Kullan Nairobi ku dhaxmaray Musharax Yusuf Xassan iyo wariyaal Somali
ah..
Yusuf Xassan
Galanimadii sabtida aheed ee taarikhdu ku aadaneed 10-Nov-07, Yusuf
Xasan oo ah musharaxa u taagan xilka dhildhibaanimada Degmada Islii ee
ay somalidu ku badantahay gaar ahaan isaga oo ka socda xisbiga ODM.
Kullanka oo asaa intiisa badan mid is barasho ah waxa ka soo
qeebgalay wariyaal kala kala socday dhamaan Kheebaha kala duwan ee
warbaahinta Somalia, sidoo kale waxaa ka soo qeebgalay madax ka socotay
ururka warfidiyeenka somaliyeed ee dalka Kenya ee marka la soo gaabiyo
loo qayaano " SOMJAK". Waxaana joogay gudomiyaha iyo afhayeenka
"somjak".

Musharaxa Yusuf Xasan oo markii hore bahda saxaafada aan ka marneen
inta uusan ku soo biirin siyaasada dalka Kenya ayaa waxa uu wariyaasha
halkaasi ku soo xaadiray u u soo jeediyay Qudbad fiican oo wariyaashi ka
soo qeebgalay ay si fiican ooga wada maqsuudeen.
Macluumaad kala duwan ayay is weedaasadeen wariyaasha iyo Yusuf
Xassan, wariyaasha into badana waxa ay muujiyeen sida ay diyaar u yihiin
in ay garab is taagi doonaan musharax Yusuf Xassan, sidoo kale isla
Yusuf waxa uu sameeyay balan qaadyo fara badan dib ayaana loo balamay in
kulllamo danbe ay yeelan doonan bahda saxaafada iyo Yusuf xassan iydoo
dalka Kenya ay ku soo qaxeen wariyaal fara badan..

Musharrax Yusuf Xassan
Dalka Kenya waxaa uu ku jiraa xilli adaga oo doorasho, dhamaana dadka
waxa ay isha ku hayaan cida ay guusha raaci doonto saxdaxda xisbi ee
tartanka doorashada dalka Kenya ku loolamaya ee kala ah ODK, ODK-K iyo
PNU. Ciddii ay guusha raacdana waa la arki doonaa.



Musharax Yusuf Xassan iyo ibraahim da'ud "Gentleman"
ibraahim da'ud "Gentleman"
Nairobi-Kenya