SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Isbahaysiga Dib U Xoreynta oo Soomaalida Magaalada Leicester u qabtay kulan balaaran
  • Bannaanbax Looga soo horjeedo Joogitaanka Itoobiya ee dhulka Soomaalida oo ka dhici doono Oslo, Norway
  • Bayaan kasoobaxay Jaaliyada Sweden ay kaga xun yihiin xasuuqa ka socda Muqdisho

Isbahaysiga Dib U Xoreynta oo Soomaalida Magaalada Leicester u qabtay kulan balaaran 10/11/2007

Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Leicester wafdi balaaran oo ka socda Isbahaysiga Dibuxoreynta soomaaliyeed wafdigaas oo kamid ahaayeen xubnaha kala ah kuxigeenka gudoomiyaha fulinta isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliyeed Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Maxamed Cabdi Yuusuf, Cumar Saleebaan, C/naasir , Aamino Warsame kuwaa oo dhamaantood ka tirsan golaha dhexe ee Isbahaysiga Dib u xoreynta Iyo Maxamed Xaashi oo asaga ah xubin golaha dhexe balse degan magaalada Leicester.

Waxaa kale oo qadka taleefoonka uga qayb qaatay Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Soo dhaweynta wafiga iyo marti sharafta kale ee la socotay ayaa waxaa ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Leicester oo eey ka dhex muuqdeen


Mr Said Ali Shire iyo Cabdulaahi Shiikh Muuse. | cumar saleban.

Markii layimid hoolka shirku ka dhacayay ayaa waxaa hadalka soo dhoweynta furay

Mr.Axmed Jaamac oo asagu ku hadlayay magaca dadka Magaalada Leicester oo asagu ka mid ah odayaasha magaalada Leicester waxa uuna ku soo dhaweeyay.

Shiikh Cali Mowliid oo asagu ka yimid magaalada Shiefield ee dalkaan ingiirska oo asagu Halkaa ka soo jeediyay muxaadaro diini ah oo dadkii si aad ah u baraarujisay, taas oo uga hadlayay yaad ku xiranaysaa asagoo tusaale ahaan u soo qaaday Nabi Nuux(cs) , markii asaga iyo wiilkiisa ay kala tageen asagoo sheegay qofkii ilaahay beeniya in bari laga noqdo.Ibraahim (cs) uu bari ka noqday Aabihiis, xitaa waqtigii nabiga (scw) ee asxaabtii ka bari noqdeen eheladooda.

Muxaadaradii shiiqa ka dib waxaa daadihintii shirka halkaa ka bilaabay Said Ali Shire oo ku soo dhaweeyay micrifoonka.

Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf oo asagana ka hadlay sababta dalkeena lagu magaamay runtii Maxamed asagoo ka hadlay taariikh aad u dheer sheegayna laga soo bilaabo ilaa sandkii 1884tii uu dhibka soomaalida si aada u badnaa .

Asagoo sheegay 1884 shirkii baarliin ee Africa lagu qaybsanayay ninkii ingiriiska ahaa oo kahadlay soomaaliya inuu sheegay in soomaalidu eey yihiin dad neceb cadaanka faafahayana oo gaaraya dhulbalaaran marka inay tahay in lakala jarjaro.

Sidoo kale waxa uu aad uaga sheegayay taariikhdii SYL iyo dhibaatooyinkii uu kala horyimid gumaystaha asagoo xusay qaladaadka la galay waagaa inay ka mid ahayd ayadoo leegadu samaysatay labo bug oo kala ahaa buug cad iyo mid madow kaas oo markii danbe dadkii ku qornaa buuga madow la iska cafiyay kaas oo uu keenay heshiiskii aan lala galay talyaaniga kaas oo asaga uu codsaday in la cafiyo dadkii la safnaa.

Asagoo si aad ah ugu dheeraday taariikhdii uu soo maray dowladihii kala duwanaa oo soo maray dalka soomaaliya isagoo xusay in dagaalkii 1977tii lala galay dowlada itoobiya eey nala dagaaleen dhamaan dowladihii west iyo east ayna ka sinaayeen dagaalka nalala galay kan hada socdaana uu kaas la xiriiro micnha ka danbeeyana uu yahay ka soo horjeedka soomaali midoowda oo meel is taagta.

Isagoo xusay in soomaalida qaabkeeda dagaalka uu aad u qaldan yahay marar badan loona baahan yahay inay midoobaan qabyaalada is kaaya dayaan cadowgoodana meel uga soo wada jeedsaan.

Aamino Warsame. Ayadoo ka hadashay taariikhda soomaaliya, ayadoo xustay taariikhda raga iyo dumarka waxay kaloo ka hadashay dhibaatada qabyaalada ku hayso soomaalida.

Cumar Saleebaan.oo ka hadlay sababta loo aas aasay shirkii Asmara isagoo sheegay inay itoobiya 17 sano eey ka shaqaynaysay siday soomaaliya u qabsan lahayd .

Isagoo sheegay inay halkaa isugu yimaadeen dad gaaraya ilaa 400 qof  kuwaas oo isku wada raacay dhaamantood sidii gumaysiga wadanka looga saari lahaa.


Sakariye

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi. Ayaa asna halkaa waxa uu ka soo jeediyay qodbad aad u xiisa badan asagoo sheegay asagoo ka sheegayay istiraatiijiyada ururka iyo meesha uu higsanayo iyo waxa looga fadhiyo inuu qabto ururka .

Mudane Sakariye waxa kale uu sheegay in ururka hada samaystay laba buug oo ah kuwii leegada oo kale oo ah buug cad iyo buug madow qofkii wadanka wax ka xoreeya maanta wadanka in lagu qori doono buug cad kii diidana buuga madow, waxa kale uu sheegay qabiilku inuu yahay laba afle adna lagugu dilayo iyo adna aad wax ku dilayso marka eey mudan tahay in layska daayo qabiilka.

Waxa kale oo halkaa ka haldlay halkaa asagana maxamed xaashi oo asaga ah xubin ka tirsan golaha dhexe balse degan magaalada Leicester .


maxamed cabdi yusuf | maxamed xaashi

Maxamed Xaashi  waxa uu ka hadlay xasuuqa ka dhacaayay magaalada muqdisho maalmahaan u danbeeyay asagoo dadka ka codsaday dadkaa masaakiinta ah in ilaahay loo baryo , mida kale asagoo sheegay in magaalada Leicester looga baahan yahay laba arimood oo looga baahan yahay .

a-in magaalada loo sameeyo barnaamij siyaaseed oo looga dhaadhicinayo MP yada magaalada xasuuqa iyo barakicin ka socota wadankeena sidii looga dhaadhicin lahaa dadka walaaleheen oo muslimiinta ah oo nala degan magaalada.

b- in la helo dhaqaale loo ururiyo dadka walaalaheen oo dhibaataysan ayadoo laga duulayo oo ay tahay in la qaato foomamka membershipka ururka lana buuxiyo laiskuna dhaqaale .

waxaa intaa ka dib asna ka hadlay halkaa Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Asaga qadka taleefoonka uga qayb galay dadkana ku baraarujiyay in si aad ah loogu baahan yahay in soomaalidu midoowda eeyna gumaysigana la dagaalanto iskana xoreyso qof walba oo soomaali ahna eey waajib ku tahay inuu dagaalkaas ka qayb qaato.

Intaa aya shirkii la soo gabagabeeyay waxaana soo xiray oo ka hadlay oo dadkii ka soo qayb galay mahadnaq u jeediay Faarax Diiriye oo asagu ka mid ah odayaasha magaalada Leicester. 

arabey abdi
hashi66@hotmail.com


Bannaanbax Looga soo horjeedo Joogitaanka Itoobiya ee dhulka Soomaalida oo ka dhici doono Oslo, Norway

Waxaa dhamaan la ogaysiinayaa ama lagu wergelinayaa in laqabanayo banaanbax ka dhan ah dawlada USA iyo kaligiis taliska tigreega ah. Banaanbaxaas waxaa lagu diidayaa siyaasada foosha xun ee dalkeena ay ka fulinayaa iyo xasuuqa ka baxsan xuquuqulinsaanka. Dhamaan jaaliyada Soomaalida ee Norway dagen oo dhan Dumarka, Caruurta iyo Ragaba waa inaan loo kala harin maantay. Midkasta oo naga midah hasoo qaato calanka Soomaaliya.

Meesha uu kadhacayo waa Oslo Saacada dheer tareen isteeshinka "Jern bane torget"..
Maalinka 17.11.2007
Saacad Kl:14:30

Mahadsanidiin
Gudoomiyaha Jaaliyada Norway
Ahna wakiilka isbahaysiga din u xoreeynta Soomaaliyeed.
Ali Abdullahi Hassan " Ali Ganey"
Tlf:98241608

Waxaa soo tebisey:
Deqo Hassan | d-hawars@online.no


Bayaan

Bayaan kasoobaxay Jaaliyada Sweden ay kaga xun yihiin xasuuqa ka socda Muqdisho

Waxaa taariikhdu markey ahayd 10 nov 2007 isugu yimid guud ahaan dadka ka kala yimid qaybaha kala duwan ee jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Sweden, shirkaas oo ka dhacay caasimada Stockholm, waxaa kasoo qeyb galey dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden sida Culimaa udiinka, aqoonyahanada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. 

Waxaan aad uga xunahay shacabka Soomaliyeed ee Muslimiinta ah ee lagu xasuuqey dalka Soomaliyeed  gaara ahaan caasimada Muqdisho, ee loogeystey dilka, kufsiga dhaca, barakaca  iwm, waxaana leenahay Ilaahey ha u naxariisto intii ku dhimatey qaraabadii ay ka tageena samir iyo iimaana alaha ka siiyo. Intii ku dhaawacntayna Ilaah ha u fududeeyo. 

Waxaan walaalaha xasuuqa lagu hayo leenahay adkeysta kuna sugnaada jihaadka aad ku jirtaana ilaahey ha idinku sugo. Nasrigiisuna waa qariib insha alaah. 

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaaqaynaa in la la taagero jihaadka ka jiraa Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho lana garab istaagaa walaalaha diidan in la gumeysto, una taagan difaaca diinta, dalka iyo dakooda. 

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaliyeed ee kunool qurbaha sida Yurub iyo America iyo carabahaba in degdeg loola gaaro kaalmo dadka barakacay ee lagu xasuuqaya magaalada Muqdisho. 

Dhinaca kale waxaa lagu dhawaaqey urur cusub oo loogu magac darey ”ururka nabada iyo horumarinta Soomaliyeed” kasoo si toos u taageeri doona ururka Isbeysiga Dib u xoreynta Soomaliyeed ee looga dhawaaqey Magaalada Casmara. Waxana laga guurey magacii hore ee Kacdoonka shacabka loona badeley magacan Cusub. 

Waxaa saxiixey bayaankan: 

  1. Maxamuud Gelle
  2. Maxamud Kulmiye
  3. Abdirisaq Sarcad
  4. Amina Said
  5. Abdulqaadir Yusuf
  6. Abdullahi Sh Said
  7. Abdulqaadir M Soofe
  8. Ali Maxamud
  9. Abdinasir Said Dhoore
  10. Muhiyadiin M Haaji
  11. Ali mohamed Saabuuni
  12. Adan xassan Cali
  13. Maxamed Obsiiye
  14. Hassan Bashir Omar
  15. Abdullahi Hassan Farah
  16. Warsame Elmi
  17. Maxamed Elmi
  18. Maxamed Ali Diiriye
  19. Bashiir Nuur Abdi
  20. Khaliif Shirwac
  21. Abdullahi Macalim
  22. Farax Maxamed Abtidoon
  23. C/Raxmaan Maxamed Biixi
  24. Maxamed Abdi Hassan
  25. Ciise Axmed Ciise
  26. Ali Xersi Kaarshe
  27. Bashir Omar Hassan
  28. Abdulqaadir Soofe
  29. Adan Hassan Ali
  30. Maxamed Cali Jimcaale
  31. Xassan Dhelmey
  32. Cali Abdi Wardhere
  33. Cumar Shukri
  34. Khaliif Xaaji
  35. Maxamud Tarabi
  36. Abdullahi Xaaji Siraad
  37. Abdiraxman Farax Maxamud
  38. Maxamed Saadaq Sheekh
  39. Suldaan Maxamed Suldaan Garyare
  40. Maxamed Ciise guutaale
  41. Liibaan Daahir Nuur
  42. Suldaan Maxamed Xaji Siraad Siraaji
  43. Abdirizak Maxamed Warsame
  44. Daahir Matan
  45. Mursal Mahamud Farah
  46. Ähmed Farax
  47. Yassin Baynax Cali

Yassin Baynax
Baynax2002@hotmail.com

SomaliTalk.com | Nov 12, 2007

 

 

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com