Wareysi aanu la yeelaney Prof. Buubaa iyo Tirada xilka doonista
Wasiirka Koobaad oo sii kordheysa.Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed
macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
Wasiirka Wax-barashada DFKMG Prof. Ismaaciil Max’uud Hure Buubaa oo aan wax
ka weydiiney aragatida uu ka qabo halka laga soo xulayo wasiirka Koobaad, halka
ay ku dambeyndoonaan,waxa uu ku sababaynayo, sida lagu maareyn karo
dhibaatooyinka ka soo cusboonaadey Gobolada Waqooyi Bari ee la baxay Puntland
iyo Gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya oo la baxay Somaliland, Mooshinadii
kala duwanaa ee Baarlamaanka uu soo wadey ee la xisaabtanka xukuumada ahaa halka
ay ku dambeeyaan, waxa u qorsheysan isaga hadii uu xilku Ra’iisul Wasaarenimo ku
guuleysto dhinaca tayada iyo tirada Golaha Wasiirada iyo arimo kale oo dhowr ah.

Buubaa waxaa uu yiri “runtii Ra’iisul wasaaraha waxaa ku haboon in laga soo xulo
Gudaha Baarlamaanka, waayo waxaa haboon in ruux og waxyaabihii la soo marey ee
arimaha ku adkaadey Xukuumada ee la socda, hadii lagu soo dhex tuuro
dhibaatooyinkaas ina dhexyaala waqti dheer bay ku qaadaneysaa, iskadaa wax uu ka
qabto siduu u fahmo ayey ku adkaaneysaa, sidaa awgeed waxaan aad iyo aad u
rajeynayaa in madaxweynuhu cida uu soo magacaabayo ay ahaato ruux uu aad uga
fiirsadey, islamarkaana uu noqdo qof Baarlamaanka ku jira” ayuu yiri Md. Buubaa
oo aan wareysi kula yeeshey magaalada baydhabo oo ah Xununta DFKMG.
Laakiin marka laga reebo inta u tartameysa xilka Ra’iisul Wasaarenimo Md.
Xildhibaan Ismaaciil Max’uud Hure Buubaa ayaa tiradoodu waxay gaareysaa ilaa iyo
7 xubnood, kuwaasoo intooda badan ka soo jeeda Beelaha Hawiye, waxayna isugu
jiraan Xildhibaano iyo kuwo aan Xildhibaano ahayn.
Xubnaha sida aad ah loo cadeynayo ayaa waxay kala yihiin Xildhibaan Max’ed
Max’uud Guuleed{Gacmo dheere}, Xildhibaan Prof. Afrax, Xildhibaan Cali C/llaahi
Cosoble, Prof. Cali Jimcaale Axmed, Prof. Cabdisataar Duubweyne iyo laba xubnood
oo kale oo aan hada si cad magacyadooda aan u helin.
Wararysigii Prof.
Ismaaciil Buubaa osagoo Jooga Baydhabo
- Wasiirka Warfaafinta DFKMG Md. Madoobe Nuunow Max’ed “Dowladu lama dhihi
karo eeda iyadaa iska leh, ee eeda waxaa iska leh dadka……., xabad shacaka
Soomaaliyeed mudo badan ayuu ku jirey xalna ma noqoto”
GUJI HALKAN...
Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
SomaliTalk.com | Nov 14, 2007
Musharixii ugu horeeyey xilka Ra'iisul Wasaarenimada DFKMG oo noqdey
Prof. Buubaa
SomaliTalk.com | Nov 10, 2007
Musharixii ugu horeeyey xilka Ra'iisul Wasaaranimada oo isa soo sharaxa oo
noqdey Xildhibaan Prof.Ismaaciil Max'uud Hure Buubaa ayaa fagaaraha Hoteel
Bakiin ee Magaalada Baydhabo ka sheegey "in xilka Ra'iisul Wasaaraha Soomaliya
aysan Beel keli ah yeelan karin, islamarkaana uu yahay xilkaan mid ay dadku wada
leeyihiin, nidaamka 4.5-kuna la doonayo in Golaha Wasiirada xaga Awood qaysiga
si siman loo qaybsado oo kali ah, balse aysan ahayn mid beel keli ah ay
leedahay" ayuu yiri Xildhibaan Ismaciil Max'uud Hure Buubaa oo hadalkiisa sii
wata ayaa intaa ku darey in isagu uu u ololeynayo sidii Gobolada Woqooyi ee
Soomaaliya ee la baxay Somaliland uu dib ugu soo celinayo, waayo buu yiri waxa
ku kalifey goosashada ayaa waxay ahayd in la tixgelin waayo rabitaankooda.
Prof. Buubaa wuxuu kaloo gaashaanka ku dhuftey in aysan jirin xubin laga keenayo
dibada balse ay buun buuniyaan qaar ka mid warbaahinta.

Mar aan weydiiyey mucaaradka waxa u ka qabanayo hadii uu xilka ku guulaysto ayaa
wuxuu yiri "qorshaheygu waa wadahadal iyo in ruux kasta oo muwaadin ah uu xor u
yahay inuu dalka dib ugu soo noqdo, islamarkaana uu fikirkiisa dhiibankaro,
wuxuu kaloo sheegey Buubaa in Beelaha Soomaaliyeed Xildhibaanadooda uu beel beel
ula kulmidoono, maalmaha soo socda, isagoo ka codsanaya in xilka Ra'iisul
Wasaarenimada loo doorto".

Dhinaca kale Xukuumada cusub ee la soo dhisayo ayaa la hadal hayaa in aysan ka
badnaandoonin 23 Wasiir, halka warar kale ay sjheegayaan in 17 wasiir laga
dhigidoono Golaha Wasiirada, Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo safar
wadatashi ah dalka dibadiisa ugu maqan ayaa warar hoose oo aan ka helnay dhinaca
Madaxtooyada waxay sheegayaan in Ra'iisul Wasaaraha cusub la magacaabi doono
inta u dhexeysa 10-20ka Bishaan aynu ku jirno, inakstoo aan la ogeyn ruuxa uu
magacaabayo Madaxweynaha DFKMG.
SomaliTalk.com | Nov 10, 2007
Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

