitaax Axmed Maxamuud Tel: 0025224455566 Email:
ugargaar@yahoo.com – Borama -
Somalia